Showing posts with label war(golis). Show all posts
Showing posts with label war(golis). Show all posts

Thursday, 18 February 2010

Rayaale iyo safiirka masar

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa



Hargeysa (Golisnews.com)-- Ninka safiirka uga ah dalka Masar magaalada Nairobi ayaa markii labaad wuxuu todobaadkii hore ku celiyey hadal lagu duraayey qaddiyadda madax banaanida, gooni isku taagga iyo jiritaanka Somaliland oo uu ku tilmaamay inaanay ahayn wax jira oo ay u aqoonsanyahiin Somaliland gobol ka mid ah Soomaaliya isagoo weliba kaga darane ninkaasi Safiirka Masar ka hadlaayey shir haayadaha qaramada midoobay ku qabsadeen magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa oo lagaga hadlaayey deeqaha beesha caalamku usoo mariso qaramada midoobay Somaliland.

Warar xogogaal ah oo shabakadda Golisnews ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Rayaale uu shir kula yeeshay xarunta madaxtooyada afar wasiir oo ka tirsan xukuumadiisa oo kala ah wasiirka arrimaha dibadda C/laahi Maxamed Ducaale, Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale, Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir iyo duulista hawada Cali Maxamed Warancadde.

Kulanka wasiiradda iyo Madaxweyne Rayaale ayaa la sheegaya inuu nuxurkiisu ahaa sidii ay xukuumaddu uga aamusi lahayd hadalka ka soo baxay ninka safiirka uga ah dalka Masar Nairobi ee u waxba kama jiraanka kaga dhigaayey qaranimada Somaliland, waxaanu uu Madaxweynahu wasiiradiisa ka codsaday in arrimo qoys dartii aan arritnaasi waxba laga soo qaadin, kulanka ayaa la sheegay inuu codsaday wasiirka arrimaha dibadda C/laahi Maxamed Ducaale oo ka cadhooday hadalka safiirka masar balse Madaxweynaha ayaa kulanka wuxuu sidoo kale ku martiqaaday seddexda wasiir ee kale si arrintaasi isaga madaxiisa loogu dhaafi lahaa.

"shallay ayaad ku lahayd Siilaanyo federaal ayaad aaminsanayd marka imika si cad aad u arkayso in weliba iyadoo hargeysa la joogo qaddiyadii Somaliland sidaa loogu tuntay miyaanay ahayn Madaxweyne inaynu go'aan ka qaadano" ayuu ka yidhi shirkaasi C/laahi Maxamed Ducaale "maya arrintaasi aniga xagayga iyo madaxayga ha lagu dhaafo, weli waxaynu iskugu nimid oo aan idinka diiday ma jirta, aniga tayda maanta ha lagu dhaafo, arrimo aniga ii gaar ah darteed" ayuu Madaxweyne Rayaale ka yidhi shirkaasi.

Madaxweyne Rayaale ayaa sidoo kale afarta wasiir ee xukuumaddiisa ka tirsan ee uu sida gaarka ah ugala hadlay arrintani wuxuu ka codsaday inaan ajandahani aan gebi ahaanba la keenin shir golaha wasiiradda ee salaasa kasta ka dhacay xarunta shirarka ee madaxtooyada.

laba bilood ka hor ayaa sidoo kale safiir kale oo dawladda Masar ay sheegtay inay usoo magacawday wixii la isku odhan jiray Soomaaliya oo qaddiyad ahaan ay Somaliland ku jirto intuu hargeysa yimid uu warbaahinta ku yidhi "annagu masar wax somaliland yidhaahdo ma aragno, Soomaaliya waa dal iyo dad isku mid ah" ayuu safiirkaasi yidhi isagoo weliba caasimadda Hargeysa ku sugan, wakhtigaasina xukuumadda Madaxweyne Rayaale wax hadal ah oo ay ka soo saartay ma jirto.

Qoyska Madaxweyne Rayaale ayaa sannadkii 2006-dii waxay u guureen dalka
Masar iyadoo warbaahinta qaar ka mid ahina ay tibaaxday in qoysku ay
halkaasi ka iibsadeen guri, wallow imika qoysku ay u guureen dalka
faransiiska, wallow la sheego in ay dalka masar degenyahiin qoyska
marwadiisa walaashii iyo caruurtooda, waxaana jira laba ka mid ah
caruurtiisa oo degen magaalada Qaahira.








