argeysa (Haatuf): Sida la ogyahay xoghayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ayaa doraad shaaca ka qaaday inuu u taagan yahay tartanka madaxweynenimada Somaliland marka ay dhamaato mudada dawladda hadda talada haysaa oo ku began horaanta sannadka foodda inagu soo haya ee 2003, wuxuuna Cabdi Aw-Daahir sheegay inuu ka sharaxan yahay ururkiisa UDUB, isaga oo weliba madaxweynaha Daahir Rayaale iyo kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ugu baaqay inay ka tanaasulaan tartanka madaxtimada, iyadoo uu madaxweyne Rayaale hore ugu dhawaaqay inay taagan yihiin isaga iyo kuxigeenkiisuba, kana sharaxan yihiin ururka UDUB. Hase yeeshee soo if-baxa musharaxnimada Cabdi Aw-Daahir waxay gaar ahaan ururka UDUB gudihiisa xasaasiyad iyo sawaxan siyaasadeed, sidaa darteed ilaa labadii caano-maal ee ina dhaafay waxa atmosfeerka siyaasadeed ee ururka UDUB ku ged-fanaa dareen iyo xarakaad siyaasadeed oo dhiif leh, waxaana taa keenay iyadoo ay is sharaxaadda Cabdi Aw-Daahir ka cadhaysiisay dad badan oo reer UDUB ah, gaar ahaan hogaanka sare iyo ragga kale ee aan Cabdi Aw-Daahir la mawqifka ahayn. Sidaa awgeed inkasta oo aanay ilaa hadda jirin cid si rasmi ah uga jawaabtay sheekada Cabdi Aw-Daahir, hadana waxa soo if-baxay dareemo iyo dhaqdhaqaaqyo diidmo ah oo lagaga jawaabayo mawqifka is sharaxaadda Cabdi Aw-Daahir.
Kooxo dumar u badan oo ay hor-kacayaan garabka haweenka ee ururka UDUB, xafiisyadooda Hargeysa ayaa shalay isa soo dhoobay xarunta ururka UDUB ee Hargeysa, waxayna sheegeen inay ka soo horjeedaan go’aanka Cabdi Aw-Daahir ee is sharaxaadda, isla markaana ay taageersan yihiin musharaxnimada madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Laakiin dhinaca kalena xoghayaha guud ee UDUB, Cabdi Aw-Daahir maalintii shalay wuu soo shaqa tegay, wuxuuna saacado badan xafiiskiisa, halkaas oo dadka ku qaabilayey, wuxuuse kaamboolka xafiiskiisu ahaa meel si weyn loogu xoonsan yahay oo uu ka taagan yahay sawaxan.
Kooxahaa dumarka u badan oo saxaafadda la hadlay waxay dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir ku tilmaameen arin aan qurux badnayn, iyaga oo dareenkooda ku muujiyey sida ay uga dhan yihiin mawqifka Cabdi Aw-Daahir.
“Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu taageersanahay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah ninka xisbiga ugu sharaxan jagada madaxweynenimada”ayey yidhaahdeen dumarka ururka UDUB ee jawaabta ka bixiyey dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir, waxayna intaa ku dareen “Uma baahnin wax carqalad ah iyo wax kala jajab ah midna”.
Xusni Maxamed Warsame oo madax ka ah xafiiska Hargeysa ee garabka haweenka UDUB, Canab Axmed oo iyana la sheegay inay madax ka tahay xafiiska UDUB ee garabka haweenka gobolka Sool, Fad-xa Cali, Khadra iyo xubno kale oo la sheegay inay ka kala socdaan Xafiisyada ururka UDUB ee garabka haweenka iyo weliba xubno ka mid ah golaha dhexe ee UDUB ayaa u hadlay kooxihii dumarka ahaa ee isu soo baxay, kuwaas oo muujiyey diidmadooda Cabdi Aw-Daahir iyo dhinaca kale taageerada ay u hayaan madaxweyne Rayaale, iyaga oo kooxahaa dumarka ahi socod lug iyo baabuur ah ku maray suuqyada iyo wadooyinka magaalada Hargeysa, taas oo ay ku dhawaaqayeen halku-dhegyo ay taageero ugu muujinayaan madaxweyne Daahir Rayaale, isla markaana ay ku muujinayaan diidmadooda Cabdi Aw-Daahir (Xoghayaha guud ee UDUB).
