Sunday 21 February 2010

maalintii Dhagaxtuurka Hargeysa

Jawigii Xuskii Sanad Guuradii 28-aad ee Maalintii Dhagaxtuurka Hargeysa.
"Foodhidii Shacbiga, Farxaddii Mucaaridka Iyo Firdhadkii Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB"

Hargeysa(Ramaas) Feb.20, 2010 - Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guuradii 28-aad ee ka soo wareegtay maalintii dhagax-tuurkii Ardayda Magaalada Hargeysa sanadkii 1982-kii ayaa saaka lagu qabtay xarunta Beerta xoriyada ee Magaalada Hargeysa.


Xafladaasi waxa soo qaban qaabiyay Dallada ururada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO waxaana ka soo qeyb galay Wasiirka Ciyaaraha, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga UCID, Xildhibaano iyo xubno ka mid ah dhalinyaradii maalintaasi taliskii siyaad barre saarayay Maxkamadii badbaadada 20-kii febarwari sanadkii 1982-kii iyo Boqolaal dadweyne ah.



Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga UCID Md, Aadan Maxamed Mirre (Waqaf) oo ka hadlay xafladaasi ayaa si qoto dheer uga waramay taariikhdii maalintii dhagaxtuurku lahaa waxaanu tilmaamay in shacbiga Somaliland ay si toos ah xiligaasi u bilaabeen halgankii dib u xoraynta dalka ee ay kala hortageen Dawladii Siyaad Barre.


Md. Aadan Waqaf waxa uu u mahad celiyay Dalladda Ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo soo qaban qaabisay xuskan oo sheegtay in maalinta 20-ka Febarwari loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada Somaliland.


"Dhalinyaradeenii waxa haysa duruufo adag oo ay ka mid tahay shaqo la’aan waxaanay beegsadeen saxaraha iyo baddaha oo ay ku le’deen. Waxaan leeyahay walaalayaal UDUB way Tagaysaa ha Tahriibina,"ayuu yidhi Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga UCID.


Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, hase yeeshee markii uu Xoghayuhu Makarafoonkii qabsaday waxa dadweynihii ka soo qeyb galay xuskaasi ay mar qudha bilaabeen foodhi ay ku orinayeen Xoghayaha Guud, balse Xoghayuhu umuu joojin foodhidii iyo qayladii oo marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaysay waxaanu gaashaanka ku dhuftay eedo ka soo yeedhay Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga UCID, waxaanu yidhi "Anagu Haddii aanu nahay xisbiga UDUB waxaanu dhalinyarada u hirgelinay waxbarasho heer walba leh, laakiin ma aha in la maqlo dadka naxliga abuuraya ee bulshada isku diraya ee dhalinyarada niyad jabinaya ee leh baddaha isku gura waxba la idiinma hayee."

"Dhalinyarooy Nabadgelyada dalka cidii xumaynaysa ha dhegaysanina,"ayuu yidhi Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo wejigiisii is bedelay oo cadho saaqmay.
Xoghayuhu wuxuu si qoto dheer uga hadlay taariikhda maalintan oo uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la weyneeyo oo loo dabaal dego.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafladaasi ka hadlay ayaa markii uu minbarka fuulay ay aad ugu sacbiyeen dadweynihii xafladaasi ka soo qeyb galay. Waxaanu yidhi "Waa maalin qiimo iyo qaayo aad u weyn u leh dalkan iyo dadkan. Maalintani waxa ummaddeena lagala dagaalamayay waxay ahayd cadaalad darrada, Dhalinyarooy maanta haddii aydaan taariikhda bedelin oo aydaan isbedelka loo baahan yahay keenin.oo aydaan dalkiina joogin. Waxaan idin kula tallinayaa inaynu u baydhno wixii dalka iyo dadka wax taraya."
"Maanta wax dalka iyo dadka dhisaya ka heli mayno Xisbiga UDUB ee maanta jooga, waxaynu u diyaar nahay doorasho inaga raagtay iyo dimuqraadiyad la damcay in la beydhiyo oo wakhtigeedii dhexda lagaga dhego ma doonayno.nabadgelyada, dimuqraadiyada iyo sharafteenaba inagaa ilaashanayna,"ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxaanu aad ugu mahad celiyay Dallada Ururada Dhalinyarada Somaliland.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md, Maxamuud Siciid Muxumed ayaa isagu nasiib darro ku tilmaamay wax uu ugu yeedhay yooyootanka xisbiyada mucaaridka ah ee madashii xuska sanad guuradii 28-aad ee maalintii dhagax tuurka Ardayda Hargeysa oo loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada Somaliland.
Wasiirku wuxuu sheegay inaanay maanta ahayn maalin la siyaasadeeyo mashadaasi waxaanu xusay inaan sanadaha soo socda lagu soo casuumi doonin madaxda axsaabta xafladan oo kale.waxaanu ka sheekeeyay taariikhda maalintan.
Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi, oo ka mid ahaa dhalinyaradii xiligaasi maxkamada la saarayay ee ururkii UFO iyo Guddoomiyaha Dallada SONYO waxaanay ka warameen dareenkii iyo muuqaalkii Maalintaasi lahayd.

Ramaasnews Desk
Hargeisa

No comments:

Post a Comment