Monday, 15 February 2010

Masuulka Xisbiga UDUB Gobolka West Midland Ee UK Axmed Cabdilaahi Diiriye Oo Soo Dhaweeyey Baaqii Israel Ay U Jeedisay Somaliland Inay Ku aqoonsanayso

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa



Masuulka Ugu Sareeya Xisbiga UDUB Gobolka West Midland Ee UK Axmed Cabdilaahi Diiriye Oo Soo Dhaweeyey Baaqii Israel Ay U Jeedisay Somaliland Inay Ku Aqoonsanayso

Birmingham (Golisnews.com)-- Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Ee Gobolka West Midland UK Md. Axmed Cabdilaahi Diiriye ayaa noqday masuulkii ugu horeeyey ee ka tirsan xisbiga tallada dalka haya ama siyaasiyiinta Somaliland ee ka jawaaba baaq dhawaan ka soo baxay Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Israel ahna madaxa waaxda afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Israel Mr. Yigal Palmor oo uu ku sheegay siday Golisnews ka soo xigatay wergeyska The Haartz Daily in ay diyaar u yahiin una xiiso qabaan aqoonsiga Somaliland.

Guddoomiyaha UDUB West Midland UK Axmed Cabdilaahi Diiriye wuxuu ku yidhi qoraal saxaafadda loogu tallo gallay oo uu nuqul ka mid ah na soo gaadhsiiyey "umada Somaliland uma af duubna dad gaar ah, iyo dawlado gaar ah cidii ictiraaf naga cawisana saxiib ayaanu ka dhiganaynaa . haday is leeyihiin xaga diinta israil lama xidhiidhi kartaan, waa
been taasi , diinteena muslimka ahi way ogoshahay in aad israel iyo
cidkasta aad xidhidh la samayso, maxaa yelay nabigeenii mahamed (s.c.w)ahaa wuu la sameeyaya xidhiidh bayc mushtari xiligii uu noolaa

Haddaba warsaxafadeedkani Guddoomiyaha Xisbiga UDUB West Midland UK Axmed Cabdilaahi Diiriye oo sidoo kale kaga hadlaayo arrimo badan oo ka hadlaya aqoonsiga Somaliland oo uu soo saaray oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyey xafiiska shabakadda Golisnews ee magaalada Birmingham ayaa isagoo dhamaystiran wuxuu u dhigna sidani:


"Bismilahi rahmaani raxiim, anigoo ku hadlaya magacayga , ka tageerayaasha UDUB West midland, iyo ka shacabaka Somaliland ee jecel somalilandimada iyo nabada iyo horumarka Somaliland , waxaan in yar ka hadlayaa inagoo muddo badan u dabranayn walaalaheena konfureed , oo jeclaysanayay in aanay Somaliland ka go'in Soomaaliya aan see eegayn wax u dan ah dadkooda ku nool koonfurta Soomaaliya badankooda. Maqlayayna ama dhagaysnaya tallooyin qalada oo ay siinayeen in yar oo ka ah Somalia maynoorati ,oo dadka soomaalidana ku haystay
sifo xaaraan ah soddonkii sano ee aynu soo dhaafnay ayaa wax isku
dayaan inay isku diraan beelaha majooradiga Somalia.

xataa soo dhex
galaan Somaliland iyaga oo adeegsanaya sifo qabiil . markaa waxaan odhan lahaa walaalayhayga koonfureed isku taga lugihiina , kana xorooba figradaha dadka danta gaarka lihi idin siinayaan aan noqono laba dawladood oo walalo ah oo wada tashada ,wada shaqeeya xaga amniga ,xag dhaqalaha iyo horumarinta , sidaas awgeed waxaa fiican in madaxwayna Somalia mudane shariif uu ku dhawaaqo inuu citiraafsan yahay Somaliland inay tahay dawlad ka madax banan Somalia taasi oo aad ka heli doonto tageero walaaltinimo walaalayaga Somaliland .



Ta kale waxaan odhan lahaa Somaliland masuuliyiinta xisbiyada sida kulmiye iyo ucid inay ka shaqeeyaan somalilanimada iyo sidii ay Somaliland citaraaf u heli lahayd . iskana dhafaan kursi jacaykan iyo wax kasta oo amaanka khakhalinaya iyo isku duubnida Somaliland taasi oo ay ku kasban karaan shacabka Somaliland



