Saturday 27 February 2010

David Miliband- xoghayaha arimaha dibeda ee Ingiriiska oo booqday masjid somali ah oo bariga london


London(Qarannews)-Xoghayaha arimaha debeda u qaabilsan dawlada Britain arimaha debeda ayaa maanta (jimce 26 feb 2010) booqasho ku yimi masaajidka soomaalida ee ku yaala biriga London. Xoghayaha oo ay weheliyeen xubno ka tirsan dawlada britain iyo ilaaladiisa gaarka ah ayaa soo galay masaajidka xili ay socotay qudbadii salaada jimce oo uu jeedinayey sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar. markii uu Xoghayuhu soo galay masaajidka waxa uu iska bixiyey kabahii waxaanu fadhiistey meel loo sii qorsheeyey oo ahayd safka hore ee masaajidka.

Xoghayuhu waxuu dhegeystey khudbadii jimce oo ku baxaysay luqadaha carabiga, soomaaliga iyo luqada ingiriisida. khudbada oo ku saabsanayd wada noolaashaha, isdhexgalka bulashada iyo xuquuqda binu'aadamka ayaan ka fogeyn ama la mid ahaydba waxyaalaha xoghayaha laftiisu uu doonayey inuu kala hadlo dadkii muslimiinta ahaa ee halkaa ku tukanayey. markii qudbadii dhamaatey waxaa loo kacay salaadii xoghayuhu waxuu istaagey meel dhinaca bidix ee masaajidka ku beegnayd isagoo ay ka muuqatey xushmad uu xushmanayey masaajidka iyo dadka muslimiinta ahaa ee halkaa ku tukanayey.

Markii salaadii dhamaatey ayaa waxaa halkaa hadal kooban ka jeediyey Sheekh Ibraahim Maxamed Yuusuf "Nakhci" oo dadka u sheegay inuu maanta marti u yahay David Miliband oo ah xoghayaha arimaha debeda ee dawlada Britain isla markaana waxaa uu mahadnaq u soo jeediyey xoghayaha iyo sida uu waqtigiisii ugu soo hibeeyey masaajidka iyo mujtamaca soomaalida ku dhaqan bariga london. sheekh Ibraahim waxuu ku soo dhoweeyey microphoneka Xoghayaha oo hadalkiisii ku bilaabay "Salaama Caleykum".

Xoghayuhu waxaa uu u mahadnaqay dadkii suurto geliyey ee ku marti qaaday masaajidka, waxaa uu ka hadley xaalada wadankii soomaaliya la odhan jirey hada ku sugan yahay. waxuu ku nuuxnuuxsadey sida ay lagama maarmaan u tahay in xal loo helo dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee ku habsatey waxii loo yaqiin soomaaliya. xoghayaha oo socdaalkiisu ku wajahnaa baraarujin soomaalida ku dhaqan ingiriiska lagu baraarujinayo dhibaatada ay leedahay waxa loo yaqaan argagixisadu iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in meel looga soo wada jeesto. wuxuu kaloo ku dheeraaadey dhibaatada budcad badeedu ku hayso biyo badeedka soomaaliya iyo kuwa caalamiga ahba.

waxuu kaloo xohayuhu ka hadley qadiyado caalamiya isagoo sheegay in qadiyada Falastiin tahay arin muhiim u ah nabada caalamka oo dhan, waxuu xoghayuhu yidhi "dawlada Britain waxay aqoonsantahay xadkii u dhaxeeyey Israel iyo Falastiin waxii ka horeeyey 1967, iyo in la sameeyo wadan ay leeyihiin dadka reer Falastiin oo madaxbanaan caasimadiisuna tahay Bariga magaalada barakeysan ee Qudus, Israelna ay caasimad u tahay galbeedka magaalada Qudus". waxuu xoghayuhu kula dardaarmay dadkii muslimiinta ahaa ee halkaa ku tukanayey inay amniga ilaaliyaan isla markaana dalka ingiriiska u arkaan dalkoodii, isagoo xusuusiyey soomaalida inuu ku dhashay wadanka ingiriiska balse ay waalidkii wadankan ku yimaadeen qaxooti, maantana uu yahay xoghayaha arimaha debeda ee Britain.

Isku soo wada duuboo booqashan wasiirka ayaa ka turjumaysey sida ay dadka soomalidu u yihiin hada dad ay isha ku hayaan wadamada reer galbeedku. sababaha ay isha uga hayaana waxaa ka mida waxa reer galbeedku ugu yeedho la dagaalanka argagixisada oo dhalinyarada soomaalida ee ku nool wadamadan looga welwel qabo inay ku milmaan ama qaataan figradaha kooxo ka mida kuwa ku dagaalamaya soomaaliya. kooxaha ku dagaalamaya soomaaliya qaar ka mida ayey dawladaha reer galbeedku ku tilmaamaan argagixiso iyo inay xidhiidh dhow la leeyihiin Alqaacida oo ay si weyn isu hayaan reer galbeedka.

Arintan booqashada xoghayaha ayaan ka madhnayn olole siyaasadeed oo uu xisbiga shaqaalaha ee talada wadankan gacanta ku hayaa ku doonayaan cod ay ka helaan dadka muslimiinta ah ee ku nool Britain. dhinaca kale waa markii ugu horeysey oo qof jogo noocan oo kale ah ka hayaa dowlada britain uu booqdo masaajidka soomaalida ee bariga London, waxaana masaajidka soomaaalidu guddoonsiiyey xoghayaha abaalmarin ay ku qoran tahay towxiidku. waxayna ku booriyaan xoghayaha iyo dawladaba inay bartaan oo akhriyaan qur'aanka kariimka ah.

Qarannews London
Last Updated ( Feb 26, 2010 at 03:55 PM )

No comments:

Post a Comment