Saturday, 6 February 2010

mashruuc biya ah oo ethiopia hirgelisay

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

ETHIOPIA OO MASHRUUC BIYO SOO SAARI AH KU BIXINAYSA LACAG DHAN 110 MALYAN LACAGTEEDA AH



adis abab(iftinews)02/05/2010Dowladda ethiopia ayaa sheegtay inay biyo daniif ah ka soo saari doono magaaladda desie town ee ay degaanka u leeyihiin amxaaradu. wasiirka biyaha ee ethiopia mr Asfaw Dengamo ayaa sheegay in mashruucan ay ku baxayso lacag gaadhaysa 110 malyan lacagta Ethiopia ah wasiirka biyaha wadanka Ethiopia ayaa sheegay inay samayn doonaan afar ceel oo biyaha soo saara waxaanna uu intaasi ku daray inay dayactiri doonaan labadda ceel ee hadda shaqeeya ee magaaladda desie town dhuumaha biyahaasi dhulka kasoo qaadaya ayaa la sheegay inay dheerkoodu yahay 10 km waxaanna uu wasiirka biyaha ee wadanka Ethiopia sheegay in ay mashruucan ka shayn doonaan 250,000 oo qof labaatanka sanadood ee soo socda




Wuxu dambayn tii wasiirka biyaha ee Ethiopa ayaa ugu baaqay dowladda Ethiopia inay gacan ka gaysato mashruucan si loo horumariyo buu yidhi degaanka ay ka jiraan biya la,aantu

Dhinaca kalenna wali waxaynu ku jirnaa arrimaha Ethiopia guddiga komishan qaranka ee Ethiopia ayaa sheegay in dadka iska

dewangaliyay magaaladda adis abab ee xarunta wadanka Ethiopia ay gaadhayaan 600,000

sidoo kalenna masuuliyiinta reer ethiopia ayaa ugu baaqay masuuliyiinta bariga afrika inay iska kaashadaan nabadka dhalin geeska afrika

saleban sahal

Maxaad ka Taqaan Afafka Caalamka Dabar-go’a Afafka Halkuu Kaga Jiraa Af-Soomaaligu

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Maxaad ka Taqaan Afafka Caalamka Dabar-go’a Afafka Halkuu Kaga Jiraa Af-Soomaaligu?


luqad waxa lagu qeexaa inay tahay xidhiidhka is-faham ee bulsho, laakiin muhiimadeedu taas oo kaliya, By: Yuusuf Cismaan Cabdille

Qormadeenan maanta waxaynu ku soo qaadan doonaa afafka caalamka lagaga hadlo iyo siday isu bedbeddelaan horumarkooda amma dib-u-dhacooda, kuwaas oo saameyn weyn ku yeesha hadba bulshooyinka ku hadla iyo degaannada ay ka soo jeedaan.
Haddaba,