Dhinaca kalena dhaqdhaqaaqyo iyo dareemo aan soo if-bixin oo ay ragga iyo kooxaha UDUB ee Cabdi Aw-Daahir diidan ayaa saacadihii ina dhaafay sir iyo caad-ba loo dareemayey, waxayna dad kale oo iyaguna taageerayaasha Cabdi Aw-Daahir ahi aaminsanaayeen in kooxaha dumarka ah ee ka soo horjeeda Cabdi Aw-Daahir laga soo abaabulay dhinaca madaxtooyada. Laakiin Xusni Maxamed Warsame iyo dumarka ay horkacaysay ayey weriyayaashu wax ka waydiiyeen ujeedada isu soo baxooda iyo sababta keentay inay isa soo abaabulaan.
“Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu wax shaki ah iyo wax was-waas ahi nagu jirin, arinta uu xoghayahaga guud ku dhawaaqayna waxay nagu noqotay sakati, laakiin arin shakhsi ah oo aan laga tashan weeye”ayey xubnaha u hadlay kooxaha haweenka ah ee ka soo horjeeday is sharaxaadda Cabdi Aw-Daahir, laakiin dumarkaa mar la waydiiyey sababta keliftay inay isa soo abaabulaan waxay ku jawaabeen “Waxa abaabulkayagan keenay mawqif aanaan xoghayahaga guud la ogayn oo aanaan ka wada tashan ayuu ku dhawaaqay, taas ayaa keentay abaabulkayaga”. Hase yeeshee Cabdi Aw-Daahir waxa isna shirkiisii jaraa’id ee doraad ku sheegay inuu xeerka ururkiisu xaq u siinayo inuu is sharaxo, isla markaana aanu jirin wax khilaaf ah iyo wax kale oo mashaakil ah oo ururka dhexdiisa ka jiraan, sidaa darteed kooxaha haweenka ah mar la waydiiyey bal waxa ay u cuskanayaan diidmadooda iyo qaladka uu galay ee ay kaga soo horjeedaan waxa uu yahay waxay yidhaahdeen “Ma lihin xaq uma laha inuu isa soo sharaxo, laakiin waa wax aan la isla ogayn oo anaga nagu noqotay fajac, isla markaana anagu maanu sheegin qalad uu leeyahay, waxaanuse sheegaynaa inaanu raacsanahay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin”.
Runtii kooxaha haweenka ah ee isu soo baxay waxa ka muuqday dareen dhiifle oo diidmo ah, sidoo kalena diidista iyo ogolaanshaha musharaxnimada Cabdi Aw-Daahir waxa xaq u leh golaha dhexe ee ururka UDUB sida uu dhigayo xeerkoodu, sidaa darteed kooxahaa haweenka ah mar la isu barkiyey laba su’aalood oo ay midi tahay bal waxa shucuurtooda kiciyey iyo ta kale oo ah maadaama ay go’aan ka gaadhista qadiyadda Cabdi Aw-Daahir tahay wax u yaal golaha dhexe ee ururka waxa keenay inay taa ka soo hordhacaan waxay ku jawaabeen “Waxaanu ka dhirifnay xasaasiyad aanaan ogayn oo si kedis ah noola soo kulantay, taas oo ay ahayd in xoghayaha wax lala sii ogaado, taasina waxay nala noqotay burburin lagu samaynayo ururka”.
Dad qaarkood waxay kooxahaa haweenka ah ku xamanayeen in laga soo abaabulay dhinaca madaxtooyada, iyadoo la leeyahay sawaxankaasi waa cadhadii madaxtooyada, laakiin kooxahaa haweenka ah oo la waydiiyey bal waxa arintaa ka jira waxay ku jawaabeen “Nalagama soo abaabulin madaxtooyada ee anaga ayaa isa soo abaabulay oo sheegayna mawqifkayaga”.
Dhinaca kalena marka laga hadlayo khilaafka cusub ee ka soo dhex-baxay ururka UDUB gudihiisa waxa jira dareen laga qabo inay rag kale oo UDUB ahi ku dhawaaqaan musharaxnimo, sidaa darteed kooxaha haweenka ah ee isu soo baxay mar la waydiiyey su’aal ahayd sida ay markaana yeelayaan hadii ay dhacdo inay rag kale ku dhawaaqaan musharaxnimo waxay ku jawaabeen “Mawqika aanu iminka taaganahay ayuun baanu markaana is taagaynaa”.
