Showing posts with label War ( Golis news) 28 jan 2010. Show all posts
Showing posts with label War ( Golis news) 28 jan 2010. Show all posts

Thursday, 28 January 2010

Golisnews Oo Weraysi Kala Yeelatay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee Kulmiye Xamarje, Soo Dhawaynta Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siilaanyo20100128

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Golisnews Oo Weraysi Kala Yeelatay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee Kulmiye Xamarje, Soo Dhawaynta Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siilaanyo





Hargeisa (GOLISNEWS) gudoomiyaha gobolka hargeysa ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE mudane AXMED CUMAR X. C/LAAHI oo gudida soo dhawaynta gudoomiyaha madax u ah ayaa sheegay in gudoomiyahooda ay u soo dhawayn doonaan habkii ugu heersareeyay ee abid dhacda isagoo xukuumadana u soo jeediyay in aanay dadka soo lugoynin oo ay joojiyaan fadqalalada ay ka dhex wadaan shacabka, sidaas gudoomiyuhu wuxuu ku sheegay waraysi ay GOLIS NEWS khadka telefoonka kula yeelatay,



Gudoomiye xamarji oo aanu waydiinay su’aalo dhawra ayaa sidan noogaga jawaabay



GOLISNEWS: gudoomiye axmed xamarje waxaad nooga warantaa bal qabanqaabada gudoomiyaha iyo sida ay u socoto



G.XAMARJE: Waad mahadsan tihiin golisnews qaban qaabadu waxay u socotaa si aad u wanaagsan hada laga bilaabana waxaa madaxdii gobolka iyo kuwii heerqaranba kujiraan shirar isdaba jooga oo loogaga arinsanayo sidii loo soo dhawayn lahaa, sikale iyo kuma garatide waanu kaga gariirinaynaa bulshaduna way u soo wada baxaysaa



GOLLISNEWS: waxaad noo sheegtaa gudoomiye waxaanad tahay madaxii gudida qaban qaabada ee gudoomiyaha soo dhawaynaysee waqtigee ayuu siilaanyo wadanka soo gelayaa



G, XAMARJE: wuxuu imanayaa 31/01/2010 maalinimada axada



GOLLISNEWS: gudoomiye iyada maxaad kala socotaa in la qaban qaabinayo banaabax ku lidi ah oo ka soo horjeeda kani aad imika waddaan ee aad ku soo dhawaynaysaan Guddoomiyahiina Axmed Siilaanyo?


G. XAMARJE: waanu la soconaa oo waanu ka war-haynaa dawladda ayaa wada oo dabada ka riixaysa waxaanan filayaa inaaan shacabku ka yeeli doonin hawshaas



GOLISNEWS: mudaharaadkaas idinka ka soo horjeeda side ayay wasaarada arimaha guduhu u siin kartaa ogolaansho iyadoo hore mudaharaado mucaaradku lahaa ay u diiday?



G.XAMARJE: mudahaaradkaba iyada ayaa abaabulaysa oo dabada kawada markaas waxaanu u soo jeedinaynaa inaanay dadka soo lu goynin waanuna la socodsiinaynaa shacabka arintaas, dawladana fadqalalada ka daa ayaanu leenahay waddanka annaguna ma mudaharaadayno ee waxaanu soo dhawaynaynaa madaxdii xisbiga xaqna waanu u leenahay





GOLLISNEWS: ugu danbayntii waxaa beryahaas jirtay in gudiyo maroodi jeex laga sameeyay iyo maamul gudaha aad isku haysateen madaxda xisbiga siday hawlahaasi u dheceen ?





G.XAMARJE: arintaas waxba kama jiraan hawluhuna si wanaagsan ayay noogu socdaan





Weraysigani waxaa qaaday


Sulaymaan Cabdisataar


GOLIS NEWS
Hargeisa Somaliland


info@golisnews.com

Laascaanood Faah Faahinta Qarax Xoogleh Oo Lala Beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Sool Faarax Askar Xuseen 20100128

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Laascaanood Faah Faahinta Qarax Xoogleh Oo Lala Beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Sool Faarax Askar Xuseen



Laascanood (Golisnews.com)-28/01/2010-Qarax aad u xoogan oo maanta ka dhacay xarunta Gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho & dhaawac. Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan guud ahaan laga wada maqlayey xaafadaha magaalada Lascaanood.

Qaraxan ayaa lala beegsadey Gudoomiyaha Gobolka Sool gaari uu saarna uu xilligaasi ku sii jeedey Guriga uu ka degan Magaalada Laascanoood isagoo xilligaas ka soo raxawey shaqo.
Waxaa qaraxan ku geeriyoodey 1 askari oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee gudoomiyaha Gobolka Sool,waxaana dhaawac ka soo gaarey laba askari oo kale oo gaariga la saarna,sidoo kale waxaa dhaawac soo gaarey haweeney wadada mareysay.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Faarax Askar Xuseen waxaa soo gaarey dhaawac aad fudud,waxaana lagu daweynayaa Cusbitaalka Magaalada Laascaanood iyadoo la sheegey in xaaladiisu tahay mid aad wanaagsan firiro yar yarina soo gaareen.

Isla markiiba waxaa goobta qaraxu ka dhacay soo buux dhaafiyey ciidamada amaanka ee gobolka Sool,waxaana ay baaritaano ku bilaabeen nawaaxiga meesha qaraxu ka dhacay ku dhaw Guriga uu Gudoomiyaha Gobolka Sool.
Dhamaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa lagu daaweynayaan Cusbitaalka magaalada Laascanood,waxaana la sheegeya inay dhamaan xaaladooda caafimaad tahay mid aad u wanaagsan.
Ma jiraan Wax dad ah oo ay ciidamada amaanka magaalada Laascaanood u qabteen qaraxaasi,balse saraakiisha amaanka ayaa sheegey inay bilaabayaan baaritaano ay ku hubinayaan ciidi qaraxaasi ka dambeysey.

C/shakuur Cumar kabadhe

Laascaanood-Golis-News


golisnews.com@gmail.com.