Monday 15 February 2010

Masuulka Xisbiga UDUB Gobolka West Midland Ee UK Axmed Cabdilaahi Diiriye Oo Soo Dhaweeyey Baaqii Israel Ay U Jeedisay Somaliland Inay Ku aqoonsanayso

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa



Masuulka Ugu Sareeya Xisbiga UDUB Gobolka West Midland Ee UK Axmed Cabdilaahi Diiriye Oo Soo Dhaweeyey Baaqii Israel Ay U Jeedisay Somaliland Inay Ku Aqoonsanayso

Birmingham (Golisnews.com)-- Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Ee Gobolka West Midland UK Md. Axmed Cabdilaahi Diiriye ayaa noqday masuulkii ugu horeeyey ee ka tirsan xisbiga tallada dalka haya ama siyaasiyiinta Somaliland ee ka jawaaba baaq dhawaan ka soo baxay Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Israel ahna madaxa waaxda afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Israel Mr. Yigal Palmor oo uu ku sheegay siday Golisnews ka soo xigatay wergeyska The Haartz Daily in ay diyaar u yahiin una xiiso qabaan aqoonsiga Somaliland.

Guddoomiyaha UDUB West Midland UK Axmed Cabdilaahi Diiriye wuxuu ku yidhi qoraal saxaafadda loogu tallo gallay oo uu nuqul ka mid ah na soo gaadhsiiyey "umada Somaliland uma af duubna dad gaar ah, iyo dawlado gaar ah cidii ictiraaf naga cawisana saxiib ayaanu ka dhiganaynaa . haday is leeyihiin xaga diinta israil lama xidhiidhi kartaan, waa
been taasi , diinteena muslimka ahi way ogoshahay in aad israel iyo
cidkasta aad xidhidh la samayso, maxaa yelay nabigeenii mahamed (s.c.w)ahaa wuu la sameeyaya xidhiidh bayc mushtari xiligii uu noolaa

Haddaba warsaxafadeedkani Guddoomiyaha Xisbiga UDUB West Midland UK Axmed Cabdilaahi Diiriye oo sidoo kale kaga hadlaayo arrimo badan oo ka hadlaya aqoonsiga Somaliland oo uu soo saaray oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyey xafiiska shabakadda Golisnews ee magaalada Birmingham ayaa isagoo dhamaystiran wuxuu u dhigna sidani:


"Bismilahi rahmaani raxiim, anigoo ku hadlaya magacayga , ka tageerayaasha UDUB West midland, iyo ka shacabaka Somaliland ee jecel somalilandimada iyo nabada iyo horumarka Somaliland , waxaan in yar ka hadlayaa inagoo muddo badan u dabranayn walaalaheena konfureed , oo jeclaysanayay in aanay Somaliland ka go'in Soomaaliya aan see eegayn wax u dan ah dadkooda ku nool koonfurta Soomaaliya badankooda. Maqlayayna ama dhagaysnaya tallooyin qalada oo ay siinayeen in yar oo ka ah Somalia maynoorati ,oo dadka soomaalidana ku haystay
sifo xaaraan ah soddonkii sano ee aynu soo dhaafnay ayaa wax isku
dayaan inay isku diraan beelaha majooradiga Somalia.

xataa soo dhex
galaan Somaliland iyaga oo adeegsanaya sifo qabiil . markaa waxaan odhan lahaa walaalayhayga koonfureed isku taga lugihiina , kana xorooba figradaha dadka danta gaarka lihi idin siinayaan aan noqono laba dawladood oo walalo ah oo wada tashada ,wada shaqeeya xaga amniga ,xag dhaqalaha iyo horumarinta , sidaas awgeed waxaa fiican in madaxwayna Somalia mudane shariif uu ku dhawaaqo inuu citiraafsan yahay Somaliland inay tahay dawlad ka madax banan Somalia taasi oo aad ka heli doonto tageero walaaltinimo walaalayaga Somaliland .



Ta kale waxaan odhan lahaa Somaliland masuuliyiinta xisbiyada sida kulmiye iyo ucid inay ka shaqeeyaan somalilanimada iyo sidii ay Somaliland citaraaf u heli lahayd . iskana dhafaan kursi jacaykan iyo wax kasta oo amaanka khakhalinaya iyo isku duubnida Somaliland taasi oo ay ku kasban karaan shacabka Somaliland



Tusaale ahaan maanta waxaa inoo diyaar ah inay ina icitiraafto israil ,lakiin ma hayso masuul kaliya oo u tagay ma garanayo wax ay ka baqayaan. umada Somaliland uma af duubna dada garaar ah, iyo dawlado gaar ah cidii ictiraaf iga cawisa ayaan saxiib kala dhiganayaa . haday is leeyihiin xaga diinta israil lama xidhiidhi kartaan, waa
been taasi , diinteen muslimka ahi way ogoshahay in aad isril iyo
cidkasta aad xidhidh la samayso, maxaa yelay nabigeenii mahamed (s.c.w)ahaa wuu la sameeyaya xidhiidh bayc mushtari xiligii uu noolaa ( n.n.k.h.h}. markaa maxaad adigu u diiday iyagoo kuu fidiyay gacmo furan iyo icitiraaf iyo xidhiidh wacan ahaan kuwii ugu hore yay ee 1960 markii Somaliland ka qaatatay boqorooyadii ingiriiska xoriyadood citiraafay markaa waxaan odha laah



Masuuliyiinta Somaliland dawlada iyo xisbiyadaba xoriyada dhiig baa ku daatay hanti farabadan baa ku baa'baday, hooyooyin badan baa ku waayay wiilashoodii , qaar
badan baa ku nafoobay , waqti badan baa ku lumay, markaan leeyahay cayka
uma jeedo s.n.m oo kaliya laakiin waa umada Somaliland oo dhan .



waxaa odhan karaa mujahidka ugu wayn ee Somaliland waa madaxwaynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale kaahin ,oo isaga xorriyada iyo maamul wanaaga iyo hormoodka dimuqraadiyadda somaliland dareed loo soo weeraray, la doonaayayna in la qarxiyo oo la dilo isaga iyo qoyskiisaba 29 OKTOBAR 2008 kuma ayay taasi ku dhacday ? alxamdu li lahi rabil calimiin alaa bad baadiyey



Dadk a donayay inay dilaan argagaxisada alshabab waa kuwa ka xun hor u marka Somaliland iyo sida daacad ah ee uu ugu shaqaynayo isaga iyo dawladiisuba umadiisa waa argagixsada aan uga digayo walaalahayaga koonfureed, ee aan leeyahay yanay caqligiin ku shaqaysan iyagoo shadh Somali xidhan . waa kuwa aan leeyaha madaxwayne shariif yaanay isticimalin caligaga iyo awoodada ee iska dhigaya kuwo kuu danaynaya ee ay ka midka yahiin wasiirada kula shaqayna balse bohol kugu ridaya iskuna dayaya inuu idin kala dilo ehlusuna waljamac iyo dadkaga ku cawinaya kuna leh Somaliland ma go'i karto ,taasi maaha mid iyaga u dan ah . waxaan kuugu baaqaya shariifow inaad horseedo khariirad labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya u kala qaataan xornimadooda ee aan la noqon i jiid aan ku jiido eh.

Saleeban Siciid Kabadhe

Golisnews, Birmingham

info@golisnews.com

No comments:

Post a Comment