Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa
Nin Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Dalka Soomaaliya Oo Isagoo Gawracan Maydkiisii Laga Helay Xaafadda Goljano Ee Caasimadda Hargeysa
Hargeysa (Golisnews.com)-12/02/2010- waxaa saaka abaaro 7:30 caawa fiidkii laga helay maydka nin dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Soomaaliya goob biyo mareen ah oo ku taalla xaafadda goljano ee caasimadda Hargeysa.
Sida uu noo xaqiijiyey nin dukaan ku haystay agagaarka goobta ninkani maydka ah laga helay oo la yidhaahdo Axmed Raan waxaa ninkani aragtay gabadh ka mid ah dadka dukaanka wax ka iibsada "caawa fiidkii ayaa waxaa iyadoo ordaysa isoo gashay gabadh aan aqaano oo dukaanka macaamiishiisa ka mid ah waxaanay ii sheegtay in nin mayd ah uu yaallo goobtani miyo mareenka ah, aniguna waxaan la hadlay booliiska oo goobta soo gaadhay" ayuu yidhi Axmed Raan.
Sida dad goob joog ah oo markaasi arkay maydkani ay u sheegeen Golisnews ninkaasi ayaa laga gawracay dhuunta iyadoo dhiig badanina uu wadhna agtiisa, waxaana dhinaciisa laga hellay mindi, taliyaha ciidanka booliiska ee xaafadda 26 June Cismaan Nuur Matan ayaa noo sheegay in ay wakhtigani baadhitaanka arrintani lagu jiro wuxuuna sheegay in haayadda danbi baadhista qarranku ay ku hawlantahay "haa arrintaasi way jirta waanu soo qaadnay maydka haddana waxaa kiiskaasi ku jira saraakiil ka tirsan haayadda baadhitaanada danbiyada oo maydkii ku badhaya cisbitaalka guud ee Hargeysa" ayuu yidhi Taliyahu.
Gabadh magaceeda noogu sheegtay Khadra ayaa noo sheegtay inay ninkani taqaanay "wuxuu ahaa dadka ka shaqaysta qodista suuliyada iyo hagaajinta waddooyinka xaafadaha dhex mara, wuxuu sidoo kale mararka qaarkood ka shaqayn jiray waraabinta beeraha xaafadaha isagoo ilaalin jiray guryaha, wuxuu maalmahii ugu danbeeyey u eka qof xuskiisu sii kululaanaya, wuuna isla hadli jiray isagoo odhan jiray waa la i dilaya" ayey u sheegtay gabadhaasi khadra shabakadda Golisnews.
Showing posts with label war(golisnews). Show all posts

Friday, 12 February 2010
Thursday, 11 February 2010
Israel maxay ka tidhi Somaliland? Akhri
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa
Televiv (Golisnews.com)-11/02/2010- Wergeyska ka soo baxa magaalada Televiv ee xarunta dalka Israel ee lagu magacaabo Haartz Daily ayaa wuxuu cadadkiisii shallay boggiisa hore ku daabacay maqaal dheer oo ugu magac darray "Israel waxay diyaar u tahay inay aqoonsato Somaliland oo ay hore u aqoonsatay 1960-kii, laakiin wax xidhiidh ah Israel kama ay helin dawladda Somaliland
Wergeyska Haartz Daily oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Israel oo lagu magacaabo Yigal Palmore oo qaabilsan xidhiidhka Israel ee dalalka afrika ayaa wuxuu si qoto dheer uga waramay xidhiidhka ay Israel la leedahay dalalka geeska afrika, wuxuu si qoto dheer uga hadlay in ay Israel xidhiidh ganacsi, dhaqan iyo dhaqaale oo soke la leedahay dalka Ethiopia oo uu sheegay inay ku dhaqanyahiin wakhtigani dad badan oo aaminsan diinta yuhuudda.
