Friday 26 February 2010

Axmed Siilaanyo oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka


Hargeysa (Togdhnews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qiray inay muddo-dhaaftay waqtitgii ay filayeen in lagu dhammeeyo


sixitaanka kala shaandhaynta diiwaangelinta codbixiyayaasha ee mashiinka Serfarka, isla markaana arrintaasi ku hayso welwel hor leh.

Guddoomiye Axmed-siilaanyo waxa uu sheegay in inkasta oo ay socdaan hawlihii u diyaargarowga doorashada oo Komishanku shaqadooda wadaan, haddana cayimaad la’aanta waqtiga ay doorashadu qabsoomayso ay tahay arrin caqabad ah oo ay is waydiinayaan axsaabta iyo shacabkuba. Waxaannu daboolka ka qaaday in muddadii ay ku wadeen in lagu dhammeeyo sixitaanka diiwaangelinta codbixiyayaasha ay dhaaftay, arrintaasina ay wadatashi kala samayn doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Md. Axmed Siilaanyo oo ka hadlayey doorashooyinka iyo rajada laga qabo inay dhakhso u dhacaan, waxa uu sheegay in xisbiyada qaranka iyo dadweynaha reer Somaliland waxa keliya ee ay sugayaan ay tahay doorashada Madaxtooyada inkasta oo aannu weli Komishanku cayimin waqtigii ay dhici lahayd, balse ay socoto hawlihii loogu diyaargaroobayey.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Arrimaha doorashooyinka waynu ogayn oo sidii heshiisku ahaa Guddiga Doorashooyinka iyo hay’adaha la shaqaynayey ee farsamada xagga Serfarka hawlihiisa ku jiray ayaa gacanta ku haya, sida heshiisku ahaa waxa lagu ballamay in aan hawlahaasi axsaabtu farogelin oo dadka gacanta ku haya loo daayo, weli sidii ayaanu kalsooni ugu qabnaa oo aannu leenahay hawshii ha qabtaan, laakiin su’aasha annaga iyo shacabka intiisa badan iswaydiinayaan oo welwelkeedu nagu jiro oo ah ilaa waqtigan maanta ee aynu joogno in aan waqti mucayan ah oo doorashada la qabanayaan ka soo bixin, si kastaba ha ahaatee shacabka iyo annaguba axsaab ahaan waxaannu u diyaargaroobaynaa doorasho.

Waanu ognahay iyadoo dawladdu marka horeba dalka waxba ka qaban oo ay ahayd inay u socoto dalka wax-ka-qabashadiisa, horumarkiisa, caafimaadkiisa, tacliintiisa iyo biyihiisa ayey iminka olole qaadeen oo xisbiga UDUB u socsocday, xisbiga UDUB isagu ma kormeerayo waxay dawladdu qabanayso ee waa shaqadeeda dawladda inay qabato, wixii ummadda wax loogu qaban lahaana waa waxa Xoghayaha Guud ku wareegayo ee uu kharashka ummadda ku bixinayo, waxaannuna u aragnaa mid waqtigiisa laga hordhacayo oo been ah, loona isticmaalayo hay’adaha dawladda qaab aan sharci ahayn.”

“Komishanka doorashooyinku waqtigan xaadirka ah waynu ognahay oo gobollada ayuu wareegayaa oo wuxuu qorayaa shaqaalihii ka hawlgeli lahaa doorashada, waana mid ka mid ah hawlaha u diyaargarowga doorashada, waana arrimo aannu u aragno inay ahayd hawl loo baahnaa in la qabto, waxa qudha ee dhimani ilaa hadda ee muhiimka ahi waxa weeye arrinta Serfarka [mashiinka kala shaandhaynaya dadkii isdiiwaangeliyey], arrintaasi annaga welwel badan bay inagu haysaa runta marka aynu u dhacno, maadaama aan weli wax rasmi ah laga haynin, annagu waqtigii aannu rajaynaynay inay ku dhammaato way ka durugsan tahay, markaa bal waxaannu jecelnahay in aannu Komishanka isku noqono oo arrintaa wax iska waydiino, annaga iyo dadkaba dareenkaasi wuu nagu jiraa, laakiin wax gooni ah iminka ka samayn mayno ee waanu dhawraynaa arrintaa,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda Horyaal iyo telefishanka SSCL.

Guddoomiyuhu waxa uu si adag u cambaareeyey tallaabadaxukuumaddu xabsiga ugu taxaabtay xidhay Mr. Abshir Xasan Xaashi oo ka tirsan KULMIYE, isagoo shaki ka muujiyey waxa masuulkaasi oo hore uga tirsanaan jiray shaqaalaha Madaxtooyadu uu ka hayo Madaxtooyada ee ilaa hadda laga samri la’yahay, maadaama dhawr jeer la xidhay, waxaannu ku baaqay in si degdeg ah xorriyadiisa loogu soo celiyo.

“Wax badan baa socda oo ay maanta ugu dambaysay in madaxdii KULMIYE iyadoo awalba caado ay ahayd in dhallinyaro, dad aan waxba gaysan iyo saxaafadda la xidhxidho, maantana rag madaxdayada ka mid ah oo xisbiga ku jira ayaa shalay [Salaasadii] waxa la xidhay nin KULMIYE ka mid ah oo beri horena Madaxtooyada iyo Madaxweynaha qoyskiisa la shaqayn jiray, markii dambe UDUB ka soo digo-rogtay oo ay tahay markii afraad amma shanaad ee la xidho, taana ummaddu way ogtahay, waxa loo aanaynayaana tahay Madaxtooyada, waxa ninkaasi meesha [Madaxtooyada] ka galayna ummaddu aad iyo aad ayey isku waydiinaysaa, wuxuu u hayey ee uu kaga fadhiyo ee ay tabeen ee meeshaa laga waayey, kana hadhi la’yihiin wax la yaab leh weeye, isagoo wax alle wax uu gaystay aanay jirin, ninkaas xaaska iyo carruurta leh ee aanay jirin cid uu dambi u gaystay. Arrintaa annagu si buuxda ayaanu u dhaleecaynaynaa, waxaannu leenahay waa in si degdeg ah xorriyadiisa loogu soo celiyaa, haddii taa la samaynwaayana tallaabada aannu ka qaadayno waanu ka qaadayno talo ayaanu iskaga noqonaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-siilaanyo.

Mar uu Md. Siilaanyo ka hadlayey siyaasadda arrimaha dibada Somaliland waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay ka midho-dhalin kariwayday inay dunida ka dhaadhiciso qadiyadda Somaliland, isla markaana ay ka xumaato socdaalada xisbiga KULMIYE ku tago dibada oo ah qaar uu xisbigu kaga shaqeeyo sidii Jamhuuriyadda Somaliland ay u heli lahayd aqoonsi, tallaabooyin muhim ahna uu qaaday, iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibada ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah nin aqoonyahan ah oo dunidu dhegaysato uu shirar badan kaga hadlay qadiyadda Somaliland.

Waxa kale oo Guddoomiyuhu cambaareeyey diidmadii Wasiirka Xannaanada Xoolaha Diris Ibraahim Maxamed inuu hortago Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo uu ku tilmaamay in aanay ahayn nidaam dawladnimo, isla markaana xukuumaddii ku amri lahayd inuu golaha hortago ay la ogtahay diidmadiisa.


TogdheerNews



[ Back ]

No comments:

Post a Comment