Monday 12 April 2010

riyaale oo amray in xoog lagu joojiyo ciyaar tartan oo kulmiye koob u dhigay dhallinyaro

Kulmiye ayaa tartan ciyaaraha kubadda cagta ah u qabtay dhallinyarada xaafadaha Hargeysa , halkaas oo Xisbigu dhigay koob weyn iyo direyska ciyaaraha ee kooxda oo isku dhan ah, oo la gudoonsiinaayey ciddii badisa .

Xisbigu intii aanuu bilaabin hawsha ciyaarahaasi, waxa uu fasax ka qaatay oo qoraal siiyey Xidhiidhka Kubadda cagta ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, sidaas ayeyna maalintii shalay tartankaasi ku bilaabmay, oo ciyaartii koowaad lagu qabtay.

Saaka ayaa waxa lagu waaberiistay iyadoo uu wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaruhu leeyahay tartankaas Xisbiga Kulmiye ma qabn karo.

Laakiin looma joojin ee galabta ayaa ciyaartii la furay labadii kooxdoodna garoonkii yimaadeen, waxaan ciyaartii oo socota meeshii yimid todoba tikniko ah oo Booliis ah, waxay isla markiiba rasaas ku fureen dhallinyaradii ciyaaraysay iyo dadweynihii daawanaayey, dadweynihiina dhagaxaanta ayey adeegsadeen, waxaana rasaasi cuskatay CHeif Caaqil Cabdi Iimaan Jaamac cawad oo ay walaalo yihiin Naasir Ayeex oo London degan.

Cunaha ayey dhinaca bidix kaga dhacday Caaqilka , waxana ay ka baxday qadaadka laga xiirto, ilaa imminka waa ladan yahay.

Xaaladuna cirka ayey ku shareeran tahay.

Goobjoog

Friday 9 April 2010

kulmiye sii codkaaga

Dalku Isbedel ayuu u baahanyahay
Waxaynu maanta kala dooraneynaa horumar iyo shan sanadoo oo dambe oo rafaad ah. Waxaynu kala dooraneynaa in aynu kharajka yar ee dalka soo gala aynu daaro dabaqada ah kaga dhisno Paris , shaariqa, iyo afrikada bari oo aynu udub doorano. iyo in aynu ku dhisno gobolada cusub ee oodweyne, gabiley , badhan, baligubadle, caynabo iyo saylac oo aynu kulmiye doorano. Doorashada iyo codkaag u ma sahlana, ee ogaw. In aynu wadada odweyne dhisno waxay ku xidhantahay codkaaga.Waxaa xaqiiqa ah hadaad codkaaga siiso UDUB, waxaa lagaa qaada iyo waxa ummadaha kale ku siiyaanba waxay sii kordhinayaan dabaqyo laga sii dhiso yurub .
Tahriib, shaqo la.aan, ciidamu bilaa darajo ah, lacagta giimbaarta ah ee burco, daryeel la,aan caafimaad iyo waxbarasho. Musumaasaq, cadaalad daro, ganacsi koota, run aan la sheegeyn, wado ciid la dhigaayo , iyo warshad sibidh oo dhagax la dhigaayo waa udub dooro. Intaas oo aynu wax ka qabano wax ka beddelo waa kulmiye dooro. Labadaa wado way kala cadyihiin. Codkagaa oo aad meel khaldan mariso aad mar kale udub doorataa waa naftada oo aad khiyaameysay ama waa garashola,aan.

