Thursday, 28 January 2010

AXMED SIILAANYO OO MARKII U HOREYSAY KA SHEEKEYAY TAARIIKH-NOLOLEDKIISI & DHACDOOYIN UU U SOOJOOGAY 20100128


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

AXMED SIILAANYO OO MARKII U HOREYSAY KA SHEEKEYAY TAARIIKH-NOLOLEDKIISI & DHACDOOYIN UU U SOOJOOGAY

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana kamida siyaasiyiinta ruug-cadaaga ah ee reer Somaliland ayaa markii ugu horeysay Si faahfaahsan uga warramay Taarikhdiisa iyo Waayo-aragnimadiisa nololeed, taasoo uu kaga xog-warramay Taariikho Mucjiso ah oo la soo dersay intiii uu jiray ilaa Carruurnimdiisii.

Axmed Siilaanyo oo Taariikhdiisii Carruurnimo, Dhalinyaranimo ka warrankeedu ay hogo-tusaalayso da’yarta reer Somaliland ee danaynaya inay ka dhex muuqdaan bulshada ayaa Xog-warran Khaas ah oo uu Mr. Siilaanyo Siiyay Wargeyska Jamhuuriya waxa uu ku qaadaa dhigay Taariikhdiisii Dhallaanimo ilaa wakhtiyadii uu Saaxadda Siyaasadda kusoo biiray.

Bog Toddobaadkiiba laba jeer ku soo baxa Wargeyska jamhuuriya oo lagu Falanqeeyo shakhsiyaadka Miisaanka ku leh Somaliland oo Gudoomiyaha KULMIYE Waraysi la yeeshay Maalin ka hor intii aanu socdaalka ugu kicitimin wadanka Maraykanka waxa uu kaga sheekeeyay Carruurnimadiisii iyo dhacdooyinka sida gaarka ah Xusuusta ugu reebay, Waxbarashadiisii iyo taxanaha taariikheed ee uu soo dhex dabaashay in ka badan 40 Sanadood oo uu ku dhex jiray Siyaasadda oo uu heerar iyo xilal kala duwan ka soo qabtay.

Qormadan ugu horeyn waxa uu Axmed Siilaanyo kaga sheekaynayaa dhacdooyin ay ku ladhan yihiin Arrimo aad uga qoslin doona Akhristayaal badan, Haddaba Waraysigan oo Wargeyska Jamhuuriya kula yeeshay Gurigiisa Magaalada Hargeysa waxa uu ku bilaabmay:

“Inkasta oo aanay wakhtiyadaa hore jirin dadkau goorta ay dhashaan, haddana anigu waxaan ku dhashay gobolka togdheer gaar ahaan Degmadda la yidhaahdo Dheryaaley oo imika magaalo ah, laakiin wakhtigaa meel miyi ah ahayd, laakiin wakhtiga aan ku dhashay degmada Dheryaal oo reerkayaguba Geedi ku jiray waxa uu ahaa 1936.

Wax kale iska daaye xataa biyo ma lahayn meeshaas aanku dhashay oo sida la ii sheegay aabahay ayaa weel la cararay oo meel durugsan biyo ka doonay. Aabahay Alla ha u naxariistee waxa uu ahaa dadkii lagu tilmaami jiray Seaman-ada (Bad-mareen) ee markii hore intay Cadan tageen maraakiibta waaweyn ee ganacsiga u shaqaynayay markii dambena fuulay oo kamid noqday Bad mareenada.

Sida la ii sheegay Anigu markii aan yaraa ayaa waxa joogay magaalada Berbera Oday Adeerkay ahaa alla ha u naxariistee, Magaaladaasna ka ahaa karaani oo wuxuu u shaqaynayay Ingiriiska, Markii dambe ee dagaalka ka soo noqday, dabadeed aabahay ayuu ku yidhi Waar waxaad ii soo dirtaa inanka weyn oo ahaa wiil iga firfircoon oo iga xoolo raacis roon, Imika Yurub ayuu joogaa magaciisana waxa la yidhaa Cali.

Odaygii Aabo wuxuu jeclaystay kii lagu yidhi soo dir, dabadeed aniga ayuu I diray oo Berbera waxaan ku tegey sidii musaafiris oo kale (Axmed Siilaanyo oo qoslaya), Adigu yaraan iyo masaafiris kay doonto ha noqotee halkaas ayaa la I geeyay.

Markii Berbera la iga soo waday waxa la I keenay magaalada Burco, Islaan ii Ayey ah iyo Abtigay ayaana halkaa ugu imi, dabadeed gaadhi ayaa la I soo saaray, waxaan xusuustaa Markii aan Gaadhiga dusha raacay ayaa waxa ii soo urtay Saliidiisii, dabadeed bahal matag ah ayaan ku wareeray oo aan xejisan waayay.

Intaas ka dib waxaan tegey magaalada Berbera waxa la igu daray Malcaamad quraan, si fiican baan halkaa quraanka ugu Bartay.

Wakhtigaa Ingiriiska dalka Maamulayay wuxuu haystay nidaam caskari ah, adeerkayna waxa uu u shaqayn jiray sidaan soo xusay Milatariga, Markii dalka lagu wareejiyay nidaamkii shicibkana waxaa loo bedelay magaalada Saylac.

Dabadeed aabahay oo wakhtigaa ka shaqayn jiray Markab soo jiida maraakiibta, ee loo yaqaan Taagga, ayaa igu yidhi “Kol haddii adeerkaa la bedelay intay arrimuhu dhan u u dhacayaan ina mari aynu reerkii ku noqono’e”.

Sidaa ayaan miyi dib la iigu celiyay wakhtigaas quraanka ayaan si fiican u bartay oo akhriskiisa aad ugu fiicnaa, dabadeed waxa meeshii aanu joognay soo maray nin sheikh ah oo waddaadadu sidoodaba waxay miyi soo mari jireen wakhtiyada gu’ga si ay xoolo iyo dadkaba casharo ugu dhigaan. Waxaa soo maray halkii aannu joognay Sheekh Xaafadayada ah oo can ah, reer jabuutina aha oo masaajid Dalkaas ku yaala masuul ka ahaa, ayaa markuu gurigayagii yimi isaga oo xer badani la socoto, ayuu aabahay ku yidhi Inankaygu wuxuu yaqaanaa Quraanka.

Sheekhii ayaa intuu ii soo saaray Quraan, I weydiiyay dhawr meelood oo aan anna si fiican u akhriyay, sidoo kale waxa uu I weydiiyay inaan farta carabiga qori ahaan anna horraaban u soo bartay, markii uu I arkay inaan qoraalka ku fiicanahay ayuu aabahay ku yidhi “Inankani waa wiil barakaysan oo wuxuu ii raacayaa masaajidkii ku yaalay Jabuuti.”

Sida ii muuqatay Sheekhu qoraalka Carabiga kumuu fiicnayn, inkasta oo uu yaqaanay, sidaa darted waxa uu doonayay inaan gacan yare u noqdo, halkii ayaan sheekhii ka raacay, meelo badanoo gobolka togdheer kamid ahna waan la soo maray. Xoolaha Sheekha la siiyo waxa u kaxayn jiray xerta la socota oo intay sayladda magaalada Burco uga iibiyaan uu halkaa kaga amba-bixi jiray ilaa Jabuuti.

WAxaan xusuustaa Intii aan Burco joognay waxan ku soo Soon-ney bil Ramadaan ah, marka aanu marayno Magaalada Saylac intii baabuurta la hubiyay ee ay Kastamka taagnaayeen ayaan ka soo degey gaadhigii, waxa I arkay ogaygii ii adeerka ahaa oo meesha joogay (Odaygii uu Berbera la joogijiray), oo intuu I gartay igu yidhi “waar sowkan yarkii aan adeerka u ahaa” waxa wakhtigaa hareero taagnaa rag badan oo ay kamid ahaayeen Ismaaciil Naxar, Xaaji Ducaalle Cabdallae iyo rag kale oo waaweyn.

Wakhtigaa waxa arday loo qorayay dugsiga Sheekh oo Qoraalka waxa gacanta kuhayay Nin ingiriis ahaa, dabadeed nimankii meesha joogay , Adeerkay waxa ay u sheegeen in ardayda la qorayo aniga la igu daro, isla markiiba waxa uu yidhi “Ina keen”, Sheekhii baa ugu jawaabay “Waar Xaggeed ku wadaa inankani aniga ayuu ila socdaaye”, Adeerkay baa ugu hal celiyay “Iska dhaaf aniga ayaa masuul ka ah wiilkane, kol haddaad I soo gaadhsiisayna dambi dambe kuma lihid”, Sidaas ayaa la igu qoray dugsiga Sheekh.

Lasoco Qaybta labaad ee Qormadan

jamhuuriya

No comments:

Post a Comment