Waanna meelaha laga qiimeeyo horumarka amma dib-u-dhaca mujtamacaas.
Luqadi waxay ku horumartaa hadba siday bulshadaasi u ilaashato, isla markaana uga shaqayso, uguna dedaasho wixii ku soo kordha erey-bixinteeda iyo astaynteeda afafka kale ee qalaadna uga horjoogsato.
Asbaabaha keena in afafku dabar go’aan amma uu ku yimaaddo hoos-u-dhaca intaynaan gudogelin aynu marka hore iftiimin ka bixino afafka lagaga hadlo caalamka.
Daraasad la sameeyey horraantii 1974-kii waxay daah-furtay in luqadaha dunida lagaga hadlaa waqtigaa ahaayeen 5,687, laakiin markale oo daraasad la sameeyey sannadkii 1977-kii waxay iyana tibaaxday afafka caalamku inay yihiin 4,500 oo luqadood, waxaad dareemaysaa in cadad badani u dhexeeyo saddexdaa sannadood gudahood.
Daraasadihii u dambeeyey ee waqtiyadan la sameeyeyna waxay muujinayaan in caalamka lagaga hadlo 6,800 af.
Labada Qaaradood ee America iyo Latin America waxa lagaga hadlaa 1,000 af oo u dhigma afafka caalamka 15%
Asia waxa lagaga hadlaa 2,000 af oo u dhigma afafka caalamka 28%
Africa waxa lagaga hadlaa 2,400 af oo u dhigma afafka caalamka 35%
Pacific Ocean waxa lagaga hadlaa 1,200 af oo u dhigma afafka caalamka 19%
Europe waxa lagaga hadlaa 200 af oo u dhigma afafka caalamka 3%
Xeel-dheerayaasha afafku waxay leeyihiin labadii toddobaadba af baa dunida ka dhinta, taas oo ay caddaynayso Hay’adda Qaramada Midoobay u qaablisan afafka ee UNESCO, Qaaradda Africa waxa jira 97 af oo dhintay amma sii dhimanaya, waxaynu tusaale ahaan u soo qaadan karnaa 12-ka af ee kala ah;
Mbaru oo meelo Chad ka mid ah lagaga hadlo
Duli oo meelo Cameroon ka mid ah lagaga hadlo
Shiki (Gubi & Guru) oo lagaga hadlo meelo Nigeria ah
Shan oo meelo Nigeria ka mid ah lagaga hadlo
Teriki oo uu beddelaayo afka Naandi ee Kenya lagaga hadlo
So, oo lagaga hadlo meelo Uganda mid ah
Ju, Shu oo lagaga hadlo meelo Nigeria ka mid ah
Shabo oo lagaga hadlo meelo Ethiopia ka mid ah
Kanga oo lagaga hadlo meelo Sudan ka mid ah
Siwa oo lagaga hadlo Waqooyi/galbeed Egypt (Masar)
Biri oo lagaga hadlo Central Sudan
Argobba oo lagaga hadlo meelo Ethiopia ah
Qoraagga magaciisa la yidhaahdo David Crystal sida uu ku qoray buuggiisa uu kagaga sheekeeyo afafka mar uu buuqday Gobol Mambial oo ka mid ah dalka Cameroon, horraantii sannadku markuu ahaa 1994-kii, wuxuu baadhitaan ku sameeyey dhowr luqadood oo ay ka mid tahay luqadda la yidhaahdo Kasabe, isaga oo daaha ka rogay in luqaddaas uu ku hadlayey hal nin oo qudha, lana yidhaahdo Bogan.
Laakiin, markale oo David Crystal uu haddana buuqasho ku tegay Cameroon dabayaaqadii 1996-kii, isaga oo rabay inuu helo xoggo dheeraad ah, waxa uu ogaaday in ninkii keliya ahaa ee ku hadli jiray luqadda Kasabe geeriyooday. Balse, walaashii oo noolayd waqtigaas mar la weydiiyey inay taqaanay luqadda walaalkeed ku hadli jiray ee Kasabe, ayaa iyana ku jawaabay; “Waan fahmaa, laakiin kuma hadli karo.”
Sheekadani waxay xasuusisay nin ku noolaan jiray magaalada Burco oo sameystay af u goonni ah oo uu keligii ku hadlo, nin kaas oo magaciisa la odhan jiray WADDE, wuxuu lahaa af kooban oo isku noqnoqda, isagana u gaar ah, ereyadiisa ay ka mid ahaa; ‘Qaarayaal, Wadhwadhlayaal, Heeliyo iyo ereyo kale oo la mid ah.’
Shaqadiisa oo ahayd xarraasidda baabuurta, ayaa waxa jiray inay asxaabtiisii ay isku shaqada ahaayeen barteen afkiisii oo ay ku wadahadli jireen, sida aan maqlay Wadde dhowaan ayuu ku geeriyooday magaalada Burco, halkaas oo afkiisaana kula dhintay.
Waa Maxay Asbaabaha Afafka u Dabar-go’aan?
Xeel-dheerayaasha afafku qodobo badan ayey u daliishadaan hoos-u-dhaca amma dhimashada afafka, iyaga oo tilmaamaya haddii qodobaddaasi muuqdaan in afkaas lagu tirinayo mid gabaabsi ah amma meesha ka sii baxaya, qodobadda ay soo qaataana waxa ka mid ah;
Luqadda oo ay ku hadlaan dad laga tiro badan yahay
Luqadda oo dadka lihi ka baqayaan ku hadalkeeda cabsi jirta aw geed
Luqadda oo da’yarteedu xiiseeyaan afafka kale amma luqadaha kale, kana khasaafaan inay ku hadlaan afkooda, iyaga oo u arka inuu dib-u-dhac ku yahay
Afka oo ay soo weeraraan afaf kale oo ka xoog waaweyni amma cidhiidhi galiya
Luqadda oo dadka ku hadlayaa aad u kooban yihiin, sida qof, laba iyo waxaan dhaamin
Asbaabahaas iyo kuwo kaleba waxa loo tiriyaa inay yihiin kuwo luqad ku keeni kara hoos-u-dhac amma geeri, tusaale ahaan luqadda ay ku hadlaan dadyowga bulshadeena ka mid ah ee laga tirada badan yahay ee la yidhaahdo COLOWE amma loogu yeedho BAAQTAN, inkasta oo weli ay jirto luqaddaas oo dadkaasi ku hadlaan, haddana waxa muuqata in aan bulshada kale war ka haynin, iyaguna inta badan aanay dibedda ula soo bixin.
Waxa kale oo waqtiyadan laga webinayaa lahjadihii lagaga hadli jiray Koonfurta Soomaaliya, sida Maymayga iyo Barawaaniga, waxaanna hoos-u-dhacaas loo aanaynayaa inay dadkii ku hadli jiray u baydheen amma ay hadhaysay luqaddan maxaad tidhi.
Haddaba, afka Soomaaliga oo xeel-dheerayaasha afafku ku tilmaamaan af aad u da’weyn, welow aanay waqti sugan isku waafaqsanayn, dhinaca kalena laysla qiray inuu yahay af hodan ku ah xagga dhaqanka iyo suugaanta, taas oo ay sheegaan inuu ka mid yahay dhowrka af ee suugaantooda loogu jecel yahay, sida Carabiga, Giriigii hore iyo soomaaliga.
Haddaba afka Soomaaliga oo waqtiyadii hore aan qoraal lahayn, wuxuu ku noolaa oo uu ku taabbo-qaaday bulshadii reer guuraaga ahayd amma xoolo-raacatada ahayd, taas oo aanay jirin luqado kale oo la wadaagayey bulshada, isaga oo gaadhay heerkiisii ugu sarreeyey, hadday tahay tix iyo tiraabba.
Waxa la odhan karaa muddo dheer ayuu ku jiray iska caabin afafka kale ah, waxaanna lagu tilmaami karaa waxyaabaha uu isku difaacayey isaga oo ka asalsanaa kuwii doolka ugu yimi, dadkii ku hadli jirayna ahaayeen dad qabweyn oo diidan afafka shisheeye, iyo iyadoo ay si gaar ah u ilaalinaysay suugaanta hodanka ah ee afkani leeyahay.
Luqadda af Soomaaligu waxa uu qoraal galay 1972-kii, waxase jiray Kacaankii waqtigaa qoray ka hor dedaalo badan oo ay sameeyeen shaqsiyaad isku dayey inay qoraan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; Sheekh Yuusuf Kaynuun, Yaasiin Cismaan Kenadiid, Muuse Gallaal iyo ninkii Ingiriiska ahaa ee la odhan jiray Prof. Andrea Weski (Guush).
Dedaalladaas oo waqtiyo kala duwan ahaa, waxa dhammaystirankoodii hirgeliyey xukuumaddii Kacaanka ahayd, waxaanna la odhan karaa waa guulaha ugu waaweyn raadadkoodii taariikheed laga hayo qorista Afka Soomaaligu, laakiin waxa kale oo jiray in isla xilliyadaa maamulkaasi sameeyey erey-bixin badan oo xagga afka ah.
Tusaale ahaan; ereyada aynu hadda ku dhaqanno oo isugu jira dhowr af oo kala jaad-jaad ah, sida Madaxweyne oo Soomaali ah, Wasiir oo Carabi ah, Badhasaab oo Hindi ah, Maayar iyo DG oo Ingiliish ah iyo magaalo oo Oromo ah.
Waqtiyadaa erey-bixinta la sameeyey wax badan ayey ka beddeleen, kuwaas oo Golihii Wasiirrada ee horreeyey ugu yeedhay Xoghayeyaal, Badhasaabkana u beddelay Guddoomiyaha Gobolka, Maayarkiina ku magacaabay Duqa Degmada, halka DG-giina ay yidhaahdeen Agaasime Guud, isla markaana waxay erey-bixin kale u sameeyeen xagga ciidammada, sida Taliye Guuud, Taliye Qaybeed, Sarreeye Gaas, Gaashaanle, Xidigleh iyo wixii la mid ah.
Haddaba xilligan aynu hadda ku jirno, waxa la odhan karaa hoos-u-dhac weyn ayaa ku yimi afka Soomaaliga, taas oo loo aanaynayo burburkii guud ee bulshada ku habsaday, waxaanad moodaa in iminka luqadaha dibedda kaga imanayaa weerar ba’an ku hayaan, siba Ingiriisiga iyo Carabiga oo weliba ay weheliso tignoolajigan casriga ah ee sida daadka ah innoogu soo jabay.
Tusaale ahaan telefoonka gacanta lagu qaataa wuxuu soo kordhiyey ilaa toban erey ku dhowwaad, sida miss call, message, silent, busy iyo ereyo kale bulshadu hadda iskala qabsatay.
Kombuyurtarka oo kale key broad, printer, flash, flash disk iyo ereyo kale.
Tv-ga waxaynu ka soo qaadan karnaa remote, receiver iyo ereyo kale.oo aan ilaa hadda loo sameynin wax erey-bixn ah
Ereyadan waxaynu u soo qaadanay tusaale, laakiin afafka aynu adeegsanaa ee keenii meesha ka saarayaa intan kuma koobna, waxanu u kala qaadi karnaa ereyada dibedda innagaga yimi laba nooc oo kala ah; qaar aynu u leenahay magacyo, laakiin aynu ka gaabinay iyo qaar u baahan in erey-bixin loo sameeyo, tusaale ahaan ereyga malqacad oo kale waxaynu u leenahay fandhaal, sixni isagana waxaynu u leenahay xeedho, sanduuq oo kalena waxaynu leenahay abxad.
Kuwa la helay erey-bixin ku habboon, balse aan afaafi waxa ka mid ah; saacadda oo la yidhaahdo goor-sheeg, muraayada oo iyana la yidhaahdaa is-kaa-tus iyo ereyo kale oo kuwaas la mid ah, laakiin xagga bulshada ka taabogeli waayey.
Su’aasha isweydiinta lehi waxa weeye, afkeenu hadduu sidan ku sii socdo muxuu ku dambeynayaa, iyada oo maanta la ogyahay in qaybo badan oo bulshadeena ka mid ahi dibedda u baxeen, lana soo noqonayaan luqadaha lagaga hadlo dalalka ay tageen.
Sidoo kale dalka gudihiisa markaad eegto waxa kuu muuqanaysa inay adag tahay xidhiidhka is-faham ee da’yarta iyo waayeelka, qodobaddaa iyo kuwo kale oo badan marka la eego, waxa muuqata inuu hoos u sii ciirayo afkii Soomaaligu, ugu dambeyna waxaan ku talin lahaa;
In maamullada jiraa iska xilsaaraan sidii afka loo kobcin lahaa. Sida jabuuti
Soomaaliland putland ismaamulka somalida itibiya iyo ismaamulka kiniya
In jaamacaddaha lagu daro kuliyad lagu barto, laguna baadho afka Soomaaliga
In aqoonyahannadu xil iska saaraan sidii ay u horumarin lahaayeen afka Soomaaliga
In hay’adaha ajaanibku gacan geystaan, iyaga oo waxyaabo badan oo kaleba isku hawla
In war


Qallinkii Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir),
Hargeisa Somaliland
E-Mail: yuusufshaacir@hotmail.com

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa khamiistii xadhiga ka jaray waddo Laamay ah 20100206

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Hargaysa(Saraarnews) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa khamiistii xadhiga ka jaray waddo Laamay ah oo uu ka hirgeliyey dhimaheeda Xaafadda haaf London Degmada Axmed-Dhagax ee Magaaladda Hargeysa, taasoo uu ugu magac-daray Nimco-Sagal oo Illaahay ha u naxariistee ahayd Marxuumad uu Xildhibaanku dhalay.




Waddadaas oo ka baydha Garoonka Kubbadda Cagta ee Hargeysa Stadium, taasoo dhinaca koonfureed u kacda, isla markaana hormarta Guriga Xildhibaan Nacnac oo agagaarkaas ku yaalla, isagoo waddadaas furay intii lagu guda jiray toddobaadkii aynu soo dhaafnay.

Xildhibaan Nacnac oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doortay Hargeysa, waxa uu hadal kooban ka jeediyey munaasibaddii xadhig ka jarka waddadaas, waxaanu sheegay inuu waddadan kharashka ku baxay isagu bixiyey, wax yar oo ay shaqsiyaad fara ku tiris ahi ku darsadeen mooyaane.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Nacnac, in haddii ay dadweynaha reer Somaliland iskaashadaan guda iyo dibad-ba ay wax badan qabsan-laayeen, gaar ahaan dhinaca waddooyinka oo cabashadoodu dadka ku badan tahay iyaga oo burbursan awgood. Sidaa daraadeed, waxa uu soo jeediyey inay dadka qurba-joogga ah ee jeebkoodu ka buuran-yahay kuwa dalka gudihiisa jooga, ay ku dedaalaan sidii ay waddooyin tan oo kale ah iyo barnaamijyo lagu horumarinayo Caasimadda, Degmooyinka iyo Magaalooyinka waaweyn ee dalka ka soo qaybqaataan.

Md. Nacnac, waxa uu intaa ku daray inuu soo dhawaynayo qof kasta oo awooda inuu wax ku darsado waddada uu sameeyey oo weli qabyo ah. “Waxaan ugu baaqayaa Qurba-jooggu inay fadhiga ka kacaan oo ay iska kaashadaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarinta arrimaha bulshada, sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Waddooyinka iyo wixii la mid ah.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac).

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “ Annigu waddadan aan dhisay weli ma dhammaystirna ee waa qabyo, waanan soo dhawaynayaa qof kasta oo ka qaybqaadanaya kharashka ku baxaya gudo iyo dibad meeshii uu joogaba, gaar ahaan waxaan leeyahay Qurba-joogga naga soo caawiya dhammaystirka waddadaas oo wax badan bulshada u fududaynaysa.” Waxaanu xusay Xildhibaan Nacnac haddii aan lays-kaashan inaan horumar la gaadhi Karin.

Source: Hadhwanaagnews.com

Wasiirka Beeraha Ee Sucuudiga Oo Difaacay Maxjarka Berbera Iyo Shahaadada Caafimaadka Ee Uu Bixiyo

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Wasiirka Beeraha Ee Sucuudiga Oo Difaacay Maxjarka Berbera Iyo Shahaadada Caafimaadka Ee Uu Bixiyo





Waxa Uu Beeniyay In Go’aankii Xayiraada Lagaga Qaaday Xoolaha Soomaalidu Ahaa Mid Lagu Degdegay



Wasiirka Beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Dr.Fahad Bil-Quneem ayaa sheegay inay si buuxda ugu kalsoon yihiin shahaadadaha caafimaadka xoolaha ee uu bixiyo maxjarka Berbera ee ay maamusho shirkadda Gulf International ee fadhigeedu yahay Rasal Khayma ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shir jaraa’id oo uu maalintii Salaasadii ku qabtay caasimada Sucuudiga ee Riyadh, wasiir Bal-Quneemi waxa uu si kulul ugu beeniyay warar uu wargeyska maxali ah oo Sucuudi ah ku daabacay toddobaadkan oo ku tilmaamay go’aankii ay Wasaaradda Beeruhu ku qaaday xayiraadii saarneyd soo gelitaanka xoolaha Soomaalida inuu ahaa mid lagu degdegay iyo in wasaaradu ay go’aankaas gaadhay iyada oo aan wefti farsamo u dirin labada Maxjar ee Berbera iyo Boosaaso, si loo soo ogaado habka ay u shaqeeyaan iyo tayada iyo kartida qalabka iyo shaqaalaha ay adeegsadaan.

Dr.Bal-Quneemi oo arrintaasi ka jawaabayaana waxa uu yidhi “Wasaaraddu waxay go’aanka qaadista xayiraada gaadhay kaddib markii ay aragtay warbixin ay soo saartay hay’ada caafimaadka xoolaha ee adduunka OIE kaddib markii ay hay’adaasi koox khubaro ah u dirtay Maxjarada Berbera iyo Boosaaso si ay u soo qiimeeyaan”.

Wasiirku waxa uu sheegay in warbixintu ay xustay in labada Maxjar ay buuxinayaan shuruudihii farsamo iyo aqooneed ee lagu xidhi jiray Maxjarada kale ee lagu baadho caafimaadka xoolaha kahor inta aanay soo gelin dalka Sucuudiga.

“cida shahaadadaha caafimaadka soo saarta ee ansixisaa waa cido rasmi ah oo aanu ku kalsoonahay shuruudihii farsamo iyo aqooneed siday ka marag kaceyso hay’ada OIE”.

Bal-Quneem waxa uu qiray in Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda TFG uu mar xukuumadda Sucuudiga ka dalbaday in aanay la macaamilin Maxjarka Berbera balse uu isla Wasiirkaasi uu soo gaadhsiiyay qoraal dambe oo go’aankiisii hore ka dhigaya waxba kama jiraan.

Ganacsadaha xoolaha ee Abu Yaasir ayaa isaga oo adeegsanaya Warbaahinta todobaadkan horaantiisii bilaabay olole uu ku faafinayo dacaayado ka dhan ah caafimaadka xoolaha dekedda Berbera looga dhoofiyo dalka Sucuudiga, waxaanu Wasaaradda Beeraha ee dalka Sucuudiga ku dhaliilay xayiraadii ay dhawaan ka qaaday soo gelitaanka xoolaha Soomaalida, taas oo uu ku tilmaamay inay ahayd talaabo lagu degdagay iyada oon marka hore la hubin in xoolaha la soo mariyo dekedaha Berbera iyo Bossaso ay ka caafimaad qabaan cudurka Rift Valley Fever iyo cudurada kale ee ku dhaca xoolaha ee khatarta ku keeni kara caafimaadka dadka cuna hilibka xoolahaas.

Abu Yaasir oo ah maalqabeen Sucuudi ah oo ka ganacsada xoolo dhoofinta waxa uu haatan gacanta ku hayaa maamulka maxjarka Djibouti waxanu in muddo ahba ku dedaalayay inuu Maxjar ka dhisto Berbera. Hase yeeshee waxa arrintaasi kula tartamay ganacsade kale oo Sucuudi ah oo magiciisa la yidhaahdo, Al-Jaabiri, kaas oo aakhirkii ku guuleystay in xukuumadda Somaliland siiso ruqsad fasax ah oo uu ku dhiso Maxjar lagu baadho caafimaadka xoolaha ka hor intaan loo dhoofin dalka Sucuudiga.

Haddaba Abu Yaasir ayaa haatan u muuqda nin ka qancay in xukuumadda Somaliland siiso ruqsad uu ku furto Maxjar u gaar ah, waxanu bilaabay inuu Wargeysyada Sucuudiga ku faafiyo dacaayado uu ku sheegayo in xoolaha laga soo dhoofiyo dekedda Berbera iyo Boosaaso ay dalka Sucuudiga soo galaan iyada oon la hubinin inay caafimaad qabaan iyo in kale.

Dacaayadaha Abu Yaasir ka faafiyo caafimaadka xoolaha ka dhoofa Berbera waxa u dambeeyay maqaal dheer oo arrintaas ku saabsan oo uu todobaadkan soo daabacay wargeyska Al-Riyaadh oo ka soo baxa caasimadda dalka Sucuudiga, maqaalkaas oo uu wargeysku ku dhaliilay Wasaaradda Beeraha ee Sucuudiga in dalkoodu xoolo ka keensado “wadan aan la aqoonsaneyn oo gooni goosad ah, isla markaana aanu ka jirin wax nidaam iyo kala dambeyn ahi”.

Maqaalka uu wargeyska Al Riyaadh soo bandhigay waxa uu Maxjarka Berbera ku sheegay inuu yahay mid aan dhameystirnayn oo aan laheyn imkaaniyaadkii caafimaad iyo farsamo ee loo baahnaa “ Maxjarka Berbera waxa laga dhisay magaalada Berbera dhexdeeda halkii ay ahayd in uu ka fogaado meelaha ay dadku ku nool yihiin, waana wax lala yaabo in Maxjarkaas oo ka kooban 42 xero oo qudha ku filnaado baadhitaanka caafimaadka 480 kun oo neef muddo 8 maalmood ah, sida dhacday Mawsimkii Xajka, taas oo muujinaysa in xoolaha Sucuudiga soo galay ee Berbera ka yimid ay badankoodu ahaayeen qaar aan Maxjarka la soo marin oon caafimaadkooda la baadhin”.

Warageyska Al Riyaadh ma sheegin ilaha uu macluumaadkaas ka soo xigtay.

balse waxa uu daliil uga dhigay Document uu soo daabacay oo ah warqadii caafimaadka xoolo dhoofinta ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, taas oo ay Wasaaraddu ku ogolaanayso 21/11/2009 in shirkadda Gulf International ee maamusha Maxjarka ay dalka Sucuudiga u dhoofiso 6000 neef.

Al Riyaadh waxa kale oo Wasaaradaha Beeraha iyo Ganacsiga ee dalka Sucuudiga ku dhaliishay inay tixgelin waayeen warqad uu u soo qoray 21/6/2009 Wasiirka Ganacsiga ee xukuumadda Sheekh Shariif, taas oo uu kaga dalbanayay in dawlada Sucuudigu wixii ku saabsan xoolaha Soomaalida ee uu Sucuudigu soo waaridto ay kala soo xidhiidhaan oo keli ah xukuumadda Federaalka ah ee dhexe oo aanay kala xidhiidhin cidda gacanta ku haysa maamulada iyo Maxjarada Berbera iyo Boosaaso.

Maqaalkan oo nuxurkiisu ahaa in dawladda Sucuudigu ay xayiraad cusub ku soo rogto xoolaha ay ka keensato Berbera, waxa uu inta badan ka koobnaa macluumaad ay Wargeyska siiyeen Abu Yaasir iyo nin Masriga ah oo la shaqeeya oo magiciisa la yidhaahdo Saalax Al Hindi.

Haatuf

Friday, 5 February 2010

Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer Oo Joojiyay Shir Ay Doonayeen In Ay Magaalada Burco Ku Qabsadaan Beel Ka Mid Ah Beelaha Gabooye 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Burco: Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer Oo Joojiyay Shir Ay Doonayeen In Ay Magaalada Burco Ku Qabsadaan Beel Ka Mid Ah Beelaha Gabooye Oo Rabtay In Ay Beelahaa Ka Go'do.




Burco(Ramaas) Feb.05, 2010 - Guddiga nabadgelyada gobolka Togdheer ayaa joojiyay shir ay doonayeen in ay magaalada Burco ku qabsadaan Beel ka mid ah Beelaha gabooye oo la yidhaado ilma kuul oo doonaayay in ay ka go'aan beelahaa, isla markaana ku talo jiray in ay sheegtaan in ay ku biireen Beel ka mid ah beelaha gobolka Togdheer .

Shirkan oo sida ay Ramaasnews u xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah oo sheegay in la doonayay in magaalada Burco lagu qabto todobaadkii tagay shir ujeeddadiisa lagu sheegay in Beel ka mid ah Beelaha Gabooye iyo xubno tira yar oo dabada ka riixayay ay ku doonayeen in ay magaalada Burco kaga dhawaaqaan in Beeshani ka baxday Beelihii uu ka tirsanaa ee Gabooye, isla markaana ay ku biirtay Beelaha Galbeedka Burco, balse ay arintaasi ka horyimaadeen hormuudka Beelaha Galbeedka Burco.

Guddiga Nabadgelyada Togdheer ayaa la sheegay in ay shirkan qabsoomistiisa mamnuuceen, ka dib markii ay soo gaadheen qoraalo iyo baaqyo isdaba joog ah oo ay hormuudka iyo wax-garadka Beelaha Galbeedka Burco ay kaga soo horjeedaan shirkaa oo ay u soo gudbiyeen guddiga nabadgelyada gobolka.

Masuuliyiinta amaanka gobolka togdheer ayaa la sheegay markii ay fariimahani soo gaadheen in ay joojiyeen si aanay rabshado uga dhicin gobolka, isla markaana ay soo saareen qoraalo ay gaadhsiiyeen dadka shirkaa waday. Waxaanay ku amreen in aanay Gobolka ku qaban karin wax shir ah oo noocaas ah, hadii ay diidaana ay talaabo ka qaadi doonaan.

Dhinaca kale, marka laga tago diidmadan ay Beelaha Galbeedka Burco shirkan kaga hor yimaadeen iyo xayiraadan ay ku soo rogeen maamulka gobolka Togdheer waxa iyana shirkan ka qayliyay Beelaha Gabooye ee ku dhaqan gobolka Togdheer, kuwaas oo Salaasadii inadhaaftay cabasho ay shirkan kaga soo horjeedaan iyo Jilibka doonaaya in uu ka go'o la hortagay xarunta maamulka gobolka Togdheer, halkaas oo ay kula kulmeen Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo u sheegay in haba yaraatee shirkan wax ka soconayaa aanu jirin Beelaha Gabooyana aan la kala jarayn dadka shaxdaa wadaana ay yihiin dad lunsan ayna joojiyeen.

Ugu dambeyntii shirkan ay Jilibkan Gabooye ee Ilma Kuul ay doonayeen in ay Burco ku qabtaan ee la xayiray ayaa la sheegay in wadamada Yurub laga soo raray oo ay dadka qaar sheegeen in ay Quwado shisheeye dabada ka riixayaan ayaa magalaada Burco si weyn loogu hadal hayay labadii Bilood ee u dambeeyay, kaas oo ay dadka ku dhaqan gobolka Togdheer qof kastaba ka yaabisay. Reerkan doonaya in ay qabiilkoodii iyo asalkoodiiba ka kuuraan oo ay u diga rogtaan beel aanay ahayn, balse hadda waxay u muuqataa sida Burco laga dareemay in ay ciyaartaasi dhamaatay oo ay soo afgo'day.


Mahad Cabdillaahi Faarax
Ramaasnews Desk
Burao
harar on February 05 2010 19:54:16 ·

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Markab Weyn Ka Badbaadiyay Budhcad Badeed 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Markab Weyn Ka Badbaadiyay Budhcad Badeed




Hargeysa(Ramaas) Feb.04, 2010 - Markab weyn oo ah nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo MV Layla-S oo saaka waabarigii hore maraayey gacanka cadmeed ayaa waxaa weerar ku soo qaaday afar doonyood oo ay saarnaayeen budhcad badeed soomaaliyeed, waxaana ay isku wareejiyeen markabkaasi oo ay la socdeen 16 shaqaale ajaanib.
Saacad markii markabku u afduubna kooxdaasi balse aanay gudaha u gelin markabka ayaa waxaa goobta soo gaadhay laba doonyood oo ka tirsan ciidamadda Badda Somaliland oo wakhtigaasi maqlay qaylo dhaan uu markabku ku diray hoonka cida ah ee markabka, waxaana doonayahaasi ciidamadda Badda Somaliland ay rasaas oodda kaga qaadeen budhcad badeeda oo ka fakaday goobtaasi, waxaana u suurtagashay ciidamadda Badda Somaliland inay markabkaasi ammaankiisii la wareegaan isla markaana ay sababo ammaan dartood ugu soo xidheen dekedda magaalada Berbera sidaasina waxaa goor dhawayd shaaciyey wakaaladda Wararka ee lagu magacaabo phonophon post.
Markabka ayaa markii lagu soo xidhay dekedda Berbera saaka waxaa gudaha u gallay ciidamadda sirdoonka iyo kuwa ilaalada xeebaha Somaliland oo ku sameeyey baadhitaan, waxaana uu weli ku xidhan yahay markabkaasi Dekedda magaalada Berbera. waa markii labaad ee sidani oo kale ay ciidamadda Badda ee Somaliland u bad baadiyaan waxay ahayd uun dabayaqadii sannadkii hore markii markab laga lahaa dalka Shiinaha oo wadday shiidaal ayay ciidamadda Bedda somaliland bad baadiyeen.

Ramaasnews Desk
Hargeisa

Khubaro, Ganacsato, Diblomaasiyiin, Garyaqaano Iyo Siyaasiyiin Hore Oo Shir Ku Lahaa Koonfur Afrika Oo Ku Taliyey Aqoonsiga Somaliland 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Khubaro, Ganacsato, Diblomaasiyiin, Garyaqaano Iyo Siyaasiyiin Hore Oo Shir Ku Lahaa Koonfur Afrika Oo Ku Taliyey Aqoonsiga Somaliland






Pretoria (Golisnews.com)-- 25 xubnood oo iskugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin hore xilal kala duwan u soo qabtay, garyaqaano caalami ah, khubaro ku takhasustay qaaradda afrika, iyo ganacsato waaweyn oo u badan kuwa iska leh shariikadaha caymiska iyo maraakiibta ka gooshta gacanka cadmeed oo tiradoodu gaadhaysay 25 ayaa shir balaadhan oo uga socday magaaada Pretoria ee dalka koonfur afrika waxay ka soo saareen baaq ay u jeedinayaan dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay iyo golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ay ugu baaqeen in furaha keliya ee xal u noqon kara xaaladda budhcad badeeda xeebaha beriga afrika ay tahay in aqoonsi buuxda la siiyo Somaliland si gacan loogu siiyo in ay xeebaha gacanka cadmeed Somaliland gacanta ugu dhigto isla markaana ay ugu soo celiso ammaan ay si nabad ah maraakiibta xamuulka qada u mari karaan.





Kulankani oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale gebo-gebadiisii hadal dheer ka jeediyey haweenayda ah wasiirka gaashandhiga ee dalka koonfur afrika Ms Lindiwe Sisulu, waxaanay Marwo Sisulu aad u ammaantay madaxdani, waxay Ms Sisulu sheegtay in dalkeedu uu aad u danaynaayo Somaliland oo ku soo biira ayey tidhi beesha caalamka waxaana ay sheegtay in xukuumadda koonfur afrika ay seddex sanno ka hor ka qayb gashay dood ay dalalka afrika ka yeesheen arrinta qaddiyadda Somaliland, waxay uga ballan qaaday ergooyinkaasi in ay farriintaasi gayn doonto shirka golaha wasiiradda ee dalkeeda.


Waxaa isaguna halkaasi hadal dheer ka jeediyey madaxa shariikadda caymiska ICEA ee xarunteedu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya J. P. M. Ndegwa, wuxuuna aad ugu dheeraday daraasad balaadhan oo ay shariikadiisu ku samaysay ammaanka xeebaha beriga afrika, wuxuu soo jeediyey in haddii la waayey dawladdii Soomaaliya la helo xal kale, wuxuuna sheegay in ay awood saari doonaan sidii ay arrinta aqoonsiga iyo gacan qabashada Somaliland u gayn lahaayeen wuxuu ku tilmaamay albaabada adduunyada laga gallo.


Qoraalka baaqa ah oo lagu daabacay bogga internetka ee wasaaradda gaashandhiga dalka koonfur afrika ayaa wuxuu guul weyn u yahay hanaqaadka aqoonsi raadiska iyo madax banaanida Somaliland oo garawshiyo ka hellay qaybo kala duwan oo bulshada caalamka ah, wallow shirkani aanay xukuumadda Somaliland cidina uga matalaynin marka laga reebo ergayga u fadhiya xukuumada South Afrika Mr. Iqbal Jazby oo isagu shirka ka qayb gallay haddana waxaa laga dheehan karaayey dedaalka mucaarid iyo muxaafidba ay u galleen isku keenidda khubaradani





Golisnews, Pretoria, South Africa

Warkii ugu danbeeyay waftiga gudoomiye kuxigeenka golaha wakiilada 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun




Warkii ugu danbeeyay waftiga gudoomiye kuxigeenka golaha wakiilada

Waftigii Uu Hogaaminayo Gud. Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shirka Common Wealthka Ee London Ka Socda.


Waftigii Uu Hogaaminayo Gud. Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shirka Common Wealthka Ee London Ka Socda.

Gud. Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland mudane C/casiis Maxamed Samaale iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si rasmiya loogu casuumay shirka wadamada Common Wealthka oo haatan si rasmiya uga socda magaalada London. Shrika waxaa ka qayb galay ilaa 40 dawladood oo dhamaantood xubno ka ah Common Wealthka.

Waxa ka mid ah waftiga Gud. Xigeenka la socda mudane Aadan Tarabi Oogle oo ah xubin ka mida ah Golaha Wakiilada isla markaana kasoo baxay xisbiga Udub. Aadan waa Gudoomiyaha Guddida la dagaalanka musuq-maasuqa ee Golaha Wakiilada.

Muhhimada ugu weyn ee shirkani waxay ahayd Dhisida Nabadgelyada iyo Xalinta Mashaakilaadka wadamada xubnaha ka ah ururkan. Intii uu shirku socday waxaa laga hadlay dhibaatootinka ka jira wadamada qaarkood iyo sidii loo xalin lahaa arrimahaasi.

Wafiga Somaliland waxay xalay qado sharaf loogu sameeyay magaalada Belfast ee gobolka Waqooyiga Ireland. Waxa waftiga si rasmiya u qaabilay isla mraka khudbad ka jeediyay hoolka shirarka ee Dawlad goboleedka Waqooyiga Ireland gudoomiyaha Golaha Waqooyiga Ireland mudane William Hay MLA Speaker of Northern Ireland Assembly.

Waftigu waxa ay joogi doonaan waqooyiga Ireland mudo laba cisho ah. Waxaana la filayaa marka uu shirka u dhmmaado inay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan masuuliyin ka tirsan baarlamaanka Britain iyo masuulyiin kaleba

Sawirada shirka London iyo hawlahii ay ka soo qabteen waqooyiga Ireland dhawaan ayaa la soo gudbin doonaa. Waxa kale oo laga heli karaa websiteka Northern

Wararkii ugu dambeeyey

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo La Filaayo Inuu Todobaadkani Yimaado Magaalada Birmingham, UK



Birmingham (Golisnews.com)-- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay wehelinayaan safiiradda Somaliland u fadhiya dalalka ingiriiska iyo Ireland ayaa lagu wadaa in badhmtaha todobaadka soo socda ay kaga qayb gallaan magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka boqortooyada ingiriiska shirweyne caalami ah oo lagu wado inuu ka soo qayb gallo xogayaha arrimaha dibadda Britain David Miliband iyo Hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka David Cameroon.


Safarka M/weyne ku xigeenka oo aanay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham iyo guud ahaan warbaahintu aanay waxba kala soconin ayaa hadal hayntiisu wuxuu ka soo baxay ilo diblomaasyadeedyo ku dhaw madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadda ku sugan magaalada Paris ee xarunta dalka faransiiska.


Shirweynahani caalamiga ah ee la filaayo inuu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ka qayb gallo ayaa sidoo kale waxaa iman doonta diblomaasiyiin iyo safiiro ka tirsan midawga yurub, dalalka xubnaha ka ah ururka barwaaqo sooranka (common wealth) iyo weliba diblomasiyiin ka socda dalalka waqooyiga iyo koonfurta amerika.


Sida warar lagu kalsoonyahay ay u xaqiijinayaan shabakadda Golisnews waxay wefdiga Madaxweyne ku xigeenku ku soo degi doonaan hotel ku yaalla badhtamaha magaalada Birmingham mana cadda in ay wax kulano ah la yeelan doonaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham oo bilahii ugu danbaysay si tallan taali ah usoo dhawaynaysay hogaamiyayaasha siyaasadda Somaliland.


wixii warar ah ee arrintani ka soo kordha waxaa idinla socodsiin doona xarunta warqabadka golisnews ee West Midlands la soco





Golisnews, Birmingham


info@golisnews.com

Thursday, 4 February 2010

82-ka Mudane ee golaha guurtida Soomaaliland oo Isku Calool xaadhay Xaflad Qado sharaf ah oo uu u sameeyay gudoomiye ku xigeen kooda koowaad 20100204


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

82-ka Mudane ee golaha guurtida Soomaaliland oo Isku Calool xaadhay Xaflad Qado sharaf ah oo uu u sameeyay gudoomiye ku xigeen kooda koowaad

Hargeysa (Ramaas) Feb. 04, 2010 - Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida somaliland ayaa maanta qaddo sharaf huteelka xaraf ee magaaladda Hargeisa ugu sameeyay 82-ka xildhibaan e golahaasi ka koobanyahay.
Xafladii qaddo sharafta ahayd ka dib hadal kooban oo uu ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka koowaad Md. Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre waxa uu yidhi “ Maanta waxaan golaha iskugu yeedhay dadku waa kuwii inagu sheekaysanayee bal inay yidhaahdaan imika nimankii waxbay wadda cunayaan(guurtida), oo nimankii colba maahee, oo sidaynu moodaynayba maaha, ha layidhaahdo ayaan is leeyahay”
“Hadalka iyo waxii wax isku sheeg ahna golaheenii ayanu la tagi haddi Alle yidhaahdo. Barigii aynu xereta ahaan jirnay waxa la odhan jiray labadda kitaab wadda akhrisatay waa laba naas wadda jaqday oo kale, dadka labadii isku gole ahiba waa walaalo ee wadda shaqaysaa.” Ayuu yidhi sh. Furre
Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladii qado sharafta ahayd wuxuu aad ugu mahadnaqay gudoomiye ku xigeenkiisa oo si shakhsi ah kaligii u marti qaaday golaha oo dhan, isagoo arintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi” Sheekhu wuu ku mahadsanayahy haddii uu maanta iskugu keen yeedhay, oo uu yidhi waar baryahan inaynu isku mid nahayba waad ilowdeen, haduu yidhi aad iyo aad ayuu markale ugu mahadsanyah, wixii talo iyo wax isku sheeg ahna sidii sheekhu u sheegay golaheeni ayaynu la tagaynaa”
Dhinaca kale, Xaaji Cabdi Xuseen Xaaji Cabdi Waraabe iyo mudane Cabdil aahi Ibrahim xirsi(Dhugad), oo labaduba ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida ayaa uga mahadnaqay gudoomiye ku xigeen ka kowaad casuumadda uu u sameeyay.
Labadaas xildhibaan waxay sheegeen in la soo gaba gabeeyay khilaafaadkii ka jiray golaha, waxaanay xuseen in goluhu u midaysanyahay gudashada waajibaadka shaqadda.

