Thursday 18 February 2010

xaalada caafimaad ee Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland


Madaxweyne kuxxigeenka Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo dhawaan xaalad caafimaad ugu baxay dalka dibadiisa, isla markaana xanuun dhinaca beerka ah looga qalay cusbitaal la yidhaahdo American hospital oo ku yaala dalka faransiiska xaruntiisa Paris ayaa la sheegay in xaaladiisa caafimaad weli aanay ka soo reynin.
Markii hore waxaa looga talogaley madaxweyne kuxigeenka in lagu daaweeyo Jarmalka. Hase yeeshee duruufo la xidhiidha xagga socdaalka awgeed ayey suuroobi weyday. Labadii maalmoo ee ugu dambeeyey waxa soo wajahday xaalad caafimaad o oculus. Waxaa laga yaabaa in berrito ay ka soo baxaan dalka Somaliland wasiirka xanaanada xoolaha mr. Idris iyo maareyaha dekeda Berbera mr. Cali xoor-xoor si ay uga soo war helaan xaalada madaxweyne xigeenka. Ilaahay caafimaad ha siiyo

No comments:

Post a Comment