Thursday 18 February 2010

Donald Payne yaan la caayin



Donald Payne yaan la caayin ''Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland''

'Hargeysa (Jam)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa ku eedeeyey dad aannu carrabaabin oo reer Somaliland ah inay cay iyo aflaado kula kacaan madax dunida ka mid ah oo dalalkooda u taliya, kuwaasoo lagu haysto in aanay oggolayn qadiyadda madaxbannaanida Somaliland.

Md. Ducaale waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu shalay ka jeediyey xaflad loogu wanqalayey degmada cusub ee Balli-cabane.

“Aniga xagga dibadda ayaa la ii dirayoo meeshaasna warkeedu wuu fiican yahay. haddii wax kale la idiin sheego iska ilaaliya, caalamkana cid aynu dayn ku leenahay ma jirto, Soomaalidu waxay tidhaahdaa xoolahaadu ma xero ha kuugu jiro amma xeer ha kuugu jiro, innagu xoolaheenii beri hore ayeynu daadinay oo ah 1960-kii ilaa iyo halgankiina waa lagu deba jiraa sidii loo soo celin lahaa, maanta Ilaahay mahaddii calankiina waynu haynaa, saaxiibbo badanna caalamka waynu ku leenahay oo meel walba waa la inoo joogaa, dawladaha aan weli arrinkeena [madaxbannaanida Somaliland] ku soo dhawaana fogayn mayno ee waynu soo dhowaynaynaa. Madaxda caalamka midna caayi mayno, nin-na maagi mayno ee waa in aynu barinaa, waxaynu luminay ayeynu iyaga waydiinaynaa oo ka baryeynaa, markaa dadkan jaraa’idka wax ku qoraya ee caayaya ee afka ku ballaadhinaya madax qaran oo adduunka kale ah oo dadkoodii u taliya, waxaynu leenahay waar dee dadka dayn kuma lihine walaalayaal baryo ayeynu ku leenahaye iyo suuba-sallaaxe ee aan ka dayno aflagaadada,” ayuu yidhi Wasiir Ducaale oo hadalkiisu u dhadhamayey inuu ula jeeday Mudanaha Maraykanka ah ee Donald Payne oo xubno ka tirsan xukuumaddu si joogto ah ugu jeedinayeen cambaarayn iyo dhaliilo aad u kulul tan iyo intii uu xildhibaankaasi martiqaadka u fidiyey Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.



No comments:

Post a Comment