Ramaasnews Desk
Hargeisa

qaraxii Laascaanood oo galaaftey kii qarxinaayey 20100204


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

WASIIRKA DAAKHILGA OO SHAACA KA QAADAY IN QARAXII XALAY UU KU HALGAASAMAY NINKII KA DANBEEYEY QARXAYADII LAASCAANOOD

WASIIRKA ARIMAHA GUDDAHA SOMALILAND MUDANE CABDILAAHI CIRO AYAA SHIR JARAID KU QABTAY MAGAALDA LAASCAANOOD

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md C/laahi Ismaaciil Cirro oo ku sugan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa saaka shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Xamdi laascaanood ku soo bandhigay cadaymihii qaraxii iyo Ninkii Habeenkii Xalay ku dhintay qarax uu soo maleegay, damacsanaana in uu qarxiyo oo isagii ku qarxay ninkan oo ahaa sida uu Wasiirku sheegay ninkii ka danbeeyey Qarxyadii hore ee ka dhacay Magaaladda Laascaanood wasiirka ayaa soo bandhigay Mobile iyo Remote uu u adeegsanyay ninkani qaraxan .

Wasiirka ayaa sheegay in ay saaka ugu dul tageen ciidamadu goobtii qaraxu ka dhacay nin,Ninkaas oo ahaa ninkii damcasanaa in uu fuliyo qaraxaa balse ay u suurta gali wayday oo ay ka fashilantay , hadalada wasiirkana waxaa ka mid ahaa .

“Xalay waxa dhacay 7:30 Fiidnimo qarax nasiib wanaagse Maadama oo ay habeen ahayd waxaanu goosanay in aanu ciidamda ku wareejino goobta oo ay heegan ka galaan eeriyada oo aan cidi u dhawaan anaga oo ka cabsi qabnay in kii waynaa uu qarsoon yahay oo marka la isu soo baxo oo madax iyo ciidamoba wixii yimaada inay ku qarxiyaan sidii caadada u ahayd nasiib wanaag xalay oo dhan ciidanku meeshi gaadh ayuu ka hayay saaka subaxnimadii waxa lagula kulmay nin mayd ah oo ah ninkii dhigayay miinadaasi ama walxahaas qarxa waxaana la yidhaa miinaystuhu mar kaliya ayuu khaldamaa markaasna uu dhintaa isaga oo islahaa wax galaafo ayay isaga galaaftay nasiib wanaag macluumaad badan ayaa laga helay oo baadhis ku jirta oo aanu baadhista ka dib uun sheegi doono waxaanuse ummadda reer Somaliland gaar ahaan reer laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool ba uga mahad celinayanaa sida feejigan ee ilaa hadeer ay uga taxadirsan yihiin isuguna duuban yihiin waxaanu ka codsanaynaa kuna adkaynaynaa nabadgelyadu qof kasta waa u dan ganacsatda waa u dan oo wadaadka waa u dan oo masaajidka la tagi mayo oo madaaarista la tagi maayo oo iskuul la tagi mayo oo shaqo la tagi mayo oo wax talaabo laga qaadin oo la isku duubnaan markii shalay aynu isu nimi waxaynu Alle ka barinay in Alle fashiliyo cida wax wada waxaana muuqata in uu Alle inaga aqbalay fashilaadaas ayaana ku timi ninkii isku dayay in uu waxan sameeyo arintuna baadhis ayay ku jirtaa macluumaad fiicaan oo raad raac fiican lehna waanu ka helanay inshaa Allah na way soo gabogaboobmi doontaa ”

Warqabadka ToggaHerer

Hargeisa

Somaliland

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraanReportsContact us
All rights Reserved by TogaHerer News Network (Shabakada wararka ee Togaherer.com)

Qarax xoog weyn oo gebi ahaanba gilgilay magaalada Laascanood 20100204

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Qarax Weyn Oo Gilgilay Caawa Magaalada Laas-Canood Wakhti Ay Ciidamadda Ammaanku Bandoo Saareen Magaalada




Laascanood (Golisnews.com)-- Qarax xoog weyn oo gebi ahaanba laga maqlaayey magaalada Laascanood ayaa caawa fiidkii gilgilay badhtamaha magaalada wakhti ay ciidamadda ammaanka ee magaalada Laas-canood ay ku jireen hawl gallo ay ku hayeen magaalada gudaheeda isla markaana is gaadhsiinta magaaladdu ay go'antahay.

Weriyaha Golisnews ee magaalada Laascanood oo aanu goor dhawayd kula xidhiidhnay khadka isgaadhsiinta ee la shaqeeya Satteliteka ee loo yaqaan Thuraya ayaa noo xaqiijiyey in qaraxaasi uu dhaca wakhti gebi ahaanba dhaq dhaqaaqii magaalada ay joojiyeen ciidamadda ammaanku, Weriye Kabadhe ayaa noo sheegay in aanu xaqiijin karin khasaaraha uu gaystay qaraxani iyo welib goobta uu ka dhacay iyadoo ciidamadda ammaanku sababo amaanka la xidhiidha ay joojiyeen isku socodkii magaalada ee xilliga habeenkii.

wixii warar ah ee ku soo kordha qaraxani kala socda Golisnews

Golisnews, Laascanood


info@golisnews.com

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha oo Diiday Inuu u Hoggaansamo Dastuurka Somaliland 20100204

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha oo Diiday Inuu u Hoggaansamo Dastuurka Somaliland





Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qoraal canaan iyo digniin culus xambaarsan u diray Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, isla markaana dalbay inuu golaha yimaad maalinta Sabtida ee soo socota, kadib markii sida la sheegay uu ka dhego-adaygay qoraallo ay dhawr jeer hore u direen guddi-hoosaadka dhaqaalaha wakiillada si ay wax uga weydiiyaan arrimo la xidhiidha cashuuro wasaaraddiisu ka qaado dhoofka xoolaha nool.

Qoraalka Md. Cirro u diray Dr. Idiris oo ku taariikhaysan 1 January 2010, kuna beegan Axaddii toddobaadkan ka hor intii aannu guddoomiyuhu u ambabixin socdaal uu ugu kicitimay dalka Sweden oo uu kaga qaybgelayo shir caalami ah, waxa uu Wasiirka Xannaanada Xoolaha ku adkeeyey inuu Sabtida foodda innagu soo hayso hortago Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada si uu tafaasiil uga bixiyo lacago aan sharci ahayn oo wasaaraddiisu ka qaado xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera, isla markaana masuuliyadooda hore wasaaradda maaliyaddu hore isaga fogaysay.

Qoraal guddida dhaqaaluhu 30 January 2010 ku socodsiiyeen Guddoomiyaha Wakiillada oo Jamhuuriya helay nuqul ka mid ah, ayaa lagu sheegay in wasiirka xannaanadda xooluhu diiday inuu u hoggaansamo dastuurka Somaliland, kadib markuu si badheedh ah u diiday inuu horyimaad guddida dhaqaalaha sida uu waajibinayo qodobka 53aad ee dastuurka qaranku.

Qoraalka guddida dhaqaaluhu u gudbiyeen guddoomiyaha Golaha waxa uu u qornaa sidan; “

“Ku: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Ujeeddo: Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo Diiday inuu u hoggaansamo Distuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye, waxaan suurtogalayn hawlgudashada guddida haddii aan hawlwadeennada xukuumaddu ku dhaqmayn Distoorka Qaranka.

Waxa Guddoomiye, qoraallo iyo xidhiidho badan oo aannu la sameynay Wasiirka Xannaanada Xoolaha, taas oo keentay in Wasiirku si cad oo badheedha u diiday inuu guddida horyimaaddo, si guddidu u waydiiso xogta ku saabsan takaaliifta iyo lacagta laga qaado xoolaha dhoofaya, taas oo sababtay cuno-qabatayn iyo takoor ganacsatada dhexdooda ah, iyadoo xaqii ganacsiga xooluhu gacanta u galay cid gaara ah amma kooto (Monopoly).

Haddaba, Guddoomiye arrinka Wasiirka iyo xogta ganacsiguba waxay ku xidhan tahay tallaabada Goluhu ka qaado.”

Hadaba markii Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) arkay warqadda guddida dhaqaalaha, waxa uu wasiirka xannaanadda xoolaha u diray qoraal uu ku xasuusinayo in masuulkasta oo marka loo yeedho Golaha horiman waayaa uu ka baydhay haybada iyo hannaanka dawladnimo, isla markaana uu si caddaan ah u baalmaray dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal, isaga oo wasiirka ka dalbaday inuu guddida horyimaado maalinta Sabtida ee taarikhdu tahay 6 February 2010.

Warqadda canaanta iyo digniinaha is-huwan ah ee Guddoomiye Cirro u qoray wasiirka, ayaa sida qoraalka ka muuqata ka dambaysay qoraal guddiga dhaqaalaha ee Wakiilladu guddoomiyahooda kaga codsadeen 30 Janu 2010 inuu Dr. Idiris ku amro inuu horyimaad, kadib markii uu dhegaha ka furaystay inuu u hoggaansamo ilaa shan qoraal oo guddi-hoosaadka dhaqaaluhu kaga codsadeen inuu horyimaad si ay wax uga weydiiyaan lacago aan qaadisteedu ansaxsanayn, isla markaana ku jirin miisaaniyadda dawladda oo Wasaaradda Xannaanada Xooluhu ka qaaddo xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera.

Qoraalka Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu si kulul ugu canaantay Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay shalay, waxa uu ku wargeliyey wasiirka hadduu ka baaqsado inuu guddiga dhaqaalaha hortago Sabtida in Golaha Wakiilladu ka qaadi doono tallaabada ku habboon ee sharciga ah, waxaannu dalbay inuu u hoggaansamo shuruucda dalka u yaal.

Qoraalka Guddoomiyaha Wakiilladu u qoray wasiirka waxa uu u dhignaa sidan; ““Mudane Wasiir, aniga oo tixraacaya warqadda tirsigeedu yahay GW/G/19/18/2010, kuna taariikhaysan 30/01/2010, taas oo guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu iigu soo wargeliyeen in aad ka baaqsatay kulamo shaqo oo guddidu kuugu yeedhay. Qoraalladaas oo dhammaantood ogaysiin ay guddidu hore ii siisay oo aan ka warqabay.

Haddaba, sida ku cad dastuurka qaranka qodobkiisa 53aad, farqadihiisa 6aad iyo 7aad oo qeexaya in golaha iyo guddiyada goluhuba ay awood dastuuriya u leeyihiin inay u yeedhaan masuuliyiinta qaranka si ay wax uga waydiiyaan hawshalaha ay qaranka u hayaan.

Masuul kasta oo golaha hor ima waaya marka uu goluhu amma guddi u yeedho waxa uu si caddaana u baalmaray dastuurka iyo shuruucda qaranka u degsan, waxaannu ka baydhay haybadii iyo hannaankii dawladnimo, taas oo ay ka dhalanayso qawaaniin hor leh.

Sidaa darteed, waxaan kugu wargelinayaa in aad ka soo qaybgashid kulanka shaqo ee guddidu kaa dalbatay maalinta Sabtida 06/02/2010, 9:39am, si ummadda loogu wada adeego qaranka loogu shaqeeyo.”

Dastuurka Somaliland oo dadweynuhu 31 May 2001 ku ansixiyeen 97%, ayaa waajibinaya in Golaha Wakiiladda iyo guddiyada Goluhu u yeedhi karaan wasiiradda ama madaxda dawladda si wax looga weydiiyo gudashadda xilkooda, iyada oo masuulkii arrintaa didaana jabinayo qodob dastuuri ah oo uu ku mutaysan karo maamuus ka xayuubin iyo in maxkamad la soo taago sida ku cad qodobka 96aad ee dastuurka.

Qodobka 53aad ee dastuurka qaranka ee ka hadlaya awoodaha iyo waajibaadka Golaha Wakiilladu, isla markaana awood u siinaya inay u yeedhi karaan masuuliyiinta dawladda, waxa uu u qoran yahay sidan;

“1. Waxa waajib ah inuu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay’adaha Dawladda, iyadoo la raacayo Dastuurka.

2. Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax -ka¬sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.

3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo¬saarid ama wax-ka beddelid qaanuun.

4. Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta.

5. Ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun deg-deg ah, waxa Golaha Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole (Golaha Wakiilada & Golaha Guuritda) oggolaansho.

6. Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay inuu u yeedho Xukuumadda ama hay’adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.

7. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay’adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.”

Masuuliyiinta dawladda iyo xukuumadda talladda haysaa hadii ay u hoggaansami waayaan qodobka 53aad ee dastuurka iyo 7-da farqadood ee uu ka kooban yahay, waxay mutaysan karaan in lagu qaado qodobka 96aad ee dastuurka oo ka hadlaya eedaaynta iyo maamuus-ka-xayuubinta madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka iyo wasiiradda.

“1. Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha lagu soo oogo dembiyada kala ah:¬

b. Khiyaamo Qaran (High Treason) ama

t. Ku xad gudubka Dastuurka.

Waxa ku soo oogi kara madaxweynaha ama/iyo madaxweyne-ku-xigeenka dambiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiilada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wakiiladuna waxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood iyo mid ah {Absolute Majority).

2. Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madax¬bannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.

3. Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca. Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.

4. Haddii Xeer-ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen dembi ka mid ah dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa warbixinta eedda uu Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.

5. Waxa eedda Ia xidhiidha Wasiirada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice), Maxkamadaas oo ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole waliba soo doorto laba xubnood.”

Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya

Munaasibad lagu xusay Geeridii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo Hal Sanno ka soo wareegtay laguna qabtay Hargeisa 20100204

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Munaasibad lagu xusay Geeridii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo Hal Sanno ka soo wareegtay laguna qabtay Hargeisa.



"Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu balan qaadkii uu agoonta u sameeyay u fuliyo waa nasiib darro inaan wali waxba loo qaban" Suldaan Maxamed C/qaadir


Kulan Baroor diiq ah oo lagu xusayo Sannad Guuradii koowaad ee ka soo wareegtay Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale(Xoghayihii Guud ee Xisbiga Udub) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Kulankan oo ka qabsoomay Huteel Imperial ee Caasimada Hargeysa

Waxana Masuuliyiin tiro badan oo ka soo qayb galay ay si ba’an u weerareen Xukuumada Madaxwayne Rayaale gaar ahaan Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo ay sheegeen in uu ka baxay balantii uu qaaday dhimashada Xoghayaha guud ka dib in Agoontii uu Xoghayuhu in loo dhiso Guri Hanti ah.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa tallaabada Madaxwayne Rayaale ku tilmaamay mid ayaan daro ah in Madaxwaynuhu uu sidaa ku dhaqaaqo kana baxo balantii uu dhigay. Taasina ay ka sii daran tahay In dayntii uu Xoghayuhu u soo galay Xisbiga ilaa maanta loo haysto Eheliyada Dadkii uu ka tagay Marxuum Bulaale. “Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu balan qaadkii uu agoonta u sameeyay u fuliyo waa nasiib darro inaan wali waxba loo qaban. Waxaan leeyahay Madaxweyne wixii aad balan qaaday fuli ama waxba uma qaban karo dheh.”


Waxa kale oo isaguna Xuskaasi hadal ka jeediyay Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray ayaa isaguna muujiyay sida uu uga xun yahay in Madaxwaynuhu aanu u qiimayn Marxuumkaasi “ oo ahaa” buu yidhi “Nin Xisbiga iyo Qarankaba ku wayn, hadii aanu fullin karaynin ha noo caddeeyo anaga ayaa Guri u dhisi Caruurtii Marxuumkee, Dayntii uu u galay Xisbiga Udubna ka bixin doonee”

C/laahi Ibraahim Xaaji Xasan, oo ku hadlayay Magaca Dhallinyarada Xisbiga Udub ayaa sheegay in ay tahay arin laga qoomamoodo iyada oo la xusayo Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub in ay Madasha ka maqnaadaan Masuuliyiintii Xukuumada, arintanina ay caddaynayso in Xisbiga aanay joogin cid garanaysa milgaha iyo Xurmaha qof ahaaneed hadii uu dhinto iyo hadii uu Nool yahayba. Jagadii ama Xilkii uu Marxuum Bulaale banneeyayna aan loo dhiibin cid buuxin karta.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo Gaadiidka Somaliland Saciid Sulub Maxamed oo ka mid ahaa Dadkii baroor diiqdaasi hadalka ka jeediyay ayaa yidhi “Xuska Shahiid Maxamed Ismaaciil Bulaale ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee cidii soo abaabushay aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin. laakiin Maxamed nin xisbi iyo nin qabiil waligii muu ahayn oo wuxuu ahaa mid hawl qaran uun hayay illaa maalintii uu ka geeriyooday. Waxaan ka codsan lahaa qoladii xafladan soo abaabushay inay xaflad labaad loo sameeyo oo tan ka balaadhan oo ay ka soo wada qeyb galaan dadkii yaqaanay taariikhdiisa ee reer Somaliland oo dhami.”
Waxaanu Wasiirku ka gaabsaday in uu sheego in Xukuumada Madaxwayne Rayaale ay balantii kaga baxday iyo hadii ay bixinayso labadaba. isagu ka gaabsada


Xafladaasi oo ahayd mid Baroor diiq ah ayaa waxa ka soo qeyb galay Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray, Suldaan MaxamedC/qaadir, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Md. Siciid Sulub Maxamed, Salaadiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah carruurtii iyo ehaladii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale.

