Friday 19 February 2010

Booliska oo xidhay taageerayaal kulmiye


Hargaisa(iftin news)18/02/2010Waxaan ugu baaqayaa haween weynaha Somaliland iyo ururrada u dooda xuquuqul-insaanka inay saldhigga dhexe tagaan oo gabadhaas xidhan ee meherada shaaha ah haysatay wax loo qabto” “Waxa walaashay lagu eedaynayaa mucaarad ayaad tahay oo maalintii Axmed-Siilaanyo dalka ku soo noqday ee la soo dhaweynayey ayaad taageertay oo calankii KULMIYE ayaad meheraadada saartay”

Saynab Muuse Xasan

“Waxaanan arkayey toddoba askari oo qori dabadii la dhacaya inanta Sahra Muuse Xasan, waxayna noo diideen in aannu aragno siday wax u qabto”

Hooyo Suleekha Cali Xasan


Hargeysa (Jam)- Ciidanka booliska Somaliland ayaa lagu eedeeyey inay si arxan-darro ah u garaaceen, isla markaana xabsiga u taxaabeen shalay gabadh magaceeda la yidhaa Sahra Muuse Xasan oo meherad kuwa shaaha laga cabbo ah ku haysatay dhinaca bari ee maktabadda Masaarida ee ku dhow madaxtooyada, kadib markii sida la sheegay lagu eedeeyey inay taageersan tahay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, meheradeedana laga aflagaadeeyo Madaxweynaha.

Sahra Muuse Xasan oo ah muwaadinad danyar ah oo muddo dheer goobtaas ku haysatay meherada shaaha, ayaa waxa subaxnimadii hore ee shalay weerar ku qaaday cutubyo ka tirsan bilaysku, kuwaas oo si arxan-darro ah ula boobay qoriga dabadiisa, kadib markii ay damacday inay ishortaagto burburin si gaar ah loogu bartilmaameedsaday meheradeeda, kadibna intay xoog ku sareen gaadhiga oo a ilaa hadda ku xidhan tahay, loona diiday dammaanad iyo cid xabsiga ku booqata toona.

Inkasta oo aan si cad loo ogayn sababaha ciidammada bilaysku ugu bartilmaameedsadeen meherada la baabi’iyey, haddana sida ehelada gabadha boolisku garaaceen u sheegeen Jamhuuriya waxa tallaabadani ka dambaysay kadib markii xukuumadda UDUB ka cadhootay haweenaydaas oo iyadoo ku sugan meheradeeda ka qaybqaadatay soo dhoweyntii Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii uu dhowaan ka soo laabtay dalka Maraykanka, isla markaana jidka laamiga ah ee Madaxtooyada hormara isla taagtay calanka xisbiga KULMIYE, iyadoo sida la sheegay tan iyo maalintaas wixii ka dambeeyey ciidammada ammaanka iyo dawladda hoose ee Hargeysa ku hayeen hanjabaado joogto ah oo la xidhiidha inay goobta ka rari doonaan.

Qaar ka mid ah ehelada Sahra Muuse Xasan oo gelinkii dambe ee shalay soo booqday xarunta dhexe ee Jamhuuriya, ayaa ka warramay sida wax u dhaceen iyo arrimaha loo sibir-saaray garaacista iyo xadhigga inantooda oo ay sheegeen inay meherada shaaha ee laga burburiyey ka masruufi jirtay qoys ka kooban 10 qof oo aan meel kale dakhli ka soo gelin.

Saynab Muuse Xasan oo ka xog-warrantay xadhigga walaasheed Sahra Muuse Xasan, ayaa iyada oo murago badani wejigeeda ka muuqato, isla markaana ilmaynaysa, waxay ka sheekaysay dhibaatadda iyo hadimooyinka lagula kacay walaasheed.

“Walaashay oo ilaa 18 sanno ku haystay meherad shaaha lagu kariyo oo ku taal maktabadda Masaarida agteeda oo ay ka masruufi jirtay qoys ka kooban sagaal qof, ayaa maalin dhoweyd Dawladda Hoose ka dumisay meheradihii, dadkii kale ee meheradaha laga dumiyeyna meelo ayaa la dajiyey, markii iyaduna tidhi maxaa aniga meel la ii siin waayey, waxa lagu yidhi kuwaasi amar Madaxweyne ayey ku deggan yihiin, adigana waxa lagaaga dumiyey mucaarad baad tahay.

Maanta [shalay] ayaa alaabteedii iyo iyadiiba la qaaday oo la xidhay, iyada oo saddex jeer oo hore meherada laga dumiyey, waanna la dilay, iyada oo la yidhi waa mucaarad, waxaanay ku xidhan tahay saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa, waanna la naloo diiday in aannu aragno si aannu uga daweyno nabarrada loo geystay, waxaanna naloo diiday in damiin lagu soo daayo.

Waxa walaashay lagu eedaynayaa mucaarad ayaad tahay oo maalintii Axmed-Siilaanyo dalka ku soo noqday ee la soo dhaweynayey ayaad taageertay oo calankii KULMIYE ayaad meheraadada saartay, dabadeedna sidaas ayaa lagaga dumiyey, iyadana lagu dilay oo xabsiga loogu taxaabay,” ayey tidhi Saynab Muuse Xasan.

Suleekha Cali Xasan oo iyaduna ka mid ah qaraabadda gabadha xidha xidhan, ayaa sheegtay in dadka mucaaridka taageeraa ay dhibaato badan kala kulmaan xukuumadda iyo booliska Somaliland, iyada oo xukuumadda madaxaweyne Rayaale ugu baaqday inay dhex u ahaato dadkeeda mucaarid iyo muxaafidba.

Hooyo Suleekha Cali Xasan oo arrintaa ka hadlaysa waxay tidhi; “Annaga oo ah dadkii dalka u dhashay, ayaa waxay dhibaato naga soo gaadhay booliskii dawladdayada, khaasatan kuwa saldhigga dhexe iyo Dawladda Hoose, waxaananu ku qabnaa dhibaato aad iyo aad u badan, waxaanan arkayey toddoba askari oo qori dabadii la dhacaya inanta Sahra Muuse Xasan, waxayna noo diideen in aannu aragno siday wax u qabto, inantaana waxa lagu dilayaa oo la leeyahay KULMIYE ayaad taageertaa, markaa waxaan leeyahay xukuumadda Somaliland inay dadkeeda si siman u maamusho oo ay iskugu mid u noqdaan mucaarad iyo muxaafid iyo inay caddaaladda ka tagto, waxaannu kula talin lahayn inay dadkeeda si siman u maamusho, waayo in qof la eryado, qofna la daayo waa xaaraan.

Waxaan la yaabbanahay sababta xukuumadda Somaliland ka u sarreeya iyo ka hooseeyaa il gaar ah ugu eegeen meherada yar ee inantu shaaha ku kariso ee laga biiliyo qoys ka kooban sagaal qof oo la yidhaa KULMIYE ayaad tahay ee ka kac meesha oo meelna laguuma hayo.”

Waxaan ugu baaqayaa haween weynaha Somaliland iyo ururrada u doodda xuquuqul-insaanka inay saldhigga dhexe tagaan oo gabadhaa xidhan ee meherada shaaha ah haysatay wax loo qabto, lagana shaqeeyo sidii loo sii dayn lahaa.

Waxa kale oo aannu xisbiyada mucaaradka ee magacooda gabadhan dhibta loogu geystay inay si degdeg wax ugu qabtaan oo ay soo eegaan nabarrada ku yaal” ayey yidhaahdeen haweenka qaraabada la ah gabadha ay sheegen in lagu xidhay saldhigga dhexe.

Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Booliska Hargeysa Mr. Maxamed Case oo aannu xalay la xidhiidhnay si aannu wax uga waydiino xadhigga Sahra Muuse Xasan, ayaa sheegay in gabadhaasi u xidhan tahay dawladda hoose, isaga oo xusay in aannu wax war ah ka hayn waxay ka shaqayso, balse uu isaga oo shalay waddada maraya arkay dad ku buuqsan agagaarka maqtabadda Masaarida ee u dhaw madaxtooyadda, markii dambena loo sheegay inay dawladda hoose ee caasimadda iyo dad meherado ganacsi laga dumiyey meesha isku haystaan.



Maayirka Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo isna aanu xalay la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino xadhigga Sahra Muuse Xasan iyo sababta looga dumiyey meherada, ayaanay noo suurtogelin in aanu helno.



Maaha markii u horaysay ee dad taageersan xisbiyada mucaaridku ka cawdaan dhibaatooyin booliska iyo xukuumaddu kula kaceen, iyada oo uu ugu dambeeyey nin curyaan ah oo toddobaadkan boolisku ku xidheen magaalada Togwaaajaale, kaas oo la sheegay inuu ka mid yahay taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.





Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment