Sunday, 28 February 2010
Caleemo-saarka Ugaaska Beelaha Ciise, iyo wufuud badan oo soo gaadhay saylac
Caleemo-saarka Ugaaska Beelaha Ciise, Saylac oo Wufuud la Ciirciiraysa iyo Roobab ka Da’ay Gobolka Salal oo Ergooyin Badan Xanibay
Saylac (SNN)- U diyaargarowga munaasibadda caleemo-saarka Ugaaska cusub ee beelaha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim, ayaa si weyn uga socda magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salal, iyadoo halkaasi ay ku qulqulayaan ergooyin fara badan oo ka qaybgalaya caleemo-saarka.
Munaasibadda caleem-saarka Ugaaska oo lagu wado in maalinta Isniinta lagu qabto magaalada Saylac, ayaa waxa magaaladaasi iyo guud ahaan gobolka Salal laga dareemayaa hawlaha loogu diyaargaroobayo caleemo-saarkaasi oo muddo badan la sugayey, waxaana magaalada ka socda nidaaminta hab-sami u socodka xafladda, dejinta wufuud tiro badan oo ka qaybgalaysa iyo soo dhaweynta Ugaaska oo ku soo wajahan magaalada.
Caleemo-saarkan oo ku salaysan xeerka beesha Ciise oo ka mid ah xeer-dhaqameedyada ugu faca weyn bulshada Soomaalida ee aanay waxba iska beddelin, isla markaana qabanqaabada iyo u diyaargarowgiisu muddo dhawr bilood ah soo socday, waxa la filayaa inay ka qaybgalaan kumanaan qof oo isugu jira wufuud dawladeed oo ka kala imanaysa Somaliland, Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya iyo weliba ergooyin dhaqameed ka kala imanaya qabaa’ilka bulshada Soomaalida, sidoo kale aqoonyahano, abwaano iyo marti sharaf kale.
Munaasibadda caleemo-saarka Ugaaska oo loo qorsheeyey inay dhacdo maalinta Isniinta ee fooda inagu soo haysa, ayaa durba waxa magaalada Saylac isugu yimi boqolaal qof oo ka mid ah dadka ka qaybgalaya munaasibada, kuwaas oo guddiga qabanqaabadu ku mashquulsan tahay dejintooda iyo habayntooda, iyadoo loo diyaariyey goobihii la dejin lahaa.
Haseyeeshee, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya gobolka Salal, waxa ka curtay roobab laxaad leh oo halkaas ka da’ayey labadii maalmood ee u dambeeyey, kuwaas oo hakad geliyey qaar ka mid ah ergooyinkii dhinaca Somaliland ka tagay, kadib markii gaadiidkii ay wateen u suurtogeliwayday inay ka gudbaan dooxyada waaweyn ee xeebta oo biyo badani ka soo rogmadeen.
Ali Jamac
Salalnews Hargaysa
Saylac (SNN)- U diyaargarowga munaasibadda caleemo-saarka Ugaaska cusub ee beelaha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim, ayaa si weyn uga socda magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salal, iyadoo halkaasi ay ku qulqulayaan ergooyin fara badan oo ka qaybgalaya caleemo-saarka.
Munaasibadda caleem-saarka Ugaaska oo lagu wado in maalinta Isniinta lagu qabto magaalada Saylac, ayaa waxa magaaladaasi iyo guud ahaan gobolka Salal laga dareemayaa hawlaha loogu diyaargaroobayo caleemo-saarkaasi oo muddo badan la sugayey, waxaana magaalada ka socda nidaaminta hab-sami u socodka xafladda, dejinta wufuud tiro badan oo ka qaybgalaysa iyo soo dhaweynta Ugaaska oo ku soo wajahan magaalada.
Caleemo-saarkan oo ku salaysan xeerka beesha Ciise oo ka mid ah xeer-dhaqameedyada ugu faca weyn bulshada Soomaalida ee aanay waxba iska beddelin, isla markaana qabanqaabada iyo u diyaargarowgiisu muddo dhawr bilood ah soo socday, waxa la filayaa inay ka qaybgalaan kumanaan qof oo isugu jira wufuud dawladeed oo ka kala imanaysa Somaliland, Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya iyo weliba ergooyin dhaqameed ka kala imanaya qabaa’ilka bulshada Soomaalida, sidoo kale aqoonyahano, abwaano iyo marti sharaf kale.
Munaasibadda caleemo-saarka Ugaaska oo loo qorsheeyey inay dhacdo maalinta Isniinta ee fooda inagu soo haysa, ayaa durba waxa magaalada Saylac isugu yimi boqolaal qof oo ka mid ah dadka ka qaybgalaya munaasibada, kuwaas oo guddiga qabanqaabadu ku mashquulsan tahay dejintooda iyo habayntooda, iyadoo loo diyaariyey goobihii la dejin lahaa.
Haseyeeshee, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya gobolka Salal, waxa ka curtay roobab laxaad leh oo halkaas ka da’ayey labadii maalmood ee u dambeeyey, kuwaas oo hakad geliyey qaar ka mid ah ergooyinkii dhinaca Somaliland ka tagay, kadib markii gaadiidkii ay wateen u suurtogeliwayday inay ka gudbaan dooxyada waaweyn ee xeebta oo biyo badani ka soo rogmadeen.
Ali Jamac
Salalnews Hargaysa
Saturday, 27 February 2010
Afhayeenka budhcad-badeedda Soomaaliya oo shuruud ku xidhay sii deynta lamaanaha Ingiriiska ah.

Afhayeenka budhcad-badeedda Soomaaliya oo shuruud ku xidhay sii deynta lamaanaha Ingiriiska ah.
Written by Qarannews
Feb 27, 2010 at 03:58 AM
Afhayeenka budhcad badeedka soomaaliyeed oo shir jaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inaysan sii deyn doonin lamaanaha ingiriiska ah ee ay haystaan islamrkaana ku andacooday in laga haysto boqolaal ka tirsan budhcadooda .
Khaliif Idiris Cismaan oo sheegay inuu yahay afhayeenka Budhcad badeedka oo la hadlayey saxaafada ayaa shaaca ka qaaday inaysan ahayn Budhcad balse ay yihiin Ururka Ilaalinta Xeebaha islamrkaana ay la dagaalamayaan oo madax furasho ka qaataan maraakiibta shisheeye ee ka qowlaysata xeebaha soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye .
Mr .Idiris oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sidii ay ku abuurmeen budh cad badeedku ayaa tilmaamay in markii ay la xaalufiyey islamarkaana cagta la mariyey kaluunkii xeebaha soomaaliyeed ay ciilkii ,cadhadii iyo gaajadii ku kaliftay inay afduubtaan maraakiibta maraya badweynta taasina ayuu yiri ay tahay mid Muhiim u ah umada iyo dalka soomaaliyeedba waa siduu hadalka u dhigaye.
Afhayeen Idiris oo ay saxaafadu weydiisay inay Lacagaha ay ka qaataan maraakiibta ay tahay xaaraan islamrkaana ay meelaha qaarkood fasahaad ka bilaabeen ayaa gaashaanka ku dhuftay inay xaaraan tahay oo ugaarsadaan oo keliya maraakiibta shisheeye ee aysan kuwa ganacsatada soomaalida waxba qabsan waa siduu tilmaamaye isagoo iska fogeeyey inay jiraan lacag ay ku fasahaadeen ee ay dalkooda wax ugu qabtaan .
Mar wax laga weydiiyey lamaanaha biritishka ah ee waayeelka ee ay haystaan ayuu ku sheegay aysan soo deyn doonin islamrkaana ay madax furasho ka rabaan ama ay ku bedelan doonaan boqolaalka budh cad badeed ee ay laga haysto .
Hadalka Afhayeenkan budhcad badeedka soomaaliyeed sheegtay ayaa kusoo beegmaya xili ay qaylo dhaan kasoo baxayso waxgaradka iyo jaaliyadaha soomaaliyeed ee wadanka ingiriiska islamrkaana ay ku doonayaan in layska sii daayo lamaanaha Ingiriiska ah ee ay haystaan Budhcad badeedka soomaaliyeed .
Next>
Back
David Miliband- xoghayaha arimaha dibeda ee Ingiriiska oo booqday masjid somali ah oo bariga london

London(Qarannews)-Xoghayaha arimaha debeda u qaabilsan dawlada Britain arimaha debeda ayaa maanta (jimce 26 feb 2010) booqasho ku yimi masaajidka soomaalida ee ku yaala biriga London. Xoghayaha oo ay weheliyeen xubno ka tirsan dawlada britain iyo ilaaladiisa gaarka ah ayaa soo galay masaajidka xili ay socotay qudbadii salaada jimce oo uu jeedinayey sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar. markii uu Xoghayuhu soo galay masaajidka waxa uu iska bixiyey kabahii waxaanu fadhiistey meel loo sii qorsheeyey oo ahayd safka hore ee masaajidka.
Xoghayuhu waxuu dhegeystey khudbadii jimce oo ku baxaysay luqadaha carabiga, soomaaliga iyo luqada ingiriisida. khudbada oo ku saabsanayd wada noolaashaha, isdhexgalka bulashada iyo xuquuqda binu'aadamka ayaan ka fogeyn ama la mid ahaydba waxyaalaha xoghayaha laftiisu uu doonayey inuu kala hadlo dadkii muslimiinta ahaa ee halkaa ku tukanayey. markii qudbadii dhamaatey waxaa loo kacay salaadii xoghayuhu waxuu istaagey meel dhinaca bidix ee masaajidka ku beegnayd isagoo ay ka muuqatey xushmad uu xushmanayey masaajidka iyo dadka muslimiinta ahaa ee halkaa ku tukanayey.
Markii salaadii dhamaatey ayaa waxaa halkaa hadal kooban ka jeediyey Sheekh Ibraahim Maxamed Yuusuf "Nakhci" oo dadka u sheegay inuu maanta marti u yahay David Miliband oo ah xoghayaha arimaha debeda ee dawlada Britain isla markaana waxaa uu mahadnaq u soo jeediyey xoghayaha iyo sida uu waqtigiisii ugu soo hibeeyey masaajidka iyo mujtamaca soomaalida ku dhaqan bariga london. sheekh Ibraahim waxuu ku soo dhoweeyey microphoneka Xoghayaha oo hadalkiisii ku bilaabay "Salaama Caleykum".
Xoghayuhu waxaa uu u mahadnaqay dadkii suurto geliyey ee ku marti qaaday masaajidka, waxaa uu ka hadley xaalada wadankii soomaaliya la odhan jirey hada ku sugan yahay. waxuu ku nuuxnuuxsadey sida ay lagama maarmaan u tahay in xal loo helo dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee ku habsatey waxii loo yaqiin soomaaliya. xoghayaha oo socdaalkiisu ku wajahnaa baraarujin soomaalida ku dhaqan ingiriiska lagu baraarujinayo dhibaatada ay leedahay waxa loo yaqaan argagixisadu iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in meel looga soo wada jeesto. wuxuu kaloo ku dheeraaadey dhibaatada budcad badeedu ku hayso biyo badeedka soomaaliya iyo kuwa caalamiga ahba.
waxuu kaloo xohayuhu ka hadley qadiyado caalamiya isagoo sheegay in qadiyada Falastiin tahay arin muhiim u ah nabada caalamka oo dhan, waxuu xoghayuhu yidhi "dawlada Britain waxay aqoonsantahay xadkii u dhaxeeyey Israel iyo Falastiin waxii ka horeeyey 1967, iyo in la sameeyo wadan ay leeyihiin dadka reer Falastiin oo madaxbanaan caasimadiisuna tahay Bariga magaalada barakeysan ee Qudus, Israelna ay caasimad u tahay galbeedka magaalada Qudus". waxuu xoghayuhu kula dardaarmay dadkii muslimiinta ahaa ee halkaa ku tukanayey inay amniga ilaaliyaan isla markaana dalka ingiriiska u arkaan dalkoodii, isagoo xusuusiyey soomaalida inuu ku dhashay wadanka ingiriiska balse ay waalidkii wadankan ku yimaadeen qaxooti, maantana uu yahay xoghayaha arimaha debeda ee Britain.
Isku soo wada duuboo booqashan wasiirka ayaa ka turjumaysey sida ay dadka soomalidu u yihiin hada dad ay isha ku hayaan wadamada reer galbeedku. sababaha ay isha uga hayaana waxaa ka mida waxa reer galbeedku ugu yeedho la dagaalanka argagixisada oo dhalinyarada soomaalida ee ku nool wadamadan looga welwel qabo inay ku milmaan ama qaataan figradaha kooxo ka mida kuwa ku dagaalamaya soomaaliya. kooxaha ku dagaalamaya soomaaliya qaar ka mida ayey dawladaha reer galbeedku ku tilmaamaan argagixiso iyo inay xidhiidh dhow la leeyihiin Alqaacida oo ay si weyn isu hayaan reer galbeedka.
Arintan booqashada xoghayaha ayaan ka madhnayn olole siyaasadeed oo uu xisbiga shaqaalaha ee talada wadankan gacanta ku hayaa ku doonayaan cod ay ka helaan dadka muslimiinta ah ee ku nool Britain. dhinaca kale waa markii ugu horeysey oo qof jogo noocan oo kale ah ka hayaa dowlada britain uu booqdo masaajidka soomaalida ee bariga London, waxaana masaajidka soomaaalidu guddoonsiiyey xoghayaha abaalmarin ay ku qoran tahay towxiidku. waxayna ku booriyaan xoghayaha iyo dawladaba inay bartaan oo akhriyaan qur'aanka kariimka ah.
Qarannews London
Last Updated ( Feb 26, 2010 at 03:55 PM )
Friday, 26 February 2010
Axmed Siilaanyo oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka

Hargeysa (Togdhnews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qiray inay muddo-dhaaftay waqtitgii ay filayeen in lagu dhammeeyo
sixitaanka kala shaandhaynta diiwaangelinta codbixiyayaasha ee mashiinka Serfarka, isla markaana arrintaasi ku hayso welwel hor leh.
Guddoomiye Axmed-siilaanyo waxa uu sheegay in inkasta oo ay socdaan hawlihii u diyaargarowga doorashada oo Komishanku shaqadooda wadaan, haddana cayimaad la’aanta waqtiga ay doorashadu qabsoomayso ay tahay arrin caqabad ah oo ay is waydiinayaan axsaabta iyo shacabkuba. Waxaannu daboolka ka qaaday in muddadii ay ku wadeen in lagu dhammeeyo sixitaanka diiwaangelinta codbixiyayaasha ay dhaaftay, arrintaasina ay wadatashi kala samayn doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Md. Axmed Siilaanyo oo ka hadlayey doorashooyinka iyo rajada laga qabo inay dhakhso u dhacaan, waxa uu sheegay in xisbiyada qaranka iyo dadweynaha reer Somaliland waxa keliya ee ay sugayaan ay tahay doorashada Madaxtooyada inkasta oo aannu weli Komishanku cayimin waqtigii ay dhici lahayd, balse ay socoto hawlihii loogu diyaargaroobayey.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Arrimaha doorashooyinka waynu ogayn oo sidii heshiisku ahaa Guddiga Doorashooyinka iyo hay’adaha la shaqaynayey ee farsamada xagga Serfarka hawlihiisa ku jiray ayaa gacanta ku haya, sida heshiisku ahaa waxa lagu ballamay in aan hawlahaasi axsaabtu farogelin oo dadka gacanta ku haya loo daayo, weli sidii ayaanu kalsooni ugu qabnaa oo aannu leenahay hawshii ha qabtaan, laakiin su’aasha annaga iyo shacabka intiisa badan iswaydiinayaan oo welwelkeedu nagu jiro oo ah ilaa waqtigan maanta ee aynu joogno in aan waqti mucayan ah oo doorashada la qabanayaan ka soo bixin, si kastaba ha ahaatee shacabka iyo annaguba axsaab ahaan waxaannu u diyaargaroobaynaa doorasho.
Waanu ognahay iyadoo dawladdu marka horeba dalka waxba ka qaban oo ay ahayd inay u socoto dalka wax-ka-qabashadiisa, horumarkiisa, caafimaadkiisa, tacliintiisa iyo biyihiisa ayey iminka olole qaadeen oo xisbiga UDUB u socsocday, xisbiga UDUB isagu ma kormeerayo waxay dawladdu qabanayso ee waa shaqadeeda dawladda inay qabato, wixii ummadda wax loogu qaban lahaana waa waxa Xoghayaha Guud ku wareegayo ee uu kharashka ummadda ku bixinayo, waxaannuna u aragnaa mid waqtigiisa laga hordhacayo oo been ah, loona isticmaalayo hay’adaha dawladda qaab aan sharci ahayn.”
“Komishanka doorashooyinku waqtigan xaadirka ah waynu ognahay oo gobollada ayuu wareegayaa oo wuxuu qorayaa shaqaalihii ka hawlgeli lahaa doorashada, waana mid ka mid ah hawlaha u diyaargarowga doorashada, waana arrimo aannu u aragno inay ahayd hawl loo baahnaa in la qabto, waxa qudha ee dhimani ilaa hadda ee muhiimka ahi waxa weeye arrinta Serfarka [mashiinka kala shaandhaynaya dadkii isdiiwaangeliyey], arrintaasi annaga welwel badan bay inagu haysaa runta marka aynu u dhacno, maadaama aan weli wax rasmi ah laga haynin, annagu waqtigii aannu rajaynaynay inay ku dhammaato way ka durugsan tahay, markaa bal waxaannu jecelnahay in aannu Komishanka isku noqono oo arrintaa wax iska waydiino, annaga iyo dadkaba dareenkaasi wuu nagu jiraa, laakiin wax gooni ah iminka ka samayn mayno ee waanu dhawraynaa arrintaa,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda Horyaal iyo telefishanka SSCL.
Guddoomiyuhu waxa uu si adag u cambaareeyey tallaabadaxukuumaddu xabsiga ugu taxaabtay xidhay Mr. Abshir Xasan Xaashi oo ka tirsan KULMIYE, isagoo shaki ka muujiyey waxa masuulkaasi oo hore uga tirsanaan jiray shaqaalaha Madaxtooyadu uu ka hayo Madaxtooyada ee ilaa hadda laga samri la’yahay, maadaama dhawr jeer la xidhay, waxaannu ku baaqay in si degdeg ah xorriyadiisa loogu soo celiyo.
“Wax badan baa socda oo ay maanta ugu dambaysay in madaxdii KULMIYE iyadoo awalba caado ay ahayd in dhallinyaro, dad aan waxba gaysan iyo saxaafadda la xidhxidho, maantana rag madaxdayada ka mid ah oo xisbiga ku jira ayaa shalay [Salaasadii] waxa la xidhay nin KULMIYE ka mid ah oo beri horena Madaxtooyada iyo Madaxweynaha qoyskiisa la shaqayn jiray, markii dambe UDUB ka soo digo-rogtay oo ay tahay markii afraad amma shanaad ee la xidho, taana ummaddu way ogtahay, waxa loo aanaynayaana tahay Madaxtooyada, waxa ninkaasi meesha [Madaxtooyada] ka galayna ummaddu aad iyo aad ayey isku waydiinaysaa, wuxuu u hayey ee uu kaga fadhiyo ee ay tabeen ee meeshaa laga waayey, kana hadhi la’yihiin wax la yaab leh weeye, isagoo wax alle wax uu gaystay aanay jirin, ninkaas xaaska iyo carruurta leh ee aanay jirin cid uu dambi u gaystay. Arrintaa annagu si buuxda ayaanu u dhaleecaynaynaa, waxaannu leenahay waa in si degdeg ah xorriyadiisa loogu soo celiyaa, haddii taa la samaynwaayana tallaabada aannu ka qaadayno waanu ka qaadayno talo ayaanu iskaga noqonaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-siilaanyo.
Mar uu Md. Siilaanyo ka hadlayey siyaasadda arrimaha dibada Somaliland waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay ka midho-dhalin kariwayday inay dunida ka dhaadhiciso qadiyadda Somaliland, isla markaana ay ka xumaato socdaalada xisbiga KULMIYE ku tago dibada oo ah qaar uu xisbigu kaga shaqeeyo sidii Jamhuuriyadda Somaliland ay u heli lahayd aqoonsi, tallaabooyin muhim ahna uu qaaday, iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibada ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah nin aqoonyahan ah oo dunidu dhegaysato uu shirar badan kaga hadlay qadiyadda Somaliland.
Waxa kale oo Guddoomiyuhu cambaareeyey diidmadii Wasiirka Xannaanada Xoolaha Diris Ibraahim Maxamed inuu hortago Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo uu ku tilmaamay in aanay ahayn nidaam dawladnimo, isla markaana xukuumaddii ku amri lahayd inuu golaha hortago ay la ogtahay diidmadiisa.
TogdheerNews
[ Back ]
Thursday, 25 February 2010
Waa sidee xaalada madaxweyne kuxigeeka somaliland

Xukuumadda Somaliland oo ka warbixisay xaaladda Caafimaad ee M/weyne-xigeenka
February 25th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka warbixisay xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo muddooyinkii u dambeeyay xaalad Caafimaad u jiifay Cusbatal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo hadda booqasho ku jooga dalka Faransiiska, ayaa sheegay in xaaladda Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ay hadda wanaagsan tahay, isla markaana hadda loo ogol yahay dadku inay booqdaan. Wasiirku wuxuu sidaa ku daray in la filayo in dhawaan uu ka soo baxo Cusbatalka. “Wuxuu yaala Waadh caadi ah oo caafimaadkiisu 100% waa fayow yahay, labadii maalmood ee u dambaysay waxa loo ogolaaday in ay dadku booqan karaan. Caafimaadkiisuna aad buu u wanaagsan yahay oo wuu soo baxayaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xooluhu oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da.
Warkan la xidhiidha xaaladda Caafimaadka ee Madaxweyne-xigeenka, ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii maanta guud ahaan magaalooyinka Somaliland lagu baahiyay in uu geeriyooday Madaxweyne-xigeenku, taas oo ay sidoo kale beeniyeen Madaxtooyada Somaliland oo Warsaxaafadeed arrintaas ka soo saaray.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
wararkasomaliland@gmail.com
Wednesday, 24 February 2010
Komishanka Somaliland oo dalka Keenaya Kaadhadh Lagu Gelayo Doorashada Madaxtooyada

Komishanka Somaliland oo dalka Keenaya Kaadhadh Lagu Gelayo Doorashada Madaxtooyada.
Hargeysa(Ramaas) Feb.24, 2010 - Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa la sheegay inay dalka keenayaan kaadhadh cusub oo doorashada madaxtooyada lagu geli doono, kuwaasi oo la siin doono dadkii sifaha sharciga ah isku diiwaan geliyay sidaasi waxa lagu sheegay warbixin ay maanta faafisay Laanta Af-soomaaliga ee Idaacada VOA-da.
Warkaasi waxa lagu sheegay in kaadhadhkan cusub lagu soo heshiiyay ka dib markii Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Ciise Xamari uu booqasho ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaadhadhkan ayaa la sameyn doonaa marka la ogaado tirada rasmiga ah ee ka ansaxday diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee lagu murmay liiskii hore ee ka soo baxay.
Xogtaasi waxay intaasi ku dartay in khaadhadhkan cusub ee lagu gelayo doorashada madaxtooyada ay kharashka ku baxaya 80% ay bixinayaan wadamada qaadhaan bixiyeyaasha ah halka 20% ay bixin doonto xukuumada Somaliland.
VOA-du waxay sheegtay in khaadhkan cusub oo muddo todobaad ah la qeybin doono la siin doono codbixiyeyaasha ku soo baxa liiska kama damaysta ah ee diiwaan gelinta codbixiyeyaasha marka la kala hufo mishiinka Server-ka ee macluumaadkii diiwaan gelintu ku kaydsan yihiin.
Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ay Komishanka doorashooyinka Somaliland oo la xidhiidha arrinta khaadhadhkan, mana jiro wax dareen ah oo ay sadexda xisbi qaran ka bixiyeen khaadhadhkan cusub ee lagu geli doono doorashada madaxtooyada.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Hargeysa(Ramaas) Feb.24, 2010 - Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa la sheegay inay dalka keenayaan kaadhadh cusub oo doorashada madaxtooyada lagu geli doono, kuwaasi oo la siin doono dadkii sifaha sharciga ah isku diiwaan geliyay sidaasi waxa lagu sheegay warbixin ay maanta faafisay Laanta Af-soomaaliga ee Idaacada VOA-da.
Warkaasi waxa lagu sheegay in kaadhadhkan cusub lagu soo heshiiyay ka dib markii Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Ciise Xamari uu booqasho ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaadhadhkan ayaa la sameyn doonaa marka la ogaado tirada rasmiga ah ee ka ansaxday diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee lagu murmay liiskii hore ee ka soo baxay.
Xogtaasi waxay intaasi ku dartay in khaadhadhkan cusub ee lagu gelayo doorashada madaxtooyada ay kharashka ku baxaya 80% ay bixinayaan wadamada qaadhaan bixiyeyaasha ah halka 20% ay bixin doonto xukuumada Somaliland.
VOA-du waxay sheegtay in khaadhkan cusub oo muddo todobaad ah la qeybin doono la siin doono codbixiyeyaasha ku soo baxa liiska kama damaysta ah ee diiwaan gelinta codbixiyeyaasha marka la kala hufo mishiinka Server-ka ee macluumaadkii diiwaan gelintu ku kaydsan yihiin.
Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ay Komishanka doorashooyinka Somaliland oo la xidhiidha arrinta khaadhadhkan, mana jiro wax dareen ah oo ay sadexda xisbi qaran ka bixiyeen khaadhadhkan cusub ee lagu geli doono doorashada madaxtooyada.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
gudomiyaha gudida joogta ah oo leysku mari la'yahay

Fadhigii Shalay ee Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida:
Hargeysa (GolisNews) Fadhi ay shalay ku yeesheen xarunta golaha guurtida Somaliland Xubnaha Guddidda Joogtada ah ee Golaha Guurtidda Somaliland oo la filayay in ay ku soo doortaan Guddoomiyaha Guddida Joogtada, Ku-xigeeniisa iyo Xog-hayaha Guddida ayaa isku mari waayay in ay soo xushaan xubnahaasi, ka dib markii ay soo ban-dhigeen laba Xubnood oo kala ah Muxumed Aw Axmed X. Aadan iyo Maxamed Ducaale Qurux in mid kastaa u sharaxan yihiin Guddoomiyaha Guddida, kuwaasi oo ay kala taageersan yihiin Xubnaha Guddida Joogtaddu, taasi oo loolan adag iyo buuq ka dhex abbuurtay fadhigii oo sababay in ay Xildhibaanadu bari u dhigtaan Doorashada hoggaanka Guddidooda.
Fadhigii u dambeeyay ee Golaha Guurtidda ee Shir-gudoonka Guurtidu ku soo ban-dhigay liiska isku shaan-dhayn ah oo ay ku sammeeyeen Guddiyada Golaha oo in badan khilaaf wayni ka taagnaa ayaa Guddoomiyaha Guurtidu Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ku amray Guddiyadaasi ay magacaabeen in toddobaad gudihii ay ku soo dhammaystiraan Guddiyadu in ay doortaan Hoggaanadooda kala duwan, si Goluhu uu u galo fasixiisii caadiga ahaa, balse arrintani ay maanta Guddiga Joogtaddu isku mari waayeen ayaa la filayaa haddii ay bari go’aan ka gaadhi waayaan inuu dib u dhici doono fasixi Goluhu geli lahaa, taasi oo hor-seedi doonta in loolan adagi ku dhex-maro Guddidayadaasi xulashada hogaanadooda oo sababi karta in heshiiskii la gaadhay ay saamayn ku yeelam doonto.
Golis News
Hargeisa/somaliland
khilaaf guddida joogtada guurtida

Fadhigii Shalay ee Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida:
Hargeysa (GolisNews) Fadhi ay shalay ku yeesheen xarunta golaha guurtida Somaliland Xubnaha Guddidda Joogtada ah ee Golaha Guurtidda Somaliland oo la filayay in ay ku soo doortaan Guddoomiyaha Guddida Joogtada, Ku-xigeeniisa iyo Xog-hayaha Guddida ayaa isku mari waayay in ay soo xushaan xubnahaasi, ka dib markii ay soo ban-dhigeen laba Xubnood oo kala ah Muxumed Aw Axmed X. Aadan iyo Maxamed Ducaale Qurux in mid kastaa u sharaxan yihiin Guddoomiyaha Guddida, kuwaasi oo ay kala taageersan yihiin Xubnaha Guddida Joogtaddu, taasi oo loolan adag iyo buuq ka dhex abbuurtay fadhigii oo sababay in ay Xildhibaanadu bari u dhigtaan Doorashada hoggaanka Guddidooda.
Fadhigii u dambeeyay ee Golaha Guurtidda ee Shir-gudoonka Guurtidu ku soo ban-dhigay liiska isku shaan-dhayn ah oo ay ku sammeeyeen Guddiyada Golaha oo in badan khilaaf wayni ka taagnaa ayaa Guddoomiyaha Guurtidu Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ku amray Guddiyadaasi ay magacaabeen in toddobaad gudihii ay ku soo dhammaystiraan Guddiyadu in ay doortaan Hoggaanadooda kala duwan, si Goluhu uu u galo fasixiisii caadiga ahaa, balse arrintani ay maanta Guddiga Joogtaddu isku mari waayeen ayaa la filayaa haddii ay bari go’aan ka gaadhi waayaan inuu dib u dhici doono fasixi Goluhu geli lahaa, taasi oo hor-seedi doonta in loolan adagi ku dhex-maro Guddidayadaasi xulashada hogaanadooda oo sababi karta in heshiiskii la gaadhay ay saamayn ku yeelam doonto.
Golis News
Hargeisa/somaliland
Tuesday, 23 February 2010
faysal cali waraabe oo si weyn loogu soo dhaweeyey Hargeysa


Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa
February 23rd, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku soo maray dalal kala duwan oo Qaaradda Yurub ka tirsan.
Guddoomiyaha UCID oo shalay ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera, isla markaana saaka ka soo kicitmay, ayaa waxa soo-dhawayntiisa ka qayb galay hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE oo ay ka mid ahaayeen, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed (Axmed-Siilaanyo), Guddoomiye-xigeenka Muuse Biixi Cabdi, Xoghayaha guud Keyse Xasan Cige iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.
Inkasta oo ay Jidadka waawayn ee Magaalada Hargeysa xidheen Gaadiid tiro badan iyo dadweyne ka qayb-qaadanayay soo-dhawaynta Guddoomiyaha, haddana waxa markii dambe Faysal Cali Waraabe oo loo gelbiyay dhinaca xarunta dhexe ee Xisbigooda , halkaas oo uu kula hadlay dadweyne aad u tiro badan.
Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in dalalka uu soo maray ilaa 8 Waddan oo ka mid ah dalalka Yurub, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay u sheegeen in Xukuumadda Somaliland ay ka gaabisay xidhiidhka dawladaha Caalamka. “Walaalayaal dalalka aanu soo marnay waxay diyaar inoola yihiin xidhiidh, balse Xukuumaddeena ayaa ka gaabisay, waxaanay noo sheegeen in aanay arag cid ka socota Xukuumaddeena..Dalalkaa waxaanu kala hadalnay arrimo la xidhiidha qaddiyaddeena, waxaanay sheegeen in badankoodu ay dalkeena u soo dirayaan goob-joogayaal iyo Wufuud.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Guddoomiyaha UCID wuxuu Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay musuq-maasuq. “Walaalayaal taag uma hayno Kiish afkiisu halkan yaalo oo daadsan ilaa Paris, Insha Allah markaanu talada dalka qabsanana Waxbarashada ilaa Dugsiyada sare waxaanu ka dhigaynaa bilaash.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Insha Allaahu walaalayaal markaanu talada qabsano Tuulo kasta iyo Magaalo kastaba waxay heli doonaan Biyo nadiif ah, waxaananu Direyska ka bedeli doonaa Ciidankeena, waananu qorshaynay Direyskii aanu u xidhi lahayn Ciidankeena.”
Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in haddii ay talada qabtaan ay yarayn doonaan Shaqo-la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
wararkasomaliland@gmail.com
wefdi somaliland oo maraykan tegaaya

Wefti Culus oo ka Kooban Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo Maanta u Ambabaxaya Maraykanka.
Hargeysa(Ramaas) Feb.23, 2010 - Wefti culus oo ka kooban Xukuumadda Somaliland iyo golayaasha Baaralamaanka ayaa la filayaa inay maanta u anbabaxaan dalka Maraykanka.
Waftigan oo ku tagaya marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen xukuumada Maraykanka waxay ku sii hakan doonaan dalka Djibouti oo ay u sii dhaafi doonaan dalka Maraykanka.
Waftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, C/laahi Max’ed Ducaale waxa ku wehelinaya wasiirada Arrimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cirro, Wasiirka Qorshaynta Cali-Sanyare, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cismaan Sh Cabdi Sh Maxamed iyo labada gudoomiye ku xigeen ee labaad ee golayaasha baaralamanka (Wakiilada iyo Guuritida), Baashe Maxamed Faarax iyo Siciid Jaamac Cali, ayaa Mudada ay joogaan dalka Maraykanka waxa la filayaa inay wada hadalo rasmi ah la yeeshaan xukuumada Maraykanka taas oo uu ku saabsan xoojinta xidhiidhka labada dal iyo arrimaha iskaashiga ay ka yeelan karaan labada dal.
Waa markii ugu horaysay ee wafti culus oo ka kooban xukuumada iyo baaralamanku ay socdaal wada jir ah ugu baxaan dibadda, taas oo xoojinaysa dadaalka ay Somaliland ugu jirto inay aqoonsi ka hesho caalamka.
Source: Waaheen
harar on February 23 2010 11:26:06 ·
warsaxaafadeed uu qabtay jug soo-dhacay

Jug-soo-dhacay oo ku Hanjabay in Xilka Laga Qaadi Doono Madaxda Gobollada iyo Degmooyinka Dalka ee Fulin Waaya Awaamiirta Xukuumadda iyo UDUB
Xoghayuhu waxa uu sidaa ka sheegay shir-jaraa’id oo shalay si wadajir ah ugu qabteen isaga iyo Guddoomiyaha Ololaha
Xoghayaha Guud iyo Guddoomiyaha Ololaha UDUB oo warbaahintii ugu hanjabay in ciddii weydiisa su’aal aanay raalli ka ahayn ay shirka ka saari doonaan
Hargeysa (GNS)- Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax (Jug-soo-dhacay), ayaa ku hanjabay inay guddoomiyeyaasha masuulyiinta gobollada iyo degmooyinka dalka xilalka ka qaadi doonaan haddii aanay u hoggaansamin awaamiirta xukuumadda xisbiga UDUB iyo inay barnaamijyada u fuliyaan hadba sida loo faro.
Xoghayuhu waxa uu sidaa ka sheegay shir-jaraa’id oo shalay si wadajir ah ugu qabteen isaga iyo Guddoomiyaha Ololaha xisbiga UDUB Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi), kaasoo ay kaga hadleen ujeeddooyinkii socdaalkooda gobollada dalka, iyagoo sheegay in wixii ay kala soo kulmeen u gudbiyeen Madaxweynaha, qabanqaabada wax-ka-qabashadana ku jiraan.
“Waxa aannu la shirnay maamullada gobollada iyo degmooyinku siday u shaqeeyaan, waxay u qabteen bulshada, waxyaabaha ka dhiman ee u baahan inay u soo gudbiyaan wasaarradahoodii si aannu Madaxweynaha ugu gudbino, annaga oo leh waxaad meesha u joogtaan inaad fuliyaan awaamiirta xukuumadda iyo xisbiga UDUB ee ku aadan adeegga bulshada, waxaanna weeye sida la idiin ku cayimay hawlahaa inaad u fuliyaan idinka oo daacadnimo u fulinaya iyo wixii barnaamij la idiin dhiibay, daacadnimo ay u yihiin bulshada, xukuumadda iyo xisbiga xukuumaddu ka soo jeedo ee talada u igmaday ee UDUB, waananu isku afgaranay gobolkasta oo aannu maraynay in nimankaasi xilkooda u gutaan si hufan oo daacad ah u fushadaan, waananu u sheegnay in bulshadu waxay ka soo sheegto ee tabasho ahi noqo doonto waxaan dhegaha laga furaysan doonin.
Ninkii masuuliyaddiisa caynkaas ah ee ummadda loogu dhiibay ka soo bixi waayey inuu noqon doono cid kaga habboon oo ku filan hawshaa iyo masuuliyada, umanaanu qarin waxannu nidhi rabitaanka shacabkaa leh, rabitaanka xukuumaddana iyagaa ah, shacabku waa inuu gacanta sare lahaadaa oo codka ka soo yeedha ayaa noqonaya ka dhabta ah ee wax la idiinku qabto.
Su’aal: Waxa jirtay xus dhowaan loo sameeyey xoghayihii hore ee geeriyooday marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale, xuskaas oo uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ka caddeeyey in agoontii uu ku tegay marxuumku ilaa waqtigan loo haysto dayntii uu UDUB u galay, Madaxweynuhuna kaga baxay ballanqaadii uu u sameeyey. Markaa ka xoghaye ahaan, maxaad ku aaminaysaa xisbiga UDUB, maadaama xukuumaddii ka xishoon weyday inay agoonta ka bixiyaan dayntii lagu lahaa intaanad gaadhin waxqabad aad u qabato shacabka?
Haseyeeshee, Xoghayaha Guud iyo Guddoomiyaha Ololaha xisbiga UDUB oo ku margaday, aadna uga gubtay weydiintaas, ayaa ka gaabsaday inay wax jawaab ah ka bixiyaan su’aashaas, isla markaana warbaahintii ugu hanjabay in ciddii weydiisa su’aal aanay raalli ka ahayn inay shirka ka saari doonaan.
Monday, 22 February 2010
Ciidamada somaliland oo baacsaday kuwa puntland