Saturday 3 April 2010

cismaan kaahin , mulkiilaha Kaah wuxuu muujiyay geesinimo


Xaflad ballaadhan oo lagu muujinayay taageerada wax-ku-oolka ah ee beesha Habar-yoonis u hayso xisbiga KULMIYE, ayaa galabta lagu qabtay Huteelka KAAH ee magaalada Hargeysa.
Xafladan oo ahayd mid si layaab leh loo soo agaasimay, isla makaana sunaami siyaasadeed ku abuurtay xukuumada, ayaa waxa ay isku dayday inay is hortaagto oo ay baajiso, hasayeeshee waay u suurto geliwayday, iyada oo cidaamo badan lagu geedamay Huteelka lagu qabanayay xaflada, taas oo ka dambaysay amar wargelin ah oo uu Taliyaha Booliska Somaliland xalay u gudbiyey mulkiilaha Huteelka.
Waxaana xafladan galabta la qabtay ka soo qaybgalay Gudoomiyaha xisbiga xisbiga KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo, golaha dhexe ee xisbiga, salaadiin, culimo aw diin, aqoonyahano, dhalinayaro, Haween iyo martisharaf aad iyo aad u tiro badan oo ka tirsan Beesha Habar-yoonis.
Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo xaflaas hadal dheer ka jeediyey, ayaa ugu horayn waxa uu uga mahad-celiyey garabyada kala duwan ee Beesha Habar-yoonis ee taageerada cajiibka ah u muujisay xisbiga KULMIYE.
Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Walalayaal dadweynaha aadka u faraha badan ee halkan isuku yimid ee dhalinyaro leh, ee waayeel leh, ee haween leh, ee sida aad iyo aadka u layaabka leh halkan maanta igu soo dhaweeyey waxaan jecelahay inaan mahadnaq balaadhan oo qiimo iyo qaayo leh anigoo ku hadlaya magaca xisbiga hogaankiisa, taaageerayaashiisa dibad iyo gudabna jooga inaan idiin soo jeediyo, waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina qiimaha leh aad iyo aad baan idiinku mahad celinayaa.”
Gudoomiye Siilaanyo waxa kale oo uu u mahad-celiyey mulkiilaha Huteelka KAAH Cismaan Kaahin, “Waxaan kaloo marka ugu horeysa halkan aan jecelahay inaan iyagana qiimo iyo sharaf leh ugu mahadnaqo mulkiilaha huteelkan [KAAH], oo aan ogahay dagaalka iyo dhibaatada la soo mariyey in layska hortaagay huteelkaa aynu arkeyno ee u furtey hawshiisa ganacsi, shaqana u furtey oo uu ummada ugu adeegayo oo uu dhididkiisa ku soo shaqeystey, isaga iyo ragga la qeyrkaba isagoo huteelada kalaba la mid ah, iyadoo la wada ogyahay in kuligood lagu wada qabto xafladaha ama qaar siyaasadeed hanoqdeen ama qaar kale ha noqdaane, ama qaar bulsho ha noqdeenee. Waxaa inta loo yimid la yidhi ‘xafladaa maanta beeshu soo abaabushay ee dhalinyaradu soo abaabushay ee xisbiga kulmiye gudoomiyihiisa loogu qabanayo ma qaban kartid’ oo aanu waraaqdeedii aragney wax la yaab leh weeyaan markey ii timid waraaqdasi taliyaha bileysku soo qorey, oo runtii anigu jecelahay inaan mar walba caado ahaan amaantooda aan badiyo, waayo, waa dad [Booliska] loo tirtey shaqo qaran, waa kuwaa imikaba ina ilaalinaya hawl-nabad-galyo ayey hayaan, hawl qaran bay hayaan, weynu ogeyn markii mudaharaadka la sameynayey, markasta oo hawl la qabanayo in badan oo iyaga ka mida wey inala shaqeeyaan wey jiri doonaan wey joogi doonaan dawladeena, ta ka danbeysa mid walba wey shaqeyn doonaan”
