Sunday 28 March 2010

Alshabaab iyo Hillary clinton


Hillary Clinton oo sheegtay in Kooxda Alshabaab ay halis ku tahay ammaanka Mareykanka iyo dadka Soomaalida intaba .

Coventry City(Golisnews.com-Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton ayaa waxa ay ku sheegtay Xarakada Alshabaab ee Soomaaliya mid dhibaato ammaan ku ah jiritaankeeda dalka Mareykanka , maadaama uu xiriir kala dhaxeeyo Ururka Alqaacida .


Hillary waxa ay kaloo sheegtay in Alshabaab ay halis ku tahay muwaadiniinta Soomaaliyeed oo lagula dhaqaaqo howlo rabshado leh iyo kutumasho xuquuqdooda ,iyadoo la gooynayo qaar ka mid ah Xubnaha jirkooda , taasina ma ahan ayey tiri wax la aqbali karo.



Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton oo weriyeyaasha kula hadleysay Magaalada Washington gelinkiii dambe ee shalay ayaa waxa ay tilmaantay laga maarmaanshaha in la taageero Xukuumadda KMG ah ee hadda ka jirta dalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo ammaan , loona soo celiyo deganaanshihii Soomaaliya oo ay ka qeyb qaadanayaan beesha caalamka iyo Midowga Africa .



Dowladda Mareykanka ayaa iyadu raadineysa waddo ay kaga taqalusto Xarakadda Alshabaab sida ay sheegayaan ilo wareedyo laga helay Sirdoonka dibadda ee wadankaasi.Hillary Clinton hadalkan markii ay ku dhawaaqeysay ayaa waxaa garab fadhiyay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Robert Gates.



Ilaa iyo hadda ma cadda qorshaha Mareykanka uu la damacsan yahay Soomaaliya , iyadoo lagu wado in cishooyinka soo aadan uu Magaalada Washington uu u safro Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo , halkaasoo lagu wado in kulan uu kula yeesho saraakiisha ammaanka wadankaasi.





Golisnews Suleiman Saeed Kabadhe

Friday 26 March 2010

usama bin laden oo mareykanka u hanjabay


BIN LADEN THREATENS US OVER ALLEGED 9/11 PLOTTER

Osama bin Laden threatened in a new message released Thursday to kill any Americans al-Qaida captures if the U.S. executes the self-professed mastermind of the Sept. 11 attacks or other al-Qaidasuspects.

In the 74-second audiotape aired on Al-Jazeera television, the al-Qaida leader explicitly mentions Khalid Sheik Mohammed, who was captured in Pakistan in 2003. He is the most senior al-Qaida operative in U.S. custody and is currently detained at the U.S. naval base atGuantanamo Bay, Cuba.

In 2008, the U.S. charged Mohammed with murder and war crimes in connection with the Sept. 11, 2001 attacks on the U.S. Pentagon officials have said they will seek the death penalty for him. Four of his fellow plotters are also in custody.

“The White House has expressed its desire to execute them. The day America makes that decision will be the day it has issued a death sentence for any one of you that is taken captive,” Bin Laden said, addressing Americans.

After his March 2003 capture in Pakistan, Mohammed described himself as the architect of numerous terrorism plots and even claimed that “with my blessed right hand,” he had decapitated Wall Street Journal reporter Daniel Pearl. Pearl was found beheaded in Pakistan in 2002.

Mohammed, appearing in June 2008 for the first time since his capture five years earlier, said he would welcome becoming a “martyr” after a judge warned him that he faces the death penalty for his confessed role as mastermind of the Sept. 11 attacks.

“Yes, this is what I wish, to be a martyr for a long time,” he declared.

The U.S. is still considering whether to put Mohammed and the four fellow plotters on military tribunal. The Obama administration is also looking into recommendations for civilian trials, and is expected to announce a decision soon.

Al-Qaida is not known to be holding any Americans captive now. But the Haqqani group — the Pakistan-based Taliban faction closest to al-Qaida — is holding American soldier Pfc. Bowe Bergdahl who was captured in eastern Afghanistan in June 2009. It released a video of him in December.

Bin Laden also said President Barack Obama is following in the footsteps of his predecessor George W. Bushby escalating the war in Afghanistan, being “unjust” to al-Qaida prisoners and supporting Israel in its occupation of Palestinian land.

“The politicians of the White House were and still are wronging us, especially by supporting Israel and occupying our land in Palestine. They think that America, behind oceans, is safe from the wrath of the oppressed, until the reaction was loud and strong in your homeland,” he said of the Sept. 11 attacks. “Equal treatment is only fair. War is a back-and-forth.”

Bin Laden is believed to be hiding somewhere in the rugged, lawless border region between Afghanistan and Pakistan.

The prospect of giving Mohammed and the four fellow plotters a civilian trial in New York City has led to protests by residents and relatives of Sept. 11 victims who fear that such a move could again make the city a terrorism target and that they should instead face a military trial.

Earlier this month, South Carolina Republican Sen. Lindsey Graham said that if Obama agrees to try the five in military tribunals, he will press fellow Republicans to vote to close the Guantanamo Bay prison.

Graham told CBS television’s “Face the Nation” March 7 that reversing Attorney General Eric Holder’s plan to try the suspected terrorists in a civilian court in New York City would be seen as an act of leadership by the public. The White House is reviewing Holder’s plan and no new recommendation has been presented to the president. A decision is not expected for several weeks.
Sources:AFP

Rayaale oo adeegii wax qabad ee Isbitaalka hargeysa Siyaasadeeyay

Hargasya(Ramaas) Mar.25, 2010 - Guddidii Cisbitaalka Guud ee Hargaysa ee todobaadkan madaxwaynuhu kala diray kadib markii uu ku eedeeyay in ay sidii sharcigu ahaa xilkoodii u gudan waayeen oo ay xidhiidhkii ka goosteen wasaaradda caafimaadka iyo shaqada oo xukuumadda uga wakiil ah siyaasadda caafimaadka, ayaa ka hadlay waxqabadkoodii iyo xadgudubyo ay ku eedeeyeen in uu guddida ka galay wasiirkii hore ee Caafimaadka Mudane Cabdi Haybe Maxamed.

Guddoomiyaha guddida madaxa banaan ee cisbitaalka guud ee Hargasya Mudane Maxamed Xuseen Caabi iyo Suldaan Xasan Warsame Shire (Barre) ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargaysa waxay ku sheegeen in ay xilka banaynayaan, hase yeeshee muddadii ay shaqaynayeen oo ahayd muddo toban sannadood ah ay horumar iyo is bedel ku sameeyeen maamulka iyo muuqaalka Cisbitaalka guud ee Hargaysa, wax wayna ay ka badeleen adeegii uu bulshada u hayay.

Guddidani waxay sheegeen in ay dayac tir iyo dib u dhis ballaadhan ku sabeeyeen waadhadhka cisbitaaka guud ee Hargaysa, isla markaana ay ku soo kordhiyeen lix waadh oo cusub oo bukaan jiif ah, qaybta caruurta, qaybta umulaha, qabta dhimirka iyo labaatan qol oo ah kuwa gaarka ah, Istoodh wayn iyo qolka shirarka iyo tababarada.

