Friday 29 January 2010

Badhsaabka Sool Oo Dhaawaciisu Sahlan Yahay Oo La Soo Gaadhsiiyey Cusbitaalka Hargeysa, 20100129

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Badhsaabka Sool Oo Dhaawaciisa Sahlan Yahay Oo La Soo Gaadhsiiyey Cusbitaalka Hargeysa, Madaxda Oo Kaliya Ma Beegsanayaane Ciroole Iyo Caruur Cidna Uma Aabe Yeelayaan”




Wasiirla Arimaha Gudaha C/Laahi Ciro

Laascaanood, January 29, 2010 (Haatuf) – Wasiirka arimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro) oo ku sugan Laascaanood oo ka hadlay qaraxa lala beegsaday badhasaabka gobolka Sool Faarax Askar Xuseen isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “cida qaraxyada fulisay waa cadawga Somaliland, argagixisaduna magac kaliya malaha, madaxdoo kaliya ma beegsanayaan ciroole iyo caruur midna uma aabo yeelayaan, waxaanu ku dadaali doonaa sidii cadawgaa looga hortagi lahaa, meelna looga soo wada jeedsan lahaa”

Dhinaca kale magaalada Laascaanood ayaa la sheegay in khadka Mopil-ku uu ka go’naa shalay galab ilaa xalay iyadoo la sheegay in ciidamo boolis ah oo hor lehna la geeyey, isla markaana xalay gaadiidka soo galaya magaalada iyo kuwa ka baxaya si wayn loo baadhayey oo amaanka la adkeeyey.

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Sool iyo askarigii dhaawacmay ee kale ayaa xalay la soo gaadhsiiyey cisbitaalka guud ee caasimada,taas oo agaaasimaha cusbitaalka guud C/risaaq Yuusuf C/laahi oo Haatuf kula xidhiidhay khadka telefoonka uu sheegay inaanu dhaawac culus qabin badhasaabka Sool balse uu noo sheegay in finino yar yari ay soo gaadheen, isagoo intaa ku daray inaan wax qaliin ah dhaawaciisu u baahnayn isaga iyo askariga dhaawacantoona.waxaanu agaasimuhu noo xaqiijiyey in dhaawacyada soo gaadhay badhasaabka iyo askariga dhaawacan ay xaaladooda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

Qaraxan oo lala beegsaday wakhti uu gurigiisa badhasaabku galayey oo lagu qarxiyey aaladaha qaraxyada ee Rumuud kantaroolka lagu qarxiyo oo uu ku dhintay askari ka mid ahaa ilaaladiisa oo la odhan jiray Marxuum C/rasaaq shiniile kuna dhaawacmeen badhasaabka iyo afar qof oo iskugu jira dirawalkiisi, ilaaladiisi, dad rayid ah oo wadada marayey wakhtigaa.

dhinaca kale waxa uu qaraxani kusoo beegmay wakhti ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood wefti ka kooban sideed wasiir oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro). Iyada oo ay hore magaalada ugu sugnaayeen wefti kale oo uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax, isla markaana ay ka mid yihiin siyaasiyiin sare sare oo iskugu jira mucaarid iyo muxaafid-ba. Qaraxan oo noqonaya kii afaraad ee bishan gudaheeda ka dhaca Magaalada Laascaanood, ayaa waxaa ay galaafteen saraakiil iyo askar tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo waliba dad shacab ah, halka kuwo kalena dhaawacyo isugu jira kuwa fudud iyo kuwo culus ka soo gaadheen.

--------------------------------------------------------------------------------

No comments:

Post a Comment