Tuesday 16 February 2010

Kulmiye iyo Burco

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa



wefti ka socda kulmiye oo maalinta bari imandoona magaaladda burco iyo finalka ololaha ee xisbiyadda qaranka
Burco(iftinnews002/16/2010Xisbiyadda qaranka ayaa olole xoogan ugu jira hanashadda taageerayaasha guud ahaanba reer Somaliland gaar ahaanna magaaladda burco ee xarunta gobolka togdheer magaaladda burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa muddooyinkii ugu dambeyay waxay ahayd meelo ay ku irdamayaan xisbiyadda mucaaradka iyo muxaafidku magaaladda burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa waxaa afar maalmood ka hor soo gaadhay wefti ka socda xisbiga udub oo uu hogaaminaayo xoghayaha guud ee xisbiga udub jamac yasin farax . waxaana sidoo kale socdaalka weftiga weheliyay guddoomiyaha xisbiga udub u qaabilsan ololaha goboladda galbeedka Somaliland ee cisman hindi , wasiiro ku xigeen iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga udub .

Dhinaca kalenna waxaa magaaladda burco ee xarunta gobolka togdheer in muddo ah ku sugnaa afhayeenka xisbiga mucaraadka ah ee kulmiye muj. Maxamed kaahin axmed.

waxaasi intaasi dheer wararka naga soo gaadhaya magaaladda hargaysa ayaa sheegayaa in weftigii ugu faca waynaa ee ka socda xisbiga kulmiye ay maalinta bari ah iman doonaan magaaladda burco ee xarunta gobolka togdheer .

weftiga ayaa ka kooban sidda ay ilo xog ogaali noo xaqiijiyeen masuuliyiinta ugu sar saraysa xisbiga kulmiye , sidda guddoomiyha xisbiga kulmiye axmed maxamed maxamud siilaanyo, guddoomiyaha ololaha ee xisbiga kulmiye u qaabilsan goboladda bari dr maxamed cabdi gaboose ,iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga kulmiye



waxaanna manta si wayn looga dareemayaa magaaladda burco ee xarunta gobolka togdheer u diyaargarow xoogan oo ay wadaan masuuliyiinta gobolka togdheer u qaabilsan xisbiga kulmiye iyo taageerayaasha xisbiga oo is kaashanaya



weftiga ka socda xisbiga kulmiye ayaa lagu waday inay qaar manta yimaadaan waxaasi wararku sheegayaan in weftigaasi baaqay ayna soo gali doonaan maalinta bari ah

sidoo kalenna xoghayaha guud ee xisbiga udub ayaa booqasho ugu ambaxay magaaladda oodweyne taasi oo la xidhiidha socdaal kormeer ah oo xoghayaha guud ee xisbiga udub kusoo maray in badan oo ka tirsan goboladda dalka .



dadka reer burco ayaa booqashooyinka u arka olole aan sharci ahayn oo ay bilaabeen xisbiyadda qaranka taasi oo ay bilowgeeda lahayd xisbiga taladda haya ee udub

No comments:

Post a Comment