Dhinac kalena inkasta oo aanay xoog badan waxa kaamboolka xafiiska ururka UDUB sanqadhoodu ka baxaysay xubno dad ah oo u muuqday inay dhinacooda taageersan yihiin Cabdi Aw-Daahir. “Cabdi Aw-Daahir xaq buu u leeyahay inuu isa soo sharaxo sharciga dalka u yaal iyo xeerka UDUB midna u diidi maayo inuu isa soo sharaxo, dumarkan meesha ka buuqayana madaxtooyadaa laga soo abaabulay” sidaa waxa yidhi nin dhalinyaro ah oo markii ay kooxahaa haweenka ahi ku sugnaayeen xafiiska UDUB, isna ku sugnaa halkaa.
“Haweenka meesha marayaa waxay u badan yihiin dumarkii wasiirada”sidaana waxa tidhi gabadh iyana xiligaa kaamboolka xafiiska UDUB ku sugnayd.
Waxa kale oo xafiiska UDUB la keenay unug ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland, laakiin lama sheegin sababta loo keenay, sidoo kale waxa isla shalay fadhi ay kaga arinsanayaan dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir yeeshay guddiga fulinta ee UDUB.
Top
Showing posts with label war haatuf 7nov 2002. Show all posts

Saturday, 16 January 2010
20021106 abdi aw daahir oo la sheegay in xoghayaha udub laga qaaaday
abdi Aw-Daahir oo la sheegay - in xilkii xoghayaha UDUB laga qaaday
Hargeysa (Haatuf): Ninka ururka UDUB u qaabilsan abaabulka iyo wacyigelinta, Ismaaciil Mire Maxamed oo ah mudane ka tirsan golaha wakiilada ayaa sheegay in xilkii xoghaya guud ee UDUB laga qaaday Cabdi Aw-Daahir, sidaana waxa uu Ismaaciil Mire ku sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay, isaga oo intaa ku daray inuu go’aanka eriga Cabdi Aw-Daahir ka soo baxay fadhi degdeg ah oo shalay yeesheen guddiga fulinta UDUB, isla markaana waxa qoraalkaa lagu sheegay in jagada xoghayaha guud ee UDUB si kumeel-gaadh ah loogu magacaabay Cismaan Garaad oo hore u ahaa kuxigeenka xoghayaha guud.
Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:
“Shir degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddiga fulinta ee ururka UDUB maanta (Shalay) oo ay taariikhdu tahay 5/11/2002 waxay kaga doodeen arimahan:
1-Qiimaynta xaaladda guud ee ururka UDUB ee marxaladda la marayo 2-Qiimaynta wax qabadka xoghayaha guud ee ururka UDUB mudadii uu xilka hayey iyo sidii u hawl geliyey ururka 3-Ku dhawaaqidii musharaxa madaxweynaha ee Dr.Cabdi Aw-Daahir.
Guddiga fulintu markii ay si qoto dheer u lafo gureen arimaha kor ku xusan waxa uga soo baxay waxyaalaha:
= Inuu xoghayaha guud ee ururka UDUB, Cabdi Aw-Daahir ka gaabiyey gudashada hawlihii uu u igmaday ururka UDUB, sida: A- Ku fidinta ururka gobolada iyo degmooyinka B- waxa uu si xun u maamulay hawshii ururka, isla markaana ku tagri falay awooddii ururka C- Wuxuu ku xad-gudbay, isla markaana fulin waayey xeerka ururka, sida: Qabashada shirka ururka ee heer qaran, gobol, degmo ilaa laan. D- xilkii uu hayey waxa uu uga faa’iidaystay danihiisa gaar ahaaneed. E- Waxa uu sabab u ahaa gol-daloolooyin iyo cabashooyin ka jir ururka dhexdiisa. F- waxa uu dhinac maray inuu ku dhaqmo go’aan qaadashada wadareed ee laga rabay guddiga fulinta ururka. G- Waxa uu si khaldan oo aan waafaqsanayn danta guud u maamulay liisaskii musharaxiinta ururka ee golayaasha degaanka. H- Wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa madaxweyne ee ururka UDUB, isaga oo aan soo marin nidaamkii u dhignaa ururka.
Asbaabaha kor ku xusan awgeed guddiga fulintu markii ay qiimeeyeen marxaladda adag ee siyaasadeed ee waqtigan soo waajahay ururka UDUB.
Markii ay arkeen qoddobada kala ah: 20/2, 20/5, 6/2, 12/3,13/2 iyo 15/4 ee xeerka UDUB waxay soo saareen go’aankan:
1- Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa laga qaaday xilkii xoghayaha guud ee uu u hayey ururka UDUB iyo xubinimadii guddiga fulinta laga bilaabo 5/11/2002 .
2- Waxa xilkii xoghayaha guud si kumeel-gaadha ah u sii haynaya kuxigeenkii xoghayaha guud Cismaan Garaad laga bilaabo 6/11/2002 ilaa inta ururka looga soo magacaabayo xoghaye guud.
3- Inuu Dr. Cabdi Aw-Daahir ku ekaado xubinimadiisa golaha dhexe ee ururka UDUB, una gacan banaanaado hawlaha musharaxnimadiisa, isla markaana musharaxnimadiisa soo waafajiyo habka uu tilmaamayo nidaamka iyo xeerka ururku marxaladeeda”ayuu lagu soo xidhay qoraalkaa.
Inkasta oo aanu isku daynay inaanu Cabdi Aw-Daahir dhiniciisa waydiino sida uu u arko xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyey, hadana taasi nooma ay suurta gelin, laakiin Cabdi Aw-Daahir daraad tii ka horaysay (3/11/2002) ayuu ku dhawaaqay inuu u taaganyahay tartanka madaxweynenimada Somaliland, isaga oo sheegay inuu ka sharaxan yahay ururka UDUB ee uu xoghayaha guud ka yahay, sidaa darteed go’aanka hadda la soo saaray ee la sheegay in xilka lagaga qaaday waxa uu u egyahay cadho ka dhalatayn is sharaxaadda uu ku dhawaaqay.
Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu sheegay inuu xeerka ururkoodu xaq u siinayo inuu isa soo sharaxo. Laakiin qoddobka 6aad ee xeerka ururka UDUB oo tilmaamaya xuquuqda iyo waajibaadka xubinta ururka UDUB waxay faqradiisa “J” leedahay “Wuxuu ka qayb qaadanayaa doorashooyinka, isna waa la dooran karaa”. Sidoo kale waxa kale oo uu xeerka UDUB dhigayaa in xoghayaha guud lagu dooran karo shirweyne.
Sida ku cad qoraalkan eriga la sheegay waxa go’aan ka gaadhay guddi fulineed, laakiin marka aad eegto qoddobada ka hadlaya awoodaha guddiga fulinta meelna kagama xusna inay eryi karaan xoghayaha guud ee UDUB. Sidoo kale lixda qoddob ee ay guddigani u cuskadeen eriga Cabdi Aw-Daahir midna si cad uma tafsiirayo qaabka iyo awoodda eriga ee loo cuskaday. Tusaale ahaan qoddobka horeeya ee ay guddigu u cuskadeen eriga xoghayaha guud oo ah qoddobka 20aad, faqradiisa 2aad wuxuu dhigayaa “Dacwadaha waxa lagu qaadayaa sida caadiga ah waxa lagu qaadayaa heerka ama goonta ay ka dhacday”, laakiin meesha kuma cadda cidda awood u leh inay qaado. Sidoo kale qoddobka 6ad, faqradiisa 2aad oo ay guddigu cuskadeen waxay isla faqradaasi u sii farcantaa ilaa toddoba qaybood oo yar, laakiin kuma jiro qoddob keliyaoo ciqaab marin ka hadlayaa. Sidoo kale qoddobka 12aad, faqradiisa 3aad oo ay guddigu cuskadeen meelna kagama taal wax awood ah oo ay guddiga fulintu leeyihiin, isaga oo qoddobkaas faqradiisa 3aad ay gebi ahaan-ba ka hadlayso xilalka golaha dhexe.

20021107 (khilaafka ururka udub
Khilaafka ururka UDUB
Hargeysa (Haatuf): Xog-hayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ayaa sheegay inaanay guddiga fulinta UDUB awood u lahayn inay xilka ka qaadaan, isaga oo ka jawaabaya qoraal ay guddiga fulintu u soo gud-biyeen oo ay ku sheegeen inay ka qaadeen xilkii xoghayaha guud ee ururka, wuxuuna Cabdi Aw-Daahir sidaa ku sheegay qoraal jawaab celin ah oo uu shalay soo saaray, iyadoo uu Cabdi Aw-Daahir go’aanka xil-qaadista ee guddiga fulinta ku tilmaamay sharci daro.
Salaasadii doraad ayey guddiga fulinta UDUB soo saareen qoraal ay ku sheegeen inay xilka ka qaadeen xoghayaha guud ee ururkooda, qoraalkaas oo ay gudbiyeen Cabdi Aw-Daahir waxa uu isna ka bixiyey jawaab, taas oo uu qoraalkiisa jawaab-celinta ah ku yidhi "Waan helay qoraalkii aad soo qorteen, waana qoraal sharci daro ah oo aan waafaqsanayn xeerka ururka", wuxuuna intaa ku daray "Xoghayaha guud waxa xilka u dhiibtay shirweynihii ururka, waxaana xilka ka qaadi kara shirweyne kale oo la qabto, meelnaba sharciga kagama jirto hayad kale oo aan shirweynahaa ahayn oo xilka ka qaadi karta xoghayaha guud.
Dhamaan qoddobada aad xusteen ma waafaqsana go’aanka aad gaadheen, mana qumana in xoriyadda siyaasadeed ee ah inaan gudaha ururka iska soo sharaxo ay keento curfi xun oo liita oo aan waafaqsanayn xeerka ururka. Sidaa darteed si hogaanka ururka loo habeeyo waxa loo baahan yahay in la qabto shirweyne aan caadi ahayn si loo dhamaystiro arimahaa'ayuu qoraalkiisa ku soo xidhay Cabdi Aw-Daahir. Hase yeeshee qoraalkan ka hor Arbacadii doraad ayuu Cabdi Aw-Daahir xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id oo uu ugaga jawaabayo go’aanka ay xubnaha guddiga fulintu ku sheegeen inay xilka ka qaadeen Cabdi Aw-Daahir, iyadoo ay dhinaca kalena guddiga fulintu shirkaa jaraa’id ka dib ku adkaysteen inay xilka ka qaadeen Cabdi Aw-Daahir, laakiin doodaha kul-kulul ee ay is dhaafsadeen labada dhinac (Xoghayaha guud & guddiga fulintu) waxay u muuqatay khilaaf cakiran oo soo food saaray hogaanka sare ee ururka UDUB.
Xoghayaha guud ee UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ka dib markii uu subaxnimadii hore isha ku soo dhuftay jaraa’idka Hargeysa ka soo baxa, kuwaas oo ay bogagooda hore ku xardhanayd guddiga fulinta oo Cabdi Aw-Daahir ka qaaday xilkii xoghayaha guud ee UDUB ayuu si degdeg ah isugu yeedhay ragga wararka faafiya, ka dibna isaga oo cadho daraadeed qowlalada ka xunbaynaya ayuu hadalkiisa ku bilaabay "Waxaan doonayaa arin aan saaka ku arkay jaraa’idka, kaas oo ay xubno guddiga fulinta ahi yidhaahdeen xoghayihii guud baanu xilka ka qaadnay, taasi waa qayral-sharci oo aan waafaqsanayn xeerka ururka", wuxuuna intaa ku daray "Madaxweyne Rayaale waxa lagu doortay distoorka iyo sharciga, markaa ma aha in sharciga la jebiyo."
Hadalada ay go’aankooda ku qoreen xubnaha guddiga fulintu waxa uu ku tilmaamay aflagaado, isla markaana waxa kale oo uu sababta go’aanka guddiga ku tilmaamay mid ka dhashay is-sharaxaadiisa oo keliya, balse eedo kale oo ay guddigu u jeediyeen waxa uu ku tilmaamay waxba kama jiraan. "Hadii aanu nahay labadii xubnood ee ugu sareeyey ururka (Gudoomiyaha & xoghayaha guud) waxa wanaagsan inaanu si dimoqraadiyad ah ugu tartano gudaha ururka, mana ah in madaxtooyada gudaheeda inta loogu yeedho xubna yar oo guddiga fulinta ah xilkii waanu ka qaadnay, iyadoo aanu taa xeerku beenaynayn'ayuu yidhi Cabdi Aw-Daahir, wuxuuna ku adkaystay inaanu ka tanaasulayn musharaxnimadiisa, isla markaana waxa uu golihiisa dhexe ugu baaqay shirweyne aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadaan bishan 15-keeda.
Tan iyo markii uu Cabdi Aw-Daahir ku dhawaaqay inuu musharax yahay waxa gudaha ururka UDUB ka oogsatay xasaasiyad iyo sawaxan siyaasadeed, sidaa darteed waxay taasi sababtay in ciidamo dheeraad ah la keeno xafiiska ururka UDUB ee Hargeysa oo ah xoghayaha guud fadhigiisu yahay, taasna waxa uu Cabdi Aw-Daahir u qaatay in ciidamadaasi yihiin kuwo meesha lagaga tukhaantukhinayo. "Halkan ciidamo ayaa la keenay xalay (Habeenkii Arbacada) ma aha inuu ururku naga noqdo xisbigii Hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed, laakiin anigu waxaan qabaa inuu qof kastaa xaq u leeyahay inuu xisbigan iska sharaxo, xoghayaha guudna sharci daro la igagama qaadi karo, hadii aan ciidamo la adeegsan'ayuu yidhi Cabdi Aw-Daahir, isaga oo ciidamadaa xafiiskiisa la keenay ku tilmaamay kuwo isaga lagu cabudhinayo.
Dood dheer ayey weriyayaashu Cabdi Aw-Daahir la yeesheen, waxayna dhinacyo badan kaga dhufteen su’aalo la xidhiidha sawaxanka ka dhashay is sharaxaadiisa iyo guud ahaan-ba khilaafka siyaasiga ah ee ka dhex-hulaaqmay ururka UDUB gudihiisa, laakiin Cabdi Aw-Daahir mar la waydiiyey halka ay ka timi guul-darada siyaasadeed ee waqtigan xaadirka ah soo food saartay ururka UDUB waxa uu ku jawaabay "Waa nasiib daro ka timi xagga gudoomiyaha (Rayaale), laakiin anigu maan jeclayn inay taasi dhacdo". Hase yeeshee Cabdi Aw-Daahir waxa uu u muuqday nin dagaa siyaasadeed oo ururkiisa gudihiisa ah u soo biyeystay. "Xisbinimada UDUB ilaa nafta ugu dambaysta ka tegi maayo, waana iska sharaxayaa, xubnaha UDUB ee maanta aniga I caayayaana waa bah-weyntaydii UDUB oo hadii ay musharaxnimada ku guulaystaana waan dhisayaa, hadii aan ku guulaystana waa bahdaydii UDUB, laakiin waxaan barayaa inaan xisbiga iska soo sharaxayo inuu shirweyne na kala saarayo iyo labadayaduba (Xoghayaha & Gudoomiyaha, Rayaale) aanu xaq u leenahay'ayuu yidhi Cabdi.
"Anigaba dumar kale oo baabuur wata ayaa ii yimi oo yidhi ma ku taageernaa, laakiin waan joojiyey'ayuu Cabdi isaga oo ka jawaabayo sida uu u arko kooxo haweenka UDUB ah oo sheegay inay ka soo horjeedaan musharaxnimada Cabdi Aw-Daahir, isla markaana ay taageersan yihiin musharaxnimada madaxweyne Daahir Rayaale.
Markii uu Cabdi Aw-Daahir uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax ururka UDUB dad badani waxay iswaydiiyeen tolow Cabdi aw-Daahir muxuu coodaashanayaa mar hadii uu ka horyimi madaxtooyadii uu ururkiisu ku tiirsanaa ama looga talin jirey iyo weliba inta ay le’eg tahay taageerada uu ka haysto ururkiisa UDUB ee uu iska sharaxay, laakiin waxa uu ku dooday inuu taageero shilis ka haysto ururkiisa UDUB, wuxuuna yidhi "Marka uu qabsoomo shirweynuhu bishan 15-keeda ayey kala cadaan doontaa inta ay le’eg tahay taageerada aan xisbigayga ka haystaa, taageeradayduna waxay soo bixi lahayd hadii aanu dagaalka maanta la bilaabay bilaaban, hadii uu wuxu dagaal galona way xumaataa, laakiin hadii la odhan lahaa bal hala eego markaas ayaan wax tusi lahaa, waxaanse leeyahay dagaalka hala joojiyo oo hala eego inta le’eg tahay taageerada aan xisbiga ku leeyahay".
