Showing posts with label war(slo). Show all posts
Showing posts with label war(slo). Show all posts

Friday, 12 February 2010

waanu faroglineynaa guurtida ''UDUB''


Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa sheegay in Xisbigooda iyo Xukuumadduba ay farogelin doonaan Golaha Guurtida, isla markaana waxay reer Galbeedka ku eedeeyeen in uu Somaliland soo geliyay Dimuqraadiyad aanu dalka waxba ku tarin.

Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa dawladaha reer Galbeedka ku edeeyay in ay dalka soo geliyeen Dimuqraadiyad aanay waxba ku tarayn. “Waxa ina jebiyay niman reer Galbeed la yihaahdo oo Dimuqraadiyad sanka inaga soo geliyay, waxna aan inagu tarin. Waxaynu nahay dad tallaabadeeniina ka tagay, tu kalena gaadhi kari la’. Waayo, waxaynu lahayn Dimuqraadiyad dhaqan ah.” ayuu yidhi Muj. Cali-Gurey oo u waramay Telefishanka HCTV.

Afhayeenka UDUB wuxuu sheegay in ay si cad u farogelin doonaan Golaha Guurtida Somaliland oo Shirguddoonkoodu sheegay in ay xal u waayeen khilaaf ka dhaxeeyay, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay khilaafka Golahaas. “Golahan caado uma ahayn in uu is-khilaafo, faa’iido badan ayaynu Golahaas ku qabnay oo markaynu is-af-garan wayno Siyaasad ahaan ayay ina dhex geli jireen oo ay soo af-jari jireen. Nimankan (Guurtida) Mucaaradku u tiriyaan in ay Jeebka ugu jiraan Madaxweyne Rayaale, waxay ahaayeen nimankii xalliyay khilaafkii u dambeeyay.” Ayuu yidhi Afhayeenku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Anagu markii hore farha waanu ka laabanay oo iyaga (Guurtida) ayaanu u daynay arrimahooda, laakiin imika gacmahayagu laabnaan maayaan anaga oo arkayna in Golaha lagu baabi’inayo talo uu Mucaaradku leeyahay, farogelintayaduna imikay bilaabmaysaa.” Waxaanu Guddoomiyaha Guurtida ugu baaqay in uu is-casilo.

Afhayeenka UDUB wuxuu baaq u jeediyay Madaxweyne Rayaale. “Madaxweynahana waxaanu leenahay ha daawan in Goluhu hortaada ku burburo, sababtoo ah fartii la qaadaba waxa la leeyahay Golaha Lacag baa la siiyay. Siday Mucaaradku u farogelinayaan, ayaanu anaguna u farogelinaynaa Golaha Guurtida.” Ayuu yidhi Cali Guray.

Shirguddoonka Golaha Guurtida ayaa hore u shaaciyay in ay dhexdooda ka heshiin kari waayeen khilaaf u dhaxeeyay, isla markaana waxay arrintaa xallinteeda dib ugu soo celiyeen Mudanayaasha Golahaas, iyaga oo u magacaabay arrintaa Guddi.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com






Somaliland.Org HomeArchivesSomalilandAbout usContact usCalendar ^^© 2008 Somaliland.Org

yaa ka dambeeyey qaraxyadii sool ?

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa,





Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Cabdi Dhimbiil, ayaa falalkii Argagixiso ee dhawaanahan ka dhacayay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolkaas ku eedeeyay Kooxaha dagaallada ka wada Koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiye Maxamed Cabdi Dhimbiil oo Warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay in falalkii ammaan-darro ee ka dhacay Magaalada Laascaanood ay u qabqabteen dad, isla markaana sharciga la hor keeni doono.

Guddoomiyuhu wuxuu falalkaas ammaan-darro ku eedeeyay Kooxaha ka dagaallama Koonfurta Soomaaliya falalka ammaan-darro ee Laascaanood. “Caddeymaanu u haynaa in Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam ay abaabuleen falalka ammanka wax loogu dhimanayo ee ka taagan Gobolka Sool, waxaananu soo bandhigaynaa dhawaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu sheegay inay sharciga horkeeni doonaan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Guddoomiyaha Gobolka Sool oo falalka ammaan-darro ku eedeeyay Kooxaha ka dagaallama Soomaaliya

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa,





Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Cabdi Dhimbiil, ayaa falalkii Argagixiso ee dhawaanahan ka dhacayay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolkaas ku eedeeyay Kooxaha dagaallada ka wada Koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiye Maxamed Cabdi Dhimbiil oo Warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay in falalkii ammaan-darro ee ka dhacay Magaalada Laascaanood ay u qabqabteen dad, isla markaana sharciga la hor keeni doono.

Guddoomiyuhu wuxuu falalkaas ammaan-darro ku eedeeyay Kooxaha ka dagaallama Koonfurta Soomaaliya falalka ammaan-darro ee Laascaanood. “Caddeymaanu u haynaa in Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam ay abaabuleen falalka ammanka wax loogu dhimanayo ee ka taagan Gobolka Sool, waxaananu soo bandhigaynaa dhawaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu sheegay inay sharciga horkeeni doonaan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Wednesday, 10 February 2010

Gudida Doorashooyinka Somaliland oo warbixisay

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.




Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Doorashada Somaliland ayaa maanta ka warbixiyay halkay u marayaan hawlaha diyaar-garowga Doorashadu.

Afhayeenka Guddidan Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in ay qaateen shaqaale cusub oo ilaa dhawr iyo toban qof.

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in ay dalka yimaadeen khuburadii kala-shaandhaynta agabka kaydinta Liiska cod-bixiyayaasha Doorashada, waxaanu sheegay in ay hawshaa bilaabeen, isla markaana ay qaadan doonto muddo saddex bilood ah. “Khuburadaasi dalka way yimaadeen, hawshana way bilaabeen, isla markaana waxay noo sheegeen inay muddo saddex bilood ah qaadan doonto hawshaasi.” Ayuu yidhi Mr. Geelle.

Waxa kale oo uu sheegay in dalka lagu soo celiyay xogtii Diiwaangelinta oo hore loogu qaaday dalka Kenya, magaalada Nairobi, taas oo uu tilmaamay inay hadda gacanta ku hayaan. “Xogtaas waanu haynaa, waxaana naloo soo gudbiyay iyaga oo ay goob-joog ka yihiin Axsaabtu.” Ayuu yidhi Afhayeenku.

Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay Afhayeenku waxa ka mid ahayd; arrinta ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee Diiwaangelinta, taas oo uu sheegay in ay si waadix ah u shaacin doonaan oo ay Bulshada u gudbin doonaan. Waxaanu intaa ku daray in ay maanta u amba-baxayaan gobollada dalka, si ay u soo dhisaan guddidii gobollada ee Doorashada.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

Tuesday, 9 February 2010

Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada oo ka hadlay tallaabo uu qaaday Wasiir Xukuumadda ka tirsan

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada oo ka hadlay tallaabo uu qaaday Wasiir Xukuumada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, ayaa maanta sheegay in Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Idiris Ibraahim Cabdi uu ka baxay dhawr ballan oo uu hore u qaaday in uu Golaha hor imanayo, ka dib markii ay u yeedheen Guddidani.

Guddida dhaqaalaha oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Wasiirka Xannaanada Xoolaha ay muddo laba bilood ka hor ah ay ka dalbadeen in uu hor yimaaddo, hase ahaatee uu muddadaaba hadba ballanka ka baxayay. “Maanta oo ay bishu 9 ahayd ayaa ballankii afraad ee uu isagu qabsaday in uu Golaha hor-imanayo uu ka baxay.” Ayay yidhaahdeen Mudanayaashii halkaa ka hadlay.

Guddoomiyaha Guddidan Maxamed Maxamuud Cumar-Xaashi oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ilaa 8 Waraaqood ay u qoreen Wasiirka, intaas oo dhan-na uu hadba waqti u qabanayay in uu hor yimaaddo Guddida, balse muddadii u dambaysay ee uu qabsaday oo maanta ku ekayd oo ay sugayeen in uu hor-yimaaddo guddi ahaan uu ka baxay. “Ilaa hadda waxaanu garan la’nahay sababta uu gees Ganacsiga uga galay, dhinacna uu Khasnajiga u noqday ileen Wasaaradda Maaliyadda ma galaan Lacagta laga qaado Maxjarka Berbera. Aad baanu uga axunaay in isaga oo Wasiir ah uu sharciga ku tunto, wixii aanu ka yeelaynaya waanu ka tashanaynaa.” Ayuu yidhi Maxamed Maxamuud Cumar-Xaashi.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Wasiirku warqaddiisii u dambaysay ee uu ku qabsaday muddada maanta ee uu ka baxay uu ku codsaday oo kale in aanay Warbaahintu goob-joog ka noqon, balse aanay ka aqbalaynin. Isla markaana aanay ka hadhi doonin in ay u yeedhaan Wasiirka oo uu Golaha hor yimaaddo. “Haddaanu Baarlamaan nahay, xitaa haddii aanu dantii umadda gabnay, haddana nagamay quusan wali dadku, markaa waxaanu haynaa cabashooyin badan oo shacabka ka yimi, gaar ahaan Ganacsatada.” Ayuu yidhi Duur, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaanu leenahay, is-qaban mayso Wasiir baan ahay iyo Golaha hor-iman maayo oo sharciga ayaan ku tumayaa.”

Mudanayaashani waxay sheegeen in ay Warbaahinta iyo shacabkaba u soo bandhigi doonaan arrintan, isla markaana aanay ka hadhi doonin ilaa uu Wasiirku Guddidan hor yimaaddo oo lala xisaabtamo.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Saturday, 6 February 2010

Abaaro ba’an oo soo food-saaray guud ahaan gobollada Somaliland iyo baaqa Xukuumadda ee Caalamka

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Abaaro ba’an oo soo food-saaray guud ahaan gobollada Somaliland iyo baaqa Xukuumadda ee Caalamka





Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta qaylo-dhaan abaareed u dirtay Beesha Caalamka, waxaanay sheegtay in guud ahaan gobollada Somaliland ay soo food-saartay abaar ba’an.



Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Cali Ibraahim Maxamed iyo Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka Maxamed Muuse Cawaale oo maanta si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Xafiiska Wasaaradda Qorshaynta, ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dalka soo food-saartay Abaar ba’an oo saamaysay dalka oo dhan. “Dalka waxa ka jira Abaaro dalka oo dhan saamaysay, haba lagu sii kala badnaado gobollada’e, waxaana sababay Roobabkii Gu’ga iyo Deyrta oo yaraaday. Gobollada bariga Somaliland ee Togdheer, Sool iyo Sanaag kama di’in wax Roob ahi, taasina waxay keentay inay noqdaan goobo abaaraha ka jiraan.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Qorshaynta Cali Ibraahim Maxamed oo ka hadlay Shirkaa Jaraa’id. Waxaanu sheegay in deegaannada Hawdka Hargeysa iyo Burco ay ugu daran yihiin abaarahan.

Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD Maxamed Muuse Cawaale oo isna sheegay in abaartan loo magac bixiyay SIMA. “Sababtoo ah, dalka oo dhan way sintay, waanay wada saamaysay.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Muse. Waxaanu ka digay in haddii aan Roobku dalka ka di’in bishan April ay nolosha dadka iyo Xooluhuba halis ku jiraan.

Masuuliyiintani waxay Beesha Caalamka, Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa Caalamiga ah iyo Ganacsatadaba ugu baaqeen in ay gargaar degdeg ah la gaadhaan dadyowga abaartu saamaysay.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com






Somaliland.Org