Guddidu waxay sheegeen in ay si dhamaystiran u qalabeeyeen shan waadh oo kuwa qalliinka ah oo uu ugu deeqay dalka Kuwayd, Mishiin wayn oo ah nooca Oxgen-ka dhaliya, oo isagana uu cisbitaalka ugu deeqay dalka Kuwayd.

Guddidaasi waxa kale oo ay sheegeen in ay Cisbitaalka ku soo kordhiyeen shan gaadhi oo saddex kamidi yihiin Ambalaas, isla markaana ay dawooyin jaban keeneen si cisbitaalku dhaqaale uga helo, waxaanay intaa ku dareen in ay kabeen gunnooyinka shaqaalaha Cisbitaalka, isla markaana tababaro dalka gudihiisa iyo dibadiisaba isugu jiray u direen qaar kamida shaqaalaha isbitaalka.

Guddidu waxay gaashaanka ku dhufteen oo ay iska leexiyeen eedihii Madaxwaynuhu u soo jeediyay ee la xidhiidhay in ay xilkoodii u gudan waayeen sidii sharciga ahayd, waxaanay sheegeen in wasiirkii hore ee Caafimaadku uu guddida iyo cisbitaalkaba ka galay xadgudubyo badan oo ay ka mid ahaayeen bedelkii agaasimihii hore, gaadiidka Cisbitaalka oo uu lambaradii ka bedelay, Dhakhaatiirtii Cisbitaaka oo uu dhex galay qaarna eryay, nidaamkii dawada cisbitaalka oo uu bedelay iyo raashinkii bukaan jiifka ee WFP oo ay ku eedeeyeen in uu dhiniciisa ka istaagay.

Guddidu waxay sheegeen in ay xilkii baneeyeen, isla markaana wixii ay hanti lacageed ay u hayaan Cisbitaalka ay ku wareejin doonaan Hanti dhawraha guud, waxaanay ku dardaarmeen in loo baahan yahay in la ilaaliyo oo aan la xagal daacin nidaamka cisbitaaka u dejisan ee la xidhiidha dhinaca maamulka iyo horumarinta.




Ramaasnews Desk
Hargaysa

booliska burco oo gacanta ku dhigay gabadh laga soo dhacay garoowe

Booliska Togdheer oo Gacanta ku Dhigay Gabadh Yar oo Laga soo Xaday Garoowe
Tuesday, 23 March 2010
Gabadh 13 jir ah oo kooxdii xaday kaga badbaaday xannuun dhinaca beerka ah oo laga helay









Burco (Togdhnews)- Ciidanka booliska magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa shalay gacanta ku dhigay gabadh yar oo la sheegtay in muddo laba bilood ka hor laga soo xaday magaaladda Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland, taasi oo laga soo celiyey dhinaca dalka Itoobiya, kadib markii kooxdii loo geeyey oo baadhitaan caafimaad mariyey ay ka heleen xanuun dhinaca beerka ah.

Sida uu galinkii dambe ee shalay Jamhuuriya u xaqiijiyey madaxa baadhista saldhiga dhexe ee magaaladda Burco Cismaan Warsame Diiriye, waxa boolisku guri ku yaal magaalada Burco ku qabteen inanta yar ee la soo xaday oo la yidhaahdo Nimco Maxamed Xuseen, da’deeduna tahay 13 jir iyo gabadhii haysatay, kuwaasi oo hadda lagu hayo saldhiga dhexe ee Burco.

Madaxa baadhista saldhiga dhexe ee magaalada Burco oo sharaxaad ka bixiyey qaabka boolisku u qabteen inanta la soo xaday iyo haweenayda haysatay, ayaa tilmaamay in dadka xaafadda lagu hayay u soo gudbiyeen booliska, sidaana ay ku qabteen inantan yar iyo gabadhii haysayba.

Sarkaalkan booliska ahi waxa uu intaas ku daray in gaadha yari sheegtay in laga soo xaday Garoowe, isla markaana muddo bil ah ah lagu hayey dhinaca dalka Itoobiya, isaga oo xusay in gabadha yar ay shaybaadh caafimaad mariyeen kooxdii haysatay, kadibna ay ka heleen beer xannuun, sidaana ay isaga soo celiyeen, lana keenay dhinaca magaalada Hargeysa oo looga soo gudbiyey Burco.

Waxa kale oo Sarkaalkani, tilmaamay in gabadhii haysay inantan yar ee boolisku soo qabtay ay sheegtay in saddex dumar ah oo niqaam xidhani ay uga soo dhiibeen magaalada Hargaysa , kuna yidhaaheen Burco gee, isaga oo hadalkiisa ku soo koobay in laanta baadhista dambiya ee booliska Burco kiiskan gacanta ku hayaan, isla markaana baadhitaankiisu socdo.

Haweenayda haysatay inanta yar ee boolisku qabtay, ayaa iyaduna Jamhuuriya u sheegtay in Nimco yar ay Hargaysa uga soo dhiibeen saddex dumar oo niqaaman oo aanay wax aqoon ah u lahayn, balse ay ka codsadeen inay ilaa Burco sii kaxeeyo, kadibna ay gayso biriishka weyn ee Burco agtiisa, sidaana gabadha yari ku garana doonto gurigooda.

Balse, markii ay halkii loo tilmaamay gaysay ay inanta ayri u sheegtay in aanay magaalada kala garanayn, sidaana ay ku haysay.

Sidoo kale Nimco Maxamed Xuseen ayaa Jamhuuriya u xaqiijisay in magaalada Garoowe oo ay walaasheed kula noolayd laga soo ka xaystay muddo hada laga joogo laba bilood, kadib markii gabadh niqaam xidhan oo wejiga xidhatay inta ay sanka wax u saartay soo kaxaysatay.

“Walaashay ayaan kula noolaa magaalada Garoowe, kadibna maalin ayaa waxa ii timi gabadh niqaam xidhan oo aanan garanayn oo inta ay sanka wax ii saartay ayay I kaxaysatay, waxayna I gaysay dalka Itoobiya oo aan ilaa hadda garanayn meesha aan ka joogay, waxaana la iigeeyey carruur badan oo koox dumar ahi hayeen.

Carruurtii meeshay joogtay ayaa maalin shaybaadh caafimaad la wada mariyey, aniga markii la I baadhayna waxa la iga helay beer xannuun, waxayna kooxdii na baadhaysay yidhaahdeen tani way xannuun sanaysaaye inaga celiya, sidaa ayaana la iigu soo celiyey Hargeysa oo markii dambena Burco la ii keenay, aniga aabay waxa uu joogi jiray Xamar, hooyaydayna way dhimatay, waxaanan la joogay walaashay oo aan hadda xaafadeedii karanayo, hadii Garoowe la I geeyo,” ayey tidhi; Nimco Maxamed Xuseen oo ah inanta yar ee laga soo xaday magaalada Garoowe.

Geesta kale waxa Maxkamadda Degmadda Burco hadda ka socdda kiis u dhexeeyalaba qoys oo kasoo kale jeeda Maamul-goboleedkka Punthland iyo Itoobiya, kuwaasoo isku haysta Ilmo Shan jir oo qoyska reer Boosaaso ku doodeen in laga soo xaday Ilamaha balse qoyska Reer Itboobiya oo Oromo ahina ku doodeeninay iyagu dhaleen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmadda Burco, ayaa isaguna hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ka dalbaday inay gacan ka gaystaan sidii Ilmaha looga qaadi lahaa hidasidaha loo yaqaan DNA, si loogu kala saaro labadan qoys.

Tallaabadan lagu xadayo carruurta yaryar amma ay laba qoys isku qabsanayaan ayaa u muuqata kuwo haantan ku soo badanayaa Gobolka Togdheer, mana aha markii koowaad ee kiiskani oo kale ayuu boolisku qabtaan oo ay gacanta ku hayaan.

TogdheerNews..Burco

tartanka xisbiyada ee burco

Maxaa ka soo if-baxay Loolankii Xisbiyadu ku Muujinayeen Cududa Taageerayaashooda Gobolka Togdheer?



Warbixin..Kayse A.Digaale Burco (syl)- Todobaadyadii u dambeeyey, waxa magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheet, laga dheehanayey loolanka siyaasadeed ee saddexda xisbi qaran ka wadaan, kuwaa soo mid kasta dhiniciiga ugu muujinayo cududda taageerayaashiisa uu isku halaynayo doorashadda madaxtooyada.

Wafti ballaadhan oo uu horkacayey guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo uu weheliyo guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa iyagu kala kulmay Burco soo dhaweyntii ugu balladhnayd ee lagu soo dhaweeyo, iyada oo ay u muuqatay in xisbigu taageerayaal badan oo aanu filayn uga soo xeroodeen Togdheer.

Hadaladii uu guddoomiyaha UCID u jeediyey taageerayaashiisa soodhaweeyey, ayaa si weyn dadka u soo jiidatay, kadib markii uu farta ku fiiqay sida xukuumadda Riyaale ula dagaalamayso horumarka gobolka, taasoo uu tusaale u soo qaatay ganacsadaha Carbeed ee mashruuca naaxinta ka waday Burco ee uu madaxweynuhu xabsiga dhigay,kaasoo la sheegay inuu muddo 40 maalmood gaadhaysa xidhan yahay.

Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa farxaddii uu ka qaaday cududda taageerayaashii Burco ku soo dhaweeyey, waxa uu ku dhaqaaqay inuu si dhoollo tus ah isaga iyo guddoomiyaha wakiilladu socod lug tamashlayn ah ku mareen jidadka iyo goobaha bunka laga cabbo ee magaalada Burco, kuwaasoo dadku aad u sallaamayeen.

Sidoo kale, guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno sarsare oo xisbiga ka tirsani, ayaa iyagana si weyn loogu soo dhaweeyey Burco, iyaga oo taageerayaashooda oo isu soo bax ay ku soo dhawaynayaan ku qabtay barxadda xafiiska xisbiga KULMIYE ee Burco.

Xubnaha waftiga KULMIYE ayaa hadalladii ay taageerayaashooda u jeediyeen liishaanka ku saaray dhaliisha xukuumadda iyo siday uga gaabisay wax u qabashada bulshada, isla markaana ku guuldaraysatay beddelaadda lacagta giimbaarta ah ee aafaysay dhaqaalaha gobolka.

Hadalladdii dareenka dadka soo jiitay ee ka mid ahaa khudbaddii Muse Biixi Cabdi, ayaa ahayd mid uu ku sheegay in xisbiyada tartamayaa ay yihiin labada xisbi mucaarad, balse xisbiga UDUB aanay haysan waji uu bulshada cod ku weydiisto.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga tallada haya ee UDUB, ayaa iyaguna Gobolka Togdheer soo gaadhay, kadib markii soo dhaweynta ballaadhan loo soo sameeyey weftiga UCID, masuuliyiintaasi oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha Ololaha doorashooyinka UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi) oo uu wehelinayo Kayse Cali Geedi oo isagu dhawaan ku biiray xisbigaasi UDUB, kadib markii uu ka baxay xisbiga UCID.

Xubnahan ayaa socdaalkooda habeenimada ah lagu tilmaamay mid ka dhashay hinaasaha iyo saska ay ka qaadeen cududda taageerayaasha xisbiga UCID ee ka muuqday magaalada Burco, waxayna culays weyn saareen sidii ay xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiga UCID u hanan lahaayeen, balse ay ku guuldarraysteen.

Inkastoo masuuliyiinta UDUB goob fagaare ah aanay kala hadlin taageerayaashooda, hase yeeshee waxay guul ka dhigteen kooxo dhalinyaro iyo odayaal ah oo ay xafladd soo dhaweyn ah u sameeyeen, kuwaasoo ay ku tilmaameen inay ka soo diga rogteen xisbiyada UCID iyo KULMIYE, Mauuliyiinta UDUB ayaa hadalada ka soo yeedhayay ay ku tilmaamayeen cadhada xoogan ee ay u qabaan UCID, kuna ballanqaadayay sidii ay u dhulka u dhigi lahaayeen Xisbigaasi

Loolankan ismuujineed ee saddexda xisbi qaran mid kastaaba si dadban dhoolatuska u samaynayey, isla markaana miisaanka saarayey inta ay le’eg tahay baaxadda taageerayaashiisu, ayaa soo ifbixiyey cuddudda taageerayaasha xisbiyada mucaaridka ahi ku leeyihiin Gobolka Togdheer, gaar ahaan xisbiga UCID oo dadku aad ula yaabeen taageeradda ballaadan ee uu ka kasbaday reer Togdheer, taasina ay noqotay hadal haynta ugu badan ee todobaadyadii u dambeeyey ka jiray Burco.

Tallabadan sii kordhisay taageerayaasha mucaaridka ee gobolka ayaa la sheegay inay sabab u tahay, arrimo ay ka mid yihiin ganacsatadii xoolaha Burco oo shaqadoodii xukuumaddu u leexisay ganacsade Al-jaaburi, beddelaad la’aanta lacagta giimbaarta ah iyo xadhigga loo gaystay ganacsadihii maalgelinayey mashruuca naaxinta xoolaha ee Burco.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa sababay inay sii yaraato taageeradii xukuumadda iyo xisbiga UDUB ku lahaayeen magaalada Burco.





Jamhuuriya Online

Thursday 25 March 2010

Siilaanyo oo ka hadlay gudiga isbitaalka guud ee Hargeysa oo la kala diray

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku dhaliilay wax-qabad-la’aan iyo tacaddiyo ay kula kacdo shacabka qaarkood. Isla markaana wuxuu ka hadlay kala-dirista Guddida Cusbatalka guud ee Hargeysa.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu ka waramay xaaladda dalka, isla markaana wuxuu dhaliil u jeediyay Xukuumadda. “Maanta dalkeenu marxaladda uu marayo ee uu taagan yahay waynu garanaynaa iyo waqtiga aynu joogno ee aynu u adkaysanay ee dadkii xilku ka saarnaa ee waajibku ahaa inay dalka Doorasho u qabtaan ee ay ahayd inay Dimuqraadiyadda hirgeliyaan ee ay ahayd inay horumarka dalka wax ka qabtaan oo ay caddaaladda sugaan, isla markaana Dhalinyarta Badda isku guraysa ee mustaqbalkoodii lumay ay ahayd inay mustaqbal u samayso oo ay niyadda u dhisto iyo maamulkii iyo dawladdii aynu uga baahnayn inay dadka qanciso oo ay rejo u abuurto oo ay dunida ina dhaadhiciso, waa ta aynu maanta arkayno maalin walba dhalinyaro Xisbiga KULMIYE ah ayay xaafad eryanaysaa oo ay Xabsiga u taxaabaysaa. Waa ta maalin walba xabbadda la dhacaysa, waa ta ay Saxaafaddii ka baxsan wayday, waa ta ay Hagbaddii (Lacagtii) yarayd eeay Haweenku halkaa dhiganayeen ka baxsan wayday.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo maanta ka hadlay Munaasibad loo qabtay taageerayaal cusub oo ku biiray KULMIYE.

Axmed-Siilaanyo waxa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku dhaliilay tallaabo uu Madaxweynuhu ku kala diray Guddida Cusbatalka guud ee Hargeysa. “Waa ta maanta Cusbatalkii Hargeysa ee aynu ogayn waqtigii Dhalinyarta Hargeysa u gurman jireen ee dadku ay dhisi jireen ee halgankii SNM uu ka bilaabmay, waynu ognahay oo waa taa oo markii Madaxtooyadii ka soo horjeedday Cusbatalku ay wax u qaban wayday, guddidii, shacabkii iyo dadkii is-xil qaamay ee dibedda wax uga doontay ee dhaqaalaha dibedda uga soo ururisay ee maamulka wanaagsan u samaysay, waa ta Dawladdii maanta ka takhalustay ee Dhaqaatiirtii caanka ahaa ee dalka iyo umadda wax u qabanayay, waa kuwaa yidhi Shaqadii waanu idinka fadhiisinay, waxna laydiinkama baahna. Kuwa aynu isku hallaynaynaa ee umaddu wax ka sugaysaa (Xukuumadda) waa kuwaa.” Ayuu yidhi Axmed.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha KULMIYE ka hadlay arrimo la xidhiidha Nabadgelyada iyo xasilloonida dalka. Waxaanu yidhi, “In badan waxa nala waydiiyaa oo ay Xukuumaddu isku daydaa had iyo jeer in ay ka dhaadhiciso Umadda in xasilloonida iyo degannaanshaha dalku uu ku xidhan yahay maamulka maanta talada haya. Waa ogtihiin in ay maalin walba dad badan oo Xisbiga KULMIYE ah oo gobollo badan ka tirsan ay xidheen oo ay yidhaahdeen halkan ayay wax ku qarxinayeen oo dhibaato ayay wadeen. Nabadgelyada dadka iyo ilaalintiisa Xisbiga KULMIYE iyo shacabka ayaa cid walba uga lexe-jeclo badan oo ilaalinaya. Waxaanu in badan caddaynay in xasilloonida dalka, dimuqraadiyaddiisa iyo midnimadiisa aanu u ilaalinayno sidii aanu xornimadiisa u ilaalinaynay. Waxaanu ku kalsoonahay in aanu cod iyo ikhtiyaar shacabku leeyahay aanu ku qaadayno.” Ayuu yidhi, waxaanu sheegay in Weftiga ka socda Somaliland ee ku kala sugan Jabuuti iyo Maraykanku ay kala hadlayaan masuuliyiinta ay la kulmaan arrimaha Doorashada Somaliland.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ka hadlay su’aasha ugu badan ee ay dadku waydiiyaan. “Haddii Daahir Rayaale Kaahin iyo maamulkiisu ku kalsoon yihiin inay cod wax ku helayaan oo dadku taageero u hayaan, waxay maraysaa 7 sanno iyo badh inta Doorashadii la qaban waayay, waynu ognahay oo Dunida oo dhan baa isugu keen timi. Maanta Telefoonada ugu badan ee dibedda ka yimaadda waxaanu ka haynaa dadka Doorashadii ma dhacaysaa, goorma ayayse dhacaysaa? Waa qodobka kaliya ee lays waydiinayo. Anagu inta kaliya ee aanu dadka u sheegno iyo kalsoonida aanu ku abuurnaa waxa weeye, Doorashadii way dhacaysaa oo waqtigeedii ayay dhacaysaa, Dawladdana gacanta uguma jirto. Waxaanu leenahay oo aanu uga digaynaa Dawladda in aanay wax dambe oo musuq-maasuq ah oo dhibaato ah oo luggooyo ah ula iman geeddi-socodkaa Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka. Waxaynu maanta ku talo-galaynaa oo aynu sugaynaa oo dhegteenu u taagan tahay waa Guddida Doorashada oo inoo sheegta oo ku dhawaaqda maalinta ay Doorashadu dhici lahayd.” Ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay Axmed-Siilaanyo.

Somaliland.Org

boorama oo dhulgariir ka dhacay

Dhul-gariir xooggan oo caawa laga dareemay magaalada Borama
March 24th, 2010 Comments Off

Borama (Somaliland.Org)- Dhul-gariir xooggan ayaa caawa laga dareemay Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal, taas oo keentay in laga baxo dhammaan Xaafadaha magaalada.

Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Borama ee Xarunta Awdal, Dhul-gariirkan oo caawa abbaaro 7:30 daqiiqo laga dareemay guud ahaan magaalada, ayaa sababay in dhammaan dadku ka baxaan Guryaha iyo dhismayaasha kale ee magaalada. Isla markaana keenay cabsi la soo deristay dadka magaalada ku dhaqan.

Warku wuxuu intaa ku daray in aanu Dhul-gariirkani wax khasaare ah geysan, hase ahaatee, uu ka duwanaa Dhul-gariiradii hore loogu arki jiray magaalada Borama.

