Wednesday, 17 February 2010
Ciyaaraha kubada cagta Gobolada somaliland
Xukuumada Somaliland oo markii u horaysay sheegtay sababta tartanadiii gobolada loo qaban waayay
Hargeisa (GOLISNEWS)waxaa maanta markii u horaysay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu shaaca ka qaaday isababta loo joojiyay tartannadii kubada cagta iyo kolayga aanay ahayn itaal daro dhaqaale ee ay tahay arin xaga amniga la xidhiidha oo loo maaro waayay, arintan ayuu agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu sheegay mar uu saaka ka qayb galay shir imperial ay kulahaayeen ururada dhalinyarada iyo ardayda jaamacadaha Somaliland oo loogu googol xaadhayay maalinta dhalinyarada Somaliland.
Guud ahaan bulshada iyo bahda ciyaaraha ayaa in badan iswaydiinayay sababaha ka danbeeya in la hakiyo tartanadii ay sanad walba goboladu isku haleeli jireen ee ka dhici jiray caasimada waxaanay ku hanwaynaayeen in maruun dib loo furo tartanadaas laakiin arintan uu saaka agaasimaha guud ee wasaarda ciyaaruhu ku dhawaaqay ayaa dhabar jab ku ah hamigaas ay bulshadu qabtay waayo waxa uu ahaa tartan lagaga nasto guud ahaan waxyaabaha xun xun bilawna u ahaa hanaanka horumarinta sportiga ee wadankeena.
Tartankan ayaa waxa ugu danbaysay qabashadiisa sanadii 2005 oo ay kubada cagta qaaday kooxdii gobolka TOGDHEER ku ciyaaraysay kadib markii ay afka dhulka u dartay xidigyadii gobolka HARGAYSA ku ciyaarayay,
Mar aan wax ka waydiiyay dhalinyaradii ku sugnayd shirka qaban qaabada maalinta dhalinyarada Somaliland ayaa waxay aad wax laga xumaado kutilmaameen in dawladu sugi kari waydo ama ay u maaro waydo 6 gobol ciyaartoydoodii amnigooda waxaanay calaamatu su’aal geliyeen awooda kale ee ay yeelan karaan
Ciyaarahan ayaa waxa dawlada ka soo geli jiray lacag adag laakiin waxaa sanadwalba laysku eedayn jiray in ay cid gaara lacagtaasi qasnada ugu dhacdo sifo qaldana lagu maamulo waxa kale oo sanad walba lagu daraa miisaaniyada dawlada hadana lama qabto oo wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu waxay u taag la’dahay tartamada yaryar ee kooxahah heerarka kala duwani ku qabsadaan garoomada waaweyn ee caasimada
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment