Showing posts with label War(gaax). Show all posts
Showing posts with label War(gaax). Show all posts

Tuesday, 16 February 2010

Netanyahu on somaliland

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun. Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaaya in raisal wasaaraha dawlada Israel Netanyahu uu danaynaayo aqoonsiga Somaliland , Isla markaana uu arrinkaasu noqday arrin aad loogu baahiyay iclaanka ku soo baxa afka soomaaliga, noqodeyna ajande aad loogu hadalhayo goobaha iyo mafaariishda lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadaha’
Hadda ba warar goor dhaweyd na soo gaadhaya ayaa sheegaayaa in madaxweyne Rayaale uu si deg-deg ah qasriga madaxtooyada isugu yeedhay shan xubnood oo muhiim ah oo ka mid ah golihiisa wasiirada. Si arrimaha looga wada tashado. Weli ilaa hadaa lama oga nuxurka siday arrinkaas oo culeyskiisa leh u wajahayaan iyo wax go,aan oo ka soo baxay.
Dadka qaar waxay sheegayaan in dawladu ka heshaya nuqul qoraal ah oo farriin ah oo arrinkas ku saabsan Israel, walaw aan tafaasiishiisa la hayn. Dad badan oo kale na waxay leyihiin kulanku wuxuu aadan yahay oo keliya arrinka la xidhiidha iclaanka oo ay doonayaan in layska wareysto. Talogalna meel laysla sii dhigo kolba waxa arrinkaas ka soo wajaha. Wixii kolba aanu war ka helo waan idinla socodsiineynaa

Wednesday, 10 February 2010

Rayaale oo farogelin weli ku haya Guurtida

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.



Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku guul daraystay inay xal ka gaadhaan khilaafkii dhexdooda ee ka dhashay isku shaandheyntii Guddi Hoosaadyada Golaha.
Fadhigii maanta ee Golahaasi oo ay madasha ka soo xaadireen 62 Mudane waxa loo balansanaa in Shirgudoonku Golaha horkeenaan xal ka gaadhista khilaafkoodii. Fadhigan oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa furmay abaarro 10:02 subaxnimo.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa fadhigaasi ka jeediyay hadal waxaanu sheegay inay xubnaha shirgudoonku isla qaateen inay xal ka gaadhista khilaafkooda ay ka tallo galiyaan Xildhibaanada aqalkaasi waxaanu yidhi "Haddii aanu shirgudoonkii nahay Xildhibaano weydinkii yidhi idinka ayaa xalkii ah ee arrintiina soo xaliya mudana arrintii way nagu qaadatay in nala raagsadayna waa wax dhici kara waa inaynu helnaa wixii dawo ah ee inagana ina anfacaya qarankana anfacaya, haddii aanu arrintii galay waxay noogu muuqatay oo ay ka fursan weyday inaanu Golaha ka tallo gelino tallada golahana wax ka qaadano. Waxay noogu muuqatay inaanu Guddi kooban oo Golaha ah u saarno oo ay tallo soo saarto oo ay nagu soo celiso ka dibna aanu anagu (Shirgudoonka) Golihii horkeeno xalkii."
"Sidaasi ayaanu ka maarmi weynay Anagaa u baahanay inaanu dhinacyada Golaha wax ka qaadano, markaa Go’aankii guud markaa sidaasi ku gaadhno,"ayuu yidhi Md, Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, oo isaguna ka hadlay fadhigaasi ayaa sheegay inuu ayidsan yahay sidaasi uu Guddoomiyuhu arrinta u dhigay waxaanu yidhi "Sidaasi uu Guddoomiyuhu idin yidhi waxaanu u baahanay inaanu Golaha arrinkii ka qeyb gelino oo kula soo noqono, oo Guddi la saaro Guddidaasi ay wax soo saarto ka dibna nagu soo celiso wixii guddidaasi ay soo saartana aanu Golaha horkeeno."
"Waxay ila tahay in Goluhu wixiisa wanaajisto sidaasi ayuu wax ku qaban karayaa oo uu ummaddana ugu adeegi karayaa,"ayuu yidhi Sh. Axmed Sh. Nuux.
Dhinaca Kale Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa isagu sheegay inaanu arrintaasi la qabin Guddoomiyeyaasha kale waxaanu yidhi "Sidaasi ay Guddoomiyeyaashu idiin sheegeen hawshii aad muddaba naga sugayseen dhinacayaga way ka dhammaan weyday hadalkana waanu idiin caddaynaynaaye’e. tafaasiil idiin geli mayno cida ay ka dhammaan weyday iyo waxay uga dhammaan weyday. Haddii ay naga dhammaan weyday markaanu muddo rog-rognay waanu isla garanay aakhirkii inaanu Golaha ku soo celino, laakiin farsamadii Golaha loogu soo celinayay Aniga iyto Guddoomiyeyaasha kale waanu ku kala gedisan nahay runta ayaanu u caddaynaynaaye’e."
"Waxaan qabaa haddii aanu Golaha ku soo celinayno arrintii waa inaanu xalka oo dhan u daynaa Golaha ee inaanu amar ku soo tuurno ma aha,"ayuu yidhi Md. Siciid Jaamac.
Intaasi ka dib waxa golaha ka bilaabay buuq iyo qas waxaanay Mudaneyaasha Goluhu ku kala qeybsameen arrintan waxaanay Xildhibaanada qaar taageersanaayeen hadalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad halka qaar kalena ay qabeen in Shirgudoonka looga fadhiyo inay dhexdooda ka soo heshiiyaan oo aanay khilaaf hor leh ku soo dhex tuurin Golaha intiisa kale.
Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa fadhigii oo aan wali xidhmin iskaga baxay waxaana madashii hadheeyay buuq iyo sawaxan ay isweydaarsanayeen Xildhibaanadu. Hase yeeshee wuxuu aakhirkii fadhiga laga yeedhiyay Guddi ka kooban siddeed Xildhibaan oo ka soo tallo bixisa khilaafka Shirgudoonka kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin sidan
Sh. Khaliif Sh. Xasan Gudaal, Sh. Maxamuud Xirsi Faarax, C/Qaadir Aw- Xuseen Mirre, Aadan Shire Faarax, Farxaan Ciise Ubaxle, Xirsi Aw- Ciise Jaamac, Yuusuf Sh. Axmed Nuur iyo Maxamed Xuseen Hurruuse.

Tuesday, 9 February 2010

Casuumad Qado Ah Oo Lagu Soo Af-jaray Khilaaf Siyaasadeed oo U Dhexeeyey Axmed Keyse iyo Duur

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Casuumad Qado Ah Oo Lagu Soo Af-jaray Khilaaf Siyaasadeed oo U Dhexeeyey Axmed Keyse iyo Duur
Casuumad qado ah oo ay ka soo qaybgaleen Cuqaasha, Odeyaasha iyo Wax-garadka Beesha Muuse, ayaa maanta lagu qabtay Hotel Golis oo ku yaala dhinaca bari ee magaalada Hargeysa.
Casuumada

n oo ay si wadda jir ah u qabanqaabiyeen Wasiiirka ku xigeenka Arimaha Dibeda Somaliland Md Axmed Aadan Ismaaciil [Keyse] iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale [Duur] oo ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa u jeedadeedu ahayd in la lagu soo af-jaro xur-guf siyaasadeed oo mudooyinkii u dambeeyey-ba ka dhexaysay labadaas masuul.

Munaasibadan oo ahayd mid si aad u ballaadhan loo soo agaasimay waxaa ugu horeyn hadal kooban ka soo jeediyey Gudoomiyaha Beesha Muuse Cabdelle Xariir Jaamac Yasir, waxaana uu halkaas ka cadeeyey in maanta si rasmi ah u soo af-jareen khilaafkii siyaasadeed ee dhawaanahan ka dhexeeyey labada siyaasi, kaas oo saamayn ku yeeshay beesha waxaana uu yidhi Gudoomiyuhu " Baryahan dambe siyaasiyiin ka mid ah beesha waxaa ka dhextaagnaa khilaaf siyaasadeed, waxaanu idin sheegaynaa hadii aanu nahay odeyaasha iyo cuqaasha beesha in maanta laga bilaabo in aanu soo af-jarnay khilaafkaas u dhexeeyey Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibeda Somaliland Md Axmed Aadan Ismaaciil [Keyse] iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale [Duur]. Labadaas nin gacanta ayaanu isku saarnay annaga oo u dul-qaadan waynay khilaafkaas"

Sida oo kale waxaa uu Gudoomiyaha Beeshu uga digey dhammaan siyaasiyiinta beesha in aanay magaca beesha ku hadli karin, iyaga oo uga faa'idaysanaya dantooda gaar ahaaneed, isla markaana beesha Muuse Cabdelle tahay beel ballaadhan oo sida beelaha kale ee reer Somaliland ka tirsan dhammaan asxaabta siyaasadeed ee dalka jirta " Suldaanka, Odeyaasha, Cuqaasha iyo wax-garadka hadii aanu nahay, waxaanu uga digeynaa dhammaan siyaasiyiinta beesha in aanay ku hadli karin magaca beesha, iyaga oo uga faa'ideysanaya dannahooda siyaasi ee u gaarka ah, waxaana ku hadli kara magaca beesha cuqaasha iyo anniga oo ah Gudoomiyihii beesha" Sidaas waxaa yidhi Gudoomiyaha Beesha M.C

Waxa isna casuumada ka hadlay Chief Caaqil Cabdi Aadan Cayn-gal, waxaanu uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay, in maanta la isku keeno labadan masuul, isla markaana ay dhameeyaan xur-gufta siyaasadeed ee dhextaalay, waxaana uu u mahadnaqay labadan masuul ee soo qabanqaabiyey casuumada qadada ah.

Waxaa kale oo ka hadlay casuumada Chief Caaqil Siciid Muxumed Cilmi oo ka mid ah cuqaasha beesha M Cabdalle, waxaana uu tilmaamay sababta loo qabtay casuumadan kulmisay Cuqaasha, Siyaasiyiinta iyo wax-garadka beesha waxaana uu yidhi "Casuumadan waxa ay ahayd u jeedada loo qabtay, in lagu soo af-jaro khilaafkaas u dhexeeyey labadaas masuul, wax kastana marka ay dhashaan ama ay dhammaadaan waxaa loo sameeyaa wan-qal", Cuqaashii halkaas ka hadashay waxaa ka mid ahaa Caaqil Biixi Maygaag Ibraahim.

Ugu dambayntii waxaa halkaas si niyad sami ah isku gacan qaaday Arimaha Dibeda Somaliland Md Axmed Aadan Ismaaciil [Keyse] iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale [Duur].

Dubbe iyo Doolaal By A. Geeljire

By A. Geeljire

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Maanta kamaradahii filimka duubi jiray baan u baahnay.

Doolaal: maxaad ku falaysaa?

Dubbe: waxyaabaha Laandta ka dhaca ayaan ka duubi lahaa dabadeed Hollywood baan u iib geen lahaa caalamka qosol ha ka dhamaadee anna aan ka taajiree.

Doolaal: Oo ma inakaa gaalada isku waxba ku qosolna. Maxaase lagu qoslaa ee aad duubi lahayd?

Dubbe: waxaan duubi lahaa; todobaadkan oo qudha waxaan arkay. Waxaan arkay saaxiibkay Cali Guray oo Madaxtooyadii laga horjoogsaday oo xusuustay dadkuu u soo xerogalay waxay yihiin. waxaan arkay Guurtidii oo wada qadaysay oo hadana garan la’a waxay u wadda qadaynayaan iyo waxay ku heshiis yihiin toona. Waxaan arkay Salaadiin iyo odayo Ina Rayaale u baryaya agoontii Ina Bullaale ka dhintay. Hadda waa ninkii aabahood dawda ka bixin waayay. Waxaase ugu qosol badnaa Xaaji Cabdi oo Saleebaan iyo Siillaanyo kala garan waayey.

Doolaal: Siduu u kala garan waayey?

Dubbe: wuxuu ku kala garan waayey waa ninka Saleebaan ku yidhi “kursiga Guuritida aamin oo kan Madaxtooyada ee aad raadinayso iska daa.” Markaan taa maqlay baan Xaajiga u tegey. Waxaan sii qaatay sawir badan oo rag siyaasiin, ganacsato aqoonyahano ah oo cid walba lehi ay leeyihiin. Intii Habar Jeclada ayaan gooni u soocay oo ku horraysiiyay. Xaajigii baan Sawirkii Axmed Siilaanyo tusay. Markiiba wuu gartay oo wuxuu yidhi “Dee awow waa Axmed Siiraanyo.”

Kii saleebaan baan tusay. Sidaa intuu u yar eegay buu yidhi. Markan adeer gadh cad buu la baxay. Oo fartana yuu u ruxayaa tolow. Waa axmed Siiraanyo.

Kii Ina Kaahin baan tusay. Wuxuu yidhi. “adeer markaa dhabanda ayuu ka yar naaxsanyahay. Waa siiraanyo.”

Kii Jibiiqe ayaan tusay. Sidaa intuu isaga fogeeyay oo cabbaar eegay ayuu yidhi. “adeer markani waa markuu jabhadda joogay oo cadceedu ku dhacday ee yar madoobayday. Waxoogaa cirro ahna waa leeyahay. Waa Axmed siiraanyo. Waar ninku muxuu sawir iska qaaday.”

Kii Axmed Farax Xarbi baan tusay. “oo berigani waa markuu dhallinyara ahaa.” Buu yidhi.

Kii Axmed Duqsi(ahn) ayaan tusay. “waa beriguu Iglan joogay. Waa axmed siirraanyo.”buu yidhi.

Kii Dahabshiil. “adeer markan sidii askartuu u xiirtaye. Waa Axmed Siirraanyo.”

Kii Indhadeero oo adhi dhex taagan (AHN) “kani waa markuu wasiiirka Qorshaynta ahaa. Waa Axmed Siilaanyo.”

Kii Ashafaqe “markan wuu yar dhididsan yahay inuu afka qaad ku hayana waad moodaaye. Waa Axmed Siiraanyo.”

Kii Hadraawi “markan timo weyn oo coof ah iyo shaarabahii Koosafaare ayuu leeyahay. Waa Axmed Siiraanyo.

Kii Cali Xuunsho. “adeer markan qosol buu u dhacsan yahay oo indhihiina waa isku qabtay. Waa Axmed Siirraanyo. Maalinba cayn buu u egyahay.”

Kii Xinnif “Oo markan ... u kaadi. Waxan ma fanax baa mise ilik baa ka dhacay. Markan fanax buu leeyahay. Waa Axmed Siirraanyo.”

Kii Aadan Waqaf “ninkan halkaan ku arkay. Nin maalin dhoweyd qolo Ciidagale ah oo halkan iigu timi la socday buu u egyahaye. Maya maya. Waa Axmed Siirraanyo.

Markuu mid walba axmed Siilaanyo ku sheegay ayaan garay inay beeshoo dhami Axmed Siilaanyo ula egtahay markaasaan kuwii dadka kale soo saaray(la soco qaybta labaad)

Doolaal:Xaajiga meel hadh leh ayaad sawirrada ku tustay ee inaad cadceedda ku tustaa bay ahayd.

Dubbe:waxa kale oo isna maaam iigu yimi ninkii Bullaale (AHN). Wuxuun baan maqlay anigoo hurda qof “Haye haye haye haye uu qosol ku jiro) mise waa bullaale. Waa isa salaane. Bal warran baan idhi. Wuxuu yidhi maanta waxa isoo kiciyay niman tolkay ah oo duco ii soo diray isla markaa inay agoontaydi wax taraanna niyadda ku haya. Horta raggaa waan u mahad naqayaa laakiin farrintan iga gaadhsii.

Farriini waa qaane waa tan:

