Showing posts with label war(haatuf). Show all posts
Showing posts with label war(haatuf). Show all posts

Thursday, 11 February 2010

waa in Rayaale xil ka laga qaadaa, hadii salebaan la yidhaahdo xilkaa lagaa qaadayaa '' Faysal''

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa





Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay Haddii Saleebaan Gaal La Rido In Madaxweyne Rayaale-Na Maamuus Ka Xayuubin Lagu Samayn Doono Iskuna Xidhan Yihiin Labadoodu

“Anaga Saleebaan Nagama Tirsana Ee Waa Nin UDUB Ah Sh. Axmed Sh. Nuux-Na Bilaash Baa Loo Soo Celiyey, Inuu Iska Tago Ayey Ahayd”

“UDUB Iyo KULMIYE-Na Waxaanu Leenahay Ummadani Muran Uma Baahna, Madaxweynahana Nacayb Uma Haynee Toos Baanu Leenahay”

Faysal Cali Waraabe

Hargeysa,February 11, 2010 (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay hadii gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan gaal) kursiga laga tuuro in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahina maamuus ka xayuubin lagu samayn doono (Impeachment) tilmaamayna in labadoodu ay isku xidhan yihiin oo aanay kala hadhi doonin.

Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu sheegay in iscasilaadii dhawaan ay galaha guurtidu ka diideen gudoomiye ku xigeenka koowaad sh. Axmed Sh. Nuux Fure ay ahayd mid khaldan oo uu tilmaamay inay haboonayd in laga aqbalo oo uu iska tago isagoo dhinaca kalena xisbiyada UDUB iyo KULMIYE ugu baaqay inay dalka ka joojiyaan in muran siyaasadeed ay wakhtigan xaadirka ah dalka ku soo celiyaan.

Guddoomiyaha UCID Eng: Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaasi ku sheegay mar aanu xalay khadka telefoonka uu wargeyska Haatuf xogwaraysi khaasa aanu kula yeelanay isagoo jooga caasimada dalka Finland ee Helsinki isagoo mudo dhawr bilood ahna socdaal ugu maqnaa dalalka Yurub waraysigaasi oo uu sidoo kale kaga hadlay arimo ku saabsan doorashooyin iyo marxalada uu wakhtigan xaadirka ah dalku marayo iyo shirgudoonka guurtida ee ku guuldaraystay xalinta khilaafkoodii sharci, ayaa waxa uu dhacay waraysigaa iyo jawaabihii uu ka bixiyey sidan:

S: Koomishanka doorashooyinku waxay sheegeen in natiijada diwaangalinta codbixiyayaasha lagu soo saari karo mudo sadex bilood ah, mudaynta doorashaduna ay ku xidhan tahay kala shaandhaynta iyo marka liis sax ah oo codbixayaasha la soo saaro ay mudayn doonaan arimahaas sideed u aragtaa ?

J: Hadii hawsha doorashada loo dhaqaaqo hawl wadeenada gobalada iyo dagmooyinka iyo agabka la keenayo waxaan qabaa in 90 cisho aanay ka badnaanayn doorashadu.

S: Shirgudoonkii guurtidu khilaafkoodi sharci way ku guuldaraysteen xalintiisii arintaasi sideed u aragtaa ?

J: Madaxtooyada ayaa wada oo ka danbaysa khilaafkaasi, Sh. Axmed Sh. Nuux iyo ku xigeenkiisu ku simayaal bay ahayeen awood umay lahayn kala badalaada sharciguna waxa uu sheegayaa inuu kala badali karo gudoomiyihu wax shirgudoon la yidhaa sharcigu ma sheegayo, gudoomiyaa jira sh. Axmed Sh. Nuux wuu rabaa inay heshiiyaan waase laga danbeeyaa isaga iyo qolooyinka la figrada ahba.

S: Maxaad ku cadaynaysaa in madaxtooyadu ka danbayso khilaafka shirgudoonka guurtidu xalisan kari laayihiin?

J: Waxaan ku cadaynayaa markii uu yidhi Saleebaan waar labadii gudiba aan iska dayno oo mid aynu u dhanahay oo joogtada wada jir u samayno labada ku xigeen baa diiday arinkaasi.

S: Xildhibaanadu waxay ku doodayaan hadii ay heshiin waayaan shirgudoonku in sadexdooduba is casilaan arinkaasi siduu kuula muuqdaa?
J: Qofkii doonayaa ha tago Sh. Axmed maalintii uu is casilay waxay ahayd in layska daayo marka la eego awoodiisa lala wadaagayo inuu sheekhu iska nastay ahayd bilaashbaana loo soo celiyey,go’aan qaadashadaa inagu yar ninbaa is casilay markaasay yidhaahdeen waxaan u footaynay inaanu is casilin.

S: Axsaabtiina mucaaridka laftooda ayey xukuumadu idinku eedaysaa in gudoomiye Saleebaan aad ka danbaysaan taasi ma jirtaa ?

J: Anaga Saleebaan nagama tirsana UDUB wuu ka tisan yahay wakhtigan looma baahna in qas siyasadeed in dalka la galiyo hadaynu ka soo baxnay, dadka murankaasi wadaana waa wax ma tarayaasha dadka gaajada ku abuuray.

S: Saleebaan mudooyinkan danbe fikirkiisii UDUB waxa lagu tilmaama inuu is badalay oo aanu ka tirsanayn oo shirwaynihii xisbiga UDUB-ba ergadii ka qayb galayaasha laguma darin maxaa keenay inaad tidhaa waa UDUB ?

J: Anaga UDUB-buu Saleebaan noo xisaabsan yahay, golaha badanoodu waa UDUB, Sh. Axmed Sh, Nuux waa UDUB maalintii ay dhexdhexaadinayeen ee doorashadii shirgudoonka golaha wakiilada ee laysku hayey waa kii sh. Axmed Sh. Nuux yidhi 21 baanu ahaynoo kii 22 tanaadna waxa uu noqday UDUB, hogaanka iyo goluhuba waa UDUB

S: Waxa lagu tilmaama in loolanka siyaasada dalka ay si wayn iskugu hayaan UDUB iyo KULMIYE arintaas maxaad ka leedahay ?

J: anagu UDUB iyo KULMIYE-ba waxanu leenahay ummadani muran uma baahna, waxaa loo baahan yahay in ummada loo shaqeeyo oo tartan doorasho xalaala lagu tartamo, guurtiduna waa xaaraan inay muranto iyo inay cid gaara u shaqayso.

S: Mudadii madaxweyne Rayaale qalinka ku wada duugteen heshiiskii 6-da qodob ee doorashada laga gaadhay waxaad isku adeegsataan weedho kulkulul arimahaasi miyaanay saamayn ku yeelan Karin qabsoomida doorashooyinka iyo shacabkaba ?

J: Ilaa inta uu madaxweynuhu dalka si guracan u wado waxaanu leenahay toos oo dalka u shaqee ee wax kale iskuma hayno, wax necbaansho ah oo naga dhexeeyaana ma jiro waxaanu leenahay dadbaad u dhaaratay inaad madaxweyne daacada u noqonayso daacadnimadii kaama muuqato ayaanu leenahay.

S: Hadii xildhibaanada guurtidu ay damcaan inay badalaan shirgudoonka ay iyagu doorteen miyaanay xaq u lahayn inay badalaan xubnahooda shirgudoonku hadii ay khilaafkooda xalin waayeen ?

J: Qofkii iscasila ee shaqayn waaya hayska tago waxa la doonayaa in Saleebaan la badalo, mana dhacayso taasi Saleebaan iyo madaxweynuhuna way isku xidhan yihiin hadii Saleebaan la badalo waa in madaxweynahana maamuus ka xayuubin (Impeachment) lagu qaadaa oo ay is raacaan labadooduba.

--------------------------------------------------------------------------------

--------------------------------------------------------------------------------

Sunday, 7 February 2010

Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga U Taxaabay Wadaado Macalimiina Oo Baadhitaankii Qaraxyadu Galeen

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Laascaanood: Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga U Taxaabay Wadaado Macalimiina Oo Baadhitaankii Qaraxyadu Galeen
Laascaanood, February 7, 2010 (Haatuf) – ciidamada amaanka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa shalay xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga madarasadaha magaaladaasi oo la sheegay in baadhistii qaraxyadu ay gashay isla markaana loo tuhun sanyahay in qaraxyadaasi ay lug ku lahaayeen.

Ardayda wax ka barata madarasadaha magaalada Laascaanood ee ay wax ka dhigayeen macalimiinta xabsiga loo taxaabay ayaa iyaguna shalay mudaharaad ay kaga cadhaysan yihiin xadhiga macalimiintooda ka sameeyey badhtamaha magaalada, iyadoo dhinaca kalena gaadhi tigniko ah oo ciidamada amaanku leeyihiin oo galay guri uu ku dhintay hal qof oo ku sugnaa gurigaasi kuna dhaawacmeen afar askari oo gaadhigaasi la socday.

Wasiirka arimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro) oo isaga iyo wafdiga uu hogaaminayaa ay mudo laba todobaad ah socdaal ku joogaan magaalada Laascaanood oo warbaahinta uga waramay qaabkii ay ciidamada amaanku ku soo xidheen macalimiintaasi iyo qaabka uu u dhacay mudahraadkaasi ardaydu samaysay ayaa waxa uu yidhi “ sadex macalin oo baadhistu nala gashay oo looga yeedhay saldhiga ayaa khal khal iyo rabshado galiyey ardaydii oo shoobaro abuuray, markaa dad woxogay ah oo wax ma garad ah ayaa boolisku kala dareeriyey, ninkaasina rasaas kumuu dhimane ee nin oday ah oo gaadhi jiidhay buu ahaa magaaladuna way dagan tahay, mudaharaadna ma dhicin”

--------------------------------------------------------------------------------

Saturday, 6 February 2010

Wasiirka Beeraha Ee Sucuudiga Oo Difaacay Maxjarka Berbera Iyo Shahaadada Caafimaadka Ee Uu Bixiyo

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Wasiirka Beeraha Ee Sucuudiga Oo Difaacay Maxjarka Berbera Iyo Shahaadada Caafimaadka Ee Uu Bixiyo





Waxa Uu Beeniyay In Go’aankii Xayiraada Lagaga Qaaday Xoolaha Soomaalidu Ahaa Mid Lagu Degdegay



Wasiirka Beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Dr.Fahad Bil-Quneem ayaa sheegay inay si buuxda ugu kalsoon yihiin shahaadadaha caafimaadka xoolaha ee uu bixiyo maxjarka Berbera ee ay maamusho shirkadda Gulf International ee fadhigeedu yahay Rasal Khayma ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shir jaraa’id oo uu maalintii Salaasadii ku qabtay caasimada Sucuudiga ee Riyadh, wasiir Bal-Quneemi waxa uu si kulul ugu beeniyay warar uu wargeyska maxali ah oo Sucuudi ah ku daabacay toddobaadkan oo ku tilmaamay go’aankii ay Wasaaradda Beeruhu ku qaaday xayiraadii saarneyd soo gelitaanka xoolaha Soomaalida inuu ahaa mid lagu degdegay iyo in wasaaradu ay go’aankaas gaadhay iyada oo aan wefti farsamo u dirin labada Maxjar ee Berbera iyo Boosaaso, si loo soo ogaado habka ay u shaqeeyaan iyo tayada iyo kartida qalabka iyo shaqaalaha ay adeegsadaan.

Dr.Bal-Quneemi oo arrintaasi ka jawaabayaana waxa uu yidhi “Wasaaraddu waxay go’aanka qaadista xayiraada gaadhay kaddib markii ay aragtay warbixin ay soo saartay hay’ada caafimaadka xoolaha ee adduunka OIE kaddib markii ay hay’adaasi koox khubaro ah u dirtay Maxjarada Berbera iyo Boosaaso si ay u soo qiimeeyaan”.

Wasiirku waxa uu sheegay in warbixintu ay xustay in labada Maxjar ay buuxinayaan shuruudihii farsamo iyo aqooneed ee lagu xidhi jiray Maxjarada kale ee lagu baadho caafimaadka xoolaha kahor inta aanay soo gelin dalka Sucuudiga.

“cida shahaadadaha caafimaadka soo saarta ee ansixisaa waa cido rasmi ah oo aanu ku kalsoonahay shuruudihii farsamo iyo aqooneed siday ka marag kaceyso hay’ada OIE”.

Bal-Quneem waxa uu qiray in Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda TFG uu mar xukuumadda Sucuudiga ka dalbaday in aanay la macaamilin Maxjarka Berbera balse uu isla Wasiirkaasi uu soo gaadhsiiyay qoraal dambe oo go’aankiisii hore ka dhigaya waxba kama jiraan.

Ganacsadaha xoolaha ee Abu Yaasir ayaa isaga oo adeegsanaya Warbaahinta todobaadkan horaantiisii bilaabay olole uu ku faafinayo dacaayado ka dhan ah caafimaadka xoolaha dekedda Berbera looga dhoofiyo dalka Sucuudiga, waxaanu Wasaaradda Beeraha ee dalka Sucuudiga ku dhaliilay xayiraadii ay dhawaan ka qaaday soo gelitaanka xoolaha Soomaalida, taas oo uu ku tilmaamay inay ahayd talaabo lagu degdagay iyada oon marka hore la hubin in xoolaha la soo mariyo dekedaha Berbera iyo Bossaso ay ka caafimaad qabaan cudurka Rift Valley Fever iyo cudurada kale ee ku dhaca xoolaha ee khatarta ku keeni kara caafimaadka dadka cuna hilibka xoolahaas.

Abu Yaasir oo ah maalqabeen Sucuudi ah oo ka ganacsada xoolo dhoofinta waxa uu haatan gacanta ku hayaa maamulka maxjarka Djibouti waxanu in muddo ahba ku dedaalayay inuu Maxjar ka dhisto Berbera. Hase yeeshee waxa arrintaasi kula tartamay ganacsade kale oo Sucuudi ah oo magiciisa la yidhaahdo, Al-Jaabiri, kaas oo aakhirkii ku guuleystay in xukuumadda Somaliland siiso ruqsad fasax ah oo uu ku dhiso Maxjar lagu baadho caafimaadka xoolaha ka hor intaan loo dhoofin dalka Sucuudiga.

Haddaba Abu Yaasir ayaa haatan u muuqda nin ka qancay in xukuumadda Somaliland siiso ruqsad uu ku furto Maxjar u gaar ah, waxanu bilaabay inuu Wargeysyada Sucuudiga ku faafiyo dacaayado uu ku sheegayo in xoolaha laga soo dhoofiyo dekedda Berbera iyo Boosaaso ay dalka Sucuudiga soo galaan iyada oon la hubinin inay caafimaad qabaan iyo in kale.

Dacaayadaha Abu Yaasir ka faafiyo caafimaadka xoolaha ka dhoofa Berbera waxa u dambeeyay maqaal dheer oo arrintaas ku saabsan oo uu todobaadkan soo daabacay wargeyska Al-Riyaadh oo ka soo baxa caasimadda dalka Sucuudiga, maqaalkaas oo uu wargeysku ku dhaliilay Wasaaradda Beeraha ee Sucuudiga in dalkoodu xoolo ka keensado “wadan aan la aqoonsaneyn oo gooni goosad ah, isla markaana aanu ka jirin wax nidaam iyo kala dambeyn ahi”.

Maqaalka uu wargeyska Al Riyaadh soo bandhigay waxa uu Maxjarka Berbera ku sheegay inuu yahay mid aan dhameystirnayn oo aan laheyn imkaaniyaadkii caafimaad iyo farsamo ee loo baahnaa “ Maxjarka Berbera waxa laga dhisay magaalada Berbera dhexdeeda halkii ay ahayd in uu ka fogaado meelaha ay dadku ku nool yihiin, waana wax lala yaabo in Maxjarkaas oo ka kooban 42 xero oo qudha ku filnaado baadhitaanka caafimaadka 480 kun oo neef muddo 8 maalmood ah, sida dhacday Mawsimkii Xajka, taas oo muujinaysa in xoolaha Sucuudiga soo galay ee Berbera ka yimid ay badankoodu ahaayeen qaar aan Maxjarka la soo marin oon caafimaadkooda la baadhin”.

Warageyska Al Riyaadh ma sheegin ilaha uu macluumaadkaas ka soo xigtay.

balse waxa uu daliil uga dhigay Document uu soo daabacay oo ah warqadii caafimaadka xoolo dhoofinta ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, taas oo ay Wasaaraddu ku ogolaanayso 21/11/2009 in shirkadda Gulf International ee maamusha Maxjarka ay dalka Sucuudiga u dhoofiso 6000 neef.

Al Riyaadh waxa kale oo Wasaaradaha Beeraha iyo Ganacsiga ee dalka Sucuudiga ku dhaliishay inay tixgelin waayeen warqad uu u soo qoray 21/6/2009 Wasiirka Ganacsiga ee xukuumadda Sheekh Shariif, taas oo uu kaga dalbanayay in dawlada Sucuudigu wixii ku saabsan xoolaha Soomaalida ee uu Sucuudigu soo waaridto ay kala soo xidhiidhaan oo keli ah xukuumadda Federaalka ah ee dhexe oo aanay kala xidhiidhin cidda gacanta ku haysa maamulada iyo Maxjarada Berbera iyo Boosaaso.

Maqaalkan oo nuxurkiisu ahaa in dawladda Sucuudigu ay xayiraad cusub ku soo rogto xoolaha ay ka keensato Berbera, waxa uu inta badan ka koobnaa macluumaad ay Wargeyska siiyeen Abu Yaasir iyo nin Masriga ah oo la shaqeeya oo magiciisa la yidhaahdo Saalax Al Hindi.

Haatuf

Tuesday, 26 January 2010

garaaddada dhulbahante iyoshirkii Hoholhol 20100126


“Anaga Cidi Nagama Joojin Karto Shirkayaga Hadalkoodana Ma Qaadanayno, Meelahaasi Ayaanay Warwareegayaan” Garaad Saleebaan

HOLHOL, January 26, 2010 (Haatuf) – Shirqoolka shirka tuulada HOLHOL uga bilaabmay Garaadada beesha Dhulbahante oo la sheegay in loo qabtay arimo ku lidi ah qaranimada somaliland isla markaana lagu mijo xaabinayo jirintaanka Somaliland ayaa iskugu tagay wafti ka socda somaliland oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada somaliland oo ay weheliyaan wasiirka cadaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe) wasiiru dawlayaasha waxbarashada Maxamud Garaad Maxamed, Kaluumaysiga Cabdi Xirsi Ducaale, wasiir ku xigeenka hawlaha guud C/risaaq Cawil Bacaluul iyo siyaasiga Axmed Cabdi Maxamud (Xaabsade) iyagoo isla shalay galabna ay gaadheen wafti ka socda Maamulka Puntland oo uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka maaliyada C/qawdhan warsame ( cabdi halas) oo ay wehelinayaan xildhibaano ka tirsan Maamul Gobaleedka Puntland oo kasoo jeeda dhalasho ahaan gobolka Sool.

Shirkaasi uga socda Garaadada Dhulbahante ee Somaliland diidka ah tuulada HOLHOL ee dhinaca waqooyi bari magaalada Laascaanood uga jirta masaafo dhan 70km isla markaana ay ku gadaaman yihiin ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanadaasi gobolka Sool ayaa waxay markii ugu horaysay Garaadada Beesha Dhulbahante ee shirkaasi abaabulayaa ay shaaca ka qaadeen inaanay cidna u daba fadhiisanayn qabsoomida shirkoogaasi kuna tilmaameen inaanay dawlada Somaliland marnaba aanay ka joojin Karin shirkoodaasi.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulanka isimada beesha Dhulbahante oo ka waramaya kulankooda ayaa sheegay in aanu shirkani ay iskugu yimaadeen dhamaan isimada beesha Dhulbahante aanu la xidhiidhin dhinacyada siyaasada, isagoo intaa ku daray inay shirkan kaga wada tashanayaan sidii ay isimada beesha Dhulbahante u midoobi lahaayeen isla markaana arimahaa ku saabsan dhaqanka iyo deganaanshaha deegaanka “Waxa loogu baaqay dhamaan isimada beesha Dhulbahante gude iyo dibadba, isimadiina way joogaan, shirkaasina wuxuu ku saabsan yahay ka tashiga midnimada Dhulbahante waana shir aan siyaasad shaqo ku lahayn oo loogu talo galay arimaha dhaqanka isimada beesha Dhulbahante oo kaliya, waxaana ka soo qayb galay isimadii oo dhan shirkiina wuu socdaa haatana gabogabo ayuu ku dhaw yahay qodobada go’aanka ka soo baxana saacadaha soo socda ayaa lagu dhawaaqi doonaa”
dhinaca kale Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamud oo ka mid ah Garaadada Somaliland-diidka ku caanbaxay oo isna ka mid ah Garaadada goobta ku sugan oo warbaahintu wax ka waydiisay ciidamada Somaliland ee ku gadaaman goobta, in shirka laga joojiyey iyo in kale ayaa sheegay inaanay cidina ka joojin Karin shirkooda isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “anaga cidi nagama joojin karto shirkayaga hadalkoodana ma qaadanayno, meelahaasi ayaanay wareegayaan gabogaboda shirkana wixii go’aan ah ee kasoo baxa Media ayaanu ka sheegaynaa, bari (maanta) ayuu soo gabogaboobaya marka shirku dhamaado ayaa go’aamada la sheega, shirka oo socda waxba lama sheego”

Dhinaca kale waxa ay dadwaynaha reer Somaliland is waydiinayaan sababta ay madaxda qaranka Somaliland ee ku sugan shirkaasi ay uga hadli waayeen arimahan ku lidiga ah Somaliland ee ka soo yeedhaya Garaadada gobolka Sool, iyadoo wakhtigan xaadirka ahna lays waydiinayo sababta keentay madaxda Somaliland iyo kuwa Puntland ka socda ee shirkaasi iskaga milmay iyo asbaabaha ay xukuumada Somaliland uga aamusan tahay weedhaha kulkulul iyo hanjabaadaha kasoo yeedhaya xubnaha Garaadada ah ee iskugu yimid shirkaasi HOLHOL oo iyagu meelkasta ka sheegay in Somaliland ay dagaalo culus la galidoonaan, isla markaana ay ka xorayn doonaan deegaamada Gobolka Sool.

Dhinaca kale Garaad Jaamac Garaad Cali oo isagu doraad tuuladaasi HOLHOL markii ay ciidamada qaranka Somaliland soo galeen uga baxay tuulada Saalax dheer ayaa la sheegay inuu shalay galab dib ugu soo noqday tuuladaasi shirku ka socdo ee HOLHOL.

Garaadada shirkani u socday ayaa waxa ka mid ahaa Garaaad Abshir Saalax, Garaad C/laahi Ciise, Garaad Cismaan Mashqare, Boqor C/laahi Maxamed , Garaad Cali Buraale, Garaad Saleebaan Buraale iyo Suldaan Siciid Ismaaciil.

--------------------------------------------------------------------------------