“Waxaa loo dirayaa nabad galayada iyo wada jirka inay ilaashaan, iyo cadaaladda, laakiin aad baanu u soo dhaweyneynaa oo taageero iyo bogaadin mid walba diyaarbaanu ula nahay, laakiin runtii waxaa ayaan darro ah in aanaan taliyaha booliska ka gareysan hadey dawladi amartey iyo hadey cid kale amartey toona in aanu ku gafin xuquuqda ay asxaabtu leedahay iyo xuquuqda bayaac mushtarka ,muwadiintu leeyihiin ee ah iney shirikaraan hudheeladooda kireysan karaan asxaabtu meesha ay doonto, ku shiri karto xafiisyadooda, hudheeladda ku shiraan, taasuna waxa caaddaa tahay iyadoo aan doorashaba la gaadhin ayaa xisbiga udub aad ogtihiin habeen walba ka dawataan tv yada isagoo gobalda oo dhan soo wareegaya, isagoo meel walba qabanaya, maantana waxaa la yidhi xisbiga KULMIYE kuma shiri karo huteel gudihii oo shir kuma qabsan karo bal caqligaa iyo maskaxdaasi halkey ka timi, waxey ka timid ayaan idiin sheegayaa sidii maanta oo aad arkeyseen ummada intaa leeg ee halkan isuku timid deynta qaranka wax la yidhaahdo, wax la waraabinayo oo layidhi luuqadii aad ku hadleyseen ee aad laheydeen libaax dhabtiibuu ku fadhiyaa oo aad maanta hadaad tihiin beesha habar-yoonis oo aad muujiseen anoo aad iyo aad idiinku mahad naqayaa oo idinku bogaadinayaa oo idinku mahad naqayaa dhalinyardiinii dadweynihii ila sodey meel walba oo aad joogtaan odayshiinii,halgamayaashinii, baayac mushtarkiinii iyo culimo aw diinkiina si aad muujiseen dareenka aad qabtaan ee ummada aad ugu horseedka tihiin ee aad muujinaysaan dadka iyo dalka dareenka aad ka leedihiin mustaqbalkiisa iyo aayihiisa sida aad uga warwareysaan, taasaa danta qaranka lagu dhisayey dad indho la’baa ka iibinayey cid dhameystirani ma jirto tii maanta idinkaa ka markhaati kacay, anigu taa waxba ka odhan maayo, waan ogaa marwalba xogogaalbaan ahaa gobonimadaa iyo geesinimadaa in badanbeynu kuwada soconey oo raggan odayaasha is wada agtaaganahay iyo inkaloo ka badani iyo intiin ahalkan fadhidaaba ay ka mid ahayeen waanu ogeyn.” Ayuu yidhi Silaanyo,
Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Walalayaal waxaanu idin leenahay dhalinyarooy, oo ah dadka maanta hawshaa soo abaabuley ee u fara badan waxaan leeyahay dhalinyarooy ballan-baan idinka qaadayaa anaga barnaamijkayaga todobaadkan baanu ku dhawaaqeynaa oo aanu soo saareynaa, way noo dhan tahay waxaan oo hadhey inaan soo bandhigno baa noo hadhey horaa barnaamijkan u laheyn laakin hal-ku-dhigisii, tafashiisii, Waxaana ku jira wixi iaanu dhalinyarada u qabaneyney sida aanu u tirsaneyney dhalinyarada iyo haweenka horaa ayaan anigu u idhi ‘anagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye, anigu hadaan maanta siilaanyo ahey musharax-na ahey dadka cidiba cidbey tirsataa-baa la yidhi, ee anigu inta badan dadka madaxtooyada gaadha matirsado siday doonaan ha ku gaadhaane, waxaan tirsadaa haweenka iyo dhalinyaradu waayo iyagu maaha qaar halkaa taga.”
