Tuesday, 2 February 2010

Xafladii Hotelka maansoor iyo warbixintii siilaanyo 20100202


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Xafladii Hotelka maansoor ayaa laysugu yimid, tirade Xisbigu ku talo galay waxay ahayd 650 Ruux, laakiin waxaa yimid Madax iyo waxgarad aad u tiro badan oo kun kor u dhaafay, waxay khasabtay in aanu dhammaan Xildhibaanadii Kulmiye, iyo hawlwadeenadii Xisbiga nidhaa idinku dibedda Hoolka uga baxa, saxaafadda, asaamaha Xisbiga, Vido projectorka socdaalkii odeyga laga daawanayo, cadar, cauudka , keega iyo sharaabka, garbasaaraha hablaha ee calanka Kulmiye ah, iyo suudhka meesha maraya , tacajab ayaad u arkaysaa.

Ugu horeyn Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Keyse xasan Cige ayaa ka sheekeeyey socdaalkii odeyga , taariikhii uu Hargeysa ka baxay oo ahayd 27 Dec.2009, iyo soonoqdkiisii oo ahaa 31.1.2010, intii Ethioia joogay Madaxdii uu la kulmay, iyo intii Maraykanka joogay madaxdii uu la kulmay, iyo dhammaan magacyadoodii iyo xafiisyadoo, iyo heerka caalamiga ah ee ay yihiin.

Xoghaye Keyse markii uu intaa dhammeeyey , waxa uu si toosa ugu soo dhweeyey Gudoomiye Axmed Siilaanyo, oo markii uu soo kacay haybadii iyo sharaftii ka muuqatay, sawaxankii iyo sacabkii ayaa in muddo ah la waday.

Waxa uu Gudoomiye Axmed Siilaanyo ku Bilaabay hadalkii sii:

1. Mahadnaq Ilaahay iyo saligii rasuulka iyo mahadcelin dadweynaha iyo ummadda reer Somaliland sidii fiicnayd ee ay u soo dhaweeyeen, iyo sedan layaabka leh ee ay hadana u ajiibeen xafladan saaka .
2.Axmed Siilaanyo intii aanuu u gelin arrimihii socdaalkiisa, waxa uu hambalyo kale u diray Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland ( gaar ahaan Ciidanka Qaranka oo ay maanta ku began tahay 2dii Feb. 2010 oo ah maalintii la aasaasay. Waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in ilaa maanta aan ciidankaasi dalkoo difaacaya, aanay lahayn Xuquuq iyo Derajo toona, waxaana uu ballaan ku qaaday haddii Xisbiga Kulmiye talada qabto in waxaasoo dhan la waayi doono, oo xuquuqda ciidanka la heli doono.
3.Axmed Siilaanyo waxa uu u soo noqday socdaalkiisii, waxana uu hadalkii sii ku bilaabay, Goboladii iyo dawladihii aanu tagnay, si weyn ayaa naloogu soo dhaweeyey, faaii'dooyinka aanu helnayna waxaa kamid ah:
•Waxa ugu weyn ee aanu Somaliland u soo helnay waa AUDIENCE ( dhegeystayaal ) qaddiyadda Somaliland dhegeysta. Oo lala hadli karo, oo maanta aad isku halayn karto, oo ujeedadaada maanta fahmaaya , oo aan hore waxba loogu sheegin.
•Waxaanu ka dhaadhicinay Diimoqraadiyada ka hano qaaday Somaliland , inay xooojiyaan, oo Asxaabta curdinka ah gacan qabtaan, oo Doorashooyinka maalgeliyaan , oo gacan naga siiyaan.
•Dhinaca nabadgelyada ayaa ah iyana taan kala hadalay, waayo waxa ka dhacaya mandaqadda geeska ka mid ayeynu nahay oo saameyn ayey inagu leedahay, markaas inay Nabadgelyada Somaliland ka jirta inaga gacan siiyaan, oo naylaga caawiyo.


4. Gudoomiye Axmed Siilaanyo, waxa uu halkaasi ka caddeeyey inay soo heleen ballanqaadyo fiic fiican oo ay ka mid yihiin:
•Taageerooyin dhinaca Horumarinta ah.
•Taageerooyin Doorashooyinka iyo Kobcinta Diimoqraadiyada ah.
•Taageerooyin dhinaca tacliinta iyo shaqo abuurista ah, iyo inay wax nagala qabtaan Tahriibka dhalliyarada .
•Waxaa kaloo aanu ku soo guulaysanay in aanu ka dhaadhicino dadweynaha iyo jaaliyadaha reer Somaliland inay dawr shariifa ka ciyaaraan horumarinta dalkooda iyo maalgashigiisaba.
•Waxaanu hubnaa in socdaalkayagu ahaa mid magac Somaliland kor u qaaday., dadkii anu la kulanayna waxay ahaayeen furuha ( key ) u ah in Somaliland wax badan loo qabto.


5.Gudoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu hadlkiisii ku soo daray mahad celin Guud oo uu usoo jeediyey jaaliyadihii reer Somaliland ee Soo dhaweeyey, Washington, Boston, Ohio, Columbus, Minnesota Minapolis, iyo kuwii Canada Nooga yimid, xidhiidhintoodii . waxa aanan marnaba ilaabay raggii Xisbiga u joogay dibedda ee uu hoggaaminaayey DR: Mohamed Cabdillahi Omer, Xoghayaha Xisbiga ee Arr. Dibedda, Xuseen Ducaale iyo raggiisii Washington, iyo rag faro badan oo Xisbiga ah oo intaas aan soo sheegay hawlo laxaad leh socdaalkayaga u qabtay, dhammaantood mahad cxelin ayaan u dirayaa.
6.Gudoomiye Axmed Siilaanyo, waxa uu hadalkii si I ku soo gebogabeeyey, jawaab kooban oo uu ku dhallilay Xukuumada Ina rayaale, waxana uu yidhi: waxyaabihii ka soo yeedhayey beryahan Xukuumada , waxba ka odhan mayo, laakiin waxaan u arkaa talis gabaabsi ah". Dabadfeedna ummadii xafladda joogtay ayaa sawaxan , qosol iyo sacab isla oogsatay.
Xarbi: Xarunta Kulmiye




Heesta Calanka Somaliland 18 may 2009: dhageyso

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Eedeyn Dusha Uga Tuuray Alshabaab 20100202

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Eedeyn Dusha Uga Tuuray Alshabaab
February 2nd, 2010admin
Sheekh Xasan Daahir Aweys Gudoomiyaha Ururka Xizbul Islaam ayaa sii kulul u Cambaareyey Ku Biiridii Sheekh Xasan Turki u ugu biiray Xarakada Alshabaab, Isaga oo sheegay in Ku biirida Sheekh Xasan Turki Ee Shabaab ay tahay mid aysan isku ogeyn iyaga Iyo Shabaabku

Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa u sheegay in Ururka Xizbul Islaam ee u Gudoomiyaha U yahay iyo weliba Xarakada Alshabaab u degsana Xeer ah in aaney kala qadan Wax ciidamo ah taasina aay Xarakada Alshabaab aay jebisay, Waxana u Cambaareyn dusha uga tuuray Heshiiska aay wada galeen Xasan Turki oo Hoggaamiya Raskaambooni Iyo Weliba Xarakada Alshabaab

Hadalka Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku soo beegmaya kadib markii shalay Xarakada Alshabaab aya shaaca ka qadeen inay la Midoobeen Mucaskaarka Raskaambooni ee u Hoggaamiyo Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi Turki , In kasta oo Qaar ka mid ah Saraakiisha Raskaambooni ay arrinka Beeniyeen

Birgitta Ohlsson oo ahayd afhayeenka arimaha debedda ee xisbiga liberaalka ee sweden ayaa maanta loo magacaabay wasiirnimo 20100202

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun






Birgitta Ohlsson oo ahayd afhayeenka arimaha debedda ee xisbiga liberaalka ee sweden (TAAGEERE WEYN OO SOMALILAND)ayaa maanta oo bishu tahay 2 feb 2010 loo magacaabay wasiirnimo

Sweden appoints Birgitta Ohlsson as its new EU affairs minister Tuesday, February 2, 2010
Wires
Sweden-EU Minister

STOCKHOLM (AP) - Lawmaker Birgitta Ohlsson of Sweden's Liberal Party has been appointed the country's new European Union affairs minister.
The 34-year-old Ohlsson replaces Cecilia Malmstrom, who is leaving the center-right government to become an EU commissioner.
Ohlsson says the 27-nation EU "must be a strong voice for freedom in the world" and that it should continue to work for an international climate agreement.
Ohlsson has been a member of the Liberal Party, one of the junior members of the four-party government, since 1994. She has represented the party in parliament since 2002.
021123 feb 10GMT

. Birgitta waa saaxiib dhab ah oo taageera Somaliland. Marar badana Baarlamaanka sweden ayey soo dhigtay ictiraaafka somaliland.
Halkan ka akhri Qudbadii Birgitta Ohlsson ee Shirka Xisbiga KULMIYE, Hargeisa, Somaliland on March 30, 2008 - 8:58am.
Afhayeenka siyaasada arimaha dibeda isla markaana ah xubin ka mid ah baarlamanka oo ka socota xisbiga Folkpartiet, xisbiga liberalka Iswidhan. Ms Ohlsonn may joogin Somaliland hase yeeshee qudbaddeeda waxa shikra ka akhrisay Jenny Sonesson (sawirka hoose) oo iyadu u timid Somliland inay shirka xisbiga KULMIYE indhaheeda ku soo aragto si ay ugaga warami karto xisbigeedii iyo madaxda dalka Sweden isbeddelka dimoqraadiyadeed ee shacbiga reer Somaliland.
Hadaladeedii waxaa ka mid ahaa

"Asalaamu Alaykum"
"Anigoo saaxiib la ah dimuqraadinimada Somaliland iyo xisbiga kulmiye ayaan idiin soo gudbinayaa salaan ku socota kogereska/shirweynaha.

Badanaa waxaan idhaahdaa Somaliland waa ubax dimuqraadi oo khafiif ah oo ay ku wareegsan yihiin diktatoriyiin/keli teliyayaal qodaxyo leh.

Dimuqraadinimada Somaliland wuxuu la mid yahay ubax awood yar oo u baahan in la biyeeyo tarbiibna loo xanaaneeyo oo taagero ka helo wadanka gudiihiisa kuwaas oo ah idinka iyo taageero dibeda ah sida anig iyo asxaabtiina kale ee aduun waynaha oo dhan.

Waan jeclaan lahaa inaan shirwaynihiinan kasoo qayb qaato si aan goob joog ugu ahaado in mid ka mid ah xisbiyada ugu muhiimsan Somaliland oo qaadaaya talaabo cusub oo lagu sii xoojinayo dimuqraadinimada.

Laakiin waxaan iminka joogaa Zimbabwe oo hadeer ah wadan aad uga fog madaxbanaanida.

Waxaan rajaynayaa in Shirwaynahan Kulmiye uu qaado go´aamo badan oo culus si uu kor ugu qaado mushtamaca Somaliland oo jiha wanaagsan u jeediyo.

Waxaan rajaynayaa inaad difaacdaan madaxbanaanida hadalka iyo madaxbanaanida warbaahinta/joornaalaystayaasha.

Waxaan filanayaa in kulmiye doorto dumar badan oo la siiyo boosas sare oo awood leh. Waayo hadii aan dumarka loo dooran boosas aan awood lahayn horumarka Somaliland wuu istaagayaa. Kulmiye waa inuu noqdaa hogaamiyaha u hor kaca sidii loo siin lahaa dumarka somaliland awood. Markaa waxa loo baahan yahay dumar badan oo ah tusaale fiican.

Waxaan idinka baryayaa inaad sii wadaan hawsha muhiimka ee xuquuqda biniaadanimada. Waxaa miftaax/fure u ah si ay Somaliland dunida uga hesho ixtiraam/respekt iyo taageero waa inay dadkooda

ula dhaqmaan si fiican oo ixtiraam leh.

Ogaada

Weligeed dimuqraadinimo hirgeli mayso hadaan dimuqraadiyiin la noqon.

Weligeed ma dhici doonto doorasho madaxbanaan hadii aanay jirin mucaarad.

Weligeed ma jiri doonto mushtamac furan hadii aanay jirin warbaahin/joornaalaystayaal madax banaan.

Weligeed ma jiri doonto mushtamac si xaq ah u dhisan hadii aanay jirin dumar awood leh oo boosas quwad leh haysta.

Waxaan idiin rajaynaa inaad ku guulaysataan oo dhistaan si uu kulmiye u noqdo xisbi awood u yeela dimuqraadinimada, madaxbanaanida iyo sinaanta Somaliland.

Waxaan ku rajo weynahay inaan idin soo booqdo doorashooyinka soo socda oo doorashooyinkaasi noqdaan kuwo heer sare oo u dhigma doorashooyinkii hore ee la qabtay.

Awooda Somaliland waxay ku taagan tahay in wadanku doortay dariiqa dimuqraadinimada.

Ku sii wada dariiqaas, waayo waa dariiqa mustaqbalka.

Sidaa iyo nabad gelyo

Birgitta Ohlsson

madaxweyne rayaale oo ka muquurtey xuskii sanadguuradi 16aad ee ciidanka qaranka

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uunMadaxweyne Rayaale oo ka muquurtey xuskii sannadguuradii 16aad ee ciidanka qaranka









Madaxweyne Dahir rayaale Kaahin oo la filaayey in uu ka soo qeybgalo xafladda sanadguurada 16aad ee sannad-guurada ciidamada qaranka ayaan ka soo xaadirin . waxaa la filaayey in uu halka ka soo jeediyo khudbad ku wajahan arrimaha nabadgelyada dalka, iyo tayeynta ciidamada qaranka. Waxaa la filayaa in uu madaxweynu uga baaqdey sababo la xidhiidha balamo badan oo hore u qaadey oo ah bixinta darajo ciidamadu leeyihiin iyo kordhinta mushaharka. Waxaa maaanta xafladdaa ciidanka kala qebgaley wasiirka gaashaandhiga mudane saleebaan warsame guleed iyo taliyaha ciidamada general Taani.

Khubaradii kala Shaandhaynta Server-ka oo Hawshii shaandhaynta Si Rasmi ah u bilaabay 20100202

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Khubaradii kala Shaandhaynta Server-ka oo Hawshii shaandhaynta Si Rasmi ah u bilaabay



Khubaradan oo Hawshooda Shallay bilaabay ayaa ah khubaro u dhashay Dalka Ingiriiska oo iyagu ku guulaystay Tartankii loo galay kala shaandhaynta Server-ka.......

Hargeysa (GNS) Khubaradii kala shaandhaynta Cod-bixiha is Diiwaan-geliyay ayaa si rasmi ah u guddo galay kala shaandhaynta Server-ka.

Khubaradan oo Hawshooda Shallay bilaabay ayaa ah khubaro u dhashay Dalka Ingiriiska oo iyagu ku guulaystay Tartankii loo galay kala shaandhaynta Server-ka.

Waxa guddo galka Server-ka iyo kala shaandhayntiisu ay ka mid ahayd Qodabadii Lixda ahaa ee lagu soo afjaray khilaafkii Siyaasiga ahaa ee dhawaan Dalka ka dhacay. Waxaanu Qodabkani uu bartilmaameed u yahay in ay ka soo baxaan Natiijada Waqtiga Rasmi ahaan loo mudayn doono Doorasho Madaxtinimo ee dhawaan la filayo Dalka in ay ka qabsoonto.

Waxa kale oo la filayaa in Maalinta bari (Maanta) ah Khubaradaasi ay Komishanka Doorashooyinka u gudbin doonaan War-bixin hordhac ah oo ku saabsan Hawsha shaandhayntu Mudada ay qaadan doonto iyo Waxyaabaha khaldan ee loo baahan yahay in la Saxo.

Saciid Khaddar Cabdillahi
Gabileynews Reporter
Hargeysa Somalliland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Socdaal ugu Kicitimay Dalka Sweden 20100202

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Socdaal ugu Kicitimay Dalka Sweden

Qaraal rasmi ah oo Guddoomiyaha Baarlamanka Sweden Mr. Per Westerberg ku caddeeyey martiqaadka uu u fidiyey

Hargeysa (GNS)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa gelinkii dambe ee shalay u kicitamay socdaal uu ku tegayo dalka Sweden oo uu ka helay martiqaad rasmi ah.

Guddoomiyaha oo gelinkii dambee shalay Madaarka Hargeysa ka raacay diyaarad gaar ah oo geysay dalka Itoobiya oo uu sii dhaafayo dhinaca caasimadda waddanka Sweden ee Stockholm, halkaasoo kulamo kala duwan kula yeelan doono masuuliyiin sare oo uu ku mid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mr. Per Westerberg oo isagu martiqaadka u fidiyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda, ergayga gaarka ah ee Arrimaha Afrika Sweden, madaxda asxaabta mucaaridka dalkaas iyo masuuliyiin ka tirsan hay’adda Amnesty International.

Qaraal rasmi ah oo Guddoomiyaha Baarlamanka Sweden Mr. Per Westerberg ku caddeeyey martiqaadka uu u fidiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey madaxda iyo masuuliyiinta dawladda Sweden oo uu ka kulmi doono.

Guddoomiye Cirro oo maalinta Salaasada si rasmi ah u bilaabaya shirar kala duwan oo la yeelanayo masuuliyiinta dawladda iyo axsaabta mucaaradka ah ee dalka Sweden. Sidoo kale waxa uu Khamiista toddobaadkan ka qaybgeli doonaa kulan ka dhacaya Aqalka Baarlamanka Sweden oo lagaga hadlayo doorashada afraad ee lagu wado inay sannadkan ka dhacdo Somaliland iyo caqabadaha hortaagan, muhiimadda ay leedahay iyo siday suurtogal u tahay inay noqoto mid xor iyo xalaal ah, qaab nabadgalyo ahna u dhacda.

4 February 2010, waxa uu Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland booqan doonaa Hay’adda Doorashooyinka Sweden, isagoo la kulmi doona wakiilka xidhiidhada dibadda u qaabilsan hay’addaas oo lagu magacaabo Kristina Lemon. Sidoo kale isla 4 February wuxuu la kulmi doonaa guddiga arrimaha dibadda Baarlamaanka Sweden, gaar ahaan mudanaha u qaabilsan xidhiidhka dibadaha MP Birgitta Ohisson iyo xubno kale oo guddigaas ka mid ah, waxaanay kulamadaasi socon doonaan ilaaa shanta bishan February oo ku beegan Jimcaha toddobaadkan.

Waxa kaloo Md. Cirro hadal ka jeedin doonaa kulan uu la yeelanayo afhayeenka arrimaha dibadda ee xisbiga Liberal Party Ambassador Marika Fahle’n, wasiirka arrimaha dibadda Sweden, xildhibaan Birgitta Ohisson, masuuliyiin ka socota xafiiska Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International iyo weliba madax kale oo caalami ah