Tusaale ahaan maanta waxaa inoo diyaar ah inay ina icitiraafto israil ,lakiin ma hayso masuul kaliya oo u tagay ma garanayo wax ay ka baqayaan. umada Somaliland uma af duubna dada garaar ah, iyo dawlado gaar ah cidii ictiraaf iga cawisa ayaan saxiib kala dhiganayaa . haday is leeyihiin xaga diinta israil lama xidhiidhi kartaan, waa
been taasi , diinteen muslimka ahi way ogoshahay in aad isril iyo
cidkasta aad xidhidh la samayso, maxaa yelay nabigeenii mahamed (s.c.w)ahaa wuu la sameeyaya xidhiidh bayc mushtari xiligii uu noolaa ( n.n.k.h.h}. markaa maxaad adigu u diiday iyagoo kuu fidiyay gacmo furan iyo icitiraaf iyo xidhiidh wacan ahaan kuwii ugu hore yay ee 1960 markii Somaliland ka qaatatay boqorooyadii ingiriiska xoriyadood citiraafay markaa waxaan odha laah



Masuuliyiinta Somaliland dawlada iyo xisbiyadaba xoriyada dhiig baa ku daatay hanti farabadan baa ku baa'baday, hooyooyin badan baa ku waayay wiilashoodii , qaar
badan baa ku nafoobay , waqti badan baa ku lumay, markaan leeyahay cayka
uma jeedo s.n.m oo kaliya laakiin waa umada Somaliland oo dhan .



waxaa odhan karaa mujahidka ugu wayn ee Somaliland waa madaxwaynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale kaahin ,oo isaga xorriyada iyo maamul wanaaga iyo hormoodka dimuqraadiyadda somaliland dareed loo soo weeraray, la doonaayayna in la qarxiyo oo la dilo isaga iyo qoyskiisaba 29 OKTOBAR 2008 kuma ayay taasi ku dhacday ? alxamdu li lahi rabil calimiin alaa bad baadiyey



Dadk a donayay inay dilaan argagaxisada alshabab waa kuwa ka xun hor u marka Somaliland iyo sida daacad ah ee uu ugu shaqaynayo isaga iyo dawladiisuba umadiisa waa argagixsada aan uga digayo walaalahayaga koonfureed, ee aan leeyahay yanay caqligiin ku shaqaysan iyagoo shadh Somali xidhan . waa kuwa aan leeyaha madaxwayne shariif yaanay isticimalin caligaga iyo awoodada ee iska dhigaya kuwo kuu danaynaya ee ay ka midka yahiin wasiirada kula shaqayna balse bohol kugu ridaya iskuna dayaya inuu idin kala dilo ehlusuna waljamac iyo dadkaga ku cawinaya kuna leh Somaliland ma go'i karto ,taasi maaha mid iyaga u dan ah . waxaan kuugu baaqaya shariifow inaad horseedo khariirad labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya u kala qaataan xornimadooda ee aan la noqon i jiid aan ku jiido eh.

Saleeban Siciid Kabadhe

Golisnews, Birmingham

info@golisnews.com

Sunday, 14 February 2010

Dagaalka Afghanistan: Askari British Ah Oo Ku Dhintay Dagaalka Qadhaadh Ee U Dhexeeya NATO Iyo TALIBAN

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Warar Dheeraad Ah Dagaalka Afghanistan: Askari British Ah Oo Ku Dhintay Dagaalka Qadhaadh Ee U Dhexeeya NATO Iyo TALIBAN



Marjah (Golisnews.com)-13/02/2010-- iyadoo dagaal qadhaadh oo aan waxba la iskula hadhin oo ilaa saaka hiirtii ilaa wakhtigani ka soconaya gobolada koonfurta dalka Afghanistan sidaanu akhristayaal hore idiinku soo gudbinaya ayaa war imika soo gaadhay xafiiska wararka Golisnews ee London oo ka soo baxay wasaaradda gaashandhiga Britain wuxuu xaqiijinaya in Askari ka tirsana Unuga 1-aad ee ciidamada Grenadier Guard uu ku dhintay dagaalkani goor dhawayd gabal dhicii wakhtiga afghanistan.

Weli dagaalka ayaa socda waxaana laga maqlaya buuralayda ku geedaaman deegaanka Marjah oo ah goobta ay Talibanku ugu xoog badanyahiin dayanka sawaariikhda lal isweydaarsanaayo, waxaa sidoo kale laga maqlaya guuxa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo la dhacaya buuralaydaasi gantaalaha laga soo tuuro diyaaradaha.

Talibanka ayaa ku jira difaac ba'an oo ay u babac dhigayaan 15000,000 oo ka soo kala jeeda 5 dawladood hawlgal ay ugu tallo galeen Mushtarak.

wasaaradda gaashandhiga ee ingiriiska ayaa goor dhawayd u xaqiijisay warbaahinta in ay ka dileen labaataneeyo ka tirsan Talibanka halka ay sheeganayaan ciidamadda huwanta NATO inay qab qabteen maxaabiis badan.

Wixii warar ah ee ku soo kordha waxaanu idiinla socodsiinayna daqiiqad daqiiqad la soco Golisnews hormoodka Geeska.


Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Golisnews, London News Centre
info@golisnews.com

Friday, 12 February 2010

Adeegii Isgaadhsiinta Shariikadda African Online Somaliland Oo Isticmaali Jirtay Furaha Maraykan Oo Gebi Ahaanba Hawada Ka Baxay Kuna Wareegay Marayka


Adeegii Isgaadhsiinta Shariikadda African Online Somaliland Oo Isticmaali Jirtay Furaha Maraykan Oo Gebi Ahaanba Hawada Ka Baxay Kuna Wareegay Maraykanka

Hargeysa (Golisnews.com)-11/02/2010- Gebi ahaanba khadkii is gaadhsiinta ee shariikadda African Online Telecommunication oo ay iska leeyahiin ganacsato reer Somaliland ah oo isticmaasha furaha dal ku galka maraykanka (141) isla markaana adeegeeda ay isticmaalaan dad ku dhaw 50,000 oo qof isla markaana haysata %35 adeega khadadka guryaha ee caasimadda Hargeysa ayaa gebi ahaanba caawa khadkaasi wuxuu ku wareegay dalka maraykanka iyadoo aan la garanaynin sababta.

Shariikadani oo adeegeeda ay aad ugu bogeen dadka qurbe jooga ah oo badanka si jaban ama bilaash ah kula soo xidhiidha eheladooda ku sugan dalkii Somaliland ayaa muddo dheer wuxuu ahaa khadkaasi mid si sahlan oo fudud iskugu xidhaayey dadka reer somaliland ee ku kala baahay dalalka dibadda iyo eheladooda dalkii ku sugan.

Caawa ayaa khadkaasi wuxuu si toos ah ugu dhacaya shariikadda khadka isgaadhsiinta ee dalka maraykanka ee loo yaqaano (USA Switchboard Directory) isagoo marka danbana kuu gudbinaya khadka isgaadhsiinta ee shariikadda AT&T oo iska leh badiba khadadka telefoonada ee dalka maraykanka.

Lama garan karo ciladani inay ka timid in shariikadaha isgaadhsiinta ee maraykanku ay xanibeen khadkii ay shariikadda African Online isticmaalaysay iyo in ay tahay cilad kale oo ku timid shariikadda, mar aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintani shariikadda ayaa masuul ka tirsani wuxuu noo sheegay in qallab baahiye ah oo loo adeegsan jiray qayb ka mid ah shariikaddu uu fadhiistay "waxaa naga ciladaysan gebi ahaanba baahiyahii qaadayey numberada 29 ka bilaabma, waxaanu hadda gacanta ku hayna inaanu rakibno qallabkii cusba ee lagu bedelaayey insha allahuna adeegii shariikaddu sideedii ayuu ku soo laabanaya" ayuu yidhi sarkaalkaasi aanu kula xidhiidhnay khadka isgaadhsiintu -dhammaad-
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa
Golisnews, Hargeysa
info@golisnews.com

Friday, 5 February 2010

Khubaro, Ganacsato, Diblomaasiyiin, Garyaqaano Iyo Siyaasiyiin Hore Oo Shir Ku Lahaa Koonfur Afrika Oo Ku Taliyey Aqoonsiga Somaliland 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Khubaro, Ganacsato, Diblomaasiyiin, Garyaqaano Iyo Siyaasiyiin Hore Oo Shir Ku Lahaa Koonfur Afrika Oo Ku Taliyey Aqoonsiga Somaliland






Pretoria (Golisnews.com)-- 25 xubnood oo iskugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin hore xilal kala duwan u soo qabtay, garyaqaano caalami ah, khubaro ku takhasustay qaaradda afrika, iyo ganacsato waaweyn oo u badan kuwa iska leh shariikadaha caymiska iyo maraakiibta ka gooshta gacanka cadmeed oo tiradoodu gaadhaysay 25 ayaa shir balaadhan oo uga socday magaaada Pretoria ee dalka koonfur afrika waxay ka soo saareen baaq ay u jeedinayaan dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay iyo golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ay ugu baaqeen in furaha keliya ee xal u noqon kara xaaladda budhcad badeeda xeebaha beriga afrika ay tahay in aqoonsi buuxda la siiyo Somaliland si gacan loogu siiyo in ay xeebaha gacanka cadmeed Somaliland gacanta ugu dhigto isla markaana ay ugu soo celiso ammaan ay si nabad ah maraakiibta xamuulka qada u mari karaan.





Kulankani oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale gebo-gebadiisii hadal dheer ka jeediyey haweenayda ah wasiirka gaashandhiga ee dalka koonfur afrika Ms Lindiwe Sisulu, waxaanay Marwo Sisulu aad u ammaantay madaxdani, waxay Ms Sisulu sheegtay in dalkeedu uu aad u danaynaayo Somaliland oo ku soo biira ayey tidhi beesha caalamka waxaana ay sheegtay in xukuumadda koonfur afrika ay seddex sanno ka hor ka qayb gashay dood ay dalalka afrika ka yeesheen arrinta qaddiyadda Somaliland, waxay uga ballan qaaday ergooyinkaasi in ay farriintaasi gayn doonto shirka golaha wasiiradda ee dalkeeda.


Waxaa isaguna halkaasi hadal dheer ka jeediyey madaxa shariikadda caymiska ICEA ee xarunteedu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya J. P. M. Ndegwa, wuxuuna aad ugu dheeraday daraasad balaadhan oo ay shariikadiisu ku samaysay ammaanka xeebaha beriga afrika, wuxuu soo jeediyey in haddii la waayey dawladdii Soomaaliya la helo xal kale, wuxuuna sheegay in ay awood saari doonaan sidii ay arrinta aqoonsiga iyo gacan qabashada Somaliland u gayn lahaayeen wuxuu ku tilmaamay albaabada adduunyada laga gallo.


Qoraalka baaqa ah oo lagu daabacay bogga internetka ee wasaaradda gaashandhiga dalka koonfur afrika ayaa wuxuu guul weyn u yahay hanaqaadka aqoonsi raadiska iyo madax banaanida Somaliland oo garawshiyo ka hellay qaybo kala duwan oo bulshada caalamka ah, wallow shirkani aanay xukuumadda Somaliland cidina uga matalaynin marka laga reebo ergayga u fadhiya xukuumada South Afrika Mr. Iqbal Jazby oo isagu shirka ka qayb gallay haddana waxaa laga dheehan karaayey dedaalka mucaarid iyo muxaafidba ay u galleen isku keenidda khubaradani





Golisnews, Pretoria, South Africa

Wararkii ugu dambeeyey

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo La Filaayo Inuu Todobaadkani Yimaado Magaalada Birmingham, UK



Birmingham (Golisnews.com)-- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay wehelinayaan safiiradda Somaliland u fadhiya dalalka ingiriiska iyo Ireland ayaa lagu wadaa in badhmtaha todobaadka soo socda ay kaga qayb gallaan magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka boqortooyada ingiriiska shirweyne caalami ah oo lagu wado inuu ka soo qayb gallo xogayaha arrimaha dibadda Britain David Miliband iyo Hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka David Cameroon.


Safarka M/weyne ku xigeenka oo aanay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham iyo guud ahaan warbaahintu aanay waxba kala soconin ayaa hadal hayntiisu wuxuu ka soo baxay ilo diblomaasyadeedyo ku dhaw madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadda ku sugan magaalada Paris ee xarunta dalka faransiiska.


Shirweynahani caalamiga ah ee la filaayo inuu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ka qayb gallo ayaa sidoo kale waxaa iman doonta diblomaasiyiin iyo safiiro ka tirsan midawga yurub, dalalka xubnaha ka ah ururka barwaaqo sooranka (common wealth) iyo weliba diblomasiyiin ka socda dalalka waqooyiga iyo koonfurta amerika.


Sida warar lagu kalsoonyahay ay u xaqiijinayaan shabakadda Golisnews waxay wefdiga Madaxweyne ku xigeenku ku soo degi doonaan hotel ku yaalla badhtamaha magaalada Birmingham mana cadda in ay wax kulano ah la yeelan doonaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham oo bilahii ugu danbaysay si tallan taali ah usoo dhawaynaysay hogaamiyayaasha siyaasadda Somaliland.


wixii warar ah ee arrintani ka soo kordha waxaa idinla socodsiin doona xarunta warqabadka golisnews ee West Midlands la soco





Golisnews, Birmingham


info@golisnews.com