Wednesday, 3 February 2010

siilaanyo oo socdaalkiisii maraykanka reer somaliland warbixin ka siinaaya hotel Maansoor- Daawo Sawirada 20100203

Somaliland-Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Dawladda Sudan oo shuruud ku xidhay Ictiraaf Caalami ah oo ay Somaliland hesho 2010

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Dawladda Sudan oo shuruud ku xidhay Ictiraaf Caalami ah oo ay Somaliland hesho




Addis-Ababa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Sudan Deng Alor ayaa sheegay in walaaca badan ee ay Afrika ka qabto xasilooni darada ka taagan dalka Soomaaliya ay horseedi karto in loo jeesto Somaliland oo labaatankii sannadood ee u dambeeyay uu ka jiray xasilooni iyo nabadgeliyo.

Wasiir Deng, oo shalay xarunta Midowga Afrika ugu waramay saxafiyiin reer Somaliland ah oo shirkaas ka qayb galaya, waxa uu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, mustaqbalka Somaliland iyo weliba doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dhawaan ka dhacaan koonfurta dalka Sudan oo uu isagu ka soo jeedo, “Jiilal badan ayaynu ku weynay Soomaaliya, waana masuuliyadda hoggaamiyayaasha Afrika inay talaabo adag ka qaadaan sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa kala dambayntii.” ayuu yidhi Wasiirku, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyay, “Meel kasta oo qaaradda ah waxa ka jira walaac Soomaaliya ah, tallaabadii laga qaadi lahaana wada hadal ayaa ka socda. Markaas walbahaarka Soomaaliya ee meel kasta laga ogyahay werwerkiisu saamayn weyn ayuu ku leeyahay haddii ay tahay Hargeysa, Muqdisho iyo meel kasta. Hargeysa [Somaliland] had iyo jeer waa nabadgeliyo, waxa ka jirta Somaliland xasilooni iyo ammaan rejo gelinaya dadka, laakiin sidaas oo kale waa laga hirgelin karaa Muqdishana.”

Dalka Sudan ayaa xubin firfircoon ka ah Urur-gobolleedka IGAD ee Afrika iyo sidoo kale Midowga Afrika oo isna xubin ka yahay.

Mar la weydiiyay in Somaliland ay fure u noqon karto dhibaatada Soomaaliya ka taagan, waxa uu yidhi, “Haa, run ahaantii waxa ka dhacaya Somaliland way kaga dayan karaan Soomaaliya, xaqiiqdiina taasi waa ta rajada gelisay dadka, sababtoo ah haddi ay taasi Somaliland ka jirto, maxay Soomaaliyana uga hirgeli weyday.”

Mar la weydiiyay sababta ay Afrika uga dhego adaygayso qaddiyadda aqoonsiga Somaliland oo ah dal labaatanki sannadood ee u dambeeyay u halgamayay ictiraaf uu ka helo bulshada caalamka, waxa uu shuruud uga dhigay in ay Somaliland iyo Soomaaliya ka wada-hadlaan arrintaas, waxanu yidhi, “Horta Afrika iyo Midowga Afrikaba waxa wax lagu maamulaa qawaaniinta ururka u yaala, dadkuna way qabaan dareenka Somaliland, aakhirkana waxay noqon doontaa in la eego Somaliland. Dadka reer Somaliland waxay la soo dagaalamayeen aqoonsi siyasadeed la’aan, laakiin waxa sidaas kula shaqaynayay gobalka, AFrika iyo beesha caalamka, islamarkaana sumcad wanaagsan ayay gobalka ku dhex yeesheen. Balse aqoonsigu wuxuu muhiim ku yahay inay dadku kula shaqeeyaan. Arrinta aqoonsiga Somaliland cidina ma doonayso inay ka hadasho Soomaaliya kala qaybsan, balse taasi waxay ku xidhantahay uun go’aan Soomaaliya iyo Somaliland ka wada gaadhaan arrintaas, waana markaas marka cid kastaanba aqoonsanayso Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha dibadda Sudan oo la weydiiyay mudada uu filayo inuu aqoonsiga Somaliland baadi goobkiisu qaadan karo, waxa uu yidhi, “Sidaan hore u sheegay aqoonsiga siyaasadeed waa taageero, laakin aqoonsiga aan rasmiga ahayni waa sida ay Somaliland kula shaqayso dalalka gobalka iyo beesha caaalamka, waana aqoonsi aan rasmi ahayn oo muujinaya in bulshadan [Somaliland] ay dhab ka tahay qaddiyadoodu, islamarkaana ay tahay in la caawiyo. Ma sheegi karno mudada ay qaadanayso, laakiin waxay ku xidhantahay uun hadba siday noqoto xaaladda Soomaaliya, sababtoo ah xataa xaaladaha Soomaaliya saamayn bay ku leeyihin Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Sudan, waxa kale oo uu fikir xaqiqo ahayn ku tilmaamayn hadal uu Madaxweynaha Liibiya Qaddaafi ka sheegay shirjaraa’id oo uu qabtay, kaas oo ahaa in haddii ay xiitaa dadka koonfurta Sudan u codeeyaan inay ka go’aan Sudan uu dagaal dhex mari doono dadka koonfurta Sudan. “Maya, wax jira maaha.” ayuu yidhi Wasiirku.

Xigasho: Wargeyska Ogaal

siilaanyo oo socdaalkiisii maraykanka reer somaliland warbixin ka siinaaya hotel Maansoor- Daawo Sawirada 20100203

Somaliland-Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Kulan Taarikhiya Gudomiyaha Barlamanka S-Land Iyo Dhigiisa Dalka Sweden

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Kulan Taarikhiya Gudomiyaha Barlamanka S-Land Iyo Dhigiisa Dalka Sweden


Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden waxa uu sheegay in uu ku farxsanyahay horuumarka fiican ee ka socda Somaliland. Taasina

Stockholm(GNS)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane Abdirahman M Abdillahi(Cirro) ayaa maanta oo bishu tahay 2 february lagu qaabilyey Baarlamaanka Sweden.

Gudoomiye Cirro waxa qaabilyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudane Per Westerberg oo si wacan u maamuusan u qaabiley Mudane Cirro. Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudane Per Westerberg waxa uu Gudoomiye Cirro u sheegay in uu ku faraxsanyahay inuu qaabilo wefdiga uu hoggaaminayo Mudane Abdirahman M Abdillahi.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland waxa weheliyey kulankaas Xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa iyo Wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Eidarus Sh Adan. Mudane Cirro waxa uu warbixin ku saabsan Barlamaanka Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyada siiyey Gudoomiye Per Westerberg.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden waxa uu sheegay in uu ku farxsanyahay horuumarka fiican ee ka socda Somaliland. Taasina ay tahay mid la dhiiri geliyo. Waxca uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudaane Per Westerberg ku ballan qaaday in uu ka shaeqeyn doono sidii aqoon isweydaarsi loo sameyn laha ku saabsan labada Gole.

Booqashada uu Gudoomiye Cirro iyo xildhibaan Ibrahim Mahdi Buuba ay ku tageen dalka Sweden waxa ka dembeeyey casuumad ka timi Baarlamaanka Sweden. Intaaney labada gudoomiye kulmin waxa uu Gudoomiye Cirro la kulmey madax ka socota Gudida Distoorka ee Barlamaanka Sweden. Halkaas oo looga waramey sida ay Gudiyada Baarlamaanku u shaqeeyaan guud ahaan, khaastana Gudida Distoorka.

Gudoomiye Cirro intaa uu booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Sweden waxa uu la kulmi doona madax ka socota Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Sweden. Waxa kale oo uu booqan doona Gudida Dorashada ee Sweden (Swedish Election Authority).

Waxa kale oo maalinta jimcaha5 february ka dhici doona Baarlamaanka Sweden siminaar ku saabsan doorashada Madaxweynaha ee soo socota. Siminaarkaasna waxa ka soo qeybgeli doona madax ka socota Arrimaha Debedda ee Sweden iyo Xildhibaano ku jira Baarlamaanka Sweden iyo Hayaddo u hadla xuquuqda Aadamaha.

Booqashadan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somalialnd uu ku joogo Sweden waa mid taariikhi ah. Waa markii ugu horeysay ee Gudoomiye Cirro lagu qaabiley heerka ugu sareeya. Taasina waxa ay tuseysa in Dawladda Sweden iyo Baarlamaanka Sweden ay rabaan in ay wax la qabsadaan Baarlamaanka iyo shacbiga Somaliland.

Mohamed Abdilahi Hassan
Freelance Journalist
Stockholm Sweden
Eidarusadan@hotmail.com




Tuesday, 2 February 2010

hees3

(Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

hees somali ah

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub)
mid uun