“Tolka iga dambeeyee

Weli dunida joogow

Dar ilaah farriintaad

Ii soo dirteen iyo

Ducadiini waan helay

Anna waan ku diirsaday

Halkan daarta Aakhiro

Doog baanu joognaa

Dunidiyo dhibkeedii

Daayin nooga ray oo

Daalkeedii reebnoo

Derajaanu leenahay

Dawladdii Rayaaliyo

Beentuu daldali jiray

Daaqadaanu taagnayn

Dulligii na soo maray

Ilaah naga dulqaadyoo

Dembi dhaaf nasiiyoo

Durdurrada Fardawsiyo

Janadaan dabaashaa

Malab baan durduurtaa

Dacar iyo xanuun iyo

Halkan Daaf ma yaalloo

Cudurkii wax dila iyo

Kama baqanno Durigii

Haddaan kuugu sii daro

Duq haddaan ahaan jiray

Duud soo qalloociyo

Daab aan lahaan jiray

Dib baa lay sameeyoo

Da’ yartaan ka kow ahay

Doob toosan baan ahay

Dig digtayda socodkana

Dhulku wuu dayaamaa

Dersin Xuuralcaynoo

Daymada u roonbaan

Daar kula caweeyaa

Illayn dawsar baan ee

Kama daalo hawshoo

Darleef wuu ka dheeryahay

Deriskayga jaarkuna

Doorroonow Rasuulkii

Wixii nebi la soo diray

Diricyadii shahiidiyo

Dadkii khayrka weeyaan



Midna waa dardaarane

Dembigana yaraystoo

Diintii rasuulkiyo

Dariiqeedii raacoo

Digrigii Ilaahay

Carrabkiinu yuu dayn



Midna waa dabuub aan

Odayada dadaalee

Agoontii u doodiyo

Duqaydii aan leeyahay

Daah idinma saarnoo

Dadka waa taqaaniin

Derbi inaad u baridaan

Ama dirri salaaxdaan

Dundumada u yedhaan

Dawarsiga ku badisaan

Waxa uga dan leediin

Dulucdiina maan garan

Ninkaa Daahir leediin

in uu dafo xaqoodoo

dhaco duunyadooda

Daayaco ha joogtee

Agoonuu daryeeloo

Diihaasha haysiyo

Darayada ka biiyo

U ducaysa lama arag

Hadalkiyo digniintii

Baaqaa dirayseen

Waxa uga dan leediin

Dulucdiina maan garan

Ninka aniga oo dagan

Oo cudur i daashay

Dhakhtar lay dulgeeyiyo

Dabiib lay cabsiiyiyo

Dawadii hor joogsaday

Ee diiday kharshkii

Doodaan u leediin

Waxa uga dan leediin

Dulucdeeda maan garan



Mid kalaan ku darayaa

Oo iga dardaaranna

Duqa reer Jabuutow

Dig ninkii ku soo yidhi

Degelkaan banneeyee

Jugta loogu darayow

Dayaankiisi Aakhiro

Ninku dalow iilkiyo

Dalluun noogu yimow

Dad aqoona maad tihid

Dal aqoona maad tihid

Deelqaafku ceeb iyo

Doqoniimo weeyee

Adeer lama dar jiidhee

Didibsaan ku leeyahay

Dibnahaahga xidho oo

Dadka haysku gubinoo

Jooji diradiraalaha

Waa inoo qoraalka xiga haddii eebe idmo.

A. Geeljire

Tahriibta waxa keenay waa shaqo la'aan, rajo la'aan, iyo wacyi gelin la,aan


Tahriibta waxa keenay waa shaqo la'aan, rajo la'aan, iyo wacyi gelin la,aan. markaas maamulka UDUB ee Rayaale wuxuu qaban waayey 8 sannaddod ma qaban doono 2-3 bilood.Tahriibtu waa astaanta dawlad fashilantey. markaa tahriibta oo la yareeyo waa isbeddel maamul oo la sameeyo. inshaallah waxa beddeli doona maamulka kulmiye ee Siilaanyo uu hoggaamindoono.

Sunday, 7 February 2010

Shirgudoonka Guurtida oo Daboolka Ka Qaaday Xiliga ay Soo Afjarayaan Khilaafkoodii


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uunShirgudoonka Guurtida oo Daboolka Ka Qaaday Xiliga ay Soo Afjarayaan Khilaafkoodii
“Ilmaadeerayaaloow Haddii Aydaan Midoobayn Waxaad Na Tidhaahdaan Sadex Kale Keena”Md. Dheeg
Hargeysa(Ramaas) Feb.07, 2010 - Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in shirgudoonka Guurtidu ay si rasmi ah u soo afjari doonaan khilaafka dhexdooda isla markaana ay wixii ay xal u arkaan Golaha horkeeni doonaan Arbacada fooda inagu soo haysa.
Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi kooban oo maanta Goluhu yeeshay waxaanu Xildhibaanada u jeediyay hadal kooban waxaanu yidhi“Wixii dhibaatooyin ah ee dhex yaalay golaha waxaad moodaa in Goluhu Anaga (Shirgudoonka) nagu soo riixay waxaan ka odhanayaa mar haddii aad leedihiin idinkiiba is hayee xal noo keena waxaan ka idhaahdaa ma jiraan. Haddii aanu eedaysaneyaal noqonay waa inaanu anagu xalkii keenaa.”
“Mudadaba Arrintani way jiitameysay kolay shan todobaad way tahay sadex aan joogay iyo laba aan maqnaaba, waxaan leeyahay wixii aanu xal u aragno waxaanu isla qaadanay inaanu u gondo degno. Taayada (Shirgudoonka) ta golaha ayaa ka weyn in kasta oo aad iska soo dudeen haddana Goluhu waa qeybsan yahay markaa waxaan odhan lahaa ducaysanay oo wax wada cunay kuna faataxasanay.”

Guddoomiyaha golaha Guurtida oo ka hadlayay xeerka xakamaynta Hubka fudud ee golaha horyaala waxaanu yidhi “Xeerka xakamaynta hubka fudud waanagii sabtidii idiin qeybinay sidii caadadu ahaan jirtay xeerka maanta laga bilaabo 48 saacadood ku soo darsa. Anaguna 48 kaasi saacadood arrinta khilaafka waa inaanu ka keenaa wixii xal ah Isniinta iyo Salaasada waynu kala maqnaanaynaa oo Arbacada ayaynu isku imanaynaa. Goluhuna hawshiisa ha wato Anaguna Shirgudoonka waa inaanu wixii aad na farteen aanu galnaa oo keenaa.”
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo isaguna la oogsaday oo ku dhawaaqay hadalkan “Waxaanu ku cel celinay waar khilaaf kale nama hayo sadexdiinaasi haddii aad soo midowdaan goluhuna wuu midoobayaa.ilmaadeerayaaloow haddii aydaan midoobayn waxaad na tidhaahdaan sadex kale keena.golahaanan soo dhex fadhiisanaynaa. Khilaafka Golahaa ka weyne iyaanu inaga burburin.”

Ramaasnews Desk
Hargeisa

Saturday, 6 February 2010

madaxweynuhu wixiisu waa aflagaduun 20100206

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun




Maanta arrimaha nabedgelyado dalku waxay marayaan in ay meel adag. In arrimahaa laga midoobo meel leyska wada taago waa waajib qaran. Weliba waxaan shacab-weynaha ku leeyahay waa in gacan la siiyaa booliiska shaqeynaaya. Ciidamada amniguna waa iney heystaan macluumaad ku filan oo ay si fiican u shaqeeyaan sirdoonka dalka oo ay ku jihoobaan dhinaca cadawga dalka ayney sirdoonka loo tusin in cadawga kowaad ee dalku yahay xisbiyada qaranka.
Khudbaddii dhaweyd ee madaxweye Rayaale waxaa la filaayey in uu umadda u jeediyo khudbad ku jiheysan amniga iyo khilaafaadka qaranka. Inta badan madaxweynuhu warbixintiisu waxay aheyd mid difaac ah oo qodobkuu soo qaadaaba ay tahay naftii difaac . Ciduu iska difaacayayna waa axsaabta qaranka ( Kulmiye iyo Ucid ). Waxay aheyd, ilayn waa madaxweynihii qarakee, inuu ka hadlo wax ummada mideeya, xaaladaha adage ee dalku ku jirna u mideeya. Weli waxaa ka maqan aanu garan in uu madaxwene u yahay siilaanyo iyo feysal cali waraabe.
Mudane madaxweyne, annagu haddaanu mucaaridka nahay meelkasta oo aanu joogno debed iyo gudo waxaanu ka shaqeynaa midnimida ummadda, aqoonsiga Somaliland, walaaleynta shacbka iyo horumarinta dalka. Waxaase dhab ah in aanu ummadda mid guda jooga iyo mid debed joogaba aanu u sheegno,ugana warano in maamulkanu uu dayacay dalkii iyo dadkiiba, loonana baahanyahey isbeddel dhab ah . Dadkuna dayaca maamulkan waa ogyahey. Isbeddelna iyagaa dadku u diyaara ee ha ogaadeen.
Wuxuu maalintii dhaweyd madaxweynuhu yidhi waxaa nala yidhaa wixii xunba Xaawa leh. Haddi sidaas aad u markhaati furtey haddii aad wax wanaagsan qaban laheyeen waxey noqon laheydeen wixii wanaagsan Xaawa leh. Wuxuu aad u difaacaayey dayacii doorashadu dib ugu dhacdey oo ay masuul ka ahaayeen . khilaafka guurtida oo madaweynu kaw ka yahay, dhulka iyo gasiiradaha la iibiyey oo sharci darada ah,siyaasadooda liidata ee arrimaha debeda, arrimaha nabargelyo xumo ee ka soo korodhay bareha. Wuxuu madaxweynuhu arrimahaas iyo qaar kale oo uu soo qaatey ayuu ku tilmaamey in ay mucaaridkuu nagu canaanayaan haddey laba digaagood suuqa isku qabsadaan . Madaxweyne arrimaha aanu ka waaweyn laba digaagood oo isdiley ee waa arrimihii ugu cuslaa qarankan aad madaxweynaha ka tahay.Waxaasoo dhanna ama ka galgalo amma ha ka galgalane masuuliyaddeeda adiga leh. Waana sababta dalkanu ugu baahanyahay isbeddelkas si arrimahaas aad dayacdey loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadiya.
Dr.Cabdi Aw Daahir Cal