Sunday, 7 February 2010

Xisbiga Kulmiye oo ka Hadlay Qaraxyada


dooro isbeddel kulmiye iyo siilaanyo- maamulka udub ee rayaale ma sii wadikaraa? maya.

Xisbiga Kulmiye oo ka Hadlay Qaraxyada Mudooyinkan ka Dhacayey Magaalada Laascaanood


Waxaynu bilihii ugu dambeeyey la soconaa ammaandaradda kasoo cusboonaatay Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood halkaaso ay qaraxyo isdabajoog ahi ka dhaceen.

Qaraxyadaasi is-dabjooga ahaa waxay sababeen disho iyo dhaawac fara badan oo ku yimiid saraakiil xilal waaweyn ka hayey dawladda iyo shacabweynaba; waxaana soo waajahay shacabweynaha reer Sool argagax , cabsi xoog leh iyo waliba tuhun soo kala dhexgalay shacabka reer Sool iyadoo ilaa hadda aan maxkamad la hor keenin dambiilayaashii falalkaasi aragagixiso geestay.

Waxaa mar marka ka dambaysa soo badanaya qaraxyada laga fulinayo Gobolka Sool kuwaasoo laga hoggaaminayo aaladaha laga hago meelaha fogfog (remote controls), oo ah arrin ku cusub Somaliland.

Shaki kuma jiro in haddii ay qaraxyadani sii socdaan ay u horseedi doonaan Somaliland fidno iyo burbur aad u ballaadhan oo curyaamin kara geedi socodka nabadda, demoqraadiyada iyo xassiloonida aynu maanta hadhsanayno.

Sidaasi daraadeed wuxuu Xisbiga Kulmiye ugu baaqayaa Xisbiyada Qaranka, Xukuumada iyo shacabweynaha inay si wadajira isaga kaashadaan sidii looga hortegin lahaa fidnada ka bilaamatay Sool iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka iyo xassiloonida Jamhuuriydda Somaliland.

Waxaa kaloo uu Xisbiga Kulmiye ku boorinyaa shacabweynaha Somaliland inay ka wada tashadaan sidii gacan adag loogu qaban lahaa cadowga naxariista daran ee kusoo duulay dalkooda.







Wa Billaahi Tawfiiq,





Keyse Xasan Cige

Xoghayaha Guud ee Xisbiga

No comments:

Post a Comment