Sunday 28 February 2010

Caleemo-saarka Ugaaska Beelaha Ciise, iyo wufuud badan oo soo gaadhay saylac

Caleemo-saarka Ugaaska Beelaha Ciise, Saylac oo Wufuud la Ciirciiraysa iyo Roobab ka Da’ay Gobolka Salal oo Ergooyin Badan Xanibay
Saylac (SNN)- U diyaargarowga munaasibadda caleemo-saarka Ugaaska cusub ee beelaha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim, ayaa si weyn uga socda magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salal, iyadoo halkaasi ay ku qulqulayaan ergooyin fara badan oo ka qaybgalaya caleemo-saarka.


Munaasibadda caleem-saarka Ugaaska oo lagu wado in maalinta Isniinta lagu qabto magaalada Saylac, ayaa waxa magaaladaasi iyo guud ahaan gobolka Salal laga dareemayaa hawlaha loogu diyaargaroobayo caleemo-saarkaasi oo muddo badan la sugayey, waxaana magaalada ka socda nidaaminta hab-sami u socodka xafladda, dejinta wufuud tiro badan oo ka qaybgalaysa iyo soo dhaweynta Ugaaska oo ku soo wajahan magaalada.


Caleemo-saarkan oo ku salaysan xeerka beesha Ciise oo ka mid ah xeer-dhaqameedyada ugu faca weyn bulshada Soomaalida ee aanay waxba iska beddelin, isla markaana qabanqaabada iyo u diyaargarowgiisu muddo dhawr bilood ah soo socday, waxa la filayaa inay ka qaybgalaan kumanaan qof oo isugu jira wufuud dawladeed oo ka kala imanaysa Somaliland, Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya iyo weliba ergooyin dhaqameed ka kala imanaya qabaa’ilka bulshada Soomaalida, sidoo kale aqoonyahano, abwaano iyo marti sharaf kale.


Munaasibadda caleemo-saarka Ugaaska oo loo qorsheeyey inay dhacdo maalinta Isniinta ee fooda inagu soo haysa, ayaa durba waxa magaalada Saylac isugu yimi boqolaal qof oo ka mid ah dadka ka qaybgalaya munaasibada, kuwaas oo guddiga qabanqaabadu ku mashquulsan tahay dejintooda iyo habayntooda, iyadoo loo diyaariyey goobihii la dejin lahaa.

Haseyeeshee, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya gobolka Salal, waxa ka curtay roobab laxaad leh oo halkaas ka da’ayey labadii maalmood ee u dambeeyey, kuwaas oo hakad geliyey qaar ka mid ah ergooyinkii dhinaca Somaliland ka tagay, kadib markii gaadiidkii ay wateen u suurtogeliwayday inay ka gudbaan dooxyada waaweyn ee xeebta oo biyo badani ka soo rogmadeen.


Ali Jamac
Salalnews Hargaysa

No comments:

Post a Comment