Sunday 14 February 2010

Waxaannu Xukuumada Uga Digaynaa Ereyada ka Dhanka ah Mudanaha Donald Payne iyo Dawladda Maraykankaba’

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Waxaannu Xukuumada Uga Digaynaa Ereyada ka Dhanka ah Mudanaha Donald Payne iyo Dawladda Maraykankaba’



Hargeysa (Jam)- Xoghayaha Guddida Joogtada ah ee Wakiillada Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa, ku baaqay in Shirguddoonka iyo Golaha Wakiilladu martiqaad rasmi ah u fidiyaan guddoomiyaha guddi-hoosaadka aqalka Kongereska Maraykanka u qaabilsan Afrika Senator Donald Payne oo uu sheegay inuu xidhiidh sokeeyo la leeyahay Somaliland.

Warsaxaafadeed uu Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), shalay ka soo saaray magaalada Hargeysa, waxa uu xukuumadda Madaxaweyne Rayaale uga digay hadallada liddiga ku ah Senator Donald Payne, kuwaasoo uu ku tilmaamay qaar dhaawac u geysan kara qaddiyadda aqoonsi-raadinta Somaliland. Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsanna waxa uu u dhignaa sidan:

"Si loo taabbogeliyo, loogana midho-dhaliyo himilada qarankan Somaliland ee ictiraaf-raadinta, waxaanu xukuumada uga digaynaa ereyada ka dhanka ah mudaneDonald Payne iyo dawladda Maraykankaba.

Waxa kale oo aannu u soo jeediyaa dadka Soomaalida ah ee ay diinta iyo dhaqankaba wadaagno ee ku haysta afduub lammaanaha Ingiriiska ah inay siiyaan xorriyadoodii, kuna sii daayaan si bilaa shuruud ah, iyagoo eegaya sharafta iyo karaamada kumanaanka Soomaalida ah ee ku nool carriga Ingiriiska.

Waxa kaloo aan Golaha Wakiilada iyo Shirgudoonkaba ka codsan lahaa in goleweynuhu martiqaad rasmi ah u fidiyo Senator-ka ruug-caddaaga ah ee Donald Payne, maadaama oo uu xidhiidh iyo damqasho la leeyahay reer Somaliland."








Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment