(dhinaca midig eeg u codee siilaanyo, faysal, Rayaale mid uun ))
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda oo Dafiray Hadal uu Hore ugu Sheegay in Axmed- Siilaanyo Dalka Laga Horjoogsanayo
Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) Nayrobi shabakada wararka ee waryatv ayaa waraysi la yeelatay wasiirku xigeenka Arimaha Debeda oo ku sugan nayroobi waraysigaa oo uu kaga Xogwaramay sidii talo uga baahday ka dib hadal dhowaan ka soo yeedhay mar uu ka hadlayey TV-ga UDUB gacanta ku hayso. warysigaasina wuxuu u dhacay sidan:
Wasiirk ku xigeenka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Axmed Aadan Ismaaciil, oo haatan ku sugan xarunta Nairobi ee dalka Kenya ayaa tifatiraha WARYA TV waraysi khaas ah la yeeshay si uu uga jawaabo hadalka ka soo yeedhay ee ahaa inaanu Axmed Siilaanyo waddanka ku soo noqon karin illaa uu cafis soo qorto mooyaane, maqaalkaas oo ay daabacday shabakaddan WARYA TV. Haddaba wasiirka oo aannu 13 su’aalood weydiinay sidan ayuu uga jawaabay:
_____________________________________
Waxaad tahay nin aqoon leh oo carriga Ingiriiskana muddo dheer ku noolaa oo waayo arag ah maxaa kugu kalifay inaad u hadasho sidii qof aan aqoon lahayn oo aad tidhaahdo Siilaanyo waddanka ma soo geli karo illaa uu cafis u soo qorto dawladda?
Waxa aan marka hore ku bilaabayaa magaca eebbe ee naxariista guud iyo mida gaarka ahba. Mar labaadka waxaan idiinka mahad celinayaa fursadan wareysi ee aad i siiseen ee aad weliba ii suurtogeliseen in aad su’aalihii ii soo dirtaan si aan uga jawaabo.
Intaas haddii aan ka gudbo, waxa aan u maleynayaa in aad wax badan aragtay in dadka la bidaayo aqoonta ama siyaasiyiinta ay ugu cey badan yihiin, six xun ugu dhaqmaan qabyaaladda ama u adeegsadaan, caadeystaana in ay ku hadlaan hadalo qaawan oo aslbuuta iyo anshaxa hadalka baal marsan. Taas markaasi in aad la yaabto meesha mataalo. Balse, run ahaantii anigu u maleyn maayo runtii ilaa intii aan dalka ku soo laabtay, October, 2002 ilaa hadda in ay diiwaanka iigu jirto sifooyinka, dhaqanka, dabeecaddaha, iwm ee aan kor ku soo sheegay. Haddii aan su’aashaada u soo noqdo ma odhan gudoomiye Axmed ma soo geli karo dalka ilaa uu cafis soo qorto, mana odhan karo waayo maaha shaqadayda, waajibkayg iyo awoodeyda in aan amarka intaas le’eg bixiyo, haddii aan bixiyona cid iga hoos qaadaysaa ma jirto. Balse sida aan u idhi waxa aad ka arki kartaa su’aashan denbe.
Si aanay dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan aanay si qalada ah ugu fasilan erayada aad ka tidhi TV-ga qaranka ma noogu celin kartaa mar labaad sida aad u tidhi iyadoo lahayo codkaagii oo duuban?
Horta su’aasha aan ka jawaabay waxa ay ahayd Guddoomiye Axmed waxa uu yidhi Nidaamka Federalka ayaan aaminsanaa xilligii halgankii SNM ee sidaad u aragtaa? Jawaabtii iyo fakirkaygii waan ka dhiibtay. Waxa aanan sheegay in ay nasiib daro tahay in xilligan Gudoomiye Axmed oo ahaa gudoomiyihii ugu muddada dheeraa ee soo maray SNM, xillal wasiirnimona ka soo qabtay intii Somaliland Jirtay, una tartamay jagadda madaxweynanimo doorashadii dalka ka dhacday 2003, iminkana hunguri, rajo iyo damac ka qaba in madaxweyne ka noqda dalkan in u yidhaado Federal ayaan aaminsanaa xilligii halganka. Waxa aan walaac ka muujiyey iyo dareen sas leh arrintaasi oo aan ku sheegay in ay tahay ‘signal’ uu Gudoomiyuhu cid u diraayay. Taasina waa waajibka wasaaradda arrimaha debedda in aanu ka hadalno arrin kasta oo aanu u aragno in dhabar jab ku noqon karto Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland. Arrinta kalena waxa ay ahayd soo jeedin iyo tallo aan u soo jeediyay wasaaradda iyo ciidanka boliiska in hadii Gudoomiye Axmed uu Federal aaminsanayahay uu sidii siyaasiyiintii iyo madax-dhaqameedyadda ka soo noqday fikirkoodii Federalnimo uu cafis soo qorto inta aanu dal ku soo laaban. Weliba waxa aan raaciyay arrintaasi xisbigiisa iyo hogaankiisa sare ayay u taala, waxa ay ka yeelayaan. Intaas ayaa ugu muhiimsanayd wixii aan idhi oo looma baahna in aan ku celiyo mar labaad. Qofkii doonayaa wuu heli karaa iyada oo duuban.