Maaha markii u horraysay ee Dhul-gariir laga dareemo magaalada Borama ee Xarunta Awdal, hase ahaatee, hore waxa u jiray Dhul-gariirro kala duwan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Monday 22 March 2010

Friday 19 March 2010

axmed siilaanyo oo magacaabay guddida musdambeedka ololaha doorashada


SIILAANYO OO MAGACAABAY GUDI MIISAAN CULUS LEH OO LAGU XOOJIYEY HOGAANKA URURKA,

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay guddi musdambeedka oo miisaan culus oo lagu xoojinayo hoggaanka xisbiga, kuwaasi oo u xilsaaran taakulaynta iyo dabagalka hawlaha la xidhiidha ololaha doorashadda madaxtooyadda.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal shalay ka soo baxay xarunta dhexe ee KULMIYE oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha xisbiga, isla markaana ah murashaxa u taagan doorashadda madaxtooyadda, kaasi oo u qornaa sedan;

“Maadaama uu soo dhawaaday Ololihii Doorashada Madaxtooyadda, loona baahan yahay Guddi heer Qaran ah oo u xilsaaran taakuleynta iyo dabagalka hawlaha la xidhiidha Ololaha Doorashada, waxaan u magacaabay inay hawshaasi gutaan Xubnahan hoos ku qoran oo lagu xoojinayo Hoggaanka Xisbiga, waxaana ay kala yihiin:-

1. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudd. Ku xigeenka 1aad ee G. Wakiilada

2. Baashe Maxamed Faarax, Gud. Ku Xigeenka 2aad ee G. Wakiilada

3. Jaamac Maxamed Shabeel, Gudd. Golaha Dhexe ee Xisbiga

4. Maxamuud Jaamac Warfaa, Gudd. Ku Xigeenka G. Dhexe

5. Canab Cumar Ileeye, Xog. Haweenka Xisbiga

6. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Gudd. Ololaha Gobollada Bariga

7. Baashe Cabdi Gaboobe, Gudd. Ololaha Gobollada Galbeedka

Guddigan waxa Guddoomiye u ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.”

Jamhuuriya Online

udub iyo kulmiye kee guulesanaaya

Marka hore ilaahaybaa og cidda guuleysaneysa doorashada soo socota ee Somaliland. Kii ilaahay u calfay ayaanu noqonayaa. Ilaahaeyna haynooga dhigo kuu kheyrku ku jiro. Walaw ay muhiim tahay Isbeddelku. Waayo ta ugu yar waxa weeye kan maanta waa la tijaabiyey. Sideed sanadood waa la asqoobey. Mid kale shan kale ha lagu tijaabiyo
Markeynu odorosnu yaa guusha helaaya oo ilaahay ogyahay. Haddana inaku waxeynu miqyaaseynaa bal beelahu sidey u kala taageersanyihiin. Waxaan qiimeynaynaa isbarbardhig doorashadii 2003 iyo ta aynu fileynu in ay dhacdo 2010. Samaroon kulmye waxbaa uga kordhaaya-dinaca maxamed casse. sacadmuuse-kulmiye waxbaa uga kodhaaya-dhinaca jibriil abokor, habaryoonis- kulmiye waxbaa uga kordhaya-gobolka togdheer. Habarjeclo- kulmiye waxbaa uga kordhaaya dhinaca solol madaw iyo muuse abokor. Inta kaleba hadaad sideeda u deysid intaas ayuu ku guuleysanayaa iyo dhallinyarada iyo hooyooyinka oo isbeddel doonaaya. Shaqo la’aaan iyo tahriih uu maamulka udub la kowsaday.
at 12:51
Posted by Somalilandnabad

farxiya kabayare iyo hees cusub

fuaad cumar iyo Farxiya kabayare

Duqayda iyo Waxgaradka Beesha Bahabarceli (Samaroon) ee Boorama iyo Saylac oo ku Dhawaaqay Inay si Buuxda u Taageersan Yihiin KULMIYE

Duqayda iyo Waxgaradka Beesha Bahabarceli (Samaroon) ee Boorama iyo Saylac oo ku Dhawaaqay Inay si Buuxda u Taageersan Yihiin KULMIYE
Boorama (Jam)- Duqayda iyo waxgaradka beesha Bahabarceli [Samaroon] ee ku dhaqan degmooyinka Boorama iyo Saylac iyo degaannada hoosyimaad, ayaa ku dhawaaqay inay beeshoodu taageero buuxda u hayso xisbiga KULMIYE, wax arrintaas iska beddelayna aanay jirin.

Xubno ka mid ah odayada waxgaradka iyo aqoonyahanka beesha Bahabarceli oo deegaanno kala duwan kala soo xidhiidhay wariyaha Jamhuuriya ee gobollada galbeedka Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Habbane, waxay sidoo kale beeniyeen warar sheegayay in xubno beesha ka tirsani ay taageero u muujiyeen xisbiga UDUB, iyaga oo sheegay in arrintaasi ku kooban tahay laba shakhsi oo aan rayigooda gaarka ah beesha ku matalin, xisbiga UDUB iyo beesha Bahabarcelina ay waayo hore kala xidhiidh furteen.

Maxamed Ibraahin Qawrax [Farabadane] oo ka mid ah odayaaasha beesha Bahabarceli ee degaanka Gargooray, ayaa Jamhuuriya u sheegay in beesha BAHABAR CELI ay si buuxda u taageersan tahay xisbiga KULMIYE oo ay horeba u taageersanayeen, waxana hadalkiisa ka mid ahaa; "Dhawaaqa yar ee aad Xariirad ka maqasheen waanu dabagalnay wuxuu ahaa wax ku kooban laba shakhsi, ummadna kuma matali karaan, beesha Bahabarcelina taageeradeeda waa la ogyahay oo waa xisbiga KULMIYE, waxaanunakalsooni buuxda siin doonaa musharrixiinta KULMIYE ee doorashada soo socota Md. Axmed Siilaanyo iyo Eng. Saylici.”

Maxamed Ibraahin Qawrax waxa go’aankan ku weheiyay gudidad odayada beesha ee deegaanka Gargooray oo kala ah Muxumed Madar Wooble [Garbaje], Suge Xirsi Diiriye, Cabdi Warsame Xoosh, Cabaade Cige Faarax iyo Xasan Muxumed Ismaaciil.

Xubno kale waxa iyaguna Jamhuuriya kala soo xidhiidhay degaannada Boon, Xariirad, Ceelbaxay, Fiqi Aadan iyo Sh Awaare ayaa iyaguna ku dhawaaqay in beeshu si buuxda u taageersan tahay xisbiga KULMIYE wax arrintaas iska beddelayna aanay jirin shakhsiyaad iyo beeshuna kala miisaan weyn yihiin.

Abiib Rooble Xoosh oo ka mid ah duqayda beesha ee deegaanka Boon ayaa isaga oo ku hadlayay magaca duqayda Bahabarceli ee ee deegaanka Boob waxa uu yidhi; “Arrinta yar ee soo baxday waa war fakaday oo ay laba nin aqal hoostii ku qoreen, waxaanan ummadda u caddaynaynaa haba yaraatee inaanu jirin wax taageero ah oo ay beeshu u muujisay xisbiga UDUB. Annagu horreyso iyo dambaysaba waxa aanu nahay xisbiga KULMIYE. Waxa hore loo yidhi meel haddii lagu maydho waa lagu qallajistaa, markaa wax ay UDUB noo hayso iyo wax aannu u haynaa midna ma jiro.”

Cali Cabdillaahi Suldaan oo ka mid ah duqayda degaanka Boon ee nala soo xidhiidhay waxa hadalkiisa ka mid ah; "Bulsho iyo laba shakhsi way kala miisaan badan yihin. Waxa la yidhi, hangaraarac lug uma dhutiyo, laba qofna kalsooni beesha ma leexin karaan, waxaanan bayaankayagan ku muujinaynaa inaanu KULMIYE nahay horena KULMIYE u ahayn."