Jamhuuriya

Monday, 1 February 2010

wareysigii siilaanyo safarkiisii iyo soo noqoshadiisii

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Hargeysa, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- “Mahad aad u balaadhan ayaan u celinayaa dadweynaha reer Somaliland meel kastooy a joogan..Intii aan Maraykanka joognay gobolo badan ayaan tegay, dad badan ayaanu is-aragnay, waxaana aad iila shaqaynayay dad fara-badan oo reer Somaliland ah iyo Xisbiga Kulmiye ah.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii socdaal afar toddobaad qaatay ugu maqnaa dalka Maraykanka.
Guddoomiyaha oo shalay Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE ugu waramayay Warbaahinta, ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa dalka Maraykanka uu kulamo la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan dalkaas. “..Shirarka aanu qabanay dadka aanu is aragnay ee ka tirsan Hay’adaha kala duwan ee dawlada Maraykanka iyo Baarlamankeeda, Koongareeska iyo kuwa kale ee Hay’adaha kala duwan ka wada shaqeeya intaba aad ayaa naloo soo dhaweeyay. Qaddiyadda Somaliland ayaan umadda ka dhaadhicinay oo aanu fahamsiinaynay, waxaananu qabnaa in arrintaas si aad iyo aad ugu guulaysanay oo waxtar wayn iyo qiimo wayn u noqon doonto dalka reer Somaliland iyo dadkaba. Waxaanu si buuxda oo tafasiil ah uga warami doona umada reer Somaliland oo aan dhawaan u soo bandhigi doonaa waxa noo soo qabsoomay.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.
Intaa ka dib, su’aalo Warbaahintu waydiisay iyo jawaabihii uu ka bixiyay waxay u dhaceen sidan;
S: Intii aad maqnayd waxa Xukuumadda ka soo yeedhay in aad Adigu Axmed ahaan aaminsan tahay mabda’a Soomaaliweyn, sidaa darteed aad cafis dalbato, arrintaa sideed u aragtaa?
J: Warkaasi waa I soo gaadhay oo waan maqlayay, wax alla wax aan qiimo siinayaa arrintaasi ma jirto, wax igu dhacay ma jiraan, sida lay qaabilayna indhihiina ayaad ku aragtaan. Dadka reer Somaliland waxaan gudo iyo waxaan galo labadaba way ogyihiin, waxaan u soo galayna way ogyihiin, halkaan ugu jiro umadda reer Somaliland ayaanan aaminsanahay oo Madaxweynenimo ayaan ugu taaganahay. Qaranka waan u soo halgamay, waan u soo shaqeeyay, maantana Somaliland ka ugu horreeya ee u halgama ayaan noqonayaa, ragga sidaa lehna taariikhdooda iyo taariikhdayda waa la kala yaqaanaa, waxba ku dheeraan maayo.
S: Maraykanka maxaad ka wada hadasheen?
J: Waxaanu ka wada hadalnay Somaliland wax-qabadkeeda, Doorashooyinkeeda, Dimuqraadiyadeedda iyo horumarkeeda, guulo badan iyo is-afgaradna waanu ka gaadhnay. Sidaan horeba u sheegay waxaan soo bandhigi doonaa oo aan sharaxi doonaa dhawaan.
S: Wasiirka Khaarajigu wuxuu sheegay in aad danaha Umadda ku maqan tahay oo ay warbixin iyo talo kaa sugayaa, diyaar ma u tahay in aad talo iyo warbixin ku celiso Xukuumadda oo aad la kulanto?
J: Arrinta Somaliland u soo qabanay waa arrin aanu Bulshada si caam ah ugu bandhigayno, waa arrin aanu dalka iyo dadkaba u soo qabanay, wixii naga dhegaysanaya iyo wixii wax nala qabanaya tafaasiil in aanu siino diyaar baanu u nahay oo Xaflad wayn baanu u qabanaynaa shaacinteeda oo cid aanu odhanayno ciddaasi yaanay imanin ma jirto, cid waliba way iman kartaa oo ciddii danaynaysa arrimaha Somaliland ma Xukuumad ha noqoto ama cid kale ha noqotee diyaar baanu u nahay in aanu wax ku kordhino.
S: Dawladda Maraykanka ee aad la kulanteen dareen noocma ah bay ka qabaan baaqashada Doorashada, yayse u tirinayaan masuuliyaddeeda?
J: Hadda eedayn kama hadlayo oo imika ma jecli in aan cidna eedayn dusha ka saaro, taasi waa wax inoo gooni ah. Laakiin, waxaan kuu sheegayaa in Dawladda Maraykanku ay aad iyo aad u danaynayso mandaqaddan aynu ku nool nahay, geeddi-socodka Dimuqraadiyadda iyo in aanay mar kale Doorashadu dib u dhicin.
S: Isu-soo-baxan Dadweynaha ee aadka u ballaadhan ee lagugu soo dhawaynayay markay aragto, maadaama ay maantaba (shalay) xidhatay Jidka hormara Madaxtooyada, Xukuumaddu ma laga yaabaa inay carqaladayso Doorashada?
J: Dawladda waxaynu ugu baranay waynu ognahay, Doorashooyinkii intay dib u dhaceen aynu ogayn masuuliyaddeeda iyaga ayuun baa leh. Laakiin, sidii ballanka iyo Heshiisku ahaa ee dalalka iyo Caalamka ina taageera laysla wada gaadhay hadday ka baxayaan iyaga ayay jirtaa, balse waxaanu ku talo-galaynaa in Doorashadu waqtigeeda ku dhacdo, waynu sugaynaa. Guddida Doorashooyinka iyo Hay’adaha la shaqaynayaba waanu ku kalsoonahay, markaa dawladdu iyadu markii ay lumisay kalsoonidii Umadda, way isku dayaysaa sidii awalba dhaqanka u ahayd inay qaaddo tallaabo kasta oo waxyeellaynaya horumarka geedi-socodka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, taasna umadda iyo caalamkuba wuu u soo jeedaa. Hase ahaatee, fili mayno ee waxaanu filaynaa oo aanu ku xisaabtamaynaa oo aanu ku talo-galaynaa in ay Doorasho xor iyo xalaal ahi ay ka dhacdo dalka.
S: Xoghayaha arrimaha dibedda Kulmiye wuxuu sheegay in aad Maraykanka ka wada hadasheen sidii Somaliland Mudanayaal u dhaqdhaqaaqa qaddiyaddeeda ugu yeelan lahayd Baarlamaanka dalkaas, arrintaa faahfaahi?
J: Waxyaabaha aanu wadno ayay ka mid tahay..waxaanu qabnaa in waxyaabahani ay ka mid yihiin waxyaabaha ay Dawladdeenu ka gaabisay, xitaa gobollada qaarkood sida Puntland oo kale waxay ku leedahay qaar (Mudanayaal) u shaqeeya oo ay ku kharash-garayso danaheeda oo u soo jeeda. Markaa way jirtaa.
S: Socdaalkaagani muxuu faa’iido u ahaa Somaliland iyo KULMIYE ee uu u sidaa?
J: Faa’iidada u soo korodhay waa guul wayn oo Xisbiga iyo Qarankaba u soo hoyatay, waanu ku faraxsanahay oo waa guul wayn.
S: Guddoomiye, Xukuumaddu waxay Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Afrika u qaabilsan Baarlamaanka Maraykanka Donald Payne oo aad la kulanteen ay ku eedaysay in uu aaminsan yahay Soomaaliyweyn oo uu dalka ka horjeedo, idinkana uu Soomaaliweyn idinkala hadlayay, arrintaa sideed u aragtaa?
J: Donald Payne ciddii garanaysa ayaa garanaysee waa ninka qudha ee Koongareeska Maraykanka Somaliland yimi ee aad loo dhegaysto, waa ninka guddoomiyaha u ah dadka madow oo dhan ee Kongareeska u guddoomiyaha ah. Somaliland dhan kama aha oo anagaa soo wada hadalnay, cod iyo xumaan uu u hayaa ma jirto, waxaanan taa bedelkeeda odhan karaa waa nin taageersan Somaliland qaddiyadeeda iyo horumarkeeda, hormoodna ka ciyaaraya.
S: Guddoomiye, muddo badan baad siyaasadda ku soo jirtay, marka la eego taageerada ay dadweynuhu isugu soo baxeen soo-dhawayntaada, ma jirtaa taageero intaa le’eg oo aad Umadda ka heshay, maxaadse dareemaysaa?
J: Maanta waxaan dareemayaa farxad aad iyo aad u wayn, sidaad sheegtayna waxay soo-dhawayntaasi ka markhaati kacaysaa dareenka uu dadweynuhu qabo, taageerada uu Xisbiga u hayo iyo taageerada uu aniga ii hayo, aad iyo aadna waan u qiimaynayaa. Horeba waan ugu kalsoonaa in ay umaddaydu I taageersan tahay, halgan dheer baan u soo galay, taariikh badan baanu soo wada marnay, wax badan baa naga dhaxeeya. Berigii Madaxtooyada waad ogaydeen Doorashadii inta laygaga qaaday iyo siday ahaydba, markaa mar walba taageerada dadweynahayga kalsooni badan baan ku qabaa.

hees 2 somali ah

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Mahad-naqa Xisbiga KULMIYE uu shacabka Somaliland u jeediyey 20100201



Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Mahad-naqa Xisbiga KULMIYE iyo baaq uu u jeediyay Xukuumadda Somaliland
February 1st, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa Bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex uga mahad-naqay soo-dhawayntii Guddoomiyaha XIsbigaas ee shalay, waxaanay Xukuumadda ugu baaqeen inay u dhug-yeelato rabitaanka Bulshada.

Warsaxaafadeed uu Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige ku saxeexan yahay, ayaa Bulshada looga mahad-celiyay qaabkii iyo maamuuskii soo-dhawaynta Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;

“Waxaa Hoggaanka Xisbiga Kulmiye aad ugu mahadnaqayaa dhammaan taageerayaasha iyo guud ahaan shacabweynaha degan magaala madaxada ee Hargeysa sidii diirraneyd ee ay u soo dhoweeyeen Guddoomiyaha Xisbiga, isla markaana ah Musharaxa Madaxweynah Mudane Axmad Maxamad Siilaayo kadib markii uu kasoo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Maraykanka oo laga casuumay.

Wuxuu hoggaanka Xisbigu aad ugu riyaaqay sida sharafta iyo maamuusku ka muuqday ee shacabweynuhu ay isugu soo baxeen suuqyada iyo wadooyinka magaalada iyadoo lulaya calamo iyo caleemo qoyan kuna dhawaaqaya eryo iyo hadalo soo dhoweyna. Wuxuuna isu soo baxaasi noo caddaynayaa kalsoonida iyo taageerada uu shacabka Somaliland u hayo Xisbiga iyo hoggaankiisa. Waxaanu aad ugu rajaweynahay inuu shacabweynuhu diyaar ula yahay codkiisa inuu siiyo Hoggamiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmad Maxamad Siilaanyo.

Ugu dambeyntii waxaanu ku boorinaynaa xukuumada iyo Xisbiga tala haya ee Udub inay dhageystaan oo ixtiraamaan dareenka iyo dhawaaqa bulshada.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

Daawo dhakhtar soo baadhay caafimaadka lamaanihii british ka ahaa ee budhcadu ku haysatay xeebaha bari ee soomaaliya 20100201

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Daawo dhakhtar soo baadhay caafimaadka lamaanihii british ka ahaa ee budhcadu ku haysatay xeebaha bari ee soomaaliya

waxa wali ay budhcadu afduub ugu haystaan ajnabi badan xeebaha bari ee soomaaliya meelahaa soo kamida aaga ay budhcadu aafaysay

hees somali ah

(Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

soo dhaweyntii siilaanyo oo aheyd lama arag lama maqal

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

mudanayaasha golaha guurtidda oo cod aqlabiyada ah ku diiday iscasilaadda guddoomiye ku-xigeenka

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
mudanayaasha golaha guurtidda oo cod aqlabiyada ah ku diiday iscasilaadda guddoomiye ku-xigeenka


hargaysa(iftinnews)02/01/2010Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa manta cod aqlabiyad ah ku diiday Is-casillaada Guddoomiye-ku-xigeenkii Golahaas Sheekh Axmed Sheekh Nuux oo todobaadkan u gudbiyey shir-guddoonka warqad iscasilaada.
Fadhigii manta ee golaha oo ay goob jog ka ahaayeen 65 mudane, ayaa cod loo qaaday is-casilaada guddoomiye-ku-xigeenka, taasoo 63 mudane ay ku diideen is-casillaadiisa, halka Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka labaadna ay ka aamuseen.



Guddoomiye Xigeenka is-casilay, ayaa isaguna aqbalay inuu ka noqday go’aankiisa hore, maadaama uu kalsooni ballaadhan ka helay xubnaha golahaas

Sunday, 31 January 2010

soo dhoweyntii siilaanyo lama arag , lama maqal 20100131

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Hargeysa(saraarnews)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si balaadhan maanta loogu soo dhaweeyey Magaalda Hargeysa kadib safar muddo qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Maraykanka.









Soo dhawaynta Siilaanyo oo ay ka qayb galayn dadweyne aad u tiro badan iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE oo uu ka mid ah Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye kuxigeenka Md Muuse Biixi Cabdi kuwaas oo gawaadhi aad u tiro badan kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha laga soo bilaabo Madaarka iyo ilaa uu gurigiisa ka gaadhayey.

Gawaadhi faro badan oo ay ku rakiban yihiin Cod baahiyayaasha Mikrofoonka iyo Calamada Xisbiga KULMIYE ayaa ilaa saaka wareegayay magaalada iyadoo si weyn looga dareemayey inuu imanayo Siilaanyo.

Dhinaca Kale waxan dhicin Mudaharaad Mucaaradku sheegayeen inay Xukuumadu la maagan tahay imaanshaha Gudoomiye Siilaanyo kaas oo xisbiga KULMIYE sheegayey inay xukuumadu soo abaabushay kooxo loogu talo galay inay ku mucaaradaan Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Siilaanyo ayaa diyaarad gaar ahi kasoo qaaday magaalada Addis Ababa iyadoo keentay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee Hargeysa

Soo Dhawaynta Maanta loo sameeyey Siilaanyo ayaa ahayd tii ugu weynayd ee Abid lagusoo dhaweeyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyadoo dadweynuhu la yaabayn waxa gawaadhi is taxday Wadada.

Ciidamada Booliska ayaa iyaguna Amniga Sugayey iyadoo aan wax dhibaato ahi ka dhicin intii lasoo dhaweenayey Siilaanyo
Gudoomiye Siilaanyo oo la hadlayey Shacabka soo dhaweeyey ayaa hadal mahad celin ah u jeediyey dadweyne aad u faro badan oo soo dhaweenayey.

wadada hor marta Madaxtooyada Somaliland oo la filayey in gawaadhida soo dhaweenaya Siilaanyo ay Maraan ayaa la xidhay iyadoo Kolonyada gawaadhida ee Soo dhawayntu way ka wareegayn wadada Dusha ee dabo marta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa oo ku waabariisatay soo dhawaynta Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, siilaanyo 20100131

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Hargeysa oo ku waabariisatay soo dhawaynta Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, siilaanyo

Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa saaka ku waabariistay qaylada Baabuur lagu rakibay Mikirifoono oo ay wateen




Hargeysa(GNS)Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa saaka ku waabariistay qaylada Baabuur lagu rakibay Mikirifoono oo ay wateen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga iyo Taageerayaashoodu. Waxana baabuurtaasi ka baxayay Heesaha u gaarka ah Xisbigaasi.


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu wayn ee Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Maanta Barqada abaaro 10:00 Subaxnimo lagu wadaa in uu ka soo dago Gegida Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International Airport. Guddoomiyaha ayaa Dalka ku soo laabanay markii uu soo dhammaystay Booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Dalka Maraykanka. Booqashadaasi oo qaadatay muddo Todobaadyo ah waxa intii uu ku sugnaa Dalka Maraykanka la kulmo Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dalkaasi iyada oo Halkaasi lagu soo guddoon siiyay Shahaado Sharaf uu ku mutaystay Habka Dimuqraadiga ah ee uu u dhaqmo isaga iyo Xisbigiisu. Hasa yeeshee, lugtiisa u danbaysa waxa uu ka soo qaadi doonaa Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya oo uu soo maray markii uu Maraykan ka soo laabtay.

Waxa uu Hargeysa ku iman doonaa Diyaar gaar ah oo uu u soo diray Maraykanku.

Dadwayne aad u tiro badan ayaa isku diyaarinaya soo dhawaynta Guddoomiyaha.

Sida ay u dhacdo iyo waxa uu ka yidhaa Socdaalkiisa, kala soco Gabileynews.


Gabileynews Reporter
Hargeysa Office

Saturday, 30 January 2010

Abaabul xoogan oo loogu diyaar-garoobayo soo dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo 20100130

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



(Kulmiye.org) Abaabul xoogan oo loogu diyaar-garoobayo soo dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ilaa xalay ka socday magaalada Caasimada ah ee Hargeysa, kaasoo la filayo inuu maalinta berri ah ka soo dego madaarka Diyaaradaha ee Cigaal.Hadaba arrintaas diyaar-garawga soo dhawaynta Axmed Siilaanyo iyo sida ay u socoto ayaa waxaanu ka waraysanay Gudoomiyaha Madaxa warbaahinta iyo abaabulka bulshada ee xisbiga Kulmiye Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ahna Xubin ka tirsan Guddida qabanqaabada Soo dhawaynta Musharax Siilaanyo. Waxaanu sheegay inay si wayn oo aan hore loo arag ugu diyaar-garoobeen soo dhawaynta Gudoomiyahooda oo safar shaqo ugu maqnaa Carriga Maraykanka, ilaa xalaynaDhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun ku sugnaa xarunta Itoobiya ee Addis Ababa.

Waraysi kooban oo arrintaasi ku saabsan waxa Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Maxamed-Ilkacase) caawa fiidkii khadka Telefoonka kula yeeshay Weriyaha Hadhwanaagnews ee Somaliland Cabdifataax Ismaaciil Mursal, xogwaraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

S:Guddoomiye waxa la filayaa inuu berri yimaado musharixii jagada Madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye Md. Siilaanyo oo dhawaan wasiiro xukuumada ka tirsani shaaciyeen in aanu dalka soo geli Karin ilaa inta uu cafis xukuumada soo waydiisanayo, waxaana jira abaabul balaadhan oo aad ugu diyaar-garoobaysaan soo dhawayntiisa bal nooga waran abaabulkaas iyo imaatinka Siilaanyo?

J: Gudoomiyuhu wuxuu imanayaa berri 10:00 subaxnimo Insha Alaah, waxaanu ka soo duulayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu diyaarad gaar ah ka soo raacayo, anaguna si wayn ayaanu ugu diyaar-garownay soo dhawayntiisa, waxaanan ogaysiinaynaa taageerayaasha xisbiga iyo dadweynaha kaleba in si balaadhan u diyaar-garoobaan oo ay soo dhawayeen Gudoomiyaha, islamarkaana ay ilaaliyaan nabadgelyada guud ahaanba, lana shaqeeyaan ciidamada nabadgelyada oo nagala shaqayn doona soo dhawayntaas.

S: Soo dhawaynta berri ee Axmed-siilaanyo maxay kaga duwan tahay soo dhawayntii loo samayn jiray marka uu dalka ka baxayo ama uu ku soo laabanayo?

J: Waxay kaga duwan tahay, Gudoomiyuhu wuxuu soo qabtay hawlo waawayn doorkan, oo guud ahaanba qaranka Somaliland u dan ah, sidaa daraadeed waa lagama maarmaan inay taageerayaasha xisbiga iyo bulshada kaleba si wayn u soo dhaweeyaan. Gudoomiyuhu waxa uu ilaa xalay joogay magaalada Addis Ababa oo uu kula kulmay safaarada Ingiriiska oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashada iyo geedi socodka Dimuqraadiyada iyo sidii nabadgelyada iyo horumarkeeda Somaliland loo sii adkayn lahaa.

S: Gudoomiye waxa jira warar sheegaya in xukuumada ama xisbiga UDUB qorshaynayaan inay mudaharaad ku lid ah soo dhawayntiina sameeyaan oo ay ku qaabilaan Gudoomiyaha wararkaasi ma jiraan, maxaadse xisbi ahaan arrintaas kala socotaan?

J: Wallaahi walaal arrintaasi waa mid aynu eegi doono siday xaqiiqadu tahay berri, anaguna waajibkii na saarnaa waanu gudanaynaa ka xisbi ahaan.

S: Maadaamoo soo dhawayntiinu baladhan tahay si aan mudaharaad xukuumadu ugu arag ma la socodsiiseen Hay’adaha nabadgelyada iyo laama socdaalka?

J: Dawlada si fiican baanu ugala xidhiidhnay, waanu war-gelinay, waraaqaanu u qornay, si fiican bay noo soo dhaweeyeen. Runtii waajibkoodana way ka gudanayaan sidaanu rajaynayno.

S: Guddoomiye, Waa’ayo cidda aad dawladda kala xidhiidheen?

J: Waxaannu la xidhiidhnay Wasaaradda Madaarada ee Duulista Hawada, Taliyaha Bilayska, Badhasaabka Gobolka Hargeysa, dhamaantood waanu la xidhiidhnay si fiican baanay noo soo dhaweeyeen. Si wanaagsan baannu isula af-garanay baratakoolka iyo qaabka soo dhawaynta labadaba, wax dhib ahna umay arkayn, Anaguna waxaanu u balanqaadnay in aanu kala shaqayn doono nabadgelyada oo soo dhawayntaas wax kale ka dhalan kari waayay.

S: Maxamd, Sida ay hore u sheegeen Wasiirro ka tirsan Xukuumaddu, hadiiba ay dhacdo in Gudoomiyaha KULMIYE Mr. Siilaanyo Madaarka Hargeysa lagu hor-istaago ilaa inta uu cafis ka dalbanayo Xukuumadda, maxaa tallaabo ah ee aad idinku Xisbi ahaan qaadaysaan ee idiin qorshaysan?

J: Walaahi C/fataaxaw sabab cafis uu u dalbado Gudoomiyuhu ma jirto. Waana arrin Wasiirro iska yidhaahdeen oo iyaga uun ku kooban, laakiin arrin meesha taallaba maaha. Gudoomiyuhuna wax lagu mushkiladeeyo muu samayn ee meelo aan Somaliland gaadhin ayuu gaadhay oo guulo ka soo hooyay. Qofkii si caadiya wax u arkayaana wuu arkayaa guusha uu soo hooyay, waxaana taas ka markhaati ah shahaadadii lagu gudoonsiiyay Maraykanka Siilaanyo.

S: Laakiin, may ahayn arrintani mid shakhsiyaad ka soo yeedhay ee waxay ahayd hadal ka soo yeedhay Wasiiro xukuumadda ka tirsan sida Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada oo isaguna mar labaad ku celiyay inuu Siilaanyo la kulmay masuuliyiin cadawga Somaliland ah sida Xildhibaan Donald Payne oo kale?

J: Dawladda Maraykanku waxay kala hadleen iskaashiga dhaqaalaha iyo waxyaalahaas, arrintaani mid meesha taala oo jirta maaha, Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland waadigii arkayay sidii uu u amaanayay ee uu guulaha uu gaadhay Siilaanyo ugu hambalyeeyey..

S; Taageerayaasha soo dhawaynayaa ma kuwii Gobolka Hargeysaa, mise Gobollo kale ayay ka imanayaan?

J: Waxa ka soo qayb-geli doona Madaxda Xisbiga, UCID ayaa ku jirta, garabkii Isbedel-doonka UDUB, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka, Culimo Awdiin, Abwaano, Waxgarad, Aqoonyahan iyo dad badan oo aan Kulmiye oo keliya ahayn.

Source/Hadhwanaagnews

Diyaarad Khaas Ah Oo Dawlada Maraykanku U Diyariyeen Md Axmed Silanyo Oo La Filayo Maalinta Axadda 20100130

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Diyaarad Khaas Ah Oo Dawlada Maraykanku U Diyariyeen Md Axmed Silanyo Oo La Filayo Maalinta Axadda




January 30th, 2010 Comments Off

Addis Abab (Somaliland.Org) Guddomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Silanyo ayaa soo gaadhay magaaladda Addis Ababa ee casimada dalka Ethiopia maalintii arbacadii, isagoo safar kaga soo noqday dalka Maraykanka. Guddomiye Silanyo ayaa intii uu joogay magaaladda Addis Ababa ayaa waxu kulamo la yeshay safiirka dalka Ingiriska u fadhiya Ethiopia, safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia, iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Ethiopia.

Md Axmed Silanyo ayaa waxa uu safar laba wiig qaatay ugu maqnaa dalka Maraykanka, kaas oo uu ka helay casuumad. Mudadii uu dalka Maraykanka joogay Guddomiye Silanyo waaxa uu kulamo la leeyahay masuuliyin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Baarlamanka Maraykanka iyo hayadaha caalamiga ah ee caawiya Afrika.

Kadib markii uu soo gaadhay magaaladda Addis Ababa ee kulamada la qaatay masuuliyinta dalkaas iyo safaaradaha qarbiga aya waxa u qorsheysnayd inuu maalinta Axadda ka dhoofo Muj Silanyo dalka Ethiopia, isaga oo raacaya diyaaradda Daallo Airlines.

Hase yeeshe, xukuumadda Maraykanka, gaar ahaan, safaradeeda dalka Ethiopia oo kaashanaysa xukumada dalka Ethiopia ayaa Md Silanyo ku war gelisay in ay u diyaarisay diyaar khaas ah oo qaadaysa isaga iyo marwadiisa, isla markaana aanu u baahnayn inuu diyarad kale raaco.

Waa markii ugu horeysay ee masuul Somaliland ah xukumada Maraykanku diyaarad khaas ah oo kaligi u gar ah u diyaariso. Waxa jiray safaro door ah oo Madaxweyne Rayale iyo wasiiradiisu ugu kicitimaan dalka Ethiopia oo Maraykanka, yaga oo isticmaalaya diyaaradaha caadiga, sida Daallo Airlines.

Xukuumadda Maraykanka ayaa tan iyo intii mashaqadu kasoo cusboonatay dalalka Somaliya iyo Yemen aad u xiiseynaysay qadiyada Somaliland iyo ictiraafkeeda. Sida warar aanu ka helnay ilo xog ogaal ah no osheegayan, xukuumadda Maraykanka ayaa maamulka Madaxweyne Rayale u aragta mid daciif ah isla markaana hanan kari wayday maamulka dalka, kana soo bixi karin la dagaalanka argagixisada ku fidaysa mandaqadda.

Diyaarada khaaska ah ee sida guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo marwadiisa ayaa lagu wadaa in maalinto berrito (Axada) ay so caga dhigato garoonka Diyaradaha ee Egal International Airport.

Somaliland.Org (c) 2010
Addis, Ethiopia

Afyaheenka Xisbiga UDUB Mujaahid Cali Guray oo Laga Hor Istaagay Inuu Fooda Geliyo Xarunta Madaxtooyadda Somaliland 20100128


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Afyaheenka Xisbiga UDUB Mujaahid Cali Guray oo Laga Hor Istaagay Inuu Fooda Geliyo Xarunta Madaxtooyadda Somaliland Hargeysa-

(Berberanews)-Afhayeenka Xisbiga Tallada haya ee UDUB Mujaaid Cali Guray, ayaa saaka ciidanka illaada madaxtooyadda Somaliland ka horjoogsadeen inuu gallo xarunta madaxtooyadda, ka dib markii abaaro 11:00 duhurnimmo ee maanta isagoo doonaya inuu gallo madaxtooyadda ay askarta illaladu ku wargeliyeen inaan la ogolayn cid gudaha u gudubta, waxaana halkaa ka dhahay muran dhexmaray ciidanka iyo mujaahid Cali Guray.

dad goob ka ahaa dhacdadan, ayaa u sheegay shebekadda Berberanews.com inay arkayeen murramnka xoogaystay ee u dhexeeya askarta iyo afhayeenka, kaasoo saxmad iyo buuq ka abuuray afaafka hore ee madaxtooyadda iyo wadada wadnaha ah ee hormarta, ka dib markii dadweyne aan sidaas u sii badnayd iyo gaadiid wadada marayey ay halkaas ku hakadeen. dadka goobta joogay waxay sheegeen inay arkayeen askarta oo tusaysa warqad aanay garanayn wax ku qoran, ka hor intii aan murranku abuurmin.


Haseyeeshee daqiiqado ka dib oo aanu goobta soo gaadhnay, ayaanu la kulanay Mujaahid Calii Guray oo taagan ka sooo horjeedka dhismaha Baarlamaanka oo dhawr tallaabo u jirta madaxtooyadda,isagoo dhex fadhiya gaadhiisa, islamarkaana ku mashquulsan telefoonkiisa gacanta ee Mobile-ka, oo ay ka soo yeedhayaan erayo uu ku muujinayo dareenkiisa iyo sida uu uga cadhooday arrintaa. waxaanu isku daynay inaanu weydiino waxa dhacay, balse isagoon weli jawaab noo celin, waxa goobta soo istaagay mid ka mid saraaksha sare ee illaalada madaxtooyadda, kaasoo doonayay inuu dejiyo Xaallada Mujaahidka, kuna qanciyo inuu raaco, laakiin isagoo Cali Guray ku mashquulsan weli telefoonkii uu gacanta ku hayay wuxuu ugu jawaabay sarkaaslkaa "Waan is-casilayaa, dibna umma gelayo, innan gumeed baa tihiin, isagana {madaxweyne Rayaale} imikaan telefoonkiisa garaacayaa, ma waxay ii haystaan Guul-wadayaashii Cali Gobonimmo iyo kuwa la midka ah ayuu na moodayaa"
kuwaasi waxay ahaayeen erayadii uu Cali ugu jawaabay Sarkaalka ka socday Madaxtooyadda oo aan weli ku qanacsanayn inuu sidaa kaga tago, laakiin akhirkii guul-darro kala hulleelay.

Mujaahid Cali Guray, oo u muuqday in laga qaban waayey amma uu mashquul galay telefoonkii madaxweyne Rayaale ee uu doonayey inuu la hadlo waxa uu ka dhaqaaqay goobtii, isagoo ku dhawaaqayay erayo ah ka mid yihiin "Saxaafadda ayaan immika isugu yeedhayaa" dhawr ka mid ah dhallinyaro ag taagnayd oo la socday xaallada illaa iyo wixii ka dhacay afaafka madaxtooyadda, ayaa ugu dhawaaqay "Caliyiw is-casil oo isbed-doonka ku biir amma halkaagii ku noqo"

admin on ·

Wasaarada Caafimaadka OO Lagu Eedeeyay Inay Leexsatay Raashinkii Dadka la Nool HIV/AIDS-ka.20100130

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Wasaarada Caafimaadka OO Lagu Eedeeyay Inay Leexsatay Raashinkii Dadka the Nool HIV/AIDS-ka.


"Shantii Bilood EE La Dhaafay Soo Ma Aanu Qaadan Raashinkii Quudinta Ahaa EE Ay Haayada WFP Na Siin Jirtay Anago Ah 890 Qoys" Hargesa (Ramaas) Jan.30, 2010 - Dadka xanuunka HIV nool? AIDS ayaa Wasaarada Caafimaadka Somaliland iyo Komishanka qaranka xakamaynta xanuunkaasi eedeeyay inay muddo bilood shan ku ee ah ka musuq maasuqeen Raashin yar oo Hay ay ay ' ada WFP soo marin jirtay u.
Qaar ka mid ah Dadka nool HIV AIDS, oo maanta u shabakada Ramaasnews, ayaa sheegay waramayay shantii bilood ee xanuunka dhaafay qaadan raashin wax aanay soo ah waxaanay sheegeen in raashinkaasi aanu ku baaqan Hay ' adii bixin jirtay.
"Shantii bilood ee soo dhaafay but qaadan raashinkii quudinta ee ay Hay ahaa aanu ' ada WFP siin jirtay anagoo na ah 890 qoys." Hay ' noo laga soo qaaday sheegtay waxay adiina but garanayno mariyeen Wasaarada Caafimaadka Komishanka AIDS-ka iyo halkay ee qaranku, "ayay oo ku hadlaysay magaca dadka Khadra tidhi xanuukaasi waxaanay intaasi dartay ku nool" Dawadii iyo wixii kale ee agab ahaaba waxaanu u helnaa you wanaagsan hase dheer ee aan galka aanu ee aanu ka Cisbitaalka guud ee Hargesa jirnay qaadan yaraa raashinkii weynay ahayn caqli muddadaasi waxaanu yeeshee. ""
Gabadhaasi waxay sheegtay Wasaarada Caafimaadka iyo qaranka ee xakamaynta AIDS-kaba ay Komishanka the xidhiidheen, balse jawaab wax aanay ah helin Hay masuuliyiinta ka ' adahaasi.
Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaan ka hadal loo soo ee jeediyay eedahan xidhiidha inaanay raashinkii bilaha siinin dadka asiibay xanuunka HIV/AIDS-ka uu ahaa.


Ramaasnews Desk
Hargeisa