Saturday 13 February 2010

Xasuuq loo geystey muslimiinta Nigeria( Nigerian Muslims)

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa



Doxa (Al-jazeera/SNN)- Booliska iyo Milatariga dalka Nigeria, ayaa xasuuq fool xun oo aan loo aabo yeelin kula kacay muslimiinta ku dhaqan waqooyiga dallkaasi, kadib isku dhacii dhexmaray sannadkii 2009 booliska iyo ururka muslimiintu leeyihiin ee lagu magacaabo Boko Haram.

Muqaallo uu baahiyey telefishanka Al-jazeera, ayaa lagu ogaaday in millatariga iyo boolisku si toos ah ugu lug lahaayeen xasuuq baahsan oo lagula kacay dadka muslimiinta ah ee lagu tuhun sannaa in ay taageeraan ururka Boko Haram, iyadoo dadweyne rayid u badan oo tiradoodu gaadhayso ilaa kun qof boolisku si badheedh ah u xasuuqeen.

Dagaalkii dhexmaray booliska iyo ururka Boko Haram bilihii July iyo August ee sannadkii 2009, ayaa markii uu dhammaaday waxa ciidammada boolisku gumaad fool xun kula kaceen dad rayid ah oo aan wax lug ah ku lahayn dagaallada, iyada oo sababta qudha ee loo xasuuqayna ahayd islaamnimadooda.

Hawlgallo boolisku fuliyeen oo guri guri loogu baadhay deegaannada uu ku xoogganaa ururka Boko Haram, ayaa inta lagu soo ururiyey dadweyne aad u badan dadweyne aan hubaysna, waxa inta la isku xidh-xidhay oo qaarkoodna wadada hareeraheeda inta la jiifiyey si fool xun loo xasuuqay, tallaabadaas oo ay si kulul u cambaareeyeen ururrada xuquuqal-isnaanka u dooda.

Waxa canjalada ka muuqda muuqaallo argagax wata oo muujinaya sida naxariis-darrada ah ee boolisku u laayeen dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan, iyadoo inta waddooyinka hareerahooda lagu ururiyey xabbad lagala dhacay madaxa iyo laabta, waxana canjaladda laga dhex maqlayey hadallada saraakiisha millatarigu isweydaarsanayeen markii gummaadku socday, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, “Rasaasta ha innaga khasaarinine ee mid-mid laabta uga toogta..

Madaxa ha ka toogan ee shafka ka toogo koofiyadiisa ayaan rabaaye. .ha u naxariisanina..saani u fadhiiso sawirro ayaanu doonaynaa inaanu kaa qaadnee.”

Dadka la xasuuqay waxa ka mid ah hoggaamiyihii ururka Boko Haram Mohamed Yousuf oo la toogtay isaga oo labada gacmood ka xidhan, arrintaas oo fool xumo iyo weji-gabax qaawan ku noqotay booliska iyo masuuliyiinta dalka Nigeria ee xasuuqan baahsan ka dhacay.





Ururka Boko Haram oo magaciisu luuqadda Hawsaha ee lagaga hadlo Nigeria ku noqonayo ‘Dhaqanka iyo waxbarashada reer galbeedku waa xaaraan.” Waxa uu ku dhawaaqay in shareecadda islaamka lagu xukumo dalka Nigeria xaataa dadka aan muslimka ahayn ee dalkaasi ku dhaqan, arrintaasina waxay sababtay gummaadka boolisku kula kacay.

Dalka NIigeria oo ay ku nool yihiin 140 milyan oo qof ayey dadku u qaybsan yihiin Kiristaanka oo ku badan koonfurta iyo muslimiinta oo iyaguna ku dhaqan dhinaca woqooyiga, waxaana shareecadda islaamka laga hirgeliyey 12 gobol oo ka mid ah Nigeria, kadib markii dalkaasi ku soo noqday xukunka rayidka sannadkii 1999, iyadoo muddo badan uu gacanta ugu jiray xukun millatari.

No comments:

Post a Comment