Gudoomiyuhu waxa uu ku ballanqaaday oo uu yidhi “Waxaan idiin ballanqaadayaa in isbadelka aad sheegteen in uu muuqdo indalkeena iyo dadkeena u baahan yahay, hadaanu xisbiga kulmiye nahay inaanu la nidaamno ayaanu idiinka ballan qaadney, waxaanu idinka ballanqaadney hawlahaa laga waayey dawlada maanta todobada sanno iyo badhka joogtey ee doorsho qaban kari weyday ee xilkii ka soo bixikari weyday, ee ballan qaadyada u qaadeysay gobolada oo dhan hadey wadooyin tahay, hadey ceelal tahay, hadey biyo tahay, hadey wax-qabasho kale tahay-ba. Burco lacagtiibaa laga badeli kari waayey sidii aad sheegeyseen wixii ay balan qaadey mid qudha kamey fulin hadana maanta maxay la timid oo ay odhaneysaa waanu fuliney. hadaynu nabadgalyada ilaashaney, nabad galyda shacabka reer somalilanda in ay ilaashanayaan baynu ognahay, ciidamadeenu waa kuwa imika nabad geliyada dhawraya ee ilaalinaya dalka difacanaya dadkii xoraysatay dalka aya ilaashanaya nabadgelyada, maamulka dawladu ma laha nabbad gelyada maalin walba su’aal baa la weydiiyaa markaan imika dibada wareegayo su’aasha ugu badan ee ley weydiiyaa mida ugu weyn waxaa la yidhaahdaa ‘hadii lagu boobo maxaad yeelaysaa? Afkeyga waxaa laga rabaa inaan yidhaahdo waan dagaalamayaa. Dagaal waa kaynu soo galney waa kii geesiyaasheenu ku dhinteen, waa kii ummad badani ku halagantay, dalkeena dagaal ku badeli mayno.” Ayuu hadalkiisa ku so oaf-meeray Gudoomiye Siilaanyo.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Gudoomiye sooyaalkii nololeed ee ummadan, waayihii dheeraa ee wakhtigan taariikhbaad ku laheyd, waad u soo halgantey, waad u soo haraadey, waad u soo bukootey, waad u soo jabtey, waad soo xilo-keentey oo guulbay ku dhamaatey dalkaa maantaa saanu nahay dhiigaagii iyo dhididkaakiibaa ku maqan. Gudoomiye ka dib waxaa ku xigtey waxa naga xumaadey taas laftigeedu taariikhda ummada qiimo weyn bay u leedahay waayo hadaadan la khaldamin, hadaanad wax ka baran khaladkaaka, haadnad dib u gocan maalintii hore waxaad sameysay ummadi ma noolaato taana qeyb baad ku leedahay wanaagbaad ku leedahay gudoomiye.”
Dr. Gaboose waxa uu intaas hadalkiisa ku ladhay “Kolkii loo gudbay Axsaabta iyo nidaamka dimuquraadiyadeed waxaad muujisay dulkqaad odayeed, waxaad muujiseen adiga iyo xisbiga kulmiye dhamaan ragga halyeyga ah ee kujira iyada oo intaas oo gafa oo maanta ay ugu danbeysay ay idin horyalaan ayaad hadana dulqaad idinka oo dadkiina u lexo-jeclo leh ku soo gudubteen kuna soo xanbaartee. Gudoomiye waa inaad maanta indhahaaga ku aragtey dawladda ayaa mucaaridku dhagaxyada iyo taayirka la gubayo hor dhigi jirey maanta adaa dawlada oo dawladiibaa ku hordhigtey taayiradii. Gudoomiye waxba odhan maayo makhribkiibaa taagan, ardeyda halkan taagani iyo shacbiga intaa tiradda leeg ee taagani maxey u qabteen kulankan? waxay u qabteen kulankan tuhun baa imankara iney maqan yihiin, oo ay ka maqan yihiin xisbiga, waxaa weeyaan kow iney muujiyaan iney joogaan oo ay ku garab joogaan oo ay ku dhisayaan waxaa weeyaan habeen dhaweyto ardeyda mid ka mida oo ila hadlayey wuxuu yidhi ‘waxaan balanqaadaynaa anagoo shiling qaadan inaan albaab walba garaacno si aanu u soo saarno,’ mid kalana wuxuu igu yidhi ‘waxan balanqaadaynaa ardey kasta oo jaamacada ku jira oo hargeysa jooga inaangurigiisa ugu tagno oo shirweyn oo laga yaabo aanu ku wada qabsanojaamacada oo lagugu taageerayo.”
“Gudoomiye jaamacada hargeysa oo sida jaamacado fara badani ah, dhamaantood waxey maanta u kaceen isbedel waad arkeysaa qeylada iyo buuqa iyo huteelka dhibaatadii inagaqabsatey waxaan dadweynaha maanta jooga u soo jeedinayaa mulkiilaha huteelkan isagoo loo qorey waraaq la leeyahay laguma shiri karo hortooda ku yidhi, sababtu wax kale maaha ingiriiskuu ka yimi xuquuqda muwaadinku ayuu garanayaa wuxuu yidhi huteelkaygu waa xor. Gudoomiye markaad madaxweyne noqoto waan hubaa oo waad moqonaysaayee maalintaad qabsatid ha ilaabin Cismaan Kaahin. Gudoomiye halkan horteyda waxaan ku aragney askar fara badan waana u baxay waxaan idhi maxaa maanta daran oo loosoo baxdeen ma waxaa la yidhi soo xidh xidha mayee waxey yidhaahdeeniyagoo baqaya mayee madaxweynahaan kuwii dhibi lahaa ka ilaalineynaamarkaa waa inaad ku tallo gashaa ciidanku inuu ciidan kaa gii yahayshacbigu inuu shacbigaagii yahay ummadu iney ummadaadii tahaydhaqankii wanaagsanaa ee kulmiye lagu yiqaaney ee dulqaadka ahaa inaanwadno ilaa sanduuqa laga gaadhayo.”
Waxa isna xafladaas ka hadlay Maxamed Xasan Dirir oo ka mid ah dhalinyarada ka qalin-jebisay Jaamacadaha dalka, isla markaana ka tirsanaa dhalinyaradii soo qaban-qaabisay xafladaas, “Waxaa farxad ii ah inaan ka qayb-qaato isbedel hormuud u noqdo himiladii ay Ummadaydu ilaa lixdankii u soo halgamaysay ee ay naf iyo maal labadaba u wayday. Saiib darro waxaa noqotay oo aan aad uga xumahay in-badan-na aan dhaleecaynayaa nassiib-darra ay sameeyeen dad maanta talada dalka hayaa ee gartay inay abaabulaan dhalinyaro Taayiro ku gubta waddooyinka, taasina waa wixii uu is-ticmaali jiray taliskii hore ee dhacay [Af-weyne]. Haddii aanu dhalinyarada nahay arrintaa aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa.” Ayuu yidhi Maxamed Xasan Dirir,
Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Waxaan halkan ka sheegayaa haddii in badan la odhan jiray Rayaale waxa uu ku fadhiyaa dhab-Libaax, Liibaaxii wax-baa daarayoo wuu kacay, haddii uu Libaaxu kacana cidda ugu dhaw ayuu ugaadhsigiisa ka bilaabaa.”
Maxamed Xasan waxa uu shaaca ka qaaday in wixii maanta ka dambeeya uu ku biiriyo masraxa siyaasada, “Waxaad moodaa in dhaliyaru ka maqan yihiin saaxada siyaasada Somaliland. Dastuurka Somaliland ayaan maalin dhaweyd akhriyey, waxaan ku arkay in qofka oo reer Somaliland ahi xaq u lee yahay in uu ka qayb-qaado hawlaha siyaasada waddankiisa. Nasiib-darro waxaa ah haddii aanu dhalinyarada inaanu ka maqan nahay saaxada siyaasada, annaga oo ah cududdii wax bedeli lahayd. Halkan waxaan doonayaa inaan uga faa’idaysto oo dhilinyarada reer Somaliland wadda u jeexo, waxaan maanta doonayaa inaan halkan kaga dhawaaqo inaan ahay siyaasigii ugu horeeyey ee da’yar ee u soo ban-baxa masraxa siyaasada Somaliland.” Ayuu yidhi Maxamed Xasan Dirir,