Xubnaha duqayda Bahabarceli ee degaanka Boon nagala soo xidhidhay waxa kale oo ka mid ah Saleebaan X. Muxumed Ibraahin, Rooble Nuur Kadiye iyo Cabdiraxmaan Dixood Malow.

Rooble Nuur Kadiye oo isna nala soo xidhiidhay ayaa sheegay in beesha Bahabarceli ee degaanka Ceel-baxay ay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi; "Waxaannu ka xunnahay shakhsiyaadka ka been abuurtay masiirka beesha Bahabar celi oo hore cid ballan ula gashay ballankaas oo ah xisbiga KULMIYE-na way fulin doontaa, cidda run sheegaysa iyo ka beenta sheegayaana way kala caddaan doontaa, nin soori kaa qaadayna hore ayaa loo yidhi waa nin seefi kaa qaaday."

Intaa kuma koobna ee xubno kale oo fikirkan aaminsan kana cadhooday dhawaaqa xubnaa labada ah ee ay sheegeen ayaa nagala soo xidhiidhay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin xariirad,Fiqi Aadan, Sh. Awaare iyo meelo kale.

Waxa kale oo odayaasha weriyaha Jamhuuriya kala soo xidhiidhay degaanka Xariirad ka mid ah Maxamed Muuse Kaahin, Cabdi Muumin Muuse, Saleebaan Garaad Rooble, Ibraahin Rooble Cabdalle iyo Aadan Cumar Dharaar.

Deegaanka Sh. Awaare waxa isna nagala soo xidhiidhay Caydiid Kaamil Khayre [Furjano], Cismaan Muuse Xoosh, Coofle Jaamac Xoosh, Diiriye Muuse Deheeye.

Deegaanka Fiqi Aadan waxa isna nagala soo xidhiidhay Cabdi Muxumed Qayaad, Cabdi Muumin Kaahin, Saleebaan Xuseen Cumar [Afartaba-qaad], Ibraahin Isaaq Axmed iyo Maxamed Cumar Fariid iyo xubno kale.






Jamhuuriya Online

chief caaqil maxamed daahir cabdi qodax oo si heer qaran ah loogu aasay hargaysa


Hargeisa(Golis)- Alle ah u naxariistee waxaa Maanta oo bishu tahay 17 march 2010 si heer qaran ah loogu aasay magaalada hargeysa jiif caaqil maxamed daahir cabdi(Qodax), kaddib markii oo shalay ku geriyooda magaalada djibuuti ee xarunta dalka Djibouti



Marxuum maxamed Daahir wuxuu beryahan dame u xanuunsaday cudur wadnaha halkaaas oo daaweyn loogu qaaday waxaase dhacay qadar eebe oo aan la baajin karin. jiif caaqil maxamed daahir wuxuu hormood ka ahaa 30kii sanadood ee ugu dambeeyay samaynta taariikhda cusub ee s/land isagoo halgankii ,nabadayntii iyo dib u dhiskii dalkaba qayb laxaadleh ka soo qaatay .
waxaa aaskiisa ka soo qayb galay dadwayne aad u farabadan oo kakala yimi gobolada somaliland gaar ahaan hargaysa iyo togdheer oo ay kamid ahaayeen madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mudane daahir riyaale kaahin ,gudoomiyaha xisbiga kulmiye mudane axmed maxamuud siilaanyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada cabdi casiim maxamed samaale iyo madaxsare oo kamid ah golayaasha iyo axsaabta qaranka

Monday 15 March 2010

xaalada paul iyo rachel chandler

Xaaladda Lammaanaha Ingiriiska ah ee ku af-duuban Soomaaliya ka dib dagaal dhex maray Budhcaddii haysatay
March 14th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in lammaane dhalashadoodu tahay Ingiriis oo Afduub loogu haystay dalka Soomaaliya gabadh la joogtay la la toogtay.

Xildhibaan Nacnac oo maanta u waramay qaar ka mid ah Warbaahinta, waxa uu sheegay in Lammaanahan Ingiriiska ah gabadh la joogtay la toogtay, ka dib markii uu dagaal dhex maray Malleeshiyadii Afduubka u haystay. Waxaanu intaa ku daray in xogtan uu ka helay nin lagu magacaabo Cali Geedow oo ku hadlay Afka Budhcad-Badeedda haysata lammaanahan.

Mudanuhu waxa kale oo uu sheegay in Afhayeenkani aanu wax faahfaahin ah oo intaa dheer ka bixinin xaaladda lammaanahan, hase ahaatee ay ugu war dambaysay markii ay Rasaastu ku dhacday Gabadha. Isla markaana mar uu la xidhiidhay oo isku dayay in uu Khadka Telefoonka ku helo aanay u suurtogalin, ka dib markii uu Afhayeenka Budhcad-Badeeddu ka qaban waayay Telefoonka.

Lammaanahan u dhashay Ingiriiska ayaa shantii bilood ee laga soo gudbay Afduub loogu haystay Koonfurta Soomaaliya, ka dib markii Koox Budhcad Soomaali ahi ay ka afduubeen Xeebaha Jasiiradda Seychelles. Iyaga oo dalbaday Lacag Madax-furasho ah oo ay ka diidday Dawladda Ingiriisku inay bixiso.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail..com







Somaliland.Org HomeArchives Somaliland About us Contact us Calendar ^^© 2008 Somaliland.Org

Sunday 14 March 2010

togdheer iyo banaanbaxii kulmiye


Wafti Balaadhan Oo ka mid ah xisbiga Macaradkaa Ee Kulmiye uu Hogaamanayo Mujaahid Muuse Biixi Oo Soo Gaadhay Magaalada Madaxda Burco Dawo Sawirada

Burco(golisnews.com)-Xubno sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye oo la hadlay taageerayasha xisbiga kulmiye kumanaan taageerayaal ah oo lulaya calanka Xisbiga kulmiye ayaa Maanta isku xeeray Barxada weyn ee ka horaysa Xafiiska guud ee xisbiga ee magaalada Burco. Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga, Muuse Biixi. Waxa uu umahad celiyey sida wanaagsan ee taageerayaasha xisbiga Kulmiye usoo dhaweeyeen waxa kale oo uu sheegay in dawlada hada jirtaa gabtay hawlahooda shaqo isla markaana loo baahan yahay isbedel wax ku ool ah.

Waxa kale uu carabka ku dhuftay taariikhda maguurtada ah ee gobolkani ku leeyahay Somaliland dhinacyada halganka,suugaanta iyo siyaasada. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, “Burco halgan kasta lambar wan ayay ahayd waxaana tusaale kuugu filan taariikhda Sheikh Bashiir oo aad wada garanaysaan.”
Mujaahid Muuse Biixi
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan C\raxmaan Tanyaale oo sheegay in Xisbiga talada haye ee Udub Waxbarashada sare ee Dalka uu siiyo 1.8 milyan doolar halka uu kulmiye siyaasada wasaarada waxbarasha ay tahay 15 boqolkiiba oo udhiganta 10 malyuun oo doolar sanadkiiba. Dhinaca kale, waxa uu xusay Xildhibaan Cabdiraxmaan Tanyaale Gobolada Bariga Somaliland. “Xukuumadu way hagratay Gobolada Bari ee Somaliland. Waxay kaliya oo ay ku wadaa hore socod iyo dib u socod, caga jugalayn, ciidamo dusha laga saaro”, ayuu yidhi Cabdiraxmaan Tanyaale.