Go’aanka ay xubnaha guddiga fulinta UDUB soo saareen iyo weliba ciidamada dheeraadka ah ee xafiiska UDUB la keenay waxay dad badani u qaateen in Cabdi Aw-Daahir hadii uu ku adkaysto mawqifkiisa ah inaanay guddigaasi awood sharci u lahayn inay xilka ka qaadaan oo uu sii fadhiyo xafiiska qoorta laga soo qaban doono, laakiin Cabdi mar la waydiiyey hadii xafiiska qoorta laga soo qabto sida uu yeeli doono waxa uu ku jawaabay "Dee hadii lay xoogo, afweynaba dadka waa xoogi jiraye, waxa hadhay afka iyo dadka, laakiin waxaan leeyahay waar I daayoo oo sharciga ila eega, hadiisa xoog laygaga saaro meesha oo dagaal la iila yimaado dee is qabsan mayno oo banaankaygaas ayaan is taagayaa, taageerayaashaydana waan leeyahay, waxaana ku doodayaa inaan ahay xoghayihii guud ee sharciga ahaa, waxanina ay sharci daro yihiin".
Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu ku cel-celiyey inuu u arko inuu go’aanka guddiga fulintu ka gaadheen yahay mid salka ku haya curfi siyaasadeed ee aanu marna ahayn mid ku salaysan sharciyadda iyo mabaadi’da dhaqan ee ururkooda, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu ilaa 55% haysto taageerada golaha dhexe ee ururkiisa, isaga oo eedaymo ay xubnaha guddiga fulintu u jeediyeena ku tilmaamay waxba kama jiraan. Hase yeeshee dhinaca kalena xubno ka tirsan guddiga fulinta oo uu budhtuur u yahay Ismaaciil Mire oo ah xoghayaha wacyigelinta ururka UDUB, isla markaana ah mudana ka tirsan aqalka wakiilada ayaa iyaguna shirkaa jaraa’id dood ka celiyey is difaaca xoghayahooda guud, isla markaana jawaabo ka bixiyey su’aalo laga waydiiyey go’aanka ay ka gaadheen Cabdi Aw-Daahr, iyadoo ay weriyayaashu xubnaha guddiga fulinta kula kulmeen qol dhawr talaabo u jira xafiiska xoghayaha guud, waxayna taasi ahayd inaanay labada dhinac is arki karayn, balse ay ahaayeen niman gantaalaha ridadada dhexe isu marinaya atmosfeerka warbaahinta.
Xubnaha guddiga fulintu waxay ku doodeen inay eriga Cabdi Aw-Daahir u cuskadeen xeerka ururkooda, waxayna sheegeen inay si gaar ah ugu cuskadeen qoddobo uu ka mid yahay qoddobka 20aad oo dhigaya "Gefafka xad-gudub qoraal oo xeerka ururka ah, mabaadi’da, iyo go’aamada ururka waxa uu noqon karaa digniin, ganaax ama ururka oo laga eryo, hadii aanay ka hor imanayn xeerka Asxaabta", laakiin doodda kale ee meesha waxay tahay guddiga fulintu awood sharci ma u leeyihiin inay qaadaan talaabada eriga ee xoghayaha guud iyo xubnaha sharciyan u dhigma. "Awoodda aanu ku erinay anshax marinta ayaa noo banaynaysa'ayuu ku jawaabay Ismaaciil Mire, laakiin marka la eego xeerka ururka UDUB qoddobkiisa 13aad, faqradiisa 2aad oo ka hadlaysa awoodaha guddiga fulinta kuma qeexna inay guddiga fulintu awood u leeyihiin inay eryaan xoghayaha guud iyo xubnaha dhigiisa ah iyo sidoo kale inay wax dooran karaan, laakiin Madaxa wacyigelinta UDUB, Ismaaciil Mire mar kasta oo la waydiiyo awoodda iyo qoddobka ay u cuskadaeen eriga Cabdi Aw-Daahir waxa uu ku