Saraakalka wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel Mr. Yigal Palmore wuxuu sidoo kale ka hadlay in xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dalkiisu la leeyahay dalalka Tanzania, Yuganda iyo xita Jibouti uu yahay mid jira, wuxuuna taabtay inay jiraan xidhiidho toos ah iyo qaar dadban oo dalkiisu la leeyahay dalalka geeska afrika.
Mr. Yigal wuxuu si qoto dheer uga hadlay mar la weydiiyey arrinta Soomaalida in ay jirto khatar weyn oo ay u arkaan inay ka soo baxayso dalka Soomaaliya "Soomaaliya waxay u egtahay afghanistantii bedda cas iyo gacanka cadmeed, taariikh ahaan dadka soomaalidu waxaanu ognahay inay yahiin dad kala duwan oo kala mabda' iyo siyaasad ah, dadka soomaaliduna waxay kala lahaayeen nidaam siyaasadeed oo isku yimid lixdankii taasi oo sababta is faham waa balaadhan oo ku yimaadda" ayuu yidhi mr. Palmore.
Isagoo ka hadlaayey xidhiidhka Israel iyo Somaliland wuxuu yidhi "Israel waxay ahayd dalkii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa aqoonsi aanu siino dawladdii ugu horaysay ee madax banaani ka qaadata Britain oo ahayd British Somaliland, markii danbe ee labadii soomaaliyeed ee kale midoobeena waxaanu noqonay dalkii ugu horeeyey ee aqoonsada, annaga fekerkayagu wuxuu ahaa inaanu hello dal muslim ah oo aanu saaxiib kala noqono beriga afrika iyo gacanka bedda cas ee aanu wadaagno" ayuu yidhi Palmore.
Mar la weydiiyey gooni isku taagga Somaliland halka ay dawladda Israel ka taagantahay wuxuu yidhi "horta mid weeyaane ummad kastaaba xaq ayey u leedahay inay xor u noqoto siday u noolaanayo, malaha ma qabo inay jirto dal uga xogogaal badanIsrael dadka dega Somaliland dhulkii uu Britishku gumaysan jiray, waanigii ku idhi waxaanu ahayn dalkii ugu horeeyey ee aqoonsada, ta keliya ee aanu arkaynay waxay ahayd in la helo saaxiib aanu ka helo gacanka fog ee bedda cas, haddii aan usoo noqdo jawaabta su'aashaada ah dareenka annagu aanu ka qabno Somaliland, waanu soo dhawaynayna weliba waxaan qaba siyaasiyan inay Israel diyaar u tahay inay aqoonsato Somaliland balse ma jiro wax xidhiidh ah oo aanu arrintaasi kala yeelan siyaasiyiinta iyo dawladda Somaliland" ayuu yidhi Mr. Palmor
Mar la weydiiyey inay dhici karto inay Israel xidhiidh la samayso madaxda Somaliland wuxuu yidhi "kollay siyaasaddu way isbed bedeshaa ku odhan maayo hadda xidhiidh wuu jira iyo ma jiro midna balse taan ku sheegaya waxay tahay annaga dhankayaga waxaanu qabna xiiso badan inaanu saaxiib ka helo beriga afrika iyo bedda cas" ayuu yidhi Mr. Palmor
Hadalkani ka soo baxay sarkaalkani wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa ah kii ugu horeeyey ee si cad usoo shaac baxa oo tilmaamaya sida ay Israel ugu xiiso qabto xidhiidh ay la yeelato Somaliland, balse waxaa jira warar tilmaamaya inay xukuumadahii Somaliland ee kala danbeeyey ay marar badan ganafka ku dhufteen xidhiidh ay la yeeshaan dalka Israel oo ay u arkayaan inuu xumayn karo xidhiidhka sokeeye ee ay la leeyahiin dalalka carbeed gaar ahaana dalalka gacanka cadmeed gaar ahaana dalka Sacuudi Arabiya
Golisnews, Televiv
info@golisnews.com

Subscribe to:
Posts (Atom)