Waxaa isaguna goobtani ka hadlay Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo sheegay in cida l a rabo in la Bedelo ahayn shaqsi kaliya balse ay tahay xukuumad fadhiida’. “Cida aan bedelaynaa shaqsi maaha, Daahir Rayaale maaha ee waa maamul xun”, Sidaa ayuu yidhi. Waxaa kale oo uu sheeghay in aan loo dulqaadan karin Shan sano o kale oo Tahriiba ee loo baahan yahay in umada Somaliland hesho shaqo, caafimaad iyo maamul wanaagsan. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, “shan sano oo kale oo tahriiba ah, shaqo la,aana, ictiraaf la,aana miyaan ugu dari karnaa umadeena.”


Taageerayaasha xibiga Kulmiye ee isugu soo ururay barxada ay madaxdani ka hadlaysay ayaa u muuqday qaar sacab iyo damaashaad ugu jabaab celinyaa khudbadaha xubnahan sare ee Kulmiye ka socday.

Waftigan uu hogaminayo Mujaahid Muuse Biixi waa waxa lagu wadaa in uu kulamo faraban la yeesho dhamaanba Madaxda Gobalka Togdheer iyo Salaadiinta Gobalka Togdheer wax garadka iyo aqoon yahanka waxa kaloo iyana barbar tala in uu kulmiyo kulmo ku leyahay Gobalka Togdheer caasimada labaad ee Somaliland Burco waxa baryahan Burco noqotay madasha siyaasada Somalaind oo aad moodo in laga soo raray Hargaysa.


Lama garan karo wafdidani in ay Burco sii joogi doonan iyo in ay u gudbi doonan Gobalada kale ee Bariga Somaliland isku soo wada duboo kulankani waxa uu ahaa Dhoolatus iyo iswaraysi u gara Madaxda Kulmiye iyo taageerayaasha Gobalka rer Togdheer.



Todobaadadii ugu danbeeyey ayaa waxay umuuqatay Burco mid ay ku hirdamayaan madaxda xisbiyada mucaaridka iyo muxaafadka, iyadoo aanay wali komishanku ku dhawaaqin goorta ay bilaabmayso ololaha dooroshooyinka Somaliland.

Thursday 11 March 2010

faysal cali waraabe oo soo gaadhay burco

wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha xisbiga ucid mudane faysal cali waraabe ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda gobolka togdheer ee burco. waftigaas oo u ambabixi doona gobolada bariga soomaalilaand waxaa laga yaabaa inuu waftigaasi joogi doono burco labada maalmood ee soo socda. waxa baryahanba jiray olale ay wadaan xisbiyada mucaaridku ee kulmiye iyo ucid iyagoo doonaaya inay hantaan taageerada shacabwaynaha gobolka togdheer oo aad u hoos ugu dhacayso taageerada xisbiga talada haya ee udub ka dib markii muddo sideed sanadood ah oo ay talada hayeen wax horumar ah oo la taaban karo aanay sameen .

Tuesday 2 March 2010

hees cusub 2010 iyo Ikraan caraale

Wasiirka maaliyada oo warar sheegayaan in xilka laga qaadaayo

Sooyaal News

WAR DEG DEG AH KHILAAF SOO KALA DHEX GALAY WASIIRKA MAALIYADA IYO MADAXWEYNE RIYAALE .

Qilaafkaan ayaa la sheegaya in ay ka dan baysay ka dib markii uu madaxwene Riyaaleuu lunsaday lacagtii maxjarka berbera. wasiirka ayaa eedeyn kulul Dusha ugu tuuray madaxwene Riyaale kadib markii uu lunsaday madaxwene Riyaale miisaaniyadii Lacageed ee maxjarka ber bera taas oo uu sheegay wasiirka in uu jeebkiisa ku shubtay madaxwene RIyaale uusana ku soo darin miisaaniyada . Wasiirka ayaa sidoo kale ku eydeeyay madaxwenaha in ay tahay mid sharci daro ah oo aan la aqbali karin . wasiirka ayaa laga yaabaa eydeentaani in ay u keeni doonto in uu xilkiisii ku waayi doono waxaana ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in wasiirka uu wayi doono xilkiisa goor dhow. balse su'aasha meesha taalo ayaa ah hadii wasiirka xilka laga qaado meesha miyay ku dhamaandoontaa arintaani. madaxwene Riyaale ayaa wali ka hadlin eedyntaani iyadoona la ogsoonyahay in hadii uu madaxwenaha arintaani ka hadlo ay shicibka somaliland ay ku mudaahardi doonaan . lama oga talada uu ka qaadan doono madaxwene Riyaale arintaan iyadoo ay arintaanin ay cirka usii shareerayso. yuusufcumar115@hotmail.
Date: 2010-03-01
Readed 75 Times

Monday 1 March 2010

Dawlada hoose oo qashin ururintii hargeysa ku fashishay

Badhtamaha Hargeysa ma dhexmartay labadii casho ee u dambeeyey? Dabadeedna ma yaabtay!

Hargeysa (Jam)- Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay la ciirciiraysay culays xad-dhaaf ah oo ka dhashay qashin iyo biyo isbiirsaday oo buux-dhaafiyey badi jidadka waaweyn ee magaalada oo halis weyn ugu jirta inay ka dillaacaan cudurrada faafa.

Roobabkii ka da’ayey caasimadda, ayaa daaha ka fayday fadeexado nadaafad-darro culus iyo qashin tiro badan oo buux-dhaafiyey xaafadaha iyo hareeraha jidadka waaweyn ee magaalada, arrimahaas oo qarka u saaran inay sababaan cudurro halis ah oo si fudud u dillaaca.

Qashinka iyo xashiiska tuulan inta badan magaalada ka sakow, waxa labadii casho ee la soo dhaafay dadweynaha lugta ah iyo gaadiidkuba khaati ka taagnaayeen biyo iyo dhiiqo isbarkan oo dul ceegaaga badi jidadka waaweyn ee caasimadda, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah ee dhexmara faras-magaalaha, kuwaasoo oo marka laga yimaad khataraha caafimaad ee ka dhalan kara saamayn weyn ku yeeshay isu-socodka dadka iyo gaadiidka kala duwan.

Guud ahaan jidadka ku yaal badhtamaha caasimadda waxa saddexdii maalmood ee u dambeeyey wadhnaa biyo iyo dhiiqo isku maleelmay oo ka dhashay biyaha roobabka curtay iyo ciiddii tirada badnayd ee laamiyada wadhnaa oo ka dhigay kuwo aan dadka lugta ah mari karin, sidoo kalena dadka gaadiidka wataa dhibaato badan ku haya.