Waxaana uu intaas ku ladhay oo uu yidhi “Siyaasadayda waxaan ku taageeri doonaa xisbiga KULMIYE iyo isbedel dhab ah oo Ummadani hesho. Dhalinyarada reer Somaliland ee da’da yar waxaan ugu baaqayaa ‘waar waxan ina haysta innaga ayaa sabab u ah oo doorana, oo iskuul dhigasho iyo Jaamacado dhigasho nolosheeno ku hagaagi mayso, kuwii [SNM] ay ka midka ahaayeen Lixle, Maxamed Cali iyo masuulka halkan [Siilaanyo] inala fadhiyaa ay ka midka ahaayeen, iyaga oo da’yar ayaad ogaydeen halkanka ay mareen, si aynu maanta halkan isugu wada nimaadno oo aynu nabad ugu wada hadalno, waana ay ku gulaysteen, innaguna waynu ku guulaysan doonaa
Maxamed Xasan waxa uu aad uga foollooday in dalku u baahan yahay isbedel dhab ah si looga baxo mushkukada dalka iyo dadkaba hadheeyey ee ay ka mid ka yihiin musuqmaasuqa, shaqo la’aanta iyo maamul-xumida.
Waxaa isaguna xafladaas ka hadlay Mustafe Maxamed Ibraahim oo ka mid ah dhaliyarada Jaamacadaha ee ka soo jeeda Beesha Habar-yoonis ee taageerada u muujisay xisbiga KULMKIYE, ayaa isaguna hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi “Runtii ujeedada ugu weyn ee aanu xafladan u qabanay waxa weeyaan isbedel. Ummadu sidan ay ku jirto qof kasta oo caqli lihi waxa uu ka firikayaa inay u baahan tahay isbedel, maahmaah carbeed ayaa tidhaahdo ‘xilligii guul-darradu wuu dhamaaday, anna waxa aan idin lee yahay xilligii la sii fadhiyi lahaa wuu dhamaaday. Haddii uu dhab-libaax ku fadhiyi jiray [Rayaale] waynu ka kicinoo dhab Waraabe ayuu ku fadhiyaa.” Ayuu yidhi Mustafe Maxamed Ibraahim.
Waxa uu hoosta ka xiriiqay inay Xukuumada Rayaale ku guul-daraysatay inay wax ka qabato Waddada Oodweyne oo sideed sannadood kolba ballan loo qaadayay, dhismaha biriijka labaad ee caasimada Hargeysa iyo tayaynta hannaanka maamul-wanaaga dalka.
Waxa uu dhalinyarada ugu baaqay oo uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa meeshan [Somaliland] mustaqbalka ugu badan innaga ayaa leh, innaga ayaa doonayna inaynu dalkan wax taransanno, waxaan idin leeyahay dhalinyaroy kuwa dhabarkeena ku jira aynu badbaadino, si aynu berri ka maalin marka aynu isa soo hortaagno aynu weji uga helno.”
Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbiga KULMIYE, oo isna xafladaas ka hadlay, ayaa hadalkiisa ku bilbaabay oo yidhi “Maanta wax ay tahay hiil, calaamad iyo fariin loo dirayo dhamaan Somaliland in isbedel doonkii uu dhan yahay, in maanta KULMIYE dhab yahay, in maanta Somaliland lee dahay sideed sannanood oo la mid ah sideedii hore dooran mayno [xisbiga UDUB].”
Waxaana uu insaa hadalkiisa raaciyey oo uu yidhi “Beel-weynta Habar-yoonis ee maanta halkan isugu timi fariinta ay bixinayaa waxa weeye, waddadii Burco ilaa Hargeysa isku soo xidhaysay ee Oodweyne soo maraysay ee 8 sannadood la balab qaayayay, haddii aynu doorano [xisbiga UDUB] waxa aynu dooranay inaan waddadaas la samayn, taasna yeeli mayno. Haddiini aynu maanta UDUB doorano, waxa aynu dooranay inaan lacagta Giinbaarta ah ee Burco la bedelin, waxa kale oo aynu dooranay in dhulka la iibiyo, Daaraha la iibiyo, oo Paris, Shariqa, Kenya iyo DJabouti guryo laga dhisto, taa dooran mayno.”
Waxaana xafladaas agaasimkeeda qayb-weyn ka qaatay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed [Waabeeye], Xildhibaan Maxamed Nuur Careele [Duur] Eng. Maxamed Jaamac Axmed iyo Maxamed Shukri.