Wasiirka Gaashaan Dhiga oo Ka Hadlay Ciidamada Somaliland Oo Baacsaday Maleeshiyo Ka Tirsan Puntland.
Hargeysa(Ramaas) Feb.22, 2010 - Ciidamada qaranka ee ku sugan jiida hore ee Gobolka Sool ayaa maanta fashiliyay weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen maleeshiyo beeleedka Puntland waxaana Ciidamada Somaliland ay baacsadeen maleeshayadaasi.
Wasiirka Gaashaan dhiga Somaliland Md, Saleebaan Warsame Guulleed, ayaa ka waramay hawl galkaasi iyo sida maleeshiyadii Puntland loo jabiyay waxaanu yidhi “Waxa jirtay saaka goor subaxnimadii hore ah in Maleeshiyo beeleed ka tirsan Maamulka Puntland ay ku soo qaadeen ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee gobolka Sool,ciidankiina markiiba ay jabiyeen oo ay eryadeen kaantaroolo ay dhigteen oo ay dadka lacagta ka urursan jireenna ay baabiiyeen, Ciidamadu waxay maleeshiyadaasi xataa dhaafiyeen meelihii ay hore u daganaayeen. Waxa imika hortayda taalla dukumanti ay dadka lacag kaga qaadi jireen oo ciidamadu ay soo furteen.”
“Wax khasaare ahina muu dhicin waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa ciidamada qaranka ee geesiyaasha oo u heeganka ah cadowga Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan dhigu.
Dhinaca kale, weftigii Xukuumada ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa maanta socdaal ku tagay degmooyinka Qoryaale iyo Gobolka Saraar, waxaanay halkaasi xadhiga kaga jareen saldhig cusub oo laga hirgeliyay degmada Qoryaale.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Md, Axmed Xasan Cali (Casoowe) ayaa maanta dhagax dhigay xabsiga laga dhisayo degmada Caynabo ee xuranta gobolka Saraar.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
harar on February 22 2010 17:38:05 ·
shir kulmiye ku qabtay manchester

SHIR XUSBIGA KULMIYE KU QABTAY MAGAALADA MANCHESTER EE U.K.
SHIR XUSBIGA KULMIYE KU QABTAY MAGAALADA MANCHESTER EE U.K.
Shir kulmiyey dhamaan taageera-yaasha jaaliyada reer somaliland ee xusbiga kulmiye maalintii shalay oo ay ahayd taariikhdu 20/o2/2010, kana kala yimi dalka maraykanka, canada, london, birstol, sheffield, leister, birmingham, manchester, liverpool, iyo meelo kale oo badan, kana soo qayb galeen dad aad u tiro badani, kuna saabsanaa siddii loo taageeri lahaa xusbiga dhinaca dhaqaalaha, si weyna loo soo agaasimay isaga oo uu qanban qaaba-deeda lahaa cabdi jamac yuusuf oo ah nin reer manchester ahi, baa si wacan looga dooday qaabkii loo samayn lahaa dhaqaale, iyaka oo ay ka hadleen madax aad u culculus oo ka tirsanaa xusbiga meelo dhaadheer-na ka soo kicitimay, sida osman saxardiid, axmed samaale, ikraan x. daa’uud, cabdiraxmaan cabdiqaadir, cabdi aw dhaahir,maxamed cumar, abdirisaaq sh. ibraahim kooshin cawil cadami, ibraahim dhaadheere oo ahaa xildhi-baan reer somaliland ah, iyo rag badan oo aan la soo koobi karini, waxa kal oo maanta la xusayey 2o/02/1982gii markii kooxddii la magac baxday ufo, lagu xidhxidhay caasimada somaliland ee hargaysa, oo laga joogo 28 sano, kuwaas oo uu ka bilaabmay dhadha-qaaqii wadaniga ahaa ee uu ka dhashay S.N.M.
* ka dib markii la akhriyey aaayado quraan ah, waxa hadalkii furay ibraahim sheekh xuseen oo ah xoghayaha guud eexusbiga kulmiye ee U.K , isaga oo u mahada naqay dadka isugu yimi madashan oo uu ku sheegay tiraddii ugu badnayd ee uu la kulmo intii uu shir arkaayey, , weliba si guud mar ah u taabtaabtay hawlaha looga baahan yahay xusbiga iyo waxa ay ku saabsan tahay xafladani.
* Xoghayaha 2baad ee xusbiga kulmiye mudane cabdiraxmaan cabdilqaadir , baa isna ka waramay xaala-diisa caafimaad, wuxu xusbiga kulmiye u taagan yahay in ay tahay ururinta umada reer somaliland iyo wax ka qabashda baahi-deena marka la soo gaabiyo, sheegayna in la kaco oo uu qurba joogo ka ciyaaro kaalin muhiim ah, wuxu ku soo gabaga-beeyey waa in aynu bad-baadinaa dalka iyo dadka, haddii kale sida aynu u aragno ba indha-heena oo shan ah uu far-yaro bidixi uga bixi doonaa, wuxu xusay idaacada raadyoow hargaysa oo ilaa intii uu maamul-kani jiray la ina lahaa berito baa la hagaajinayaa, meesha ay marayso dimuqraa-diyadu oo iayna jar ka dhacday, iska xidh bilaa maxakamad, hadana iska soo daa, waxa lagu haysto lama sheego, wax lagugu waana lama yidhaaho,, abaaraha, iyo biyo la’aanta ka taagan, hantida umada oo lagula dagaalamo mucaaridka, isaga oo si weyn ugu nuux-nuuxsaday waxa looga baahan yahay haddii aan nahay buu yidhi kulmiye.
* Cabdi yuusuf ( kuruu) oo ah qaban qaabi-yaha shirka oo isna sheegay, kana war bixiyey faa’iidooyinka shirkan iyo waxa loogu talo galay, isaga oo ay la socdaan dalin cadaan ah oo dugsiyda somaliland raba in ay ka taageeraan xaga qalabka iyo wax barashada oo uu yidhi waxay bixiyeen $12:000 kun oo doolar oo ay tira-doodu ahayd ilaa lix, iyaka oo muujiyey cadaan-kaas dhalinta ahi waxa ay tahay ujeeda-doodu.
* Cabdirisaq sh ibraahim oo isna ka war bixiyey wax qaba-shaddii ufo, yidhina in la xuso baa aynu u baahanahay, hakaasna ka tiriyey gabayo iyo heeso loogu tala galay.
*Osmaan saxardiid cadaani oo ah xidhiidhi-yaha xusbiga kulmiye ee qurba jooga oo, oo isna ka hadalay sida la isugu duba-riaayo dhalinteena taageersan xusbiga, loona abuuri lahaa raggii qaadi lahaa ololaha doorshda , iyada oo laga samayey canada, maraykanka, imikana aanu wadno buu yidhi tii U.K, iyo yurub, olala-haas oo dhinac walba ah, waxa ugu wacan in loo sheego umadeena sida aynu rabno in aan ku kasbano kalsooni-dooda ee maaha in aan iska fadhino.
* M.cumar oo ah af-hayeenka xusbiga amuuraha debeda oo yidhi intiisii caadiga u hayd, ee ahayd dawladu way ku guulaysan wayday siyaasaddii arimaha debeda ee ku saabsanayd dalka U.S.A oo uu weji jabax kaga dhacay MR donnald paye, laakiin-se kulmiye uu soo nooleeyey, eedo badana u xambaariyey xukuumada, waxa ka mid ahaa erayada uu ku dhawaaqay Madax-weyne riyaale wuxu u qaataa mushahaaro $ 62:000 kun laakiin uma baahna mujaahid axmed siilaanyo.
* Dr cabdi aw daahir baa isna sheegay in si weyn looga qayb qaato siddii loo xaqiijin lahaa in aan dhisano maamul toos ah oo kii aynu rabnay ah, wuxu yidhi kuli-geen saddexda xusbiba waa wada somaliland, riyaale, siilaanyo, iyo faysal intuba waxa ay ku kala duwan yihiin ma jiraan, laakiin waxay ku kala baxeen wadadii loo raaci la haa in aynu horumar gaadhno, taas oo ay dawladu raacday dhabo aan faa’iido ugu jirin umada iyo dalka, oo ay ku soogan tahay xoolo urursi, waxa qabasho la’aan.iyo aanu iska sii joogno, taasina inoo dan maaha ee ku darsada xisaabta.
*Cawil cadami oo isna ka waramay markii uu ahaa gudoomiyihii komishanka qaranka ee hore , markii uu ku soo baxay riyaale madax-nimada, iyo sida uu u arko, wax-yaabaha lagu bedelay, iyo halka ay maanta marayso.
* Axmed samaale oo ah ku xigeenka golaha xildhi-baanada oo isna soo qaatay aayado ka hadlaaya keliggii tali-yihii la odhan jiray fircoon si dadban-na aad moodayso in uu uga hadlaayo riyaale, laakiin aan mar qudha carabka ku dhufan magaca madax-weynaha, waxa ka mid ahaa haddii aynu akhrino qu’raanka dad ba isu qaadan in iyaka laga hadlaayo,laakiin inaku waxa aynu sheegaynaa wixii uu ina faray ilaahay.
* Ugu dambayn waxa hadalkii qaadatay xildhi-baanad ka tirsan somaliland oo magaceeda la yidhaaho MRS Ikraan x. daa’uud oo si weyn u guubaabisay haween aad u tiro badan oo ku tidhi sameeya siddii lidankii la sheegi jiray oo dahabkiina iibiya, si an u smayno is bedelka aan doonayno.
* Waxa ugu dambeeyey hees aad u agaasiman oo ka hadlaysay in kulmiye uu yahay xusbiga hanan kara somaliland ee inaga saari kara dhibta inagu habsatay, heestaas oo ay qaada-yeen koox fanaanii ahi, oo kuwo ka mid ahi reer maanchester yihiin sida abwaan king khalid, iyo heesaaga axmed dhagax oo ah nin dhalin yar oo aad u cod macaan, halkaasna waxa ku xidhmay xafladdii kulmiye ugu qiimaha badanayd ee qurbe looga sameeyo intii uu jiray xusbigu.
* N.B Bal aan eegno uurasataye waxay umuli doonto.
Abdi-shotaly, manchester.U.k.
Oodweynenews.com
HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraan
dhugad iyo cabdi waraabe oo ku jira guddda cusub ee joogtada

Golaha Guurtida oo Cod Aqlabiyada ah Ku Ansixiyay Guddida Cusub ee Joogtada iyo Wajiyadii Khilaafku U Dhaxeeyay Oo Ku Wada Jira Guddida Joogtada ah.
Hargeysa(Ramaas) Feb.22, 2010 - Shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta Golaha horkeenay lixdii Guddi hoosaad ee Aqalkaasi ee ay soo magacaabeen dhawaan markii Goluhu sidaasi ku heshiiyay.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu Guddoominayay Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa madasha ka soo xaadiray 56 Mudane waxaana Golaha loo akhriyay Magacyada Mudaneyaasha ku jira lixda Guddi hoosaad, ka dibna waxay Goluhu ansixiyeen Guddida cusub ee Joogtada oo ah Guddida ugu xasaasisan waxaana ogolaaday 49 Mudane, waxa diiday 5 Mudane, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay Guddoomiyuhuna muu codayn.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay fadhigaa sheegay in Goluhu soo afjaray khilaafkii dhexdooda yaalay, waxaanu xusay in shirgudoonku ay u dhan yihiin magacaabista Guddi hoosaadyadan cusub.
Guddidan joogtada ah waxa ku wada jira Xildhibaano aad ugu kala duwan fikirka, magacyadooduna waxay kala yihiin sidan
1- Xaaji C/Raxmaan Cismaan Jaamac
2- Axmed-nuur Aw Cali Aadan
3- Yuusuf Cabdilaahi Cawaale
4- X. Cabdi Xuseen Yuusuf
5- Farxaan Ciise Ubaxle
6- Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad)
7- Muxumed Aw- Axmed X. Aadan
8- Suldaan Ismaaciil Suldaan C/Raxmaan
9- Axmed Jaamac Faarax
10- Khadar Xuseen Sahal
11- Caydiid Cabdi Maxamed
12- Maxamed Ducaale Qurux
13- Maxamed Jaamac Abokor
14- Maxamuud Xareed Rooble
15- Yuusuf Sh. Axmed Nuur
16- Diini Cabdilaahi Hande
17- Maxamed Nuur Sugaal
18- C/Casiis Maxamed Gaaxnuug
19- Khadar Ismaaciil Cabdi
20- Maxamed Hirad Shirtag
21- C/Salaan Maxamed Siciid
22- Axmed Xasan Saalax
23- Cismaan Cali Cabdi
24- Xasan Cumar Axmed
25- Xirsi Ciise Jaamac
Guddi hoosaadyada Golaha ayaa dhexdooda iska dooranaya Guddoomiye iyo Xoghaye waxaana maanta Goluhu galay fasax dhan lix todobaad.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Sunday, 21 February 2010
komishanka doorashooyinka iyo togdheer

Komishanka Doorashooyinka Oo Gobolka Togdheer Dib Ugu Soo Laabtay Kana Bilaabay Hawlihii Ay Wadeen.
Burco(Ramaas) Feb.21, 2010 - Weftigii Komashinka Doorashooyinka Qaranka ee uu hogaminayay guddoomiye ku xigeenka komashinka ee ku hawlanaa dhisida guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer dagmo ee saddexda gobol ee Bariga Somaliland ayaa soo dhameeyay hawlii shaqo ee ay ka wadeen labada gobol ee Sanaag iyo Soo, kuna soo laabtay gobolka togdheer. taas oo ay hadda faraha ku hayaan dhismaha xubnihii gobolkan Togdheer.
Weftigu waxay shalay u baxeen xagga Oodwayne oo ay soo dhisayaan xubnaheedii, waxana laga yaabaa in ay gobolka inta u hadhay dhamaystiraan ilaa maanta, iyada oo ay u hadhsan yihiin magaalo madaxda Burco iyo degmada Buhoodle.
Hawshan dhisida komashinka doorashada ee gobolada ee laga bilaabay gobolada bariga oo ilaa iminka si wacan u socota ayaa asxaabta mucaaradkuna ay dhinacooda siinayaan gacan wacan. Saddexda guddoomiye gobol ee asxaabta Qaranka oo aan wax ka waydiinay, sida ay u arkaan shaqada komishanka ayaa mid waliba dhinaciisa tilmaamay in ay illaa iminka hawluhu sii wacan u socdaan.
Gudoomiyaha xisbiga UCID Cismaan Ibraahin Nuur (Cismaan Afgaab) ayaa yidhi: illaa imika waxa ay wataan hawshooda mana aragno wax khalada wixii saxana waanu ku garab taagannahay hawsha gobolkana intii badnayd way u hadhay oo waxa hadhay Burco iyo Buhoodle ayuu yidhi Cismaan Afgaab.
Sahal Aadan Maxamed gudoomiyaha KULMIYE ee gobolka oo isna aan dhiniciisa wax ka waydiinay ayaa yidhi: komashinku waxa ay wali ku guddo jiraan hawshoodii wayna wacan tahay oo ma aragno wax khalada waxana ay soo dhameyeen labadii gobol ee bariga, halkana shalay waxa ay dhiseen xubnihii Oodwayne, waxana hadhay Burco iyo Buhoodle annaguna dhinacayaga annaga oo dhawrayna heshiiskii lixda qodob ahaa waxa aanu komashinka ula shaqaynaynaa si bilaa turxaana oo taxder leh. ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Sahal.
Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka Ayaanle Cismaan Ibraahin oo aanu dhinaciisa wax ka waydinay ayaa si kooban noogu sheegay in komashinku illaa imika hawshooda ay si hufan u wataan, isla markaana aanay jirin wax khalad ah oo u muuqdaa. Sidaa awgeedna ay is garabtaagayaan hawlahooda shaqo, inkastoo aanu la xidhiidhnay qaar ka mid ah Xubnaha Komishanka Qaranka ee ku sugan magaalada Burco ee hawlahan wada si aanu wax uga waydiino hase yeeshee way ka gaabsadeen in ay ka bixiyaan wax faah-faahin ah.
Ramaasnews Desk
Burao
cigaal iyo rayaale


1. Wuxuu yidhi rayaale, tabtii cigaal ayaan raacayaa ,sawdiga fooqa cusbitaalka agtiisa ka dhistay, cigaal daarihii aabihii ayu dalka u iibinjirey
2. Wuxu yidhi: caddaalad ayaan ka shaqeynayaa , maxkamadaha ma ka warheysa.
3. Wuxuu yidhi: ciidamadaan hagaajinayaa, meeye darajadoodii iyo mushaharkoodii
4. 50ka million ee doolar ma xanaanooyinka unicef sameysay ayaad gelisay. Been weynaa
5. Briijkii hargeisa lacagtiisii xaggaad geyseen.
6. lacagtii miisaaniyadda lagu daray 3jeer ee giimbaarta burco lagu beddelaayay maxaad u beddeli weyday meedey se.
7. waddadii laaamida aheyd ee burco-oodweyne-hargeisa 10ka jeer aad camuudda dhigtey ma sameysey. Ma been ayey aheyd.
8. tii ceerigaavo iyo camuudii weli sawta taal, goormaad sameyneysaa, maxaad beenta u sheegeysaa , haddaanad qaban kareyn
9. -warshadii sibidhka aad dhegaxa dhigtey 3jeer, goormaad bilaabeysaa, maxaad beenta u sheegeysaa.
10. kambaniyadii faransiiska, jarmalka ee aad sheegtay ee ina maalgelinaayay meeye. Maxaad beenta u sheegeysaa
11. isbitaalkii oodweyne iyo gabiley meeye. Maxaad beenta u sheegeysaa
12. labada taliye ciidan ee aad burco u sameysay, horey ma loo arkey. saw isku dir iyo kala qaybin maaha
13. ma dadka tahriibey ee xeebaha ku halaagmey ayaad eedii saartey shacabkii madaxda kaa dhigtey ee aad hagi kari weydey . kalmad xun moyaane , kalmad wanaagsan weli ma sheegtey
14. ma nimankii kula baratamaayey ayaad nacasyo ku sheegtey. Ma minted ayuunbaad ku jirin
15. ma kaas ayaa mar labaad dooraneysaan , waa haddaad munaafiqiin tihiin, dalkiina iyo dadkiinana aydaan waxba ku faleyn
Burco xisbigee ayey taageersantahay

Burco xisbigee ayey taageersantahay
Magaalada burco oo astaan u ah xaraka dhaqdhaq ee dalka Somaliland marka dhinac kasta laga eego gobanimo doonkiii, faqash la dagaalankii, SNMtii iyo xoreyntii dalka. Ku dhawaaqistii dibula soo noqoshada xorriyadda Somaliland. Maanta waxay tahay meesha hirdanka badan ee loolanku ka socdo. Magaaladaas oo hirdan lexaad leh oo siyaasadeed oo ku wajahan axsaabta gaar ahaan labada xisbi ee udub iyo kulmiye. Horena uu uga dhaxenjiea ayaa hadda u muuqdaa mid geb iahaanba awoodiisu ay ku wareegtey dhinaca kulmiye .kadddikb markii sahan codbixin ah oo laga qaaday magaalada burco ayney qaadeen ‘’URURKA KA DIMUQRAADIYADA TOGDHEER’’ ay natiijadisii noqotey
Bariga Burco= ucid 15 Udub- 5 kulmiye 80.
Galbeedka BUrco ucid 35 Udub 30 Kulmiye 35
Waqooyiga burco – ucid 26 udub 37 kulmiye 37
Bariga Burco= ucid 15 Udub- 5 kulmiye 80.
Galbeedka BUrco ucid 35 Udub 30 Kulmiye 35
Waqooyiga burco – ucid 26 udub 37 kulmiye 37
Isugeyn Ucid 25.5% udub 24% Kulmiye 75.5%
Subscribe to:
Posts (Atom)