Waxa kaloo roobabka labadii maalmood ee u dambeeyey ka da’ayey magaalada uu dibadda u soo saaray qashin aad u tiro badan oo wadhan hareeraha waddooyinka waaweyn iyo xaafadaha dhexdooda, iyadoo shirkadaha waddaniga ah ee qandaraaska ku haysta nadaafadda iyo fayo-dhawrka caasimaddu ku guuldarraysteen inay Hargeysa ka badbaadiyaan halista caafimaad ee ka dhalan karta saxa-xumada xilli-roobaadyada.

Goobaha sida gaarka ah indhuhu u qabanayaan ee qashinku tuulan yahay waxa ka mid ah jidka wadnaha ee u dhow dugsiga hoose/dhexe Sh. Bashiir ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu yaal xashiish aad u tiro badan oo si fudud u horseedi kara inay ka dhashaan cudurro halis ah, sidoo kalena fool-xumo iyo fadeexad weyn ku ah bilicda caasimadda oo ay shacabka uga wakiil yihiin 25-ka xildhibaan ee golaha degaanka, kuwaasoo dad badani ku tilmaamaan kuwo ku fashilmay hawshii loo doortay.

Sidoo kale, xashiish aad u tiro badan ayaa yaal xaafadaha Hargeysa, gaar ahaan kuwa isku raranta ah ee dadka danyarta ah deggan yihiin, waxana xilligan oo roobkii gu’gu curteen laga cabsi qabaa xaaladda nadaafad-darro ee caasimaddu dhex dabbaalaysaa ay sababaan inay ka dillaacaan xannuunada faafa oo si fudud u aafeeyn kara milyanka qof ee ku nool magaalada.

Dhinaca kale, masuuliyiinta labada shirkadood ee DHIS iyo SABO-WANAAG ee qandaraaska ku haysta nadaafadda iyo hagaajinta bilicda caasimadda oo iyaga laftoodu u muuqda qaar tuurta ku qaatay masuuliyad awoodooda waxqabad ka badan, ayaa kalfadhigii ugu dambeeyey ee Golaha Degaanka Hargeysa waxay kaga dalbadeen in loo kordhiyo kharashka dawladda hoose ku siiso fayo-dhawrka oo ay ku tilmaameen mid aan daboolayn hawshooda, balse codsigaas wax jawaab ah kama bixin goluhu.

Geesta kale, Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin halista caafimaad ee Hargeysa kulaalaysa, arrintaas oo iyana ah fadeexad iyo guuldarro ay la wadaagto dawladda hoose ee caasimadda oo ku fashilantay gudashada waajibaadkii ummaddu u igmatay.





Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend

somaliland iyo salaadiinta

salaadiinta habaryoonis

1. Suldaan maxamad Suldaan Xirsi Qani
2. Suldaan Cusmaan Suldaan Cali madar
3. Suldaan Yusuf Muxumad Xiiray
4. Suldaan Rashiid Cali Ducaale
5. Suldaan Maxamad Xasan Iibraahim
6. Suldaan C/Raxmaan C/Lahi Good
7. Suldaan Cabdi Cawaale Hurre
8. Suldaan Xiis Iismaaciil Abiib
9. Suldaan Xasan Warsame Shire
10.Suldaan Maxamad Suldaan Xasan Bulbul
11.Suldaan Aadam Yusuf Nuur (suulcayn)
12.Suldaan Maxamuud Cabdi C/Laahi
13.Suldaan Cali Cumar Salax
14.Suldaan Mahad Maxamuud Caraj (caraj)
15.Suldaan C/Raxmaan Maxamad Cilmi
16.Boqor Axmad Cali Ducaale (a/dheere)
17.Boqor Maxamad Nuux
18.Suldaan Iid Maxamad SHire
19.Suldaan Siciid Cali Ducaale
20.Suldaan Nuur Farax Xuseen
21.suldaan Maxamad Jamac Ducaale (jikaar)
22.Suldaan Maxamuud Xaaji C/Laahi Xirsi
23.Suldaan Bulbul Cabdi Madoobe
24.Suldaan Saleebaan Cusmaan Xasan
25 Suldaan Maxamad Muxumad Ducaale (golos)

SALADIINTA IYO BOQORADA BEESHA CIDAGALE

1 . Suldaan Maxamad Suldaan Cabdi Qadir.
2. Suldaan Maxamad C/Lahi Xuseen (agalaal)
3. Suldaan Aadam Farax Cumar
4. Suldaan Cali C/KLaahi Ba,ane
5. Boqor Raabi Yusuf C/Laahi


Salaadiinta habarjeclo

1. Suldaan C/Lahi Suldaan Cali Muuse
2. Suldaan Maxamad Cali Maxamed (Maxamed Baqardhe)
3. Suldaan Maxamuud Guleed Mire
4. Suldaan C/Raxmaan Qasim Qodax
5. Suldaan Carab Cabdi Cali
6. Suldaan Siciid Yusuf Ducaale
7. Suldaan Maxamad Xaaji Xuseen
8. Boqor Maxamuud Cali Carab
9. Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Yususf (buurmadaw)
10.suldaan axamed faahiye mire
11.suldaan siciid yusuf xaaji ducaale
12.suldaan madar maxamed ducaale
14. Suldaan Ismaaciil Nuur Wacays (Qude)
15.suldaan maxamed cabdi axmed {warqabe)
16.Suldaan ibraahim cige ismaaciil
17.boqor maxamed jamaca cumar

SALADIINTA IYO BOQORADA BEESHA SACAD MUUSE

1. Suldaan Xasan Suldaan C/Lahi
2. Suldaan Iismaciil Suldaan C/Raxmaan SH Muxumad
3. Suldaan Xasan Suldaan Nuur Asakar
4. Suldaan Axmad Nuur C/Lahi Samale
5. Suldaan Sulub Nuur Warsame
6. Suldaan Iismaaciil Aadam Xirsi
7. Suldaan Xuseen Iismaciil Geele
8. Suldaan Jaamac Cusmaan Aadam
9. Suldaan Xiis Barre Yusuf
10.Suldaan Xasan Maxamad Geele
11.Boqor Muxumad Geele Seed

SALADIINTA IYO BOQORADA BEESHA CIISA MUUSE

1. Suldaan Maxamuud Axmad SHire
2. Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Koshin
3. Suldaan Maxamad Maxamuud Xandulle (indhacase)
4. Suldaan SHariif Batuun


SALADIINTA IYO BOQORADA BEESHA ARAB
1.suldaan maxamed farax(alyar xamu)
hada ama iminka
1. Suldaan Cumar Suldaan Maxamad Suldaan Farax
2. Suldaan Barre Xaaji Xasan Cabdille
3. Suldaan Iibrahim SHire
4. Suldaan Xuseen Xaji Cabdi C/laahi (mataan)
5. Suldaan C/Laahi SHeekh Axmad
6. Suldaan C/Raxmaan Suldaan cali SHagax
7. Boqor Ciise Haybe KHayre

SULDAANKA AYUUB IYO TOLJECLE

1. Suldaan Cali Xuseen Kaahin


SULDAANKA TOLJECLE


2 Suldaan Ahmed Dahir muuse