Thursday 25 February 2010

Waa sidee xaalada madaxweyne kuxigeeka somaliland


Xukuumadda Somaliland oo ka warbixisay xaaladda Caafimaad ee M/weyne-xigeenka
February 25th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka warbixisay xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo muddooyinkii u dambeeyay xaalad Caafimaad u jiifay Cusbatal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo hadda booqasho ku jooga dalka Faransiiska, ayaa sheegay in xaaladda Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ay hadda wanaagsan tahay, isla markaana hadda loo ogol yahay dadku inay booqdaan. Wasiirku wuxuu sidaa ku daray in la filayo in dhawaan uu ka soo baxo Cusbatalka. “Wuxuu yaala Waadh caadi ah oo caafimaadkiisu 100% waa fayow yahay, labadii maalmood ee u dambaysay waxa loo ogolaaday in ay dadku booqan karaan. Caafimaadkiisuna aad buu u wanaagsan yahay oo wuu soo baxayaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xooluhu oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da.

Warkan la xidhiidha xaaladda Caafimaadka ee Madaxweyne-xigeenka, ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii maanta guud ahaan magaalooyinka Somaliland lagu baahiyay in uu geeriyooday Madaxweyne-xigeenku, taas oo ay sidoo kale beeniyeen Madaxtooyada Somaliland oo Warsaxaafadeed arrintaas ka soo saaray.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments:

Post a Comment