Wednesday 24 February 2010

Komishanka Somaliland oo dalka Keenaya Kaadhadh Lagu Gelayo Doorashada Madaxtooyada



Komishanka Somaliland oo dalka Keenaya Kaadhadh Lagu Gelayo Doorashada Madaxtooyada.

Hargeysa(Ramaas) Feb.24, 2010 - Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa la sheegay inay dalka keenayaan kaadhadh cusub oo doorashada madaxtooyada lagu geli doono, kuwaasi oo la siin doono dadkii sifaha sharciga ah isku diiwaan geliyay sidaasi waxa lagu sheegay warbixin ay maanta faafisay Laanta Af-soomaaliga ee Idaacada VOA-da.
Warkaasi waxa lagu sheegay in kaadhadhkan cusub lagu soo heshiiyay ka dib markii Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Ciise Xamari uu booqasho ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaadhadhkan ayaa la sameyn doonaa marka la ogaado tirada rasmiga ah ee ka ansaxday diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee lagu murmay liiskii hore ee ka soo baxay.
Xogtaasi waxay intaasi ku dartay in khaadhadhkan cusub ee lagu gelayo doorashada madaxtooyada ay kharashka ku baxaya 80% ay bixinayaan wadamada qaadhaan bixiyeyaasha ah halka 20% ay bixin doonto xukuumada Somaliland.
VOA-du waxay sheegtay in khaadhkan cusub oo muddo todobaad ah la qeybin doono la siin doono codbixiyeyaasha ku soo baxa liiska kama damaysta ah ee diiwaan gelinta codbixiyeyaasha marka la kala hufo mishiinka Server-ka ee macluumaadkii diiwaan gelintu ku kaydsan yihiin.
Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ay Komishanka doorashooyinka Somaliland oo la xidhiidha arrinta khaadhadhkan, mana jiro wax dareen ah oo ay sadexda xisbi qaran ka bixiyeen khaadhadhkan cusub ee lagu geli doono doorashada madaxtooyada.

Ramaasnews Desk
Hargeisa

No comments:

Post a Comment