Maxaa arrintan idinku dhaliyey inaad ku dhaqaaqdaan illayn micnaha ay leedahay iyo cawaaqibka ay ku yeelan karto amniga waddanka waad garanaysaye mise ismaad lahayn illaa heerkaas ayey gaadhaysaa?
Marka hore su’aasha qeyb waan ka jawaabay oo arrintani ma ahayn go’aan dowladeed, soo jeedin iyo tallo ayay ahayd oo la qaadan karaayay ama la iska dhaafi karaayay oo aniga iga timid. Arrinta meesha taalayna culeyskeeda iyo miisaankeeda ayay lahayd hadii ay adiga kula tahay wax aan macno lahayn. Horena waxa u dhacday in siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedyo hore u aaminsanaa nidaamka Federalka oo ka soo noqday fikirkoodii in ay dalka cafis ku soo galeen. Ma garanaayo waxa ay macnaha weyn u sameynayso ama denbiga culus u tahay in marka dad qaar yidhaahdaan Federal ayaan aaminsanaa ama aan aaminsanahay hadda, kuwana marka ay yidhaahdaan loogu sameynaayo cudur- daar iyo sidaas ugala ma uu jeedin hebel. Waxa aan u arkaa qofka Federal-ka aaminsan si loola wada dhaqmo da’da iyo darajada uu doona ha ahaade eh. Arrin nabadgelyo xumo keenaysa oo meesha taalayna may jirin ogaalkay.
Wasiirkaagu hadalkii aad tidhi wuu beeneeyey ee sideed u aragtaa arrintaas?
Wasiir Cabdillaahi M. Ducaale waxa uu yidhi ogaalkay hadalkii iyo fikirkii wasiir-ku-xigeenka waxa uu ahaa mid isaga u gaar ah ee ma ahayn go’aan xukuumadeed iyo mid wasaaradeed toona. Taasna dhib iyo ceeb toona uma arko.
Waxa nagu maqaala ah in madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale ay isku dhaceen waayo madaxweynuhu muu jeclaysan jawaabta uu bixiyey Cabdillaahi, maxaad ka ogtahay arrintaas?
Runtii arrintaasi waxa aan ka ogahay ama kala socdaa ma jirto oo Nairobi ayaan hadda joogaa, balse waxa ay iila muuqataa in uu yahay war sameys ah.
Madaxweynuhu miyuu arrinkan kula qabaa oo kugu raacsan waayo illaa immika hadal lagama hayo?
Wasiirka ayaaba cadeeyay in fakirkan iyo hadalkani anniga igu gaar yahay oo aanu u ahayn go’aan xukuumadeed ee maxaa keenay meesha madaxweynehu miyuu kula qabaa? Ta aad leedahay muxuu uga hadli waayay dee wasiirkii ay khuseynaysa arrinku ayaaba ka hadlay eh maxaa looga baahan yahay in uu madaxweynahuhu ka hadlo ama uu u sii wadwado arrintan.
Ma u aqoonsantahay inuu Axmed Siilaanyo yahay nin mujaahid ah oo ixtiraam iyo sharaf ka mudan xukuumadda Somaliland sida uu wasiirkaagu tibaaxay?
Horta Gudoomiye Axmed iigama baahna in aan aqoonsado. Haddii aan amaan kow uga bilaabo oo kun ugu geeyana wax ay tarayso ama ay u kordhinayso.ayaan jirinba. Balse, waxa aan qabaa in uu ixtiraan mudan yahay ilaa inta uu yahay musharax jagada madaxweyne, oday iyo mujaahid reer Somaliland. Isaganu waa in uu ixtiraamaa dareenka shacabkiisa, madaxda iyo mas’iiliyiinta Qaranka iyo kuwa xisbiyaddaba.
Ma loo arki karaa in xukuumadda kulaylkan uu ka keenay siyaasaddii arrimaha debedda oo xisbiga KULMIYE kaga dheerayey?