cel-celiyey inay cuskadeen qoddobada anshaxmarinta. "Anshax-marinta guddiga fulintu xaq bay u leedahay'ayuu yidhi Ismaaciil Mire. Hase yeeshee Ismaaciil Mire iyo ragiisa mar la waydiiyey bal inuu go’aankoodu ka dhashay cadho ay ka cadhoodeen is sharaxaadda Cabdi Aw-Daahir iyo inkale wuxuu ku jawaabay "Dheriga karka waxa ka keenay kulaylka, ururka dhibaato badan ayuu Cabdi Aw-Daahir ku hayey, taas oo ay ugu dambaysay liisaskii musharaxiinta ururka, kuwaas oo uu qortay dad uu isagu doonayey, dadkii xaqa u lahaana ka saaray", laakiin waxa kale oo la waydiiyey sababta ay hore talaabo uga qaadan waayeen hadii aanay arintu ahayn cadho ka dhalatay is sharaxaadiisa waxa uu yidhi "Koobku mar uun buu buuxsamaa, marka uu buuxsamo ayuun baad-na ka hadli kartaa, sidaa darteed liisaskaa ayaa koobkii buuxiyey", laakiin Ismaaciil waxa uu intaa ku daray "Maantana isa soo sharaxaad aanu qaabkii sharciga marin ayuu sameeyey, isa soo sharaxaadiisana waxa oo doonayey inuu ururka khal-khal ku geliyo". Hase yeeshee xeerka ururka UDUB kuma jiro qoddob maanacaya inaanu xoghayaha guud iyo xubnaha kale ee golaha dhexe isa soo sharixi karin, sidaa darteed mar Ismaaciil Su’aal arintaa laga waydiiyey waxa uu kaga jawaabay "Wuu isa soo sharaxi karaa, laakiin mar hadii uu musharax noqday labadii xil ee musharaxnimada iyo xoghayaha guud iskuma hayn karo, sidaa darteed waa inuu xilka xoghayaha guud ka degaa", laakiin xoghayaha guud hadii uu isa soo sharaxo waa inuu xilka dhigaa kuma taal xeerka UDUB, sidaa darteed Ismaaciil Mire mar la waydiiyey halka ay xeerkooda kaga taal inuu xilka xoghayaha guud dhiibo mar hadii uu isa soo sharaxay wuxuu ku jawaabay "Iska daa xeerkayaga ee caqliyadda caadiga ah ayaa sidaa dhigaysa".
Waxa kala af-hayeenka guddiga fulinta Ismaaciil Mire la waydiiyey sababta ciidamada dheeraadka ah loo keenay xarunta UDUB, wuxuuna ku jawaabay "Garabkii haweenka UDUB ee gobolka Hargeysa ka muraaradilaacay musharaxnimada Cabdi Aw-Daahir ayaa halkan aad ugu soo ururay, dabadeedna markii uu buuqubatay si uu agabka ururku u nabad galo ayaanu anagu nidhi dhawr ciidan ah noo keena", laakiin mar la waydiiyey bal inay ujeedada ciidamada loo keenay tahay in Cabdi Aw-Daahir lagu maquuniyo sida uu isaguba ku andacooday wuxuu Ismaaciil ku jawaabay "Xoog ma jiro ee sharciga ayaanu ku kala baxaynaa". "Ururka isaga (Cabdi) ayaa dhibaato ku ahaa, isagana far iyo suul baanu kaga qaadnay'ayuu intaa ku daray. "Ma jiro wax gaar ah oo aniga (Ismaaciil Mire) iyo Cabdi Aw-Daahir ka dhexeeyaa, laakiin ururka ayaa hawshan ii igmaday'ayuu Ismaaciil Mire ku jawaabay mar la waydiiyey bal inay jirto xurguf gaar ah oo ka dhexaysa isaga iyo Cabdi.
Arimuhu sida aya doonaan ha u dhaceen, laakiin ilaa hadda may soo af-jarmin sheekadu, waxayna u muuqataa inay sii hulaaqantay oo ay arintu noqotay khilaaf cirka isku shareeray iyo xaalad siyaasadeed oo cakiran oo ka dhex-ooggan hogaanka ururka UDUB.

Subscribe to:
Posts (Atom)