Wasaarad ahaan dhowr jeer oo hore ayaanu soo dhaweynay oo sheegnay in madaxda iyo mas’uuliyiinta xisbiyadda qaranku ee safaradda shaqo ku taga dalalka adduunka ay muhiim u tahay qadiyadda iyo madax banaanida Somaliland. Waayo waxa aanu aaminsanahay marka ay madaxda dalalkaasi la kulmaan in ay baraan ama ka dhaadhiciyaan dalka iyo xaqa ay ummadda reer Somaliland u leedahay in ay aayahooda ka tashadaan. Kuleyka iyo qeylo dhaantu ma aha halkaasi ee hadii aanad garan “Saad-denbe Ayaad Garan”.
Qaraarkan ah in aanu Axmed Siilaanyo waddanka soo geli karin isagoo muwaadiin waddanka u dhashay ah, halkee lagu gaadhay, yaase gaadhay? Ma Madaxweynaha ayaa soo gaadhay mise Maxakamadda Sare mise gole wasiiro ah ayaa ka fadhiistay?
Su’aashaasi waan ka jawaabay. Waxa aanan sheegay in aan wax qaraar ahi jirin.
Ma sharci cusub ayaa soo baxay oo dadka reer Somaliland lagaga mamnuuci karo waddanka inay soo gali karaan iyo inkale? Ma jiraa qodob loo cuskaday oo dastuurka ku yaalla oo qofka muwaadinka ah ka mamnuuci kara waddanka in loo diido?
Taasi ma jirto. Balse waxa jira in qofkii ka qeyb galay shirarkii dub-u-heshiisiineed ee Somaalida loo qaban jiray ama ka horyimaada Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland uu yahay denbiile qaran, dalkana soo geli karin ilaa uu cafis soo dalbado oo weliba laga ogolaado.
Waraysiga Axmed Siilaanyo iyo Cabdillaahi Yuusuf ee ku saabsan wadahadalka dhex maray wuxuu ahaa mid dhacay 1984kii. Adigu markaa waxaad arday ka ahayd Muqdisho, madaxweyne Daahir Riyaalena wuxuu ahaa madaxii NSSta ee Berbera, markaa maxaa immika taariikhdaa soo nooleeyey oo aad uga dhigaysaan mid immika taagan?
Cabdillaahi Yusuf Axmed waxa uu ka masaxay oo goomo ama istiikad ka mariyay Siilaanyo xantii iyo ku-tidhi-ku-teenkii laga sheegayay ee ahayd in uu Gudoomiyuhu Axmed aaminsan yahay Somaliweyn. Taas oo sida intii badani laga yaabo in aad ka warqabtaan Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Kulmiye uu sare u qaad qaaday arrintaasi oo yidhi waa taas beenowday dacaayadii ay xukuumaddu ku bixinaysay lacagta ee ahayd in Musharaxyaga lagu dhufto shaanbad Somaliweyn ama Federal. In yar ka dib warkii wuu beeniyay gudoomiye Axmed oo waxa uu sheegay in uu Fedaral aaminsanaa xilligii halgankii SNM. Taas weeye ta soo nooleysay arrinka haddii aanad fahmin iyo haddii kaleba, culeyskeedana leh.
Miyaad aaminsantahay adigu shakhsiyan inuu Axmed Siilaanyo yahay nin aaminsan Federal?
Ma aha muhiim in aan kuu sheego ama la ogaado waxa aan annigu ka aaminsanahay Gudoomiye Axmed, balse waxa muhiim ah in la ogaado wuxuu gudoomiyhu aaminsan yahay. Waxa kale oo muhiim iila mmuqata in la ogaado waxa uu shacabka codka laga doonayaa ay ka aaminsan yihiin gudoomiyaha.
Maxaanu kaa gaadhsiinaa ummadda reer Somaliland ee akhrisanaysa waraysigaagan?
Waxa aan odhan lahaa iska ilaaba qof iyo shakhsi jaceylka ama naceybka. Qabiilkana sida fiican ee ilaahay iyo rasuulkiisu raalli ka yahiin u adeegsada, kolay deyn maysaana. Musharixiinta, mas’uuliyiinta xukuumada iyo xisbiyaduba way tageyaan goor ay noqotaba ee dalkiina ilaashada. Anniguna inta aan arrimaha debedaa jooga qofkii aan uga shakiyo in ku kacay ficil iyo hadal waxyeeleynaaya Qadiyadda Madax Banaanida Somaliland waan ka hor imanayaa ilow uu walaalkayna muu ahaado